W/Q: Cabdiraxmaan Xirsi Daahir
Buugga Iftiiminta Taariikhda Soomaaliya, waxa uu inbadan tooshka ku iftiiminayaa taariikhda bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu si qotodheer ah u soo bandhigayaa waxyaabihii keenay sameysinka taariikhda Soomaalida. Waxa uu fahan kooban ka bixinayaa falsafadda taariikhda aadanaha si kooban. Waxa isdul taagayaa buuggan taariikhii hore ee Soomaalida iyo middii dhexe isagoo taabanaya dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa oo ay ka mid yihiin: faafintaankii diinta islaamka iyo dagaalladii la la galay gumeystaha. Waxa uu soo bandhigayaa dhinaca kale waxyaabaha laga baran karo taariikhahaas. Buuggu waxa uu ka kooban yahay sagaal cutub oo mid kastaba dhacdo gaar ah ayuu darsayaa oo uu taabanayaa. Cutubka koowaad waxa uu kaga warramay nuxurka taariikh qorista iyo falsafadda taariikhda. Waxa uu dib u raadgur ku sameynayaa fasirka kala duwan ee laga bixiyay ereyga taariikh. Asal ahaan ereygan inuu ka soo jeedo Histoire ee afka Faransiiska ah, historia oo ah af Laatiin iyo historie oo ah af Giriig ayuu tilmaamayaa digtoorku. Ereyga History illaa qarnigii lixaad laga soo gaaro waxa uu la mid ahaan jiray ereyga story. Wixii ka dambeeyay qarnigii lixaad history waxaa lagu macneyn jiray oo loo adeegsan jiray wixii dhab ah, maangal noqonaya oo laga soo wariyay xilliyadii tagay.
Muddo ka dib, micnaha ereyga taariikh wuxuu ku biyo-shubtay saddex marxalood. 1) tan koowaad, taariikh waa wax kasta oo laga soo weriyay, laga soo qoray ama laga duubay ilbaxnimooyinkii hore. 2) tan labaad, taariikh waa wax walba oo taariikhyahannadu qoraan iyaga oo ka soo werinaya xilliyadii tagay. 3) tan saddexaad, taariikhdu waa maaddo aqooneed, baarta oo daraasaysa dhacdooyinkii xilliyadii tagay qeexdana sababaha iyo saameynta dhacdooyinkaas. Waxa uu sidoo kale qoraagu qeexayaa taariikh-qorista (Historiography), waxa uu na ku qeexayaa daraasaynta qaabka taariikhyahannadu taariikhda u qoreen, hubinta xigashadooda, hubnaanshahooda iyo falsafadda ka dambeysa. Waxa uu docda kale tilmaamayaa in taariikh-qoristu muhiim u tahay dalalka la gumeystay, maadaamaa inta badan taariikhda looga sheekeeyo ay tahay mid uu gumeyste sameeyay laga na doonayo bulshadaas inay dib-u-eegis ballaaran ku sameeyaan taariikh-qorista laga qoray waayahoodii nololeed. Waxa uu tilmaamayaa in Soomaalidu ay muhiim u tahay inay baaraan taariikhda uu gumeystaha ka qoray sax ahaanshaheeda. Cutubka hoosaadka taariikh-qorista Soomaalida waxa uu ku soo bandhigayaa aragtiyaha ay kala qabaan qolyaha u dooda casriyeynta iyo qolyaha rumeysan dib-u-eegista taariikhda ee loogu yeero revisionist. Qolyaha casriyeyta u ololeysa inay ku doodaan in laga tago waxyaabaha qadiimiga ah sida dhaqanka iyo islaamka ayuu soo bandhigayaa Baadiyow. Qolyaha kale ee rumeysan in dib-u-eegis lagu sameeyo taariikhda Soomaaliya waxa ay ku doodayaan in dib loo baaro sax ahaanshiyaha taariikhda Soomaalida ayay qabaan, waayo bay ku doodaan waa taariikh ku saleysan bay yiraahdeen isla-qab-weyni taasoo aad uga sheekeenaysa nolosha reer-guraannimada ah ama raacatada, waxa ay na dayacaysaa taariikhda ay leeyihiin bulshada beeralleyda ah.
