Sida hantiilayaasha saameyn ugu yeelan karaan siyaasadda

Sida hantiilayaasha saameyn ugu yeelan karaan siyaasadda

Waxaa qoray: Saabir Boogle

Elon Musk waa maalqabeen Mareykan ah oo ah aas-aasaha iyo madaxa shirkadaha waaweyn ee Tesla iyo SpaceX. Waa mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu saameynta badan adduunka ee teknoolojiyada casriga ah, gaar ahaan baabuurta korontada ku shaqeysa iyo hawada sare. Musk wuxuu kaalin muuqata kaga jiraa hormarinta teknoolojiyada Mareykanka, isagoo ku dadaalaya sidii dalka loogu gaarsiin lahaa horumar joogto ah oo ku saleysan teknoolojiyada. Waxa uu awoodiisa dhaqaale iyo farsamo ku helay sumcad sare, taas oo ka dhigtay mid muhiim u ah horumarka iyo mustaqbalka teknoolojiyada dalka. Taasi waxa ay sababtay in Elon Musk loo arko qof saamayn ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.

Intii ay socotay ololaha doorashada Mareykanka, Musk wuxuu taageero dhaqaale iyo mid ololaha ah u fidiyay Donald Trump, isagoo taageeray urur siyaasadeedka PAC America oo si gaar ah uga shaqeeya taageerada Trump. Ururkan ayaa la aasaasay si loo kordhiyo taageerada Trump, gaar ahaan gobollada saameynta leh sida Pennsylvania.

Musk waxa uu si gaar ah ugu ololeeyay gobolkaas, isagoo maalgelin xoogan ku bixiyay sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa go’aamada doorashada, taas oo si weyn loogu dareemay dhinaca warbaahinta iyo bulshada.

Taageerada uu Musk ku bixiyay ololaha Trump waxay noqotay mid xoogan, taas oo astaan u noqotay sida uu u adeegsan karo hantidiisa si uu u saameeyo natiijooyinka doorashada.

Musk wuxuu sidoo kale keenay qaab cusub oo uu ku taageerayo ololaha, isagoo abuuray baqtiyaa-nasiib lacag maalin kasta hal milyan ah oo loogu talagalay taageerada gobollada muhiimka ah.

Tani waxay ahayd xeelad cusub oo lagu xoojinayo taageerada Trump xilliyadii ugu dambeeyay ee doorashada. Habka uu Musk ugu maalgeliyay ololaha doorashada ayaa soo jiitay dareenka warbaahinta, taas oo tusineysa sida uu u isticmaalo awoodiisa dhaqaale iyo sumcaddiisa si uu saameyn ugu yeesho siyaasadda dalka.

Dood ayaa ka dhalatay in maalqabeenada ay awood dhaqaale u isticmaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nidaamka doorashooyinka. Maalgashiga noocan ah waxa uu maalqabeenada siin karaa awood ay ku difaacaan danaha guud ee bulshada, iyagoo sidoo kale xoojinaya nidaamka dimoqraadiga ee dalka.

Maalqabeenada, sida Musk, waxay ku abuuri karaan ururo siyaasadeed ama taageeri karaan xisbiyo, taas oo ah hab muhiim ah oo ay bulshada uga qeyb qaadan karaan. Tani waxay sare u qaadaysaa ka qaybgalka bulshada ee go’aannada muhiimka ah ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la hubiyo in maalgelinta siyaasadeed lagu maamulo si daahfurnaan ah, isla markaana la sameeyo sharciyo nidaamiya qaabka loo isticmaalo hantida gaarka ah ee lagu taageerayo siyaasadda.

Tani waxay ka hortagi kartaa halista ah in maalqabeenada ay isticmaalaan lacagtooda si ay saameyn ugu yeeshaan musharax gaar ah, iyagoo iska ilaaway danta guud ee bulshada.

Waxaa muhiim ah in nidaam daahfuran oo loo dhan yahay la dhiso si maalgelinta noocan ah ay uga faa’iideyso dhammaan bulshada, halkii ay ku koobnaan lahayd dano gaar ah.

Tusaale ahaan Elon Musk wuxuu muujinayaa awoodda ay maalqabeenadu u leeyihiin inay saameyn ku yeeshaan nidaamka doorashooyinka. Maalgashadayaasha Soomaaliyeed waxay ka faa’iidi karaan tusaalaha Musk iyagoo u adeegsada hantidooda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta siyaasadda iyo dimoqraadiyada dalkooda. Taasi waxay ka caawin kartaa in la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo in la helo nidaam siyaasadeed oo sugan oo xasilloon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *