Khibradayda adeegsiga Chatgpt

Hordhac
Waxaa muddooyinkii danbe koror xooggan uu ku yimid adeegsiga teknolojiyada casriga, taas oo ka dhalatay horumarada ballaaran ee majaalkaan laga sameeyay iyo sida joogtada ah ee ay quwadaha waaweyn ugu tartamaan inay noqdaan hogaanka dunida ee Caqliga Macmalka gaar ahaan Mareykanka iyo China oo ayagu u dhaxeeyo tartanka ugu adag ee teknoolajiyaddan casriga. Caqliga macamalka qeybaha loogu adeegsiga badan yahay ayay Chatbot-ka kamid noqdeen, kuwaas oo u qaabeysan qaab uu qofka ula sheekaysan karo sida aadanaha kana caawin karo howl maalmeedkiisa sida qoridda qoraallo, caawinaadda macaamiisha, macluumaad bixin, tarjumaad, inay wax ku baraan, iyo kuwa kale oo badan. Sidoo kale waxa ay adeegsadaha ula falgalaan qaab qoraal ama cod.
Waxtarka Chatbot-yada waxa ay horseeday inay shirkadu badan ku tartamaan ayan soo saaraan barnaamijyo casri ah oo adeegsadaha u fududeynaayo in shaqo maalmeedkiisa uu ku qabsado. Shirkadda Google ayaa soo saartay barnaamijkeeda Gemini oo horena loo yaqiin Bard, waxayna Microsoft suuqa soo galisay Copilot, halka shirkadda OpenAi ay hirgalisay Chatgpt kaas oo noqday barnaamijyada ugu caansan looguna adeegsi badan yahay marka dhinacyadaan la joogo. Chatgpt kolkii la shaaciyay waxaa 2 bil gudaheed adeegsatay dad gaaraayo 100 milyan, taas oo noqotay rekoorka ugu badan ee barnaamij aadane farasameeyay ay muddo kooban ku adeegsadaan tiro intaa gaarayso. Dhanka kale waxaa xasuusin mudan in Chatgpt kirada billaha ay tahay $20 taas oo sanadkii noqonayso $240.
Chatgpt iyo gudaha Soomaaliya
Is-badelladaasi waxa saameyn ku yeesheen guud ahaan dunida, waxa ayna Soomaaliya soo gaareen bartamaha sanadkii tagay. Waxa aan bisha 19-20 oktoober ee 2023 Muqdisho kaga qeyb galay shirweynaha Caqliga Macmalka iyo Waxbaridda Mashiinka ( AI iyo ML Conference) ayna soo agaasimeen IndabaX oo ah cutubka DeepLearning Indaba ee Soomaaliya. Waxa ay shirkaasi IndabaX ku suurtogalisay in ay in ka badan 400 oo qof ay helaan akoon bilaash ah muddo sanad, taas oo ay taageerada bixinaysay shirkadda OpenAi oo ah shirkadda leh Chatgpt. Waxa ay taasi ka dhigneed in tirada ugu badneed, Soomaali, oo hal mar awood u yeesha adeegsiga adeegga Chatgpt ee kirada ah. Aragtideyda, waxa ay taasi kor u qaaday tirada adeegsadayaasha Chatgpt ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhallinyarada iyo bahda waxbarashada.
Shakhsi ahaan, inta aan helin Chatgpt-4 waxa aan hore u adeegsan jiray Chatgpt-3 iyo BardAi oo ay laheyd shirkadda Google, balse markii aan helay Chatgpt-4 oo ahaa kan ugu casrisan ee ay shirkadda OpenAi leedahay, waxaa yaraaday adeegsigeygii barnaamijka Google waxaana la qatimay Chatgpt-4, waxaana intaa ka dib aan bilaabay inaan baaritaan kusii sameeyo si aan fahan kaga helo sida ay u shaqeeyaan barnaamijyadaan, maadaama aan majaalka AI u haayay rabitaan iyo xiiso badan. Muddada ku dhaw sanadka ee aan adeegsanaayay Chatgpt, waxa aan ka helay xaddi khirbad, asiga oo la falgalay nolol maalmeedkayga, taas oo ay wada socdaan fursadda iyo caqabada. Haddaba dhinacyada hoose waa qaar kamid ah kuwa aan la falgalay oo aan kaga warrami karo.