Aragtida kale ee qolyahan ka soo horjeeda aragtiyihii hore waxaana hoggaanka u haya qoraaga buuggan. Waxa ay ku saabsantahay baaridda iyo darsidda taariikhda Soomaaliyeed, waxa ay na aragtiyihii hore ku dhaleecayneesaa dayacidda iyo ka tegista doorka dumarka iyo diinta islaamku ay ku lahaayeen taariikhda Soomaaliyeed. Waxa ay aragtidan ku doodaysaa in diinta iyo dumarkuba ahaayeen qaybaha ka maqan taariikh-qorista Soomaalida ee waayihii gumeysiga iyo gumeysi-dabadiiba. Sidoo kale aragtidan waxa ay sheegaysaa in guuleysashada dhismaha qaran uu ku xiranyahay heshiisiinta qarranimada, islaamka iyo tixgalinta qabiilka, waxaana si fudud ugu magacaabi karnaa aragtidan saddex-xagalka dawladnimo. Falsafadda taariikhda ayuu ku soo gunaanadayaa cutubkan isagoo fasir ka bixinaya micnaha falsafadda taariikhda. Waxa uu ku micneenayaa falsafadda taariikhdu inay tahay aragtiyaha laga bixiyo waxyaabaha ka dambeeya dhacdooyinka taariikheed sida kaalinta Alle SWT, doorka dadka iyo doorka daruufaha maaddiga ah. Waxa uu isbarbardhig ku sameynayaa taariikh-qorista iyo falsafadda taariikhda. Taariikh-qoristu waa daraasaynta habka loo qoray taariikhda halka taariikhda falsafaddu tahay baarista heerka ay soo mareen samaysanka aragtiyaha falsafadeed ee taariikhda sharraxa ayuu leeyahay ustaad Baadiyow. Waxa uu sidoo kale tilmaamayaa dhowrka aragtiyood oo ku saabsan falsafadda taariikhda oo ay Reer Galbeedka qabaan kuwaas oo kala ah: Meerto (cyclical), Rabbaani (providential) iyo qasbanaan (deterministic).
Cutubka labaad ee buugga, waxa uu aad kaga warramay taariikhdii hore ee Soomaalida. Waxa uu soo koobid ku sameynayaa si guud taariikhihii uu bini’aadamka soo maray asiga oo u qeybinaya afar marxaladood oo kala ah: taariikhda-horteed (billowgii nolosha dadka illaa iyo hal-abuuristii qoraalka), taariikhda hore (hal-abuurkii qoraalka ee 3600 NCKH illaa dhiciddii boqortooyoyinka 500 NCD), taariikhda dhexe ee islaamka qarnigii 7aad illaa -17aad iyo taariikhdii gumeysi hortiis oo ku beeggan qarnigii 17aad illaa hadda. Marka uu halkaas marayo ayuu tilmaamayaa in taariikhda dhexe ee Soomaalida uga billaabanayso ku faafiddii islaamka ee qarnigii 13aad iyo 14aad ee dhulka Soomaalida, waxayna ku dhammaanaysaa buu leeyahay dumistii saldanaddii Ajuuraan io tii Cadal ee qarnigii 17aad. Waxa uu cutubkan sidoo kale ku raadgurayaa taariikhihii hore ee Soomaalidu leedahay isagoo baaraya kutubtii wax ka qoray Soomaalida. Sida uu kaga hadlay taariikhdii hore ee Soomaalida waxa aad moodaa in digtoorku uu naqdinayo aragtida ah in taariikhda Soomaalida ay billaabatay xilligii islaamku ku faafayay Geeska Afrika. Waxa uu soo bandhigayaa raadad taariikhi ah oo la haayo kuwaas oo tilmaamaya in Soomaalidu ahayd dad leh taariikh fog. Waxa uu soo qaadanayaa meelo ay ka mid yihiin: Buur-heybe iyo Laas geel oo tilmaamaya taariikhda fog ee Soomaalidu leedahay.
Cutubka saddexaad waxa uu qoraagu ku dul istaagayaa taariikhdii dhexe ee Soomaalida. Inay taariikhdan billaabatay xilligii uu islaamku soo gaaray deegaanka ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee dhulka Soomaalida oo ku beeggan qarnigii 7aad ayuu tilmaamayaa Cabdiraxmaan Baadiyo. Sidoo kale waxa uu qoraagu taabanayaa waxyaabihii ay Soomaalida dunida kale u dhoofin jirtay xilligii taariikhda dhexe ee muslimiinta. Waxyaabahaas waxa ay iskugu jireen: geri, dameer-farow, fardo, foolal maroodi iyo alaabo kale, iyagoo u dhoofin jiray boqortooyadii Ming ee shiinaha ka talin jirtay inta u dhaxeysay 1368-1644, waxayna ka soo dhoofsan jireen weelal, xawaashyo iyo agab hubeed. Taariikhda dhexe ee islaamka, Soomaalidu waxa ay baratay dhaqan cusub oo maamul-sameysi ah. Maamulkii ugu horreeyay ay dhistaan wuxuu ahaa boqortooyadii Ajuuraan oo noqotay saldanad qabiillo badan ka kooban o Soomaali leedahay tii ugu weyneed ugu na waqtiga dheereed, waxayna jirtay qarnigii 14aad -17aad. Waxaa caasimad u ahayd Marka, waxayna inta ugu badan ka talinaysay koonfurta Soomaaliya. Dhacdooyinka kale ee muhiimka ah ee xilligaan dhacay waxaa ka mid ah duullaankii Oromada oo loo yaqaannay dagaalkii Gaalo-madowda wuxuu dhacay qarnigii 17aad. Boqortooyadii Ajuuraan waxay dhulka Soomaalida ka difaacday duullaamadii Boortaqiiska oo bililiqo iyo gubitaan ka geystay aagga Baraawe, waxaa na hoggaaminayay Trsitao da Cunha. Waayihii gumeysi-hortii, xeebaha Banaadir waxay hoos tagayeen maamul magac ahaan u jiray oo ay lahaayeen cummaaniyiintii ka talinaysay Zanzibar (Tansaaniya) iyo xeebaha Bariga Afrika. Sidoo kale waxa uu cutubkan ku soo gabagabeynayaa in kala-daadsanaantii qabiileed iyo mid bulsho uu ka faa’ideystay gumeystihii Reer Yurub oo halkaas waxaa ku baaba’aysa doodda ah gumeystuhu inuu kala qaybiyay Soomaalida. Qodobkan waxaa sidoo kale tilmaamaya buugga Iskudhoon oo si gaar ah kaga jawaabaya masalada ah: Soomaalidu miyay qaybsaneyd gumeystaha ka hor mise gumeystahaa kala qaybiyay.
Cutubka afaraad waxa uu qoraagu ku eegayaa taariikhda Soomaalida laga soo billaabo xilliyadii gumeysiga ka horreysay, waxa uuna u qeybinayaa labo qaybood oo kala ah saameynta bulshada ee marxalada soo-nooleynta bulshada iyo ku dhaqanka islaamka, gaar ahaan waxa uu aad ugu talaxtagayaa doorkii dariiqooyinka Suufiyada. Taariikhda waayaha cusub ee Soomaaliya waxay ka billaabata buu leeyahay qoraagu bartamaha qarniga 19aad, labo qarni ka dib dumistii saldanaddii Ajuuraan. Waxa uu qoraagu sheegay in taariikhda Soomaalida ay ku hardamayeen labo aragtiyood oo iska soo-horjeeda: aragtida islaamka iyo aragtida gumeystaha. Waxa uu dhanka kale tilmaamayaa qoraagu in islaamku Soomaaliya soo gaaray qarnigii 7aad, halka saameyntiisa ugu weynna yeeshay qarnigii 11aad. Islaamku waxa uu aad ugu xoogeystay Soomaaliya qarnigii 19aad oo ku beeggan waqtigii koboca dariiqooyinka Suufiyada. Waxa uu sheegayaa in baraarugga iyo koboca fahamka islaamku inuu soo maray afar marxaladood laga soo billaabo qarnigii 19aad illaa iyo hadda, waxay na kala yihiin: koboca Suufiyada, marxaladda koboca wacyiga fahmidda islaamka (1950-1967), marxaladda baraarugga casriga ah ee islaamka (1967-1978) iyo soo-ifbixidda ururrada u dhaqdhaqaaqa islaamka (1978-illaa iyo hadda). Suufiyadu waxa ay door weyn ka qaateen fidinta diinta islaamka iyagoo bulshada reer guuraaga ah si fudud diinta u baraya. Waxa lagu ammaani karaa Suufida inay dadka diinta bareen iyagoon bulshadii Carabiyeeyn oo waxa ay ilaaliyeen dhaqankii bulshada. si raacatada loo baro diinta waliba si fudud ayuu Shiikh Yuusuf Alkowneyn hindisay hinggaadda barashada quraanka. Suufidu sidoo kale waxa ay door weyn ka ciyaareen magaaleynta iyo qaabeynta nolosha raacatada ah maadaamaa ay dhisayeen dugsiyo caruurta lagu baro quraanka. Doorka Suufida ee nolol dhiska Soomaalida halkaas kuma koobna ee sidoo kale waxay iska horistaag ku sameeyeen gumeystihii doonayay inuu dalka gumeysto. Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee buugga xusayo waxaa qayb ka ah sida Suufidu ay bulshadii Soomaaliyeed u walaaleesay iyagoo yagleelaya xer. Xertaas na waxa ay iskugu jirtaa qabiil kasta oo Soomaaliya daga.
