W/Q: Cabdicasiis Mubaarak
Insaanka cusub & ruuxdiisa iska caabbin
Ma ahan dhacdo ku timid kadis in dunidu ay aragto Yaxya Al-S1nwaar oo dagaallamaya ilaa heerkii ugu dambeeysay ee naf-hurnimo, isaga oo ku sugan safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah Israa’iil bartaihii October 2024, halka dhinaca kale hoggaamiyayaal kale sida “Maduro” la arkay in si fudud looga qaatay habeennimo xaruntiisii amniga ahayd isaga oo madaxweyne dal dhan ah, billoowgii sannadkan.
Ujeeddada qoraalkaygan ma ahan in aan sameeyo isbarbardhig siyaasadeed ama militari oo u dhexeeya bidixda iyo midigta. Qormadan kooban waxaan doonayaa in aan ku soo kobo xagal aan ka arko labadii dhacdo ee aan ku billaabay qormadan.
Waxaa muuqanayso in aysan jirin iska caabbin mudan xusid oo ka dhan ah Gumaysiga Maraykanka “US Imperialism” marka laga reebo xoogagga Islaamiyiinta ee Dunida Islaakma – laga soo bilaabo buurihii Tora Bora ee Afghanistan, Muqdisho iyo dagaalkii UNITAF, ilaa Fallujah iyo Ramadadii Ciraaq billoowgii qarnigan 21aad, Waxaa intaa dheer xoogagga mandiqada ee haatan sida Iran, Hamas, Hezbollah, iyo Houthis oo la dagaallamayo Israel, oo ah udub-dhexaadka mashruuca Mareykanka ee gobolka.
Waxaan halkan iska weydiinaynnaa dhowr su’aalood:
Maxaa sababay in iska-caabbinta caalamiga ah ee Imperialism-ka Mareykanka ay ku koobnaato gobollada carabta iyo Islaamka?
Maxaase keenay in inta badan xoogaggaasi iska-caabbinta ay yihiin kuwo Islaami ah?
Arrintani kuma koobno oo kaliya falanqayn militari ama siyaasadeed, oo anigu labadaba ma ahi si aan uga falanqoodo, laakiin waxaa noo muuqan karo in dhaqdhaqaaq kasta oo militari ama siyaasi ah, uu ku taagan yahay falsafad fikir ah ama Ideolgy ka horreeyso. Saa darted Mareykanku ma uusan ku tiirsanaan xoog ciidan ama militari oo keliya, balse wuxuu si xeeldheer uga shaqeeyay sidii uu u “daciifin lahaa” awoodda ruuxiga iyo iskaashi ee bulshooyinka dalalka ay dirarta fikir, siyaasadeed ama diineed kala dhaxeeyso. Waxaa la dhisay nooc bini’aadam cusub oo lagu tilmaamo “post-modern human” kaas oo gebi ahaanba ku tiirsan raadcaynta raaxda, adeegyada iyo isticmaalka agabyo uusan ka fikirn soo-saariddooda, taas oo ka saartay ruuxdii iska-caabbin, geesinnimo, iyo u-huridda dan guud.
Habkan waxaa door muhiim ah ka qaatay awoodda jilicsan ama waxa loo yaqaan “soft power’’ ka sida filimada, madadaalada, makhaayadaha caalamiga ah, baraha bulshada, iyo aaladaha tignoolajiyadda. Sidaas ayay ku timid fikradda loo yaqaan “McDonaldization” iyo “Coca-Colonization” taas oo muujinayso in dhaqaalaha capitalism-ka casriga ah uu beddelay qaab-fikirka bulshada.
Inta uusan Maraykan dal weerarin waxa uu ku dedaalaa in Saqaafadiisa ay timaaddo dalkaas, filimadooda si weyn looga daawado, heer la gaarsiiyo in loo arko askariga ameerikaanka ah HERO aan la jabin Karin, sida ay u sawirto Hollywood ka, Maqaayadaha McDonalad ka loo arko kuwo calami oo qofki aanan wax ka cunin ay wax ka maqanyihiin, sidaas tartiib tartiibta ah ayaa loo qabatimaa illaa looga arko ilbaxnimada kali ah ee dhaq-dhaqaaqayso ayna tahay in aan ku dayanno si aan uga baxno dib-u dhaca aan kujirno.
