Falsafadda Camus iyo filimka Abbas Kiarostami ee Taste of Cherry

Falsafadda Camus iyo filimka Abbas Kiarostami ee Taste of Cherry.

WQ: Rajit Roy

WT: Aw-Saahil

“Dhab ahaantii waxaa jira hal dhibaato falsafadeed oo run ah waana isdilka”, ayuu Albert Camus ku leeyahay billowga qormo falsafadeedka “The Myth of Sisyphus/Sheekoxariirada Sisyphus” isaga oo hadalka sii watana waxa uu ku daray —” Go’aaminta in noloshu ay mudan tahay in la noolaado iyo inkale waa in laga jawaabo su’aasha asaasiga ah ee falsafadda.”

Sidoo kale is-dilku (suicide) waa nuxurka tiirdhexaadka u ah filim sameeyaha weyn ee ree Iiraan Abbas Kiarostami filimkiisa la yaabka leh ee Taste of Cherry. Waa sheekada xiisaha badan ee ku saabsan nin Badii la dhaho oo raadinaya qof ka caawiya falkiisa is-dilka ah [ ee uu rabo in uu ku dhaqaaqo]. Badii, waxa uu gaari ku wadaa waddooyinka dhaadheer, boorka badan ee mara duleedka magaalada Tehran, isaga oo lacag u u soo badhigaya qof kasta ee aqbala in uu ka qayb qaato falkiisa is dilka ah.

Inta uu safarka ku jiro waxa uu la kulmayaa saddex qof — Askari dhallinyaro ah oo ku noqonaya xeradiisi, xerow Afgaanistaan ah oo booqashada saaxiibkiisa u socda iyo taksiile ka shaqeeya madxaf la dhigo waxyaabaha dabiiciga ah ee taariikhiga ah. Laba ka mid ah-saddexdaa qof- ma helayaan wax ay ka yeelaan is-dilkiisa, wayna ku gacansayrayaan codsigiisa– Askerigu cabsi ayuu la cararayaa, xerowguna waxa uu u diidayaa sababo la xiriira caqiidadiisa.

Taksiiluhu, si kastaba, waa uu ku ka aqbalayaa codsigiisa waayo waxa uu aad ugu baahan yahay lacag uu cunug ka xanuunsan ku dabiibo. Si walba ha ahaatee, inta ay sii socdaan ayuu taksiiluhu waxa uu ku adkeynayaa in uu fekerkiisa beddelo oo uu ka tanaasulo aragtidan la xiriirta goynta naftiisa. Wadahadalkooda ( amase taksiilaha isla hadalkiisu) waxa ay u adeegi karaan meditation/ka-fiirsashada aadka u wanaagsan oo ku saabsan falsafadda Camus ee “cabasiyada” iyo macnaha nolosha.

Laakiinse marka hore, waa tan, qayb ka mid ah wada sheekaysiga dhex maraya xerowga Afgaanistaanka ah iyo Mr. Badii kaas oo uu Badii ku muujinayo ujeedkiisa

–Mr. Badii: Waxaan goostay in aan naftayda nolosha ka xoreeyo.

-Xerowga: Sidee?

-Mr. Badii: Waxba kuuma soo kordhinayso in aad ogaato, aniguna kama warrami karo, sidoo kale mana fahmi doontid. Sababtu, ma ahan in aadan fahmi karin ee waa in aadan dareemi karin waxa aan ku suganahay. Waad ka damqan kartaa, fahmi kartaa, naxariis muujin kartaa. Laakiinse ma dareemi kartaa xanuunkayga? Maya. Waad xanuunsataa aniguna sidoo kale. Waan ku fahmi karaa, adiguna waad fahmi kartaa xanuunkayga, se ma dareemi kartid.

