Waxaa Qoray: Yusuf Nuuxi
- Hordhac
DP World Waa Shirkad Maaraysa Dekadaha isla Markaasna Horumarisa, waxay sidoo kale bixisaa adeegyada xamuulka, kaydinta iyo Logistic-ada, waxaa la aas`aasay 2005 waana Shirkad laga leeyahay Dalka imaaraatka “ UAE”
Dowladda Jabuuti iyo DP World iayaa gaaray heshiis ku saabsan Doraleh Container Terminal (DCT) oo la saxiixay sanadkii 2006, waxaana uu ahaa heshiis 30 sano oo isugu jira maamul iyo maalgashi (concession) . Heshiiskan wuxuu DP World u oggolaanayay in ay dhisto, maamusho, isla markaana ka shaqeyso terminal-ka, iyadoo Dowladda Jabuuti ay yeelatay saamiga ugu weyn iyo xuquuqda kormeerka danaha qaranka“National Interest Oversight”. Terminal-ka waxaa la go`aamiyay in lagu maamulo heshiis wadajir ah (Joint Venture) oo u dhexeeya DP World iyo Port de Djibouti SA (PDSA), kaasoo siinayay DP World xuquuq gaar ah oo ka hortagaysa tartanka dekedaha kale (exclusivity rights) iyo mas’uuliyad maalinle ah oo ku saabsan hawlaha dekedda Dooraleh.
- Khilaafka Labada Dhinac
Kadib, marka heshiiska labada dhinac uu jirsada 10 sano, waxaaa si tartiib-tartiib ah u soo ifbaxayay walaac iyo is faham la`aan labada dhinac ah, taas oo markii dambe circa isku shareertay.
23 Febraayo 2018, Dowladda Jabuuti ayaa gacanta ku dhigtay Doraleh Container Terminal, taasoo ay DP World dhistay isla markaana maamusha, sida ku xusan heshiis-kii 2006 la gaarey. Kahor inta Jabuuti ayna qabsan dekedda waxaa terminal-ka lagu maamuli jiray heshiis wadajir ah “Veneture Agreement” oo u dhexeeya DP World iyo Port Dejibouti “PDSA”. Luulyo 2018, PDSA si kali ah ayay ugu dhawaaqday joojinta Heshiiska Wadajirka ah, waxayna sidoo kale isku dayday in ay ka saarto agaasimayaasha DP World Maamulka wadajirka ah ee dekedda si ay iyada u maamusho.
DP World ayaa gal Cabasho u gudbisay Maxkamadda Ingiriiska ee London Court Of International Arbitraions “LCIA” waxayna ka dalbatay amar ka hortag ah (injunction Order) oo ka hor istaagaya Shirkadda Jdekedda jabuuti ee PDSA tallaabooyinka kaliga ah ee ay qaadayso illaa maxkamaddu ka gaarsoorayso khilaafkooda. Intaa waxaa dheer Shirkada Jabuuti ee PDSA waxay isku dayday in saamigeeda u wareejiso Dowladda Jabuuti iyadoo ku tiirsan Amar uu soo saaray Madaxweynaha Jabuuti, si loo qarameeyo dekedda Dooraale.
Maxkamadda LCIA ee London ayaa waxay go’aamisay in shirkadda jabuuti ee PDSA ay ku xadgudubtay Heshiiska Wadajirka ah “ Joint Venture Agreement” iyadoo si qaldan isugu dayday in ay joojiso heshiiska, isla markaana isku dayday in ay saamigeeda u wareejiso Dowladda.
- Dacwadda DP World iyo Jabuuti waxay markii ugu horraysay ka bilaabatay London sanadkii 2019, maadaama heshiiska qandaraaska dekedda Doraleh uu sheegayo in khilaafaadka lagu xaliyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Garnaqsiinta London (LCIA). Halkaas ayaa maxkamaddu ku xukuntay in Jabuuti bixiso $474 milyan, balse dowladda jabuuti ayaa ku gacan saydhay go`aanka isla markaasna diiday.
