W/Q: Sulaymaan B. Ciise
Buugga Iftiiminta Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Prof. Baadiyow waa mid ka mid ah qoraallada aqooneed ee ee dhifta ah ee isku darsada taariikh,falsafad, cilmiga bulshada iyo aragtida dowlad-dhis. Ma aha buug ujeedkiisu yahay in uu taxo dhacdooyin taariikheed oo keliya, balse waa mashruuc aqooneed ballaaran oo dib u eegaya sida taariikhda Soomaalida loo qoray, loo fahmay, loona adeegsaday. Qoraagu wuxuu ka tallaabsaday qaabka sheeko-taariikheedka ah, isaga oo akhristaha gelinaya hab-fikir cilmiyeed oo ku qasbaya waydiin adag: Taariikhda aan naqaan, ma xaqiiqo ayay ku dhisan tahay mise waa fasiraad ay sameeyeen cid gaar ah?
Taariikh-Qoris iyo Falsafad Taariikheed
Cutubka kowaad, Prof. Baadiyow wuxuu dhidibbada u taagayaa fahamka taariikhda lafteeda. Isaga oo adeegsanaya qeexid cilmiyeed, wuxuu kala saarayaa saddex macne oo isku xiran: taariikhda horteed (pre-history), taariikhda la qoray, iyo taariikhda sida cilmi ahaan loo derso. Qodobkani wuxuu burburinayaa faham caadi noqday oo ah in wixii aan qornay aysan taariikh ahayn.
Qoraagu wuxuu si qotodheer u falanqeynayaa taariikh-qorista Soomaalida, gaar ahaan doorkii ay ku lahaayeen mustashriqiinta iyo anthropologist-yada reer Galbeed, kuwaas oo Soomaalida u sawiray bulsho “taagan”, aan lahayn horumar taariikheed iyo nidaam dowladeed. Inkastoo uusan gebi ahaanba diidin waxqabadkooda, haddana wuxuu muujinayaa in aragtidoodu ahayd mid xaddidan kuna dhisnayd qaab-fikir shisheeye. Sidoo kale, wuxuu si miisaan leh u eegayaa aragtida taariikhda-yahannada dib-u-eegista (revisionist historians), isaga oo tilmaamaya in qaar ka mid ahi doodahoodu ay sax yihiin, balse qaar kelana ay hoos u dhiganayaan xaqiiqooyin taariikheed oo la hubo.
Aragti Cusub: Diin, Bulsho iyo Qaran
aragtida afraad oo ah tiirka dhiganaha waxay ku dhisan tahay dib u so celinta laba qodob oo si ula kac ah ama si dadban looga reebay taariikhda Soomaalida: doorka Islaamka iyo Doorka Dumarka. Qoraagu wuxuu ku doodaa in aan la fahmi Karin taariikhda Soomaalida haddii laga gooyo diinta Islaamka, maadaama ay ahayd tiir bulsho, dhaqan iyo dowlad-samayn. Sidoo kale, wuxuu jebinayaa laba-geeslaha adage e qabiil iyo qaran, isaga oo soo jeedinaya aragti ku salaysan bulsho iyo qaran, taas oo ku dhisan isfahamka, wada-shaqayn iyo dib-u-heshiisiin u dhaxaysa dowladda iyo bulshada. Tani waa aragti ka tarjumaysa waayo-aragimo aqooneed iyo faham qoto dheer oo ku saabsan dhibaatooyinka dowlad-dhiska Soomaalida.
Taariikhdii Hore iyo Ilbaxnimada Soomaalida
Cutubka labaadi, wuxuu si cilmiyeysan u burburinayaa tuhunka sheegaya in Soomaalidu ka soo haajirtay Jasiiradda Carbeed. Isaga oo adeegsanaya caddaymo sooyaal-baaris ah, daraasado afeed iyo xog taariikheed, wuxuu muujinayaa in dhulka Soomaalida uu ka mid yahay meelaha ugu faca way ee aadanuhu ku noolaa.
Goobaha sida Laasgeel, Karin Hegane, Buur-Heybe iyo jaleello, looma soo bandhigin uun sida xasuus dalxiis, balse sida caddaymo muujinaya in Soomaalidu lahaayeen ilbaxnimo facweyn oo ku salaysan nolol, dhaqan iyo farshaxan. Tani waxay buugga ka dhigaysaa mid awood u leh in uu beddelo fahamka guud ee taariikha Soomaalida.
Taariikhda Dhexe: Islaamka iyo Dowlad-samaynta
Cutubka saddexaad wuxuu diiradda saarayaa soo galitaanka Islaamka iyo samayska dowladihii Muslimiinta Soomaaliyeed. Masjidka Qiblatayn, qoraallada qadiimiga ah iyo raadadka Muslimiinta hore waxay muujinayaan in Islaamku soo gaaray Soomaaliya xilli aad u horreeya. Boqortooyadii Ajuuraan waxaa loo soo bandhigay tusaale dowlad-dhis ku salaysan nidaam, sharci iyo difaac, halka doorka dumarka- sida Bati Del Wambara- uu muujinayo in hoggaaminta taariikhda Soomaalida aysan ku koobnayn raga oo keliya.
Suufiyada, Gumaysiga iyo Isbeddelka Bulshada
Cutubka afraad iyo shanaad wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa doorka dariiqooyinka suufiyada ee qaabaynta bulshada Soomaaliyeed. Suufiyadu ma ahayn oo keliya culimo diineed, balse waxay ahaayeen macallimiin, hoggaamiyeyaal bulsho iyo tiir iska-caabinta gumaysi. Dhanka kale, gumaysigu wuxuu keenay isbeddello waaweyn oo dhaqaale, waxbarasho iyo bulsho, kuwaaas oo qaarkood burbur ahaayeen, qaar kalena dhaxal muran leh reebeen. Qoraagu wuxuu arrimahan u eegayaa si dhexdhexaad ah, isaga oo ka fog xagjirnimo aqooneed.
Waddaniyadda, Soomaaliwayn iyo Burburka Dowladda
Cutubyada lixaad ilaa sagaalaad, buuggu wuxuu isu beddelayaa falanqayn siyaasadeed oo qaan-gaar ah. Waddaniyadda, SYL iyo mashruucii Soomaaliwayn waxaa loo eegayaa riyooyin iyo xaqiiqooyin isdiiddan. Qoraagu wuxuu muujinayaa in xagjirnmadii siyaasadeed iyo taliskii milateri ay wiiqeen mashruucii dowladnimada. Burburka dowladda Soomaaliyeed looma fasirayo hal sabab, balse waa isbiirsasho arrimo juqraafi, dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed. Isku darka aragtida Ibnu Khalduun iyo Joel Migdal wuxuu buugga siinayaa miisaan caalami ah, isla markaana Soomaalida u gaar ah.
Gunaanadkii
Buugga Iftiiminta Taariikhda Soomalida waa buug ka gudbay sheeko, kuna tallaabsaday falanqayn iyo aragti. Waa qoraal ujeedkiisu yahay in la fahmo wixii dhacay, sababta ay u dhaceen, iyo sida looga gudbi karo cawaaqibkooda. Buuggan waa mid ku habboon arday, macallin iyo aqoonyahanba, maadaama uu bixinaya aqoon dood iyo aragti dib-u-dhis qaran horseedi karta. Prof. Baadiyow ma uusan qorin taariikh si loo xasuusto oo keliya, balse wuxuu u qoray si wax loo saxo,mustaqbalkana loo iftiimiyo.