10-ka  Dardaaran ee 10-ka maalmood ee Dulxajj

10-ka  Dardaaran ee 10-ka maalmood ee Dulxajj

W/Q: Cali Bin Raashid Al Maxarii

W/T: Iftin Cabaade

Waa maalmaha Alle agtiisa loogu jecelyahay ,Tobanka hore ee Dhu’l-Xijjah

Allaah wuxuu yiri: وَٱلْفَجْرِ ١ وَلَيَالٍ عَشْرٍۢ ٢﴿

Ibnu Kathiir wuxuu yiri maalmahaa: “Waxaa loola jeedaa tobanka hore ee Dhu’l-Xijjah.”

Ma jiraan maalmo camal saalix ah la sameeyo oo uu Alle uga jecayl badanyahay maalmahan.

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri: “Ma jiraan maalmo camal saalix ah la sameeyo oo uu Alle uga jecayl badanyahay maalmahan.” Saxaabadu ayaa markaas dhahay: ” yaa Rasuulallaah, xitaa Jihaadka?” Wuxuu yiri: “Xitaa Jihaadka Alle dartii ah, intii aan ka ahayn nin naftiisa iyo maalkiisaba ku baxay oo waxba uga soo laaban.”

  1.  Dedaalkiinna kordhiya  maalmahan;

Intee dad ah oo qiimo nagu  lahaa ayaa maanta dhulka hoostiisa ku jira? Ma dareemaynnaa nicmada ah in aan gaarno tobanka Dhu’l-Xijjah, oo aan wali awoodno in aan camal fiican samaynno, oo aan xisaabteenna kor u qaadno? Ma dareemeynnaa.  Waa fursad dahabi ah in aan towbad sax ah iyo  niyad cusub la nimaanno, kuna dedaalno camal wanaagsan.

2. Waa fursad wanaagsan;

Qof walba oo kala fogaansho kala dhaxeyso qof kale, ha uga faa’iideysto maalmahan, ha la  isku soo dhowaado, ha na la is  cafiyo, walaalnimada iyo wanaaggana ha la cusbooneysiiyo  si loo helo aqbalaadda camalka.

3-Soonka:

Waxaa la soomaa maalinta 1aad ilaa 9aad. Maalinka 9aad waa maalinka Carafo, Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: “Soonka maalinta Carafo waxaa lagu tirtiraa dembiyada sanadka  hore iyo sannadka danbe.” (Muslim)

4-Salaadda waqtigeeda ha lagu dhowro;

Salaadaha sunnooyinka (shafaca,  witr, duxaa, qiyaamul layl, rawaatib, adkaar kadib salaadaha subaxdii, fiidkii, iyo marka la seexanayo) ha la joogteeyo.

5-Quraanka,

Ha la cusbooneysiiyo xiriirka Quraanka. Akhriskiisa, fahamkiisa, iyo la falgalka aayaadkiisa waa in lagu dadaalo si joogto ah, xilli  walba, ee ma aha kaliya xilliyada fadliga leh.

6- Xajka:

Waa camal aad u qiimo badan. Abuu Hurayrah wuxuu yiri:

“Nin baa Rasuulka weydiiyey: ‘Camalkee ayaa ugu fadli badan?’

Wuxuu yiri: ‘Iimaanka .’

Wuxuu yiri: ‘Kadib?’

Wuxuu yiri: ‘Jihaad Alle dartii .

Wuxuu yiri: ‘Kadib?’

Wuxuu yiri: ‘Xaj mabruur.’” ( Saxiixeynka)

7-Ha la joogteeyo Sunnada Takbiirta:

Allahu Akbar. Allahu Akbar. Laa ilaaha illallaah.

Wallahu Akbar. Allahu Akbar wa lillaahil hamd.

8-Sadaqo, sakada, iyo qaraabo xiriirnta,

Ku noolow iimaan, ku noolow rejo, ku noolow dedaal, kuna noolow in aad dadka wanaag u rajeyso sida aad naftaada ugu rajeysaba.

9-Imaam Shaafici wuxuu yiri:

“Haddii aad leedahay saaxiib kugu caawiya daacada Ilaahay, ha siidayn ee dhowro; maxaa yeelay in saaxiib wanaagsan waqti dheer lala joogo way adag tahay, laakiin ka tagistiisu waa mid sahlan.”

Sidaas darteed, ha ka tagin saaxiibka wanaagsan. La fadhiiso kuwa kheyrka iyo cibaadada ku fiican oo kuu noqda sida qof udugga kuu xambaara.

10-Ha ku farxin inaad tobankan maalmood soo  gaartay oo keliya!

    Laakiin ku farax in aad ku guulaysatay taqwo iyo cibaado. ka dhigo tobanka Dhu’l-Xijjah bilowga safarkaaga guusha adduun iyo aakhiraba. Ka dhigo maalmahan maalmo maxabbo leh .  kula joog ama ku qaado jacayl Alle agtiisa. Ku noolow cibaado, salaad, towbad, naxariis, cafis iyo saamaxaad. Markaas baa farxad iyo raynrayn laga dhaxlayaa.

    Ilaahay ha naga aqbalo camalkeenna suuban. Ciid wanaagsan iyo sannad wanaagsan dhammaantiin. Alxamdulillaah. Nabiga (NNKH) ha u sugnaato  salaan iyo nabadgalyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *