Gargaarka hodan kama dhigi karo dalalka faqriga
Fiiro: Maqaalkaan waxaa asalkiisa faafisay majallada The Economist. Waxaa warbxiintaani af Soomaali usoo rogay Abshir Tifow.
Tobannaan sano, ayay masuuliyiintu ballanqaadayeen in sare loo qaadayo kobaca dhaqaale. Tobannaan sano, waa ay ku guul darraysteen.
Malawi, mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, waxa uu ku tiirsanyahay kaalmada dibadda. Caasimada waxaa todaatameeyadii dhisay Bangiga Adduunka. Hareeraha waddooyinka Lilongwe waxaa buuxdhaafiyay hay’adaha samafalka, hay’adaha horumarinta iyo xafiisyada dowladda. Xaafado aan rasmi ahayn ayay hoy u tahay, cunto-kariyayaal iyo nadaafadlayaal u shaqeeya shaqaalaha ajaanibta; illinka xaafad kasta waxaa lagu calaamadeyay calanka dawladda taageertay. Britain waxay maalgelisaa iskuullada, Japan waxay taageertaa mashaariicda tamarta, Yurub waxay taageertaa beeraha, Ireland-na waxay taakuleysaa shirkadaha maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha cadaaladda. Wasaaradda caafimaadka, oo ay dawlada Shiinuhu maalgeliso, albaabbadeeda waxaa lagu calaamadeeyay magacyada deeqbixiyayaasha, halkii lagu dhigi lahaa magacyada waaxyaha ay ka kooban tahay. Badankooda waxaa ku qoran “USAID”.
Dhawaan, bil ka hor, Donald Trump waxuu hakiyay maalgelinta hay’adda uu Mareykanku ku bixiyo inta badan caawinta, shaqo muhiim ah ayaa istaagtay habeen iyo maalin gudahood. In kasta oo tanaasul dib ka yimid lagu ogolaaday “mashaariicda badbaadinta nolosha” inay dib u bilaabmaan, tanaasulkaas oo ku ekaa mashaariicda ansixinta ka helayay diblomaasiyiinta horumarinta ee maxalliga ah, kuwaas oo inta badan la rukhseeyay. Mashaariic yar ayaa dib u bilaabmay. Dalka Malawi, hay’adaha samafalka ee xanaanada hooyada iyo kaalmada qaxootiga ayaa shaqadii joojiyay, mana filayaan inay albaabadooda dib u furaan ilaa amarka 90-ka maalmood ee Madaxweyne Trump uu ka dhammaado. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah mashaariicda la joojiyay waxa ay ahaayeen kuwo kala ujeeddo ah. Ma aysan ahayn mashaariic badbaadineed.Taas beddelkeeda, waxay diiradda saareen ujeeddooyin maaddi ah sida inay ka dhigaan Malawi mid hodan ah.
Joojinta caawinta shisheeye waxay bixisaa fursad: Maxay qaar ka mid ah Afrikaanka fursad ugu arkaan joojinta gargaarka?
Go’aanka Trump waa tusaale cad, oo ka tarjumaya isbeddel ballaaran. 25-kii Febraayo, Sir Keir Starmer ayaa dhimay miisaaniyadda kaalmada ee Ibgiriiska xaddii u dhexeeya 0.5% ilaa 0.3% ee dakhliga qaran, si uu u kharash dheeri ah ugu helo waaxda difaaca. Faransiiska, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee galbeedka kadib Mareykanka, ayaa sannadkan yarayn doona kaalmada ilaa 35%. Jarmalku wuxuu sidoo kale ku talo jiraa dhimista gargaarka. Codeyta dadweynaha ayaa muujinaysa taageero ballaaran oo ku aaddan go’aamadan. Hay’adaha maaliyadeed ee waaweyn, oo ay ku jiraan IMF iyo Bangiga Adduunka, weli waxay ku adkeysanayaan muhiimada maalgelinta horumarinta — taas oo loogu talagalay in dalalka ay ka dhigaan kuwo hodan ah — laakiin xitaa mowqifkan waxa uu u muuqdaa mid daciif ah: Qaar ka mid ah dhaqaale-yaqaannada horumarinta ee saamaynta leh ayaa hadda su’aal ka keenaya waxtar intee la eg ayay kaalmadani leedahay? Wax sidan dhaama ma ka dhalan karaan qalalaasaha cusub?
