SOOYAALKA DUNIDA | 16 filinoo Dokumentari ah oo ka warramaya Dhacdooyin Dunida cusub soo maray

Sawirka waxaa leh Fathom events

SOOYAALKA DUNIDA | 16 filim Dokumentari oo ka warramayaa dhacdooyin dunida cusub soo maray

W\Q: Cabdiraxmaan Caqiil

Filimada Dokumentariga waa nooc kamid ah filimada la soo saaro si loogu soo gudbiyo taariikh ama dhacdo horay u soo dhacday, waxaana ka caagan oo aan marnaba laga helayn waxyaabo khayaali ah sida filimada kale lagu soo saaro.
Dadka ka shaqeeya samaynta filimada Dokumentariga ah, waxa ay ka faa’idaysteen xiisahan aan dhammaadka lahayn ee dadku qabeen, waxa ayna ku dadaaleen in ay uruuriyaan wax kasta oo la werin karo, dadkuna daneeyaan, horumarka tignoolojiyadda dunida- waxa ay wax badan ka tartay in la daboolo baahi loo qabay soo gudbinta sooyaalka dunida iyo aqoonta aadanaha kala dhaxlayay qarniyo badan.
filimada Dokumentariga ah ee sooyaalka dunida koobsaday waxaa kamid ah:

  1. Dagaal weynihii koowaad ee adduunka| أبُكاليبـس: الحرب العالمية الأولى «Apocalypse: The First World War»
    Waa mid kamid ah filimada Dokumentariga/ wasaa’iqiga ah ee ka warrantay dagaal weynihii koowaad ee adduunka. Waxaa lasoo saaray 2014kii, waxa uuna ka koobanyahay 5 xalqadood oo aan kala dhicin, waxa uu si qotodheer uga warramayaa dagaalladii dhacayey iyadoo laga eegayo hab istaraatiiji ah, waxaa muhiimad u sii yeelaya in dhacdooyinka laga abbaaro meel xasaasi ah, oo dadku aad u xiiseeyaan in ay wax ka ogaadaan.

2.Dagaal weynihii labaad ee adduunka| أبُكاليبـس: الحرب العالمية الثانية «Apocalypse: The Second World War»

Dad badan ayaa rumaysan in taxanahan uu kamid yahay Dokumentariyada ugu mudan taariikhda, waa filim ka warramaya dhacdo nolosha aadanaha ku weyn.
Filimka waxaa ku jira qaybo dhab ah, oo kamid ah Dagaalkii labaad, waxaana soo duubay saxafiyiinta dagaallada kasoo warrama, ciidamadii dagaalka ku jiray, iyo dad kale. Taxanahan waxaa lasoo bandhigay isaga oo midabaysan oo muuqaalkiisu hagaagsanyahay, marka laga reebo qaybo dhab ah oo dagaalka Kamid ah.
Sannadkii 2009kii ayaa Daniel coastal iyo Isabel Clark si Wadajir ah u soo saareen, kanaalka national geographic ayaa carabi u rogay markii dambe.
Waxa uu ka koobanyahay 6 xalqadood (5 saac iyo 52 xaqiiqo), sannadkii 2014kii, waxaa lagu soo bandhigay 165 dal, waxaana daawatay in ka badan hal bilyan oo qof.

  1. Dagaalkii qarniga| حرب القرن: الحقيقة وراء حرب هتلر وستالين

Xaqiiqda ka dambaysa dagaalkii istaalin (Stalin) iyo Hitler ee dagaal weynihii labaad ee dunida oo ahaa dagaal dhiig badan ku daatay, duullaankii uu Jarmalku ku qaaday midowgii soofiyeet, iyo dagaalkii uu kala horyimid istalin waxa uu galaaftay nolosha in kabadan 30 milyan oo qof, dunidu wax badan kama ogeyn dagaalkaa waxa dhabta ah ee uu salka ku hayey, balse dumintii derbiga Barlin waxa ay warbaahintu fursad u heshay inay waraysato dadkii dagaalka qaybta ka ahaa.
Marqaatiga nool ee goobjooga u ahaa dagaalladaasi ayaa lagu qayb ka ahaa filimkan oo lasoo saaray 1999kii, afar xalqadood ayuu ka koobanyahay filimka, waxaana lagu soo bandhigayaa kayd iyo caddayn ku saabsan wixii ku qaaday Hitler in uu Ruushka ku duulo, iyo falcelintii Ruushka.