Buuggiisa caanka ah ee “The End of History & the Last Man” waxa uu ku doodayaa Francis Fukuyama, aragti ah in caalamka oo dhan ay u baahnyihiin Libraaliyadda Galbeedka, aysanne jirin hab kale oo ka habboon, ama caqliyad kale oo bani’aadan oo keeni karto wax lamid ah ama ka fiican, saa dartedna taariikhda ay halkan ku dhammaatay.
Aragtidan “Fukuyuma”, galbeedka kumaysan xadidin dood falsafadeed buug ku qoran oo keliya, balse waxaa si ficil ah loogu hirgeliyey nolosha casriga ah, lana isku dayay in lagu dabbaqo dalaka ay gumaysiga ku imaadaan ama duullaanka militari ama magacyada kale. Sida Nietzsche sheegay, waxaa la soo saaray bini’aadam aan lahayn “will to power”, ama rabitaan awoodeed, insaan aan isku hawlayn halgan iyo iska caabbin, halka Tocqueville uu ku tilmaamay “soft selfishness”, taas oo ah nolol diiradda saarta danaha gaarka iyo u raaxaynta nafta shakhsiga, danne aanan ka gelin u dagaalamidda Mabda’ , difaacashadiisa ama u-naf-huriddiisa.
Haddaba, haddii aan isweydiinno sababta ay Baghdad u dhacday billowga qarnigan, ama sababta bulshada Venezuela aysan isugu hawlin difaaca Maduro, waxaa muuqata in u-huriddii ku dhisnayd qaddiyad ama wax uu qofka ilalasanayo ay hoos u dhaceen, iyadoo lagu beddelay wajibaad hawl maalmeed u eg, oo aan lahayn ruux iska-caabbin ama u halgan diineed ama xataa mid qaran.
Micheal Foucault waxa uu ku sheegayaa buuggiisa “Madness & Civilization” in nidaamka casriga ah ee galbeedka garwadeenka ka yihiin, uusan meesha ka saarin naf-huriddii, balse uu dib u qaabeeyay qofka maanta shayga uu wax u huri karo, saa darteed insaanka la doonayo maanta waa uu u huri karaa naftiisa wax soo-saarkiisa shakhsiyeed, horumarkiisa nafeed, ama guulihiisa dhaqaalo oo kali ah, laakiin waxay u badantahay in uusan isku hawlin halgan diineed ama mid qaran. Waana midda lagu dhisay aragtida loo yaqaanno “post-heroic world” oo ah adduun aan halyeeygu ahayn qof ummaddiisa u huray naftiisa, balse halyaygu yahay ciyaaryahan, fannaan, ama xiddig baraha bulshada ah oo waxbadan ku bixiyay in uu naftiisa caan ka dhigo.
Marka aan eegno dhammaan arrimahan, waxaa muuqata in goobta keliya ee weli ilaalinaysa fitradda ruuxiga ah ee dhiirrigelisa iska-caabbinta, naf-huridda, iyo adkaygsiga ay tahay Dunida Muslimka. Way dhici kartaa, ayna dhacday in heerka iska-caabbintaasi daciifto, la dooriyo ama la daroogeeyo, laakiin waxaan aad u rumeysanahay in cidda kali ah ee ka guulysan karto Gumeystaha Mareykan ay tahay cid haysto manhaj ka duulayo qaddiyad iimaan iyo aamminaad diimeed, sida uu ugu fashilmay Hantiwadaaggii shiyuuciyada in uu ka hortago gumaysiga galbeedka, ayey u fashilmi doonaan iska-caabbin walba oo aan ku dhisnayn qaddiyad iyo iimaan qoto dheer. Waxaa ne iigu filan tusaale iyo tilmaam iska-caabbinta iyo adkaysiga Islaamiyiinta ee Xammaas iyo xorayntii Afgaanistaan.
Si inta hartay la isu raaciyo, dunida carbeed ee boqortooyooyinka nimcadda iyo raaxada ku dhisanne sakhraan ka ugu sii socdo, waxaad ka arki kartaa dadaallada xooggan ee lagu beddalay, laguna sii beddalayo manhajyada waxbarasho ee waddamada Islaamka, iyadoo loo arkayo inay yihiin il muhiim ah oo soo saarta jiilal leh ruux iska-caabbin, qaddiyad, iyo difaac aqoonsi taariikheed.