Raad-raaca Xogta
Marka Hore ka feker halka ay lacagtu aaddo. Sannadkii hore dalalka hodanka ah waxay kaalmada dibadda ku bixiyeen $256bn (ama 0.4% ka mid ah wax-soo-saarkooda guud ee gudaha), waana lacag la eg wadarta guud ee dakhliga canshuuraha ee ay soo xareeyeen dawladdaha Afrika ee saxaraha ka hooseeya. Kaliya qayb yar oo ka mid ah kharashka ayaa gaari doona arrimaha dhaqan ee loogu talagalay, sida maalgelinta samafallada qaybtooda ka shaqaysa sare u qaadista dimuqraadiyadda iyo wargeysyada madaxa bannaan oo kooxda Trump ee MAGA[1] ay neceb tahay. Qiyaastii rubuc ka mid ah ayaa ahaan doona kaalmo samafal (kaas oo daboolaya gargaarka masiibooyinka iyo qaxootiga) iyo lacagta caafimaadka (sida daaweynta HIV, tallaallada iwm). Dhimista kaalmada Mareykanka iyo Ingiriiska waxay si weyn u abuurtay walwal ku aaddan waxa dhici doona marka ay saameyn ku yeelato qaatayaasha kaalmada noocan ah.
Hayeeshee, hakinta USAID, wuxuu Trump sidoo kale ku cuuryaamiyay nidaam aad u ballaaran oo loogu talagalay kordhinta kobaca dhaqaale. Kharashka ku baxa horumarinta ayaa ka badan afar-meelood seddex meel kaalmada oo dhan. Inta badan waxay lacagtani kabtaa waaxyaha la doorbido, waxay badanaa maalgelisaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, mararka qaarna mushaarka macallimiinta ayaa lagu bixiyaa. Celcelis ahaan qofka reer Malawi ah waxaa sannad walba hay’ado caalami ah ku bixiyeen lacag ka badan inta ay dowladdoodu ku bixisay tan iyo markii dalku xornimada ka qaatay Ingiriiska ee sannadkii 1964-kii. Xaaladda hadda ee Lilongwe waxay muujinaysaa himilooyinka kaalmada horumarineed; faqriga dalkaasina wuxuu ka turjumayaa guul-darradiisii.
Hay’adaha horumarinta ayaa markii ugu horeysay la aasaasay si ay u taageeraan dalalka dhawaan madax-bannaanida helay. Iyada oo laga duulayo hawlgalkii Marshall Plan, ee lacagta Mareykanka dib loogu dhisay Yurubtii dagaalka kadib, ayuu Madaxweyne John F. Kennedy dhidibbada u taagay USAID sanadkii 1961-dii. Ballanqaadku wuxuu ahaa in adduunka hodanka ah uu noqon doono mid u wanaagsan kuwa ka liita, isla markaana si dhaw saaxiib ula ah waddamada maalgelinaya kobocooda. Dhaqaale-yaqaannada darsa kaalmada waxay u arkeen dalalka faqriga ah si la mid ah sida dalalka yaryar ee hodanka ah oo kaliya u baahan maalgelin dadweyne oo dheeri ah. Hay’adihii xilligaas qaar ka mid ah, oo la filayay inay ku meel gaar ahaayeen, ayaa weli bixinaya lacag.
Dagaalkii qaboobaa kadib, kaalmada labada dhinac waxay marar badan ku xirnayd dib-u-habaynnada dimuqraadiyadda, iyadoo siyaasiyiintu ay rumaysnaayeen in hogaamiyayaasha kalitaliska ah ay dalalkooda ku hayaan saboolnimada. Markii loo gudbay 2000, horumarintu wuxay yeelatay midab caalami ah oo ballaaran, waxay diiraddu u wareegtay dhisida raasmaal aadane, iyada oo loo marayo hagaajinta iskuullada iyo daryeelka caafimaadka. Laga bilaabo 2004 ilaa 2014, kharashka kaalmada ayaa kordhay 75%. “Waxaa jiray dareen dhab ah”, ayuu yiri Stefan Dercon oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, “haddii uu jiro waqti la filayay in wax laga qabanayo, waa kan”.