  1. Loollankii Hitler iyo Sharshel | هتلر ضد تشرشل

Winston Churchill odaygii Ingiriis oo wajahaya gorgorkii Jarmalka. Waxaa lagu soo bandhigayaa loollankii u dhaxeeyay labadan nin, iyo in labaduba ay 10 sanno kahor mid kasta uu diraasayn ku sameeyay shakhsiyadda kan kale, Dokumentarigan waxa uu soo xiganayaa archiveka, khudbadaha ay jeediyeen iyo qoraalladii ay sameeyeen.
Sannadkii 2018kii ayaa lagu soo bandhigay kanaalka Alcarabiya.

  1. Sooyaalka Hitler
    Taxanahan waxay khubaro heer caalami ah kusoo bandhigayaan baaritaan ay ku sameeyeen shakhsiyadda iyo habdhaqanka layaabka leh ee Hitler, waxay baarayaashu soo bandhigayaan sida uu Hitler u awooday in isaga oo bilaa camal ah isu rogo kaligii taliye aan naxriista wax ka aqoon, malaayiin qofoodna ay jecelyihiin.
    Warbaahinta Aljasiira qaybta Dokumentariyada ayaa soo saartay taxanahan 2019kii, waxa uuna ka koobanyahay 6 xalqadood.
  2. Naasiyiin daahsoon| عالم النازية الخفي «Nazi Underworld»

Naasiyiintu waxa ay dad badan rumaysan yihiinin ay taariikhda ka galeen baal madow, oo ay adagtahay si loo tirtiro, waxaase ku xeeran su’aalo badan oo arrinkooda la iska weydiin karo. Kanaalka National geographic ayaa soo saartay taxanahan, waxa uu ka koobanyahay laba kal/season oo kan koowaad 6 xalqadood ah, halka kalka labaadna 5 xalqadood yahay, intii I dhaxaysay 2011-2013 ayuu socday.

  1. Dagaalkii ahliga ee maraykanka ” the civil war”

Waa filim Dokumentari ah oo uu soo saaray kin Prince oo ah filim soo saare maraykan ah, waxa uu tooshka la dultagayaa dagaalkii ahliga ee maraykanka ka dhacay qarnigii 19aad, una dhaxeeyay koonfur iyo woqooyi.
Waxa uu filimku isku xirayaa dhacdooyinka iyo natiijada ka dhalatay, 1990 ayaa lasoo saaray, 10 xalqadoodna waa uu ka koobanyahay. Waxa uu helay abaalmarino dhowr ah oo heer caalami ah.

  1. Taariikhda aan la werin ee Maraykanka ” the untold history of the United States”
    Waa taxane ka kooban 10 xalqadood oo lagu ururiyay dhacdooyin muhiim ah oo taariikhda maraykan kamid ah, laga soo bilaabo dagaalkii labaad ilaa xilligii Obama ayuu ka warramayaa taxanahan, wareysiyo iyo kulamo tiro badan, soo bandhigidda sawiro iyo kaydad ay dhif tahay in la helo ayuu taxanihiisa kusoo ururiyay, waxa uu ka warramay hoggaamiyeyaasha Yurub, qorshaynta kacdoonnada Latin America Iyo dalal kale, nidaamka hantigoosadka iyo hoggaanka dunida, muranka kuuba, dagaalkii qaboobaa, kii Fiyetnaam, burburkii nidaamkii hantiwadaag, dagaalladii kuweyt, ciraaq, iyo Afghanistan, iyo dhacdadii 11 ka Sibtambar oo uu duljoogsaday.
  2. Dagaalkii ahliga ee isbayn” The spanish civil war”
    Taxanahan waxa uu isdultaagayaa qisada dagaalkii ahliga ee ugu xumaa taariikhda isbayn oo socday 1936-1939kii. Telefishinka Grenada ayaa 1983dii soo saaray.
  3. Kuuriya: dagaal aan dhammaad lahayn| كوريا: الحرب التي لم تنتهِ

Waa taxane ka kooban 4 xalqadood. Waxa uu ka warramayaa qisada dagaalkii Kuuriya, filimka waxaa qay ka ah muuqaallo dhab ah oo dagaalka ah iyo kuwo la sameeyayba, waxaa intaa dheer in ay ka qaybgaleen marqaati iyo goobjoogayaal dagaalka u soo joogay.
Dhacdooyinka siyaasadeed iyo dagaallada oo kaliya ma uusan soo tebin filimka, se waxa uu il gaar ah ku eegayaa dhibaatadii gaaray dadka rayidka ah.

