Tiir Adag oo ay Qaaradda Afrika leedahay: Professor James Small
W.Q: Bashiir Balcad
Taariikh-nololeedka Small
Professor James Small waa aqoonyahan caan ku noqday halgamaanimo, hoggaamin ruuxeed, iyo inuu yahay bare sare oo muddo ku dhow konton sano u taagnaa xoraynta iyo kor u qaadista dadka madowga ah ee ku baahsan dunida. James waxa uu 22-kii Oktoobar 1945 ku dhashay beerta Arcadia Plantation oo ku taalla xeebaha Waccamaw River ee gobolka South Carolina, Maraykanka. Halkaas oo uu ku soo barbaaray xilligii midab-takoorka iyo soo-ifbixii Dhaqdhaqaaqii Xuquuqda Madaniga, taasoo si weyn u qaabeeysay/jaheysay aragtidiisa nolosha iyo go’aankiisa ku aaddanaa raadinta caddaaladda bulshada madow.
Kadib markii uu ka soo baxay ciidanka badda Maraykanka (U.S. Navy), Prof. Small wuxuu si dhow ula shaqeeyay Malcolm X, isagoo markii dambe noqday Imaamka Masjidka Muslim Mosque Inc., oo ah urur diimeed uu Malcolm X aasaasay markii uu ka baxay Ururka Nation of Islam. Sidoo kale, Prof. Small waa wadaad aaminsan ruuxaaniyadda oo si buuxda loogu soo tababaray ruuxaaniyadda Afrikaanka ah ee Yoruba (Babalorisha Oya, ee Ifa), taasoo muujinaysa sida uu ugu howlanyahay ruuxiyadda iyo dhaqanka Afrikaanka.
Prof. Small wuxuu shahaadadiisa koowaadbka qaatay Jaamacadda City College ee magaalada New York (CUNY), waxaa kale oo uu macallin ka ahaa in ka badan 15 sano jaamacadda (CUNY), halkaas oo ka dhigayay daaraasaadka Afrika (Africana Studies). Isagoo ah cod dhiirran oo Afrikaanka matalaya wuxuu si joogto khudbado uga jeediyay jaamacado, xarumo bulsho iyo shirar caalami ah. Aragtidiisa ku salaysan Pan-Africanism-ka iyo in waxbarashada laga dhiso dadyowga Afrikaanka ayaa saldhig u ahaa hadalladiisa.
Dhanka kale, prof Small waxa uu aad ugu shaqeeyay horumarinta Afrika iyadoo dhalashadiisu Maraykan tahay, maxaa wacay, wuxuu ku dhaatay in uu Afrikaan yahay falsafadda modowguna aad ayay u dhiirigilisay. Waxa uu wax ka leeyahay, madaxna ka yahay dhawr shirkadood oo ka howlgala waddanka Ghana. Shirkadahaas waxaa ka mid ah: African-American Management Company iyo Sanaa Lodge Enterprise oo uu ka yahay asaase iyo maamule guud. Waxaa kale oo uu ku-xigeen ka yahay Ururka Midowga Afro-Amerikaanka (OAAU), iyo Midowga Caalamiga ah ee qurba joogta Afrika (World African Diaspora Union – WADU), oo ay shaqadoodu tahay in abaabulaan islamarkaana isku soo dabbaalaan Afrikaanka dunida ku faafsan.
Prof. Small, waxa uu sidoo kale ka soo muuqday kana talabixiyay tiro filimaan iyo dokumentariyo waaweyn sida taxanaha Godfather of Harlem (talabixiye taariikheed ahaan), Hidden Colors, 1804, Out of Darkness, Heavy is the Crown, iyo Cassius X: Becoming Ali. Aragtiyihiisu waxay weli saameyn ku leeyihiin sida taariikhda dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Afrikaan-Ameerikanka ah loogu soo bandhigo warbaahinta iyo jaamacadaha.
Marka laga soo tago tacliinta iyo warbaahinta, Prof. Small wuxuu hoggaamiyaa Cultural Heritage African Tours, Inc., oo qabanqaabisa dalxiisyo waxbarasho oo loo tago Afrika, Haiti, iyo gudaha Mareykanka, si dadka loogu sahlo in ay dib ugu xirmaan taariikhda, dhaqanka, iyo diimaha Afrikaanka.
Maanta, Professor James Small wuxuu weli yahay waxgarad si weyn loo ixtiraamo oo ka tirsan bulshada caalamiga ah ee Afrikaanka, isagoo noqonaya buundo toos ah oo u dhaxaysa halgamadii hore iyo rajada mustaqbal ee dadka Afrikaanka ah ee ku kala firirsan dunida.