Wax badan ma aysan qabsoomin. Laga bilaabo 2014 ilaa 2024, 78-ka dal ee ugu faqrisan adduunka ayaa u kobcay si gaabis ah marka la barbar dhigo tobankii sano ee ilaa 1970-kii, markaas oo ay kaalmadu bilaabatay. Tani la yaab ma leh marka la eego daraasado hore loo sameeyay. Sannadkii 2004, William Easterly, oo ka socda Jaamacadda New York iyo saaxiibadiis ayaa ogaaday in, laga bilaabo 1970 ilaa 1997, ay isku mid ahayd suurtagalnimada inay kaalmadu caawiso kobaca dhaqaale ee dalalka dunida ugu saboolsan iyo inay hoos u sii dhigto. Sanad kadib, Bangiga Adduunku wuxuu sameeyay baaritaan ku saabsan labaatankii sano ee kaalmada horumarinta, isaga oo baaray sooyaalka kaalma-qaatayaasha. Cilmi-baarayaashu waxay natiijada ku ogaadeen in deeqaha iyo amaahdu aysan waxba ka beddelin kobaca. Sannadkii 2019, Sanduuqa lacagta adduunka (IMF) wuxuu gaaray natiijadan mid la mid ah. Sida Charles Kenny oo ka tirsan Xarunta Horumarinta Caalamiga ah, leeyahay: “Ma jiro dal ku kobcay kaalmo.”
Jiil kasta oo kharashka horumarinta ah ayaa u guuldareystay si u gaar ah. Dadaalladii hore waxay dhiseen buundooyin badan, kuwaas oo qaarkood aan lahayn meelihii loo baahnaa inay isku xiraan. Sannadkii 2005 David Dollar iyo Jakob Svensson oo labaduba ka tirsanaa Bangiga Adduunka, iyo Dani Rodrik oo ka tirsan Jaamacadda Harvard, waxay darseen lacagaha la la xiriiriyo dib-u-habaynnada siyaasadeed, mana aysan helin dal keliya oo lacagahaas deeqda ah ay u horseedeen siyaasado wanaagsan. Hoggaamiyayaasha dalalku waxay ka welwelsanaayeen oo keliya sidii ay xukunka u sii haysan lahaayeen; rabitaan xooggan oo ku filan inuu qalloociyo talo kasta, iyo lacag inta ay doonto dhan, oo ay bixiyaan xafiisyada gargaarku. Waxqabad hore oo David Dollar leeyahay, ayaa xaqiijiyay in kaalmadu sii xoojisay tubtii ay dawladdu ku taagnayd; iyada oo dardargelinaysay dalalka diyaarka u ah inay hirgeliyaan dib-u-habayn dhaqaale oo weyn, halka ay hoos u sii dhigtay kuwa aan diyaarka u ahayn, tira ahaanna labada qolo waa isku mid. Masaladu way fududayd; ma jirin hab lagu ogaan karo dhaqanka dal kasta kahor inta aan lacagta loo dhiibin.
Lacagta caafimaadka lagu bixiyay waxay samaysay xoogaa guulo muuqda ah. Gargaarka daaweynta HIV/AIDS ayaa hoos u dhigay kala bar dhimashada cudurkaas labaatankii sano ee ilaa 2020. Hase yeeshee, ma aysan abuurin kobac dhaqaale. Sida oo kale, cilmi-baaris ayaa muujisay xiriir yar oo ka dhexeeya lacagta loogu talogalay waxbarashada aasaasiga ah iyo natiijada kobaca dhaqaale. Sannadkii 2015, Axel Dreher, oo ka tirsan Jaamacadda Heidelberg iyo Steffen Lohmann, oo markaas ka shaqaynayay Jaamacadda Göttingen, waxay darseen dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee deegaannada ka dib dhismaha iskuullada, guryaynta bulshada, iyo mashaariic kale oo laga hirgeliyay goobo kala duwan, mana aysan helin wax koror ah oo ku yimid tirada nalalka korontada, taas oo ay u adeegsadeen calaamad muujinaysa kobaca dhaqaale. Waxay ku doodeen inaysan jirin ganacsiyo ku filan oo ka faa’iidaysan kara xirfadaha cusub ee dadka deegaanka. Dhanka kale, halkii ay kaalmadu sare u qaadi lahayd awoodda dalka kaalma-qaataha ah u leyahay inuu bixiyo adeeg dadweyne, waaba ay sii wiiqdaa. IMF waxay xaqiijisay in marka lacag badan oo horumarin lagu bixiyo dal inay dhanka kale hoos u dhacaan canshuuruhu. Sannadkii hore, Avi Ahuja, oo ka tirsan Jaamacadda New York ayaa baaritaan uu sameeyay natiijo ku gaaray in lacagaha caawimaaddu ay abuuraan nidaamyo siyaasadeed oo aan tartan lahayn, iyadoo madaxda joogta ay lacagahaas u adeegsadaan inay codad ku helaan.