- Maxkamadda Federaalka ee Maraykanka ee Gobolka Columbia (U.S. District Court for the District of Columbia) ayaa 30-kii Luulyo 2024 Go`aan ka gaartay dacwad fulineed oo ay usoo gudbisay DP World, Dacwaddan waxay ku saabsaneyd fulinta go’aan garsoor oo ay horay usoo bixisay London Court of International Arbitration (LCIA), kaasoo amray in Dowladda Jabuuti ay bixiso magdhow dhan $474 milyan oo ay ku jirto lacagta khasaaraha joojinta heshiiska “Damges of doraleh Termination” ee bishii febraayo 2018. Ugu dambayn Maxkamadda Maraykanka ayaa jabuuti ku xukuntay in ay bixiso 200 Million oo ah in u dhiganta kala barka lacagtii ay Maxkamadda LCIA kusoo xukuntay Jabuuti. Balse, maxkamadda racfaanka ee Maraykanka ayaa gaashaanka u daruurtay xukunka lagu riday Jabuuti ee ay soo saartay Maxkamadda degmada ee Columbia, waxayna Goaankeeda u cuskatay in ayna suura gal ahayn wadan sida jabuuti oo kale ah in aan xoog wax loogu xukumi Karin balse ay doorbidayaan in si kale lagu dhameeyo.
- Ugu dambayn, 1 Oktoobar 2025, maxkamadda London ayaa mar kale go’aan soo saartay, iyada oo gebi ahaanba meesha ka saartay dacwad sheegasho $1 bilyan ah oo DP World gudbisay taas oo ay Dp World ku sheeganaysay khasaarihii soo gaaray intii ay ka daba wareegaysay dacwadaha DPSA iyo khasaarihii ka dhashay joojinttii heshiiskiii Doraleh Terminal. Maxkamaddu waxay caddeysay in shirkadda Port de Djibouti.SA”PDSA” aanay wax masuuliyad ah ku lahayn, maadaama go’aanka lagu joojiyey heshiiska uu ahaa mid dowladeed oo madaxbannaani ah. Murankan oo soo socday sannado badan ayaa marar kala duwan lagu kala xukumay maxkamado caalami ah.
- Jabuuti ayaa Soo dhowaysay go`aanka Maxkamadda oo ay ku tilmaamtay guul sharciyeed taariikhi ah, Madama Xukunku uu ahaa Mid kama dambays ah oo aan laga racfaan qaadan Karin.
- Sababaha Khilaafka
Khilaafka labada dhinac wuxuu salka ku hayaa arrimo dhowr ah oo dhinacba dhinaca kale uu ku eedeynayo. Dhanka jabuuti waxay dp world ku eedeeyeen in ayna horumarin badan ku samaynin Dekedda isla markaasna ayna miiska soo saarin faa`iidadii laga filaayay, oo ay usii dheertahay farogalin arrimo siyaasadeed ah. Aljaziira Media ayaa ku warrantay in UAE ay ka dalbatay Jabuuti Saldhig Ciidan “Millitary Base” balse ay jabuuti ku gacan saydhay dalabkaas taas oo wiiqday wada shaqayntii labada dhinac. Dhanka DP World waxay ku andacoonayaan shirkadda Port De Jabouti SA “PDSA” in ay jabiyeen heshiiskii Doraleh Terminal oo ay qaadeen ta;aabooyin Khasaaro badan gaarsiiyay, iyaga oo kusii daray in Shirkadda PDSA saami ay ku leedahay Dowladda shiinaha kaas oo gaaraya 23% sababta loo joojiyay heshiiskana ay tahay in shiinaha uu maamulo dekedda.
Gunaanad
DP World waa shirkad ka hawlgasha shanta qaarad ee Aduunka isla markaasna maamusho ku dhowaad 100 Dekedo, waxaa shaki ku jirin in shirkaddu ay hayso hanti fara badan oo awood u siinaysa maalgalinta dekedo kala duwan. Balse waxay Dp World lakulmaysaa dhaleeceen fara badan oo kaga imanaya dowladaha ay Dekadahooda ay maamusho, waxaana inta badan lagu dhaleeceeyaa Arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan: ku milanka Siyaasadda Gudaha iyo faragalinta dowladaha, taas oo ah wax ka baxsan heshiiska ganacsi ee ay shirkaddu galayso, sidoo kale, waxaa lagu dhaleeceeyaa in shirkaddu ayna diiradda saarin horumarinta dekedaha ay gacanta ku hayso oo kaliya marka koowaad ay xil iska saarto, taas oo dowladaha ay ku sheegeen in ay hoos u dhacdo dakhliga dekedaha. Intaa waxaa dheer Shirkaddu waxay si joogto ah u jabisaa heshiisyada ay la gasho dowladaha waxayna ka dhago adeegtaa digniinada iyo awaamirta dowlada ay martida u yihiin taas oo inta badan keenta is maandhaafka labada dhinac iyo in xalka loo arko in maxkamad la isla tiigsado.