Doodaha Prof. Small
Doodda koowaad:
Doodaha uu qabo Prof Small waxaa ugu weyn dood sheegeysa ninka cadi uu jahliga ku badanyahay illaa haddana uusan xadaarad/ilbaxnimo qotodheer uusan helin balse inta badan boob iyo xoog uu adeegsado taasoo ah astaan lagu garanayo dadka jahligu dulleeyay.Doodda uu Professor James Small qabo ee ku saabsan doorka caddaanka (Europeans) ee ilbaxnimada iyo hal-abuurka bini’aadamka waa mid adag oo si qoto dheer ugu salaysan aragti Afrikaan-centric ah. Wuxuu si joogto ah u dhaliilaa sheegashada ah in reer Yurub ay yihiin aasaasayaashii ilbaxnimada casriga ah. Waxa uu aa leeyahay “Caddaanku ma ahayn hal-abuurayaal ilbaxnimo iyo aqoon cusub keenay, waxa ay se ahaayeen kuwa xoog ku qaatay oo dib u habeeyay ilbaxnimadii ay dad kale hore u dhiseen.”
Dooddiisa tiirarka uu ku dhisay waxaa ka mid ah: Ilbaxnimadii ugu horreesay waxay ka timaadday Afrika. Prof. Small wuxuu ku dooday uuna caddeeyay in ilbaxnimadii hore sida Nubia, Kemet (Masartii hore), iyo Carthage inay ahaayeen tiirarka ugu horreeya ee aqoonta, falsafadda, sayniska, injineernimada, iyo nidaamka bulshada ee ilbaxnimada casriga ah hooy u aheyd.Wuxuu qabaa in reer Yurub wax ka barteen Afrika iyo Bariga Dhexe, wuxuuna carrabka aad uhu adkeeyaa islamarkaama tilmaamaa in marka la eego xilligii ay reer Yurub qabsadeen Afrikada Waqooyi iyo Andalus (Spain), ay halkaas ka heleen buugaag, aqoon, iyo nidaamyo dowladeed oo ka horreeyay tii ay iyagu lahaayeen. Wuxuu tusaale u soo qaataa in Jaamacadda Al-Qarawiyyin ee ku taalla Fez, Morocco (la aasaasay 859 C.E.), ay ahayd jaamacaddii ugu horreysay ee aan diini ahayn ee si rasmi ah loo dhiso, halkaas oo reer Yurub wax ka barteen.
Caddaanku waxay awoodda iyo hoggaanka hantern kaddib markii ay adeegsadeen cudud ciidan iyo nidaam dhul qabsasho oo dad jiray lagu gumaynayo. Sida uu tilmaamayo prof. Small, reer Yurub waxay fursad heleen inay dunida hagaan iyagoo gaadiid ka dhiganaya dagaallo diin iyo dhaqaale urursi ku qotoma, sida dagaalladii saliibiyiinta (Crusades) iyo gumaysi (colonialism). Intaas waxaa soo raaca inay in ay si fudud u xadeen aqoon soojireen ah iyo dhaxaldhaqameed ay kasoo minguuriyeen iyagoo aan marna xusin asalka aqoonta ay soo bililiqaysteen.
Prof Small mar kale wuxuu leeyahay; “Hal-abuurka dhabta ah wuxuu ka yimid dad aan caddaan aheyn”
Wuxuu aaminsan yahay in ilbaxnimada Masar, Axum, India, Shiinaha, iyo Maya ay horumarsanaayeen ka hor gumeysiga reer Yurub. Caddaanku waxay kaliya “nidaamiyeen” aqoontii ay ka heleen ilbaxnimadaas.
Gebagabada:
Prof James Small waxa uu noloshiisa oo dhan galiyay sida uu u hormarin lahaa aqoonta, falsafadda, dhaqanka Afrikaanka taas oo keensatay inuu noqdo summad ku tilmaaman frikaannimo.
Doodihiisa waxaa udub-dhaxaad u ah in dadkan caddaanka ah aysanba waligood soo ifsaarin wax cusub ee balse ay wixii ay taagtooda ku dhacsadeen ay hagaajiyeen ayagoo buubuuniyay islamarkaana saldhig uga aqoonyahanno caan ah si ay u socodsiiyaan sheegasgadaas.
Prof James hadda diimaha Ibraahiimiyada loo yaqaanno ma heysto balse waqti uu Muslim ahaa ayaa jirtay oo xitaa uu masjid imam ka ahaa, ha se ahaatee hadda waxa uu aad u daraaseeyaa aaminsanyahanna dhaqamada iyo caadooyinka aaminaadda ku dhisan ee afrikaanka sida Ifa/Yoruba Spiritual Tradition (Diinta Ifá ee reer Yoruba), Gaar ahaan Oya, oo ah ilaahadda duufaanta, isbeddelka, iyo xasuusta ee nidaamka Ifa. Ifa waa nidaam diimeed falsafadeed oo ruuxi ah, una dhashey bulshada Yoruba ee galbeedka Afrika (Nigeria, Benin, Togo), balse si weyn ugu faafay Jamayka, Haiti, Cuba, Brazil, iyo bulshada madow ee Maraykanka.