  1. Dagaalkii Fiyetnaam《 The Vietnam war》
    Waa mid kamid ah Dokumentariyada ugu mudan ee laga sameeyay dagaalkii Fiyetnaam, waxaana silsiladdan la soo saaray 2017kii, shirkadda maraykanka laga leeyahay ee PBS ayaana soo saartay, waana 10 xalqadood.

Muddo 10 sanno ku dhow ayay qaadatay soo saarista taxanahan, waxay soo ururiyeen sawiro gaaraya 25kun, 80 qofood oo maraykan iyo Fiyetnaameesba isugu jira ayay warraysteen, waxaana ku kacday kharash gaaraya 30 milyan oo doolar. Soo saaraha filimka waxa uu xoogga saaray in uu waraysto shakhsiyaad Ka mid ahaa dhinacyadii dagaalka Ka qaybgalay, intii uu wareysan lahaa taariikhyahanno, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

  1. Burburkii midowga soofiyeet| انهيار الاتحاد السوفييتي

Aqbalaaddii hoggaamiyihii Soofiyeetka Michael Gorbachev in heshiis lagu dhameeyo muranka siyaasadeed ee Kala dhaxeeyay maraykanka, waxa ay waddada u xaartay nooc kamid ah is-dhiibidda.
Burburka soofiyeetka inyar kahor waxaa afhdmbi isku dayay koox taabacsan nidaamkii hore ee Ku dhisnaa shuuciyadda,ugu dambayntiina wuu fashilmay afgembigaasi.
Warbaahinta Aljasiira ayaa laba xalqadood Ka diyaarisay dokumentarigan xiisaha leh.

  1. Midowgii labada jarmal | إعادة توحيد ألمانيا

Waa taxane dokumentari ah oo ay soo saartay warbaahinta Aljasiira, laba xalqadood ayuuna taxanahaasi Ka koobanyahay. Waxa uu taxanahani Kala dhigdhigayaa duminta gidaarkii Berlin, iyo midowgii jarmalka Bari iyo Galbeed sannadkii 1990kii.

  1. Afrika iyo Faransiiska| أفريقيا-فرنسا: القارة المستباحة

Filimkan oo 3 xalqadood ah, waxaa 2010kii lagu soo bandhigay shaashadda warbaahinta Aljasiira, waxa uuna tooshka Ku qabanayaa gabood-falladii uu Faransiisku Ka geystay qaaraddan madow, iyo boobka kheyraadkii Afrika ay lahayd, sidoo kale ka talinta aayaha Afrika waayihii gumeysa iyo maantaba. Waxa uu filimku soo xiganayaa goobjoogayaal iyo masuuliyiin hore oo Faransiis ah, kuwaas oo qayb Ka ahaa jarriimooyinka Faransiiska ee Afrika.

  1. Dagaalladii ingiriiska| حروب بريطانيا المنسية
    Intii u dhaxaysay dagaal-weynihii labaad ee dunida iyo dagaalkii ciraaq, waxa uu ingiriisku ku lug lahaa dagaallo iyo qalaanqal ka dhacay dunida oo inta badan la ilaaway, silsiladdan Aljasiira diyaarisay waxaa lagu qaadadhigayaa loollankii ingiriisku ka galay arrinta kanaalka suweys, dagaalkii Boosniya, kii khaliijka,dagaalladii Kuuriya, iyo kacdoonkii Mau mau ee kiinya oo dhacay intii u dhaxaysay 1952kii ilaa 1960kii.
  2. Magaalooyin taariikh ku leh dunida| مدن من التراث العالمي
    Silsiladdani waxa ay iftiiminaysaa dhaxalka taariikheed iyo sooyaalka dhaqan ee magaalooyin ka tirsan isbayn, magaalooyinkaas oo horay hay’adda UNESCO ugu dartay dhaxalka taariikheed ee dunida waxaa kamid ah Santiago de compostela, Toledo, Mereda oo loo garan ogyahay Roomada yar, Salamanca oo ka dhisanayd jaamacadda ugu qadiimsan isbayn, iyo Qurduba oo caasimad u ahayd xukunkii islaamka. Aljasiira ayaa soo saarista iska leh, 6 xalqadoodna way ka koobantahay.

Tixraac

  • https://www.ida2at.com/20-documentary-series-history-politics-enthusiasts/.
  • https://youtu.be/4BVYcVERJb0?si=JOOXMgtGkjlF3BKD
  • https://youtu.be/6ZQ1-BaCR6w?si=TA8BxwFd9SQKdbkP

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *