Qaranimo lama helo ilaa la kala adkaado: Falanqeyn ku Saabsan Sababta Soomaaliya u horumari la’dahay
Waxaa qoray: Maxamed Cabdinaasir iyo Cabdiladiif Maxaned
Hordhac:
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, ummadda Soomaaliyeed waxay la daalaa dhacaysay dhibaatooyin xagga dowladnimada, nabadda, iyo horumarka ah. Qabiilku wuxuu noqday saldhigga awood qeybsiga, iyadoo dagaallo sokeeye, qabyaalad, iyo faragelin shisheeye ay xaaladdu uga sii dartay.
Mar kasta oo dadaal la sameeyo si loo dhiso qarannimo Soomaaliyeed, wuxuu ku burburaa kala jiidashada qabiilada iyo damaca kooxeed ee aan xuduudda lahayn. Dadaalladii beesha caalamka ee uu hogaaminayay Mareykanka sanadihii 1992–1993 (Operation Restore Hope) si loo dejiyo Soomaaliya ayaa fashilmay. Cidna cid kale lama adkaan, colaadaha sokeeye ayayna sii xoogeysteen (Prendergast, 1997). Waxaa si rasmi ah u muuqatay in, xitaa marka quwado waaweyn soo galaan, haddana aan lagu kala adkaan karin hub iyo xoog kaliya.
Si aan si fiican u fahanno macnaha “kala adkaanta” iyo doorkeeda horumarka qaran, waxaan halkan ku falanqeyn doonaa tusaalooyin caalami ah oo muujinaya sida dalalka horumaray ay u gaareen dib u dhis iyo midnimo ka dib markii si buuxda la iskaga adkaaday.
Japan: Guuldarro Laga Dhaxlay Horumar
Markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Japan waxay ku jirtay xaalad burbur dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho oo aad u liidata. Magaalooyin waaweyn sida Hiroshima iyo Nagasaki waxaa baabi’iyay atomik bomb, waxaana dalka la saaray qabsasho militari oo Maraykanku hogaaminayo (Dower, 1999). Xukuumaddii militariga ahayd waa la burburiyay, dastuur cusub oo nabadeedna waa la dejiyay.
Waxaa si xeel dheer loo qorsheeyay in Japan laga saaro waddada militariga oo lagu beddelo waddo horumarineed. Muddo kooban gudaheed, Japan waxay mudnaan siisay waxbarashada, cilmi-baarista, iyo horumarinta tiknoolajiyadda. Dowladdu waxay ku dhiirrigelisay horumarka warshadaha, halka shirkado khaas ah ay sameeyeen hal-abuur aad u sareeya sida Toyota, Sony, iyo Honda. Marka la eego, burburkii dagaalka wuxuu noqday fursad dib-u-habeyn oo weyn oo horseeday in Japan noqoto mid ka mid ah dhaqaalaha ugu xoogga badan adduunka (Dower, 1999).
Germany: Dagaal lagu jabey, dabadeed na dhalay dib-u-dhis
Germany, oo ahayd tiirkii xagjirka ah ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa lagu jabiyay si xun 1945-kii. Magaalada Berlin oo ahayd astaanta quwadda Nazi-ga ayaa burburtay, iyadoo ciidamada Midowga Soofiyeetku gaareen xarunta Hitler. Nazi-gii waxaa lagu xukumay maxkamad caalami ah (Nuremberg Trials) si loola xisaabtamo (Evans, 2008). Intaas kadib, Germany waxaa loo kala qaybiyay afar aag: mid Maraykan, mid Ingiriis, mid Faransiis, iyo mid Ruush. Galbeedka Germany wuxuu qaatay nidaamka dimoqraadiyadeed, halka Barigana uu galay nidaam shuuci ah. Waxaa la billaabay Mashruucii Marshall, oo Maraykanku ku maalgeliyay dib-u-dhiska Yurub, gaar ahaan Germany (Evans, 2008).
Dowlad cusub oo sharciyad iyo cadaalad ku dhisan ayaa la sameeyay, waxaana la abuuray hannaan dimoqraadiyadeed oo xoog leh. Maanta, Germany waa hoggaamiye dhaqaale, siyaasadeed, iyo mid dimoqraadiyadeed oo Yurub ah, taasoo ay sababtay aqbalaadda guuldarro iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.
Rwanda: Kala Adkaan Qabiil oo Sababay Dib-u-Dhis
Rwanda waxay martay mid ka mid ah xasuuqyadii ugu xumaa taariikhda casriga ah 1994-kii, halkaas oo qiyaastii 800,000 oo qof lagu dilay muddo 100 maalmood gudahood (Prunier, 1995). Xasuuqan wuxuu salka ku hayay nacayb qabiil oo u dhexeeyay Hutu iyo Tutsi.
Markii Rwandan Patriotic Front (RPF) uu hoggaamiyo Paul Kagame ay si buuxda u guuleysteen, waxaa meesha ka baxay xukuumaddii xasuuqa horseeday. Dagaalkaas milatari oo dhab ah ayaa suurtageliyay in la helo xasillooni siyaasadeed. Xukuumaddii cusub waxay hirgelisay dib-u-heshiisiin qaran, gacanta lagu dhigay dambiyadii xasuuqa, lana sameeyay maxkamado gaar ah sida Gacaca Courts (Prunier, 1995).
Waxaa sidoo kale si xooggan loo maalgeliyay horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo dhaqaalaha. Maanta Rwanda waxay leedahay koboc dhaqaale oo joogto ah, amni, iyo maamul aad u xooggan oo la amaano.