Dhowaan, dhaqaalyahanno quus taagan ayaa soo xigtay shaqada Esther Duflo, oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel, kana tirsan MIT, iyada oo adeegsata tijaabooyin la isku dhex yaaciyay oo la maamulo (Randomised Controlled Trials) si ay u baarto wax-ku-oolnimada mashruucyada kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, waxay soo saartay natiijo niyajab leh: ma jirto sabab keenaysa in hannaan ku guuleystay xaafad gaar ah uu ku guuleysto xaafad kale, iskaba daa qaarad kale e. Tusaale ahaan, deeqo lacag ah oo la siiyay haween ku nool tuulo Hindiya ku taal ayaa sare u qaaday caafimaadka ubadkooda gabdhaha ah (iyo waliba wiilasha), halka tuulo kale kharashka ku baxay uu ku guuldarraystay hagaajinta fayadhawrka, iyo xataa sare uqaadista quudka guryaha. Natiijooyinka Marwo Duflo waxay la jaanqaadayaan cilmi-baaris kale. Bangaladesh, daryeelka caafimaad ee bilaashka ah ayaa cuuryaamiyay adeeggii gaarka loo lahaa. Afrika, isbitaallo lagu maalgeliyay deeqaha ayaa ku hawshooday inay dheefsadaan khibradaha dhakhaatiirta Mareykanka.
Agoomoobay:
Maxay tahay sababta ka dambeysa guuldarrooyinkan? Hay’adaha kaalmada badanaa waxaa lagu eedeeyaa inay lacag ku lumiyaan maamulxumo. Laakiin dhibaatadu intaa way ka qotadheer tahay: wax aragti ah kama haystaan sida loo horseedo kobac dhaqaale. Aragtida lagu saleeyo gargaarka Galbeedka waxaa si weyn u sameeyay aragtida bidixda (liibiraaliyadda), gaar ahaan fahamka Biritishka. Mas’uuliyiintu waxay maanka ku hayaan inay dhisaan waaxo gaar loo leeyahay oo suuqyada caalamiga ah wax u dhoofin karta, iskuullo awood u leh, inay soo saaraan shaqaale kacaamiya shirkadaha, iyo kaabayaal soo jiidan kara maalgashi. Kaalma-qaataasha waxaa lagu riixaa inay kala furfuraan xeerarka hor taagan suuqyada xorta ah, iyo inay yareeyaan kharash garaynta laga maarmo.
Haddana, way adag tahay in lagu bixiyo lacago badan, iyada oo aan dalalka saboolka ah loo rogin dhaqaale yar oo loo taliyo. Mashaariicda horumarintu inta badan waxay isku dayaan inay dhisaan warshado dhan, sida beeraha, caanaha ama kalluumeysiga, iyagoo eber ka bilaabaya. Shuruudaha lacag-bixintu waxay ilaa xad shabbahaan hannaankii Soofiyeedka. Sannadkii 2022, deeq caadi ah oo la siiyay waaxda kalluumeysiga ee Tansaaniya, oo uu qayb ahaan Mareykanku maalgeliyay, ayaa waajib ka dhigtay in wax-soo-saarka la kordhiyo shan jeer 15-ka sano ee soo socota.