Hab-weydiinta
Haddii aad maqli jirtay qof waxyaqaano ayaa imtixaan qisho, hadda waxa aan aaminsanahay in kaliya qof farsamoyaqaano uu Chatgpt dheefsan karo. Sababta aan taasi u leeyahay waxa ay tahay si uu Chatgpt kaaga caawiyo baahidaada; waxa aad u baahan tahay inaad taatiko adeegsato, si uu kuu siiyo xog sugan oo ku habboon waxa aad adigu rabtid. Lugta koowaadna waxaa lamahuraan ah inaad iska toosisid habka aad su’aalaha u weydiinaysid Chatgpt. Si aad u hagaajisid hab-weydiinta su’aalaha, waa inaad ku dadaashid:
- Inay weydiintaada noqoto mid gaar ah oo la fahmi karo,
- Inaad siisid macluumaad dheeraad ah haddii mowduucu yahay mid gaar ah,
- Inaad la wadaagtid tusaalayaal
- In aad weydiisid su’aalo raacid si aad u heshid faahfaahin iyo
- Inaad goor walbo ku dadaashid koobnaanta weydiintaada si uusan u iman jaha-wareer.
Waxa ay dhammaan tallaabooyinkaani ay kaa caawinayaan helitaanka jawaabo la isku halleyn karo. Hab-weydiintaada oo ah beerashadaada ay kaalin buuxdo ku leedahay waxa aad guranaysid oo ah miraha. Haddii aan tusaalayno waxa ay noqn;
- Sida aan habbooneen: Sidee loo qoraa maqaal?
- Sida habboon: Waa maxay tallaabooyinka ugu habboon ee la adeegsan karo si aan u qoro maqaal ku saabsan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan aniga oo diiradda saaraayo fursadaha iyo caqabadaha suuqa ee qalinjabinta kadib?
Xaddiga Xogta
Dhanka kale, Chatgpt kama helaysid wax walbo oo macluumaad ah, balse awooddiisa waa xaddiga loo tababaray; taas oo ka dhina in xog walbo oo tababarkaasi aan lagu siinin uusan macluumaad kaa siin karin. Waa run in marar badan uu xog sugan kaa siiyo macluumaad soo shaacbaxday kadib waqtiga tababarkiisa taasna waxa uu si toos ah kaga helaa ilaha baraha internet-ka, gaar ahaan kuwooda xooggan. Tani waxa ay sees u noqon kartaa kalsoonida aad ku qabtid xogta uu ku siinaayo, iyo in aad goor walbo feejignaatid oo aad hubisid macluumaadka aad ka heshay. Qaababka lagu hubin karo waxaa kamid ah; inaad weydiisid in uu kula wadaago lifaaqa isha xogta.
Tarjumaadda
Dhinaca tarjumaadda waxa uu Chatgpt ka mid yahay meelaha aan u arkay in ay aad u horumarsan tahay, gaar ahaan luqadaha aadka loogu tabobaray, sida af Ingiriiska. Tusaale ahaan, marka la isu baddelaayo labada luqad, Ingiriis iyo Soomaali, waxa ay tarjumaaddii ila sarreysaa marka qoraalka laga soo tarjumaa af Soomaali. Balse, marka uu ka soo tarjumaayo af Ingiriisi lana rabo in uu u rogo Soomaali, waxa ay u baahan tahay tifaftir iyo hagaajin dheeraad ah, si aad kaga dhigtid mid dhalad ah oo sugan.
Waxaa tan loo sababeyn karaa in weli af Soomaaliga aan lagu dhex horumarinin teknoolajiyadda casriga ah, ayada oo caqabadaha heysto ay kamid yihiin; is-dhexyaaca af-guriyada, taas oo xalkeedu noqon karo, in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh afka, inay shirkadaha barnaamijyadaani leh ay la sameeyaan wada-shaqeyn si ay u fududaato in aaladaha teknoolajiyadaha casriga lagu dhex beero af Soomaali sugan oo saxsan, taas oo kor uqaadi karto tayada tarjumaad ee ay mashiinadu sameeyaan.
Marka la joogo tarjumaadda lagu dhex samaynaayo Chatgpt waxa aad u baahan tahay in aad raacisid erayo jihayn karo hannaanka aad tarjumaadda u rabtid, sida inaad fartid in uu kugu tarjumo qaab rasmi ah iskuna xiran (Formal & Coherent), taas oo kaa caawinaysa inaad heshid tarjumaad sarreyso.