South Africa: kala Adkaansho Siyaasadeed oo Lagu Gaadhay Nabad iyo Midnimo
South Africa waxay muddo qarni ka badan ku jirtay nidaam midab-takooreed (Apartheid) oo caddaan ayaa madowga ku cadaadinayay. Muddo dheer oo dagaal iyo halgan ah, waxaa ugu dambeyn suurtagashay in halgankii ANC iyo hogaamiyayaashiisii, gaar ahaan Nelson Mandela, ay guul dareeyaan (Mandela, 1994).
Mandela oo xabsi ku jiray muddo 27 sano ah, markii la sii daayay wuxuu diiday inuu qaato waddada aargudashada, wuxuuna doortay in uu hoggaamiyo isu tanaasul iyo dib-u-heshiisiin qaran. Waxaa la sameeyay Guddigii Runta iyo Dib-u-Heshiisiinta (Truth and Reconciliation Commission), oo ay hoggaaminayeen Desmond Tutu, si loo daweeyo dhaawacyadii bulshadeed (Mandela, 1994).
Maanta, South Africa waa dal dimoqraadi ah, inkastoo ay jiraan caqabado, haddana midnimada bulshadeeda iyo xornimadeeda siyaasadeed waa mid la xuso.
Soomaaliya: Dagaal aan Cidna Looga Adkaan, Qarana aan La Dhisin
Soomaaliya dagaallo sokeeye oo aan cidna cid kale si buuxda ugu adkaan ayaa sababay fawdo siyaasadeed iyo kala qeybsanaan bulsho. Qabiil walba wuxuu u arkaa inuu xaq u leeyahay hoggaanka, taasoo keentay jahawareer iyo kala fogaansho joogto ah (Prendergast, 1997).
Beesha caalamka oo isku dayday inay soo afjarto colaadaha, waxay marar badan la kulantay fashil, maadaama aysan jirin cid si cad loo adkaaday, ama cid si dhab ah u aqbashay in laga adkaaday. Soomaaliya waxay u baahan tahay inay gaarto kala adkaan maskaxeed oo ka baxsan xoog ciidan. Haddaba, maxaa loo baahan yahay?
Marka awood lagu maamuli waayo dowladnimo iyo midnimo, waa in loo gudbaa nidaam ku dhisan meritocracy — oo ah hab lagu dhiibo xilalka dadka ugu kartida badan. Tusaalayaal badan oo caalami ah ayaa muujinaya muhiimadda nidaamkan:
Singapore: Guul laga dhalay xornimo iyo kartida dadka
Markii Singapore xornimada ka qaadatay Britain 1965-kii, waxay ahayd dal yar oo aan lahayn kheyraad dabiici ah, islamarkaana ka kooban bulshooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Malay, Chinese, iyo India (Lee, 2000). Lee Kuan Yew, hogaamiyihii Singapore, wuxuu aaminsanaa in kaliya kartida iyo hufnaanta ay keeni karaan horumar. Dowladdiisa waxay xoogga saartay waxbarashada, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo hirgelinta maamulka daahfurnaanta ku dhisan.
Maanta Singapore waa mid ka mid ah dalalka adduunka ugu horumarsan ee leh dakhliga ugu sarreeya qofkiiba, taasoo lagu gaadhay iyada oo lagu tiirsanaa meritocracy.
China: Dhaqaale karti ku-saleysan oo dadalay Shuuciyadda adag
Kadib sanado badan oo dagaal iyo xasillooni la’aan ah, Deng Xiaoping wuxuu 1978-kii horseeday isbeddel weyn oo uu ku beddelay nidaamkii shuuciga adkaa (Vogel, 2011). Wuxuu hirgeliyay isbeddello dhaqaale oo salka ku haya karti iyo wax-soo-saar. Deng wuxuu xushmayn jiray hal-abuurka, kartida, iyo dadaalka, isagoo siiyey dadka fursad ay ku horumariyaan noloshooda iyagoo aan qasab u haysan nidaam adag oo xadidan. Maanta, China waa dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn, iyada oo lagu tiirsaday kartida dadkeeda iyo dib-u-habeynta xoogan.
Gunaanad: Halagu Kala Adkaado Kartida iyo Cadaaladda
Horumarka qaran wuxuu yimaadaa marka runta la aqbalo, cadaalad dhab ah la helo, lana hirgeliyo nidaam karti ku dhisan. Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay si dhab ah u gaarto kala adkaan maskaxeed, karti-ku-saleysan, iyo is-cafin qaran. Qaranimo lama helo ilaa la kala adkaado — laakin waa in lagu kala adkaadaa karti, aqoon, iyo daacadnimo.
Tixraacyada
• Dower, John W. Embracing Defeat: Japan in the Wake of World War II. W.W. Norton & Company, 1999.
• Evans, Richard J. The Third Reich at War. Penguin Press, 2008.
• Lee Kuan Yew. From Third World to First: The Singapore Story. HarperCollins, 2000.
• Mandela, Nelson. Long Walk to Freedom. Little, Brown and Company, 1994.
• Prendergast, John. Crisis Response: Humanitarian Band-Aids in Sudan and Somalia. Pluto Press, 1997.
• Prunier, Gérard. The Rwanda Crisis: History of a Genocide. Columbia University Press, 1995.
• Vogel, Ezra F. Deng Xiaoping and the Transformation of China. Harvard University Press, 2011.