Cutubka shanaad, waxa uu dulmar guud ku sameeyay isbaddelka bulshada ku dhacay laga soo billaabo xilligii gumeystaha ka hor iyo ka dib ba. Waxa uu tilmaamay lsbaddelka bulshada Soomaaliyeed ku dhacay inay ugu weynaayeen labo arrimood oo kala ah: dariiqooyinkii Suufiyada iyo fidintoodii diinta iyo gumeystayaashii kala duwanaa iyo aragtiyahoodii casriyaynta. Gumeystuhu markuu dalka yimid waxaa jiray iska caabbino aan xoog badan lahayn oo aan loo wada dhammeyn illaa markii dambe halmeel si wadajir ah looga soo horjeestay. Waxa uu cutubkan kaga hadlay qoraagu aragtiyaha uu gumeystaha dalka la yimid iyo sida ay dhaqanka bulshada isku dayeen inay dooriyaan iyagoo ka soo maraya dhanka haldoorada. Aragtiyahooda waxa ay inta badan u marin jireen goobaha waxbarasho, oo iskuulladii dalka ka jiray inta badan waxaa dhisay dalalkii gumeystaha ahaa oo uu Talayaanigu ugu horreeyo. Talayaanigu waxa uu billaabay inuu Soomaalida taliyaaniyeeyo asigoo soo saaraya haldoor sidiisa oo kale u fekera oo bulshada iyo asiga isku xira. Xilliga uu gumeystaha dalka uu la wareegay waxa aad u caanbaxay xisbiyada siyaasadeed ee matalaya aragtida dadweynaha. Waxa uu qoraagu inbadan ku nuux-nuuxsaday xisbiyadii dalka ka sameysay, aragtidii ay kula dagaallami jireen gumeystaha iyo sida ay u hawlgalli jireen. Waxa uu carrabka ku dhuftay in xisbiyadii dalka ay noqdeen xisbiyo ay kala leeyihiin qabaa’ilada kala duwan. Waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in maamul xumadii Talayaaniga uu Soomaaliya ku daartay. Waxa uu cutubkan kaga warramay sida uu gumeystuhu u abuuro haldooro asiga u adeega. Aragtiyihii kala duwanaa ee dalka ku legdamayay sida kuwii Carbaha ka imaan jiray iyo kuwa Reer Galbeedka inay u abuureen tafaraaruq bulsho ayuu dhanka kale tilmaamayaa Dr. Baadiyow.
Cutubka lixaad, waxa uu kaga faalloonayaa Cabdiraxmaan waddaniyaddii Soomaalida xilliga ay billaabatay iyo kobaceeda. Waxa uu faahfaahin kaga bixinayaa taariikhda kicitaanka iyo liicitaanka waddaniyadda Soomaaliyeed iyo doorkoodii ay ku lahaayeen haldoorka cusub dhisidii qaranka iyo habkii ay ku sameysmeen. Waxaa kale oo uu ku eegayaa qoraaga cutubkan waxqabadkii ay dal-dhiska ku lahaayeen haldoorka iyo falcelintoodii ku aaddanaa qabyaaladda. Sidoo kale waxa uu ifitiiminayaa aragtidii haldoorka Soomaaliyeed iyo hawlgalka ay ku doonayeen in ay ku dhisaan Soomaaliweyn. Aragtida gobannimodoonka Soomaaliyeed inay billaabatay asaasidda ururadii bulshada rayidka ah ayuu sheegayaa Baadiyow. Dhan kale waxa uu tilmaamayaa in waddaniyadda cusub soo ifbaxday wixii ka dambeeyay markii laga adkaaday halgankii Daraawiishta (1921) iyo jabkii Saldanadda Majeerteen (1927). Ururkii ugu horeeyay ee Bulshada Rayidka ah in lagu asaasay Cadan 1925 laguna magacaabi jiray ururkii Islaamigii Soomaaliyeed oo uu asaasay Xaaji Faarax Oomaar ayuu soo qaadanayaa Dr. Baadiyow. Imaanshiyaha Reer Yurub in ay door weyn ka ciyaareen kobcinta dareenka waddaniyadda casriga ah ayuu farta kuu fiiqayaa digtoorku. Sidoo kale waxa uu ku soo qaadanayaa qaabka uu maamul ahaan u shaqeyn jirtay xukuumaddii Talayaaniga iyo sida uu dhaqaalaha dalka ahaa ayuu wax ka yiri qoraagu.