Waxaa jira caqabado badan oo ka jira siyaasadaha warshadeynta, oo la mid ah kuwa dalalka hodanka ah, sida xulashada warshadaha guuleysan kara. Sannadkii 2015, Lindsay Whitfield oo ka tirsan Kulliyadda Ganacsiga ee Copenhagen iyo qorayaal la shaqaynayay ayaa darsay 14 warshadood oo Afrikaan ah oo gargaar helay. Waxay ogaadeen in deeqaha ka dib, laba keliya ay kordhiyeen wax-soo-saarkooda. Masuuliyiinta gargaarka reer Galbeedka waxay badanaa rabaan inay ka hortagaan siyaasiyiinta maxalliga ah, oo maamula warshadaha muhiimka ah, inay faa’iido ka helaan mashaariicdooda, taasoo ka dhigan inay doortaan waaxyo daahsoon si loo sameeyo canshuur-dhimis, deymo, iyo kab. Maalgashadeyaal aan badnayn ayaa hura raasamaal, mana badna danaynta siyaasiyiinta maxalliga ah, taas oo horseedda inay ganacsiyadu u guuldarraystaan si gabaabsi ah.
Dalalka kaalama-qaatayaasha ayaa sameeyay hay’ado maamul oo dhan oo u heellan qorsheynta, helidda, iyo diiwaangelinta gargaarka. Dowladda Malawi, tusaale ahaan, waxay maamulka kaalamada u shaqaaleysiisaa dad ka badan kuwa ay u shaqaalaysiiso kormeerka ganacsiga. Sabab baa jirta arrintan ka dambaysa. Lixdan sano oo deeqo la bixinayay kaddib, waddamada adduunka ugu saboolsan waxay bixiyaan adeegyo bulsho oo ka baxsan karaanka dakhligooda canshuurta. “Sababta ugu horeysa ee aynaan u noolaan karin kaalmada la’aanteed waa inay tahay dhammaan lacata aan heli karno” ayuu yiri sarkaal Afrikaan ah.
Tani waxay ka dhigeysaa hoos u dhac kasta oo ku yimaada lacagta horumarinta, haba ahaato wax aan badnayn, mid aad u caaqibo xun. Hoggaamiyayaasha qaranku waxay ku hanjabaan inay yareyn doonaan kharashaadka caafimaadka ama waxbarashada, ama inay ka hor yimaadaan inay lacagta dalkooda ku daayaan suuqa. Siyaasiyiinta ayaa inta badan isku dayaya inay la shaqeeyaan deeq-bixiyayaasha si ay adeegyada bulshadu u sii socdaan, isla markaana ay ka dhuuntaan dib-u-habaynta adag ee ay deeqbixiyayaashu dalbadaan si aysan u lumin taageerada shacabka. Dowladaha Masar, Kenya iyo Pakistan waxay dhammaantood ku jiraan xaaladdan, iyadoo siyaasiyiintu ay la kulmaan ciqaab markay ku fashilmaan inay labada dhinacba qanciyaan. Muddooyinkii dambe mudaaharaadyo ayaa ka dhacay Qaahira, Nairobi iyo Karachi, kadib markii siyaasiyiintu aqbaleen isbeddellada ay dalbadeen hay’adaha horumarinta.
Intaas waxaa sii dheer, ma aha dowladaha oo kaliya kuwa uu gargaarku saameeyo. Waddamo badan ayaa nidaamyadooda bangiyada ilaa nidaamyada oggolaanshaha wax-soo-dejinta loo habeeyay inay daboolaan baahiyaha deeq-bixiyayaasha.Warshadaha cusub ee aan ahayn kuwa ay doorbidaan hay’adaha gargaarku waxay ku guuldareystaan inay si fiican u horumaraan.
Sanad walba, dadka ugu xiriirka iyo waxbarashada fiican ee Malawi waxay ka soo noqdaan jaamacado dibadda ah, laakiin halkii ay ganacsiyo samayn lahaayeen waxay aas-aasaan hay’ado samafal ah. Maalmaha shaqada waxay fadhiyaan makhaayadaha ugu quruxda badan ee Lilongwe, iyagoo la kulmaya diblomaasiyiinta, waxayna ku noolaadaan xaafado ku dhaw bartamaha magaalada oo ay bixiyeen hay’adaha gargaarka, iyagoo qaato mushaharro aad uga sarreeya kuwa laga heli karo shirkadaha gaarka ah.
Kulamada sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay (UN), Bangiga Adduunka (WB) iyo IMF, oo u shaqeeya sidii shirweyneyaal aan rasmi ahayn ee siyaasadaha caalamiga ah ayaa siyaasiyiinta dalalka soo koraya waxay canaantaan saraakiisha gargaarka iyagoo ku eedeeya inaan loo muujin xushmad ku filan. Inta gargaarka uu sii shaqeyn la’yahay, deeq-bixiyeyaashu waxay sii adkeeyaan shuruudahooda, taas oo sii weynaynaysa hay’adaha gargaarka ee waddamada kaalma-qaatayaash ah. Dalalka saboolka ah ma soo dhaweynayaan lacagta oo noqotay wax lama huraan ah; balse waxay dhibsadaan shuruudaha ku xiran. William Ruto, Madaxweynaha Kenya, wuxuu doonayaa lacag aan shuruud lahayn oo magdhow u ah tobannaan sano oo horumarin khaldan ah.
Caawimaaddu waxay sidoo kale si weyn u qaabaysaa dhaqaalaha iyo nidaamka siyaasadeed ee dalalka saboolka ah, iyadoo xitaa nidaamyada bangiyada iyo rukhsadaha ganacsiga loo habeeyo inay la jaanqaadaan baahiyaha hay’adaha gargaarka. Waxaa jira khatar weyn in lacagahan oo la joojiyo ay horseedi karto burbur ku yimaada adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Si kastaba ha ahaatee, jiilka cusub ee gargaarka ayaa u muuqda inuu noqon doono mid leh istiraatiijiyad dheeri ah, iyadoo laga yaabo inaysan isku hawli doonin arrimaada bedbaadada nololaha sida caafimaadka iyo tallaalada, iyadoo mudnaanta la siin doono danaha siyaasadeed ee laga leeyahay dalka kaalma-qaataha. Sida uu yiri Marco Rubio, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka: “Waan sii wadaynaa taageerada gargaarka, laakiin gargaarka dibaddu ma aha sadaqo, waa qalab lagu horumariyo danaha qaran ee Maraykanka”. Hadalkani wuxuu dabajoogaa siyaasad hore (taliskii Obama, USAID waxay wada xaajood la samaysay Yurub iyo Ameerikada Koofureed si loo yareeyo cadaadiska Mareykanka ka haysta dhanka xuduudda). Go’aanno la mid ah ayay gaareen qaybo kale oo ka mid ah dunida hodanka ah. Sannadkii 2020-kii, Britain waxay hoos geysay hay’addeeda horumarinta xafiiska arrimaha dibadda.
Gargaarka ayaa ku dhow in hub laga dhigto. Fuliyayaasha mayalka-adag ee nidaamka gargaarka cusub ee soo baxaya ayaa diyaar u ah inay joojiyaan kharash lagu qabtay wax badan oo wanaagsan, sida hannaankii tallaalka, xakamaynta cudurrada faafa iyo faragelinno kale. Mid ka mid ah beeraha dadweynaha ee Lilongwe, mas’uul horey u maamuli jiray xafiiska USAID ee bariga Afrika, ayaa taxaya rugaha caafimaadka badan, iskuullada, iyo xafiisyada dowladda ee hadda halista ku jira. Fikradda ah in rugaha caafimaadka Malawi laga yaabo in aanay dib u furmin weligood ayaa aad u murjinaysa shaqaalaha gargaarka, mana aha mid raalli gelinaysa qof kasta oo aaminsan in dalalka hodanka ah uu saaran yahay waajib ah inay caawiyaan dadka saboolka ah ee adduunka. Si kastaba ha ahaatee, nolosha dadweynaha ee dalal badan oo ka mid ah dalalka adduunka ugu saboolsan ayaa ku xiran isbeddellada go’aamada Trump, hadba siduu u arko nidaamkii hore miyuu xumaa, mise wuu hagaagsanaa.
[1] MAGA (Make America Great Again), waa halkudhig ay adeegsato kooxda Trump.