Dhisidda goob gaar kuu ah
Chatgpt waxa aad ka dhex helaysaa in aad abuuratid goob adiga kuu eli ah, taas oo aad u dhisi kartid hab waafaqsan baahidaada, si macluumaadka aad helaysid ay u noqdaan kuwa dhalad ah oo aad adigu leedahay seeskooda. Waxa aad ula bixi kartaa magac gaar ah ama mid guur, kadibna waxa aad caddeynaysaa shaqada aad rabtid in uu kuu qabto, waxaadna raacinaysaa dokumentiyo taageeri karo si ay u sahlanaato in laguu abuuro macluumaad salkoodu yahay nuxurka aad galisay. Tusaale ahaan, si aad u dhistid nuxurka xayaysiin ee shirkad B, una naqshadaysatid goob gaar ah, waa inaad xilliga dhisidda barnaamijkaaga aad la wadaagtid xo dhameystiran oo ku saabsan shirkadda iyo inaad ku lifaaqdid dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah shirkadda, taas oo kaa caawinayso inaad si fudud ku abuuratid nuxur xayaysiin oo dhalad ah kana tarjumaayo baahidaada sidoo kalana mateli karo summadda shirkadda. Sida hoose waa sida uu u muuqanaayo billowga dhisidda barnaamijkaaga.

Barashada luqadda
Waxa ay guud ahaan Chatbot-yada oo uu Chatgpt kamid yahay ay awooddooa ku sarreysaa luqadaha, ayada oo ay u fududahay inay il-biriqsiyo isku weydaariyaan luqado badan, sidoo kalena karo inay kugu la sheekaystaan luqadaha. Tani waxa ay kaa caawin kartaa inaad ka horumarisid luqadda, asiga oo goor walbo kaalmo iyo hagid kaa siinaayo sida aad luqadda aad doonaysid kusii baran laheyd. Chatgpt waxaad u adeegsan kartaa inaad luqadda aad rabtid uu kaa baro eray-bixinno, taas oo kor u qaadaysa xaddiga eray ee aad luqadda ka taqaantid. Waa aad wada-sheekaysan kartaan, adiga oo la sameynaayo baraatiko, mar weydiinaayoo sharaxaadda erayada marna erayo kale oo dhigma. Waxa aad ka baran kartaa naxwaha luqadda, sidoo kalena waxa uu ku siin karaa manhaj gaar ah oo aar raacdid, kadib marka aad baahidaada la waadgtid. Dhammaan tallaabooyinkaan iyo kuwa kaleba waa kuwa uu Chatgpt kaaga caawin karo inaad luqaddaada horumarisid.
Baarista Mawaadiicda Kakan
Marka aad u baahan tahay inaad baartid mowduuc gaar ah si aad fahan qoto dheer kaga heshid, Chatgpt waxa uu si fudud kaaga haqabtiri karaa baahidaas, waxa uuna ku siinayaa fahan buuxo oo ku saabsan ciwaanka. Waa inaad weydiimahaaga noqdnaa kuwa ka tarjumaayo baahidaada, sida inaad dalbatid in uu wax kugu sharaxo sida qof aan wax fahan ka heysan mowduuca, taas oo Chatgpt ka caawinayso inuu kugu warceliyo hab sharaxaad adiga kuu gaar ah oo aad wax ku fahmi kartid. Haddii weli fahanku aanu soo dhawaan, waa inaad ka codsan kartid tusaalayaal iyo qaabab kale oo aad wax ku fahmi kartid. Goor walbana waa iinaad hubisid in hab-weydiinta su’aashaada ay noqoto mid la fahmi karo, si aad u heshid xog sugan oo saxan. Sida aan hore usoo sheegnay, haddii aad ka shakido sax ahaanshaha xogta, waxa aad ka codsataa tixraacyo ama adigu u baar ilo dheeraad ah.