Cutubka todobaad, waxa uu aad kaga faalloonayaa baadigoobkii Soomaaliweyn loo galay iyo qaababkii kala duwanaa ee loo raadiyay arrinkaa. Waxa uu isbarbardhig ku sameynayaa qaababkii kala duwanaa ee loo raadiyay riyadii Soomaaliweyn. Waxa uu sheegayaa in dawladihii kala duwanaa ay labo qaab u raadiyeen aragtidii Soomaaliweyn oo kala ah: Dhaxdhaxaadnimo iyo Xagjirnimo. Sidoo kale waxa uu tilmaamayaa soo kicitaankii Waddaniyadda Soomaaliyeed inay soo martay saddex marxaladood oo kala ah: caadifadda iyo jacaylka dalka, dadka iyo mideynta Soomaalida oo dhan, adeegsiga awoodda dowladnimada iyo liicitaankii waddaniyadda. Billowgii aragtida Soomaaliweyn inay ahayd mid caadifad iyo aragti gaabni ku billaabatay ayuu tilmaamayaa qoraagu wallow ay guushii ugu horreesay gaareen markii ay midoobeen labadii gobol ee gumeystaha kala gumeysteen. Docda kale waxa uu tilmaamayaa digtoorku in yagleeliddii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay kuu beegantay xilli uu socday dagaalkii qaboobaa, oo ay dalka faragalin shisheeye ku yeesheen awoodihii adduunka iyo dawladihii gobolka oo wada danyanayay goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ku taallo. Waxaa kale oo gumeystuhu Soomaaliya uga tagay buu leeyahay qoraagu gobbonnimada ka dib, xafiisyo dowladeed oo tabardarran, dhaqaale liicliicaya iyo Soomaaliya oo khilaaf kala dhaxeeyo dawladaha dariska ah. In nidaamkii maamul siyaasadeed ee gumeystaha laga dhaxlay inuu sii xoogeystay ayuu dhanka kale farta ku abbaarayaa Dr. Baadiyow oo waxaa uu sii xoojiyay buu leeyahay gumeystuhu qabyaaladdii Siyaasadeed iyo haldoor mudnaanta koowaad ay u tahay awood helid. In baadigoobkii Soomaaliweyn ay xukuumaddii Millitariga ahayd u qaadday wado xagjirnimo oo burbur iyo baaba’ u horseeday bulshada Soomaaliyeed ayuu buuggu tilmaamayaa. Waddaniyiintii Soomaaliyeed inuu dhaawac culus soo gaaray sanaddadii 1977-1978 ayuu soo qaadanayaa digtoorku.
Cutubka siddeeda waxa uu kaga faalloonayaa aragtiyaha fahamka qaran-burburka. Waxa uu si guud fahan inooga siinayaa cutubkan sida uu qaran u burburo iyo sida dib loogu dhisi karo. waxa uu sidoo kale ku soo bandigayaa ustaad Baadiyow noocyada dawladaha, noocyada khilaafyada dowladaha dumiya, aragtida Ibnu-Khalduun ee casabiyada iyo sida loogu dabaqi karo xaalladda Soomaalida. Waxa uu soo qaadanayaa aragtida Ibnu-Khalduun ee ah in reer-guuraagu ay dumiyaan xaddaaradaha iyo dawladaha iyo sida loo xakameyn karo. Waxa uu soo bandhigayaa aragtida Ibnu-Khalduun ee ah sida kaliya ee lagu xakameyn reer-guuraaga ay tahay dhaqangalinta dhqanka Islaamka. Waxgaradka Soomaaliyeed inay u taallo hawl ah sidi loo heshiisiin lahaa saddexda casabiyood ee kala ah: Islaamka, qabiilka iyo waddaninimad ayuu sheegayaa. Cutubka ugu dambeeya waxa uu ku soo qaadanayaa burburka dowladda Soomaaliyeed isagoo tibaaxaya marxaladihii uu soo maray burburka iyo fasiraadda sababaha burburka. Si guud buuggu waa mid wanaagsan oo soo bandhigaya taariikho iyo dhacdooyin muhiim ah in wax laga ogaado. Buuggaan buugta kale ee taariikhda waxa uu kaga duwanyahay sida uu u faaqidayo oo u sii jajabinayo mawduucyada muhiimka ah. Billaw wuu u noqon karaa cidda dooneysa inay billaawdo akhriska buugta taariikhda Soomaaliya ka warramaysa.

Waa soo dhawaynayaa madasha raadreeb, waana loo baahi qabaa macluumaad iyo indhafur bulsheed.