Libaaxa Boqorka ah: Aqoonsiga raganimada iyo aabbanimada.
WQ: TOMASZ JUSZCZAK
WT: Aw Saahil
Waxa aan ahaa siddeed jir, waxa ayna ahayd markii iigu horraysay ee aan abid tago meelaha filimada lagu daawado. Weli waan xasuustaa ashqaraarkii, shucuurtii iyo rayntayntii i saaqday markii aan “libaaxa boqorka ah/The lion king” ka daawanayay shaashadda weyn. Labaatan iyo shan sano ka dib, isla dareenkaas ayuu dib u kiciyay dib u samaynta filimka dhawaan lagu sameeyay. Inkasta oo dib u samaynta filimku aysan gaarin heerkii ugu sarreeyay ee shucuureed ee kii asalka ahaa, taswiirta iyo muuqaalladu (cinematography) waa heersare waxa ayna weli si fiican u gudbinayaan mawduucyadii iyo farrimihii muhiimka ahaa. Mid ka mid ah mawduucyada uu dulmarayo filimkii asalka ahaa, ee lagu sii iftiimiyay dib u soo saarista filimka waa aqoonsiga raganimada (masculine identity)
Dhammaan filimada aan arkay, Libaaxa boqorka ahi waxa uu leeyahay mid ka mid ah tusaalayaasha ugu wanaagsan ee shakhsiyadda aabbaha. Iyadoo oo aabbayaal badan oo filimada ku jira loo sawiro in ay yihiin kuwo warmoog, maqan, karti la’aan ah, ilmaha ku xadgudba, laga cabsado amase aanba door qaadan, jilaaga Mufasa waxa uu soo bandhigayaa tusaale qurxoon oo ah aabbe caaddil ah, xigmad leh, akhlaaq iyo jacayl badan. Intaa waxaa dheer, filimkaan waxa aan ku arkaynnaa xiriir cad oo ka dhexeeya aqoonsiga raganimada iyo aabbanimada.
Laga soo billaabo da’adii uu yaraa Simba waxa uu doonayaa in uu noqdo sida aabbihiisa, waxa uuna uga daydaa aabbanimo iyo boqornimo labadaba. Mid ka mid ah muuqaallada soo jiidashada leh ee filimkaan ayaa iftiiminaya hogatuskan. Ka dib markii uu Simba ku caasiyay aabihiis isagoo isku dayaya in uu muujiyo geesinimadiisa, Mufasa waxa uu Simba gaynayaa meel gaar ah waxa uuna barayaa waxa ay dhab ahaan ka dhigan tahay in geesi la noqdo.
Inta uu Mufasa Simba ku canaananayo ammar diiddadiisa haddana jacaylka kama tegayo, laakiinse waxa uu daqiiqaddaa ka dhigayaa fursad wax barasho. Mufasa waxa uu dareenka Simba u jeedinayaa dhinaca xiddigaha isaga oo u sharraxaya sida aabbihiis u baray in xiddiguhu ay metelayaan dhammaan boqorradii hore oo hoos u soo eegaya diyaarna u ah in ay hagaan socodkooda dhulka, iyo in uu maalin maalmaha ka mid ah uu boqorradaas ku biirayo Simbana halkaas ka hagi doono. Daqiiqaddan jacaylka aabbenimo xambaarsan waxa ay sidoo kale tusinaysaa qaangaarnimo ruuxi ah iyo hoggaamin ah in dhammaan aabbayaashu u diran yihiin qoyskooda dartiisa.
Simba, safarkiisa uu ku kasbanayo adadaygga raganimada waxaa saamayn weyn ku leh halyeynimada iyo hogatuska waayoaragnimada leh ee Mufasa u siinayo abbbe ahaan iyo boqor ahaanba. Waxa uu mar sii horraysay, Mufasa wiilkiisa barayaa waxa ay yihiin dhaqanka wanaagsan iyo naf hurka runta ah; “Halka ay dadka kale raadinayaan waxa ay qaadan karaan, boqorka dhabta ahi waxa uu baadidoonaa wax uu bixin karo.” Casharku halkaas kuma eka, sida aan ku arkaynno jacaylkan naf hurnimada leh ee ka muuqda muuqaalka filimka ugu caansan kaasoo Mufasa badbaadinayo Simba noloshiisa isaga oo naftiisa halis gelinaya.
Dhimashada Mufasa ka dib, waxa aan aragnaa in uu Simba si dhakhsi ah u luminayo aqoonsigiisa qofnimo. Ka dib marka uu boqortooyada uga cararo talada adeerkiisa sharrowga ah ee Scar, waxaa badbaadinaya laba majaajiliiste Timon iyo Pumbaa. Lammaanahan ayaa waxa ay nafahooda u sameeyeen sida shakhsiyadda aabbaha cusub ee cagabaruurka (lion cub) waxa ayna siinayaan waano aad u xun: ” Marka uu adduunku dhabarka kuu jeediyo adiguna dhabarka aaddi” Halkaani waa meesha aan nagula barayo oraahda caanka ee “Hakuna Matata/ No worries/ Wax welwel ah ma jiro”
Timon and Pumbaa qaab nololeedkoodu waxa uu ku dhisan yahay maskax abuuraysa qayb ka mid ah burburka raganimada ee adduunkeenna cusub: Iska illow dhibaatooyinka, iska daansha daanshoo oo noolow nolol sarraysa oo aan xeerar iyo mas’uuliyado lahayn. “Hakuna Matata” ayaa si sax ah arrinkaas u caddaynaysa; Waa mid maad ah, fudud oo aan lahayn wax xarrago ah. Waxa ay si dadban lid ugu tahay casharradii Mufasa uu isku dayay in uu wilkiisa u gunto. Timon waxa uu kor u yeerinayaa in “Noloshu bilaa macne tahay.” Dhab ahaan waa marka aan la qabsanno “Falsafaddan dhibta ka maran / problem-free philosophy”
Sidaa marka uu Simba u billaabo hab nololeedkiisa cusub, cuntadiisi way is beddelaysaa oo inta hilibkii iska daayo ayuu cayayaanka yaryar cunayaa tan oo summad u ah wax ku dhacaya ninnimadiisa; waxa uu hilmaamayaa cidda uu yahay waxa uuna aqbalayaa in uu u noolaado sidii qof ka hooseeya ciddii loo dooray in uu noqdo. Tanna waxaan ka arki karnaa nolosheenna marka aan dooranno in aan mas’uuliyadaha gacantada ka qaadno oo qaab nololeedka isma lurenimada ah ku noolaanno. Waxa aan tuurnaa karaamadeennii waxa aana u digorogannaa nolol liidata.
Muuqaal dambe waxaa iska caddaanaysa in Timon and Pumbaa hab nololeedkoodu ay jaangoyso falsafadda maaddiga ah. Mar ay saddexdoodu si wada jir ah xiddigaha u milicsanayaan ayuu Simba la wadaagayaa wixii uu aabbihiisa mar baray oo ku saabsan boqorradii hore. Saaxiibadiisa waa ay ku jeesjeesayaan aragtidaas waxa ayna diidayaan wicitaanka si ay u eegaan waxa ka baxsan dabeecaddooda jireed. Si kastaba ha ahaatee, Simba, waxa uu billaabayaa in uu mar kale arko xaqiiqada ruuxiga ah ee aabbihiis isugu muujiyay, xasuusaha aabbihiisa ayaan kacaya, sidoo kale dareenka aqoonsigiisa dhabta ah iyo yeermada sare ee boqorrada.
Simba, iyada oo loo marayo hagidda saaxiibkii hore ee aabbihiis–Rafiki, ayaa u hoggaaminaysa goob, goobtaas oo uu ka helayo aabbihiis– Mufasa, oo la hadlaya. Mufasa oo dareensan xaaladda is waaga ah uu Simba ku sugan yahay ayaa Simba ku dhahaya, “Waa aad illowday cidda aad tahay, sidaas darteed, aniga waad i illowday.” Mufasa waxa uu Simba ku baraarujinayaa “Xasuuso qofka aad tahay.” Waxa ayna ugu yeeraysaa naftiisa in uu noqdo ninkii loo qoondeeyay in uu noqdo: Boqorka kaliya ee runta ah. Simba waxaa si awood leh loo xasuusiyay aqoonsigiisa dhabta ah in uu yahay wiilka iyo boqorka xaqa u leh in uu taliyo. Tanna waxaa sii xoojinaya Rafiki marka uu Simba warsanayo, ” Kuma ayaad tahay?” Simba jawaabtiisa hore waxa ay noqonaysa waa ” I’m nobody/ Qofna ma ihi”
Si kastaba ha noqotee, ka dib is waydaarsiga wadahadalka Mufasa iyo Simba, filimka qaybta dib loo soo saaray waxa ay ku daraysaa wadahadal cusub kaasoo uu Rafiki mar kale Simba warsanayo isla su’aashii “Kuma ayaad tahay?” Markaanna waxa uu ku jawaabayaa ” Waxa aan ahay Simba, wiilkii Mufasa” Daqiiqaddan ayuu Simba doorkiisa qaadanayaa. Aabbihiisa ayaa daaray waxa guntiisa hoose ku qarsanaa, taasoo ay wadaagaan nin kasta: Waa damaca noqoshada ruux haybad leh oo sarreeya, in uu naftiisa dhiibo oo uu baaqa fuliyo. Intaas ka dib, Simba waxa uu geelayaa safar guryo noqosho ah, si uu u soo ceshado aqoonsigiisi ahaa wiilkii Mufasa iyo Boqorka xaqa u leh in uu taliyo.
Habsiinta baaqa weynaanta waxa ay ka dhigan tahay in Simba uu ka cararo noloshii “Maxaa iga galay?” ahayd oo dhibta ka marnayd si uu ugu babac dhigo noloshiisi hore, u dagaallamo boqortooyadiisa uuna huwado go’a ugaasnimada. Soo noqoshadiisa si uu ula tartamo adeerkiisa sharrowga ah ee Scar, Simba waxa uu raacayaa tusaalihii naf hurka ee aabbihiis siiyay. Ma uusan lumin Timon iyo Pumbaa, sidoo kale; waxa ay go’aansadeen in ay raacaan oo dhinaciisa ka dagaallamaan. Taasi waa waxa ka marqaati kacaya waxa ay raganimada dhabta ahi tahay: Waxa ay ragga kale ugu yeertaa in ay habsiiyaan baaqooda weynaanta.
Miyaanan dhammaantayn rabin weynaanta? In aan u noolaanno una dhimanno wax nafaheenna ka weyn? Simba waxa uu tan ku garawsaday soo ceshiga aqoonsigiisa dhabta ahaa ee wiilkii Mufasa. Waxa uu na siinayaa fure kaas la mid ah. Waxa aan u baahannahay in aan soo ceshanno aqoonsigeenna dhabta ahaa… “Xasuuso qofka aad tahay.”

Waa filim cilmi wayn wata; kaas oo aaynaan dhaadin dhalaanimadeeni.