Iimeylada
Chatgpt waa il kale oo muhiim ah marka laga hadlaayo qoridda email-ka, asiga oo kaa caawin karo in uu kuu qoro noocyada kala duwan ee email-ka, sida kuwa dowliga, waxbarashada, xayaysiinta, kuwa shakhsiga iyo sidoo kale iimeylada xirfadeed. Waxa uu kuu qori karaa iimeylada shakhsiga oo iskugu jira; midka asxaabtaada, casuumaadda, mahadcelinta iyo hambalyada. Waxa aad u adeegsan kartaa iimeylada xirfadeed ee codsiga shaqo, cabashada, kulamada, cusbooneysiinta mashruuc, lifaaqa arjiga, iyo kuwa kale.
Waxa la isku halleyn karo ayaa ah qaab dhismeedka iimeylka, balse nuxurka gudaha iimeylkaaga waxaa lagama maarmaan ah inaad ka dhigtid mid gaar ah oo asal ah, si uusan haadaan kaga tuurin una aadan sameyn xiriir keeni karo jahawareer. Si aad caqabadaasi kaga gudubtid, waxa aan raaci kartaa tallaabooyinka;
- Inaad caddeysid ujeedka iimeylka, sida inaad dhahdid; Waxaan u baahanahay iimeyl aan ku codsanaayo fursad shaqo
- Inaad sheegtid cidda lala wadaagaayo iyo xiriirka idinka dhaxeeyo, sida; saaxiib, maamule, macallin, iwm.
- Inaad bixisid macluumaad faahfaahsan, oo ay kunjiraan goobta, goorta, magaca, iyo macluumaal walbo oo gaar ahloona baahan karo. Tusaale; Shir lagag doodi doono waxsoosaarka shirkadda, isbuuca danbe maalinta arbacada, kana dhici doono xarunta.
- Inaad jaangoysid nooca iimaylka. Tusaale, in iimeylka loo qoro nidaam rasmi ama mid aan rasmi aheyn (formal and informal emial), mid saaxiibtinimo, ama shaqo.
- Inaad go’aamisid koobnaanta, dhererka iimeylka, ama gaabanidiisa.
- Inaad dib u akhrisid, tifaftirtid, goor walabana ku dadaashid inaad adigu noqotid gacanta u danbayso, kahor diritaanka.
Abuurista Sawirada (DALL-E)
DALL-E waa moodal ku dhisan caqli macmal kaas oo ka dhex dhisan Chatgpt. Waxa uu u qaabaysan yahay inuu male’awaalkaaga u badelo sawir, adiga oo ula wadaagaaysid qaab qoraal ah. Waxa aad siinaysaa sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan sawirka aad rabtid si aah u heshid sawirka aad doonaysid. Waxa aad sii bixinaysaa sifeynta iyo tilmaan bixinta ee sawirka aad suuraysanaysid sida midabka, walaxda, iyo dhinac walbo oo aad tilmaan ka bixin kartid. Tusaale ahaan sida hoose:

Dhammaan qodobada aan soo sheegnay waa kuwa ay isla socdaan dhib iyo dheef, taas oo saameyn ku yeelan karto adeegsadaha; balse xalka aan arko waa in dheelitirnaan la helo oo la dheefsado balse waxii shakhsiga dhaawici karo, dhan walbo, sida hal’abuurka, iwm. Waxaa muhiim ah in uu jiro baraarug shakhsi ee adeegsiga teknoolajiyadaha casriga ah ee sida fudud ku qabanaayo shaqadaada, mar walbana u diyaarsanaatid inaad la jaan-qaadid.
Ugu danbeyntii waxa ay tani muujinaysaa sida caqliga macmalka guu kaalin buuxdo ka qaadan karo nolol-maalmeedka shakhsiga gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, tarjumaadda, ganacsiyada, qoridda qoraallada iyo iimeylada iyo baarista mowduucyada kakan. Soomaalida waxa ay si xowli ah ula falgayaan caqliga macmalka, waxaana muhiim ah in la helo wacyigelin iyo tababarro ku aadan sida loo dheefsan lahaa looguna adeegsan lahaa barnaamijyadaan sida ugu habboon.

Mahadsanid, wll mudo sanad ku dhaw baan isticmaalayaa aaladaan ChatGPT waxay iga caawisay hawlo badan muhiim ii ahaa , qoraalka aad mawduucaan ka sameyseena waxaan kala dhex-baxay faham buuxa oo ku saasabsan sida ugu haboon oo loo isticmaalo aaladaan Mahadsanidiin bahda raadreeb