Waxa uu Mr. Badii halkan uga hadlayaa waa mid aad ugu soo dhow rejo xumada jiraalka ee ay faylasuufyadii waaweynaa  ka warramyeen qarniyo badan! Hubaal, Mr. Badii waxaa laga yaabaa in uu la kulmay sababo maaddi ah oo ku keenay fekerka is  qudh-goynta, laakiinse dhibaatooyinkiisu sidoo kale waa dhibaatooyinka uu qof walbaa dareemo marka uu wajaho cabasiyada(absurdity) nolosha. Sida uu Camus qoray— “waddo kasta goonyaheeda, dareenka cabasiyada nolosha ayaa nin walba is hor taagi kara”

Si kastaba ha ahaato e, si ka duwan Badii, iyo Camus laftiisa, taksiilaha oo  go’aansaday in uu cabasiyada nolosha kula dagaallamo dareen geesinimo iyo rajo ku dheehantahay, ayaa daawadayaasha xasuusinaya in macnaha noloshu uu yahay inta aan innagu u samaynno: “Waxa aan kuu sheegayaa wax igu dhacay. Waxa ay ahayd ka dib markii aan guursaday. Waxaa na soo maray nooc kasta oo dhibaato ah. Aad ayaan u daalay waxaana qorshaysatay in aan  gebi ahaanba soo afjaro. Subax, ka hor inta aan waagu baryin, xarig ayaan gaariga ku qaatay. Maskaxdayda waxaa ku duubnayd in aan naftayda dilo. Mianeh ayaan u soo dhaqaaqay. Tani waxa ay ahayd  gugii 1960kii. Waxa aan gaaray beeraha uu ka baxo geedka bublahu (mulberry.) Halkaas ayaan istaagay. Weli mugdi ayay ahayd. Xarigga ayaan geed ku tuurtay laakiin se waa uu qabsan waayay. Waan ku celiyay mar iyo laba jeer laakiin waxba iima tarin. Markaas ayaan geedkii fuulay xariggiina si xooggan ugu soo guntay. Waxa aan dareemay walax jilcan oo gacantayda taabanaysa. Markii aan eegay waa ba miro macaan oo Mulberry ah waan cunay. Mid labaad ayan muudsaday haddana mid seddexaad… intaan mirihii geedka muudsanayay ayaan arkay qorraxdii oo ka soo muuqatay  buuro dhaadheer gadaashooda. Alla  qorraxda day! Jawiga fiiri!  Doogga iyo cagaarka!  Si kaddis ah waxaan maqlay shanqarta carruur iskuul u socota. Way istaageen si ay ii fiiriyaan. Waxay iga codsadeen in aan geedka u ruxo (si miruhu ugu soo daataan). Mirihii ayaa soo daatay ayagiina waa ay cuneen. Farxad  iyo reynreyn ayaan dareemay. Kaddib xoogaa miro ah ayaan soo aruursaday oo  aan guriga u soo qaatay. Ooridaydu weli waa ay hurdaysaa. Markii ay soo kacday ayay  mirihii ayaduna markeeda cuntay. Waana ay ku raaxaysatay sidoo kale. Waxaan u baxay in aan naftayda soo gooyo waxaana  soo noqday anigoo miro sida. Mirihii Mulberry-ga ayaa naftayda badbaadiyay.”

Ka dib hadalkan qotadadheer ee mirodhalka ah, taksiiluhu waxa uu Mr. Badii warsanayaa— “Ma waxa aad doonaysaa in aad ka quusato macaanka miraha jeeriga (cherries)?/“You want to give up the taste of cherries?”  Tani waxa ay u muuqataa in ay ku celinayso baaqii adkaa ee Caamus ee ku aaddanaa qiimaynta farxadaha fudud ee nolosha iyada oo ay jirto macno la’aanta wax walba oo qeyb ka ah.

Marna ma ogaanayno waxa ku dhacay  Mr. Badii iyo axdigii isdilkiisi. Waxa uu dhex jiifaa godka (Waa inaad filimka daawataa sida aad godka wax badan uga ogaato) laakiinse in uu noolaanayo iyo in uu dhimanayo waa su’aal uu filim sameeyuhu jawaab la’aan uga tegay. Laga yaabee in ay maskaxdiisu is beddeshay intii uu daawanayay quruxda dayaxa buuxa oo ka muuqaday godka uu dhex jiifay, amase laga yaabee in uu xanuunku ka awood batay islamarkaana uu is dilay. Siday noqotaba, farriinta filimka si xoog leh ayaa loo soo gudbiyay — Nolosha waa in la waayoarkaa si kasta oo ay tahay [Dhib iyo dheefba]/life is to be experienced, no matter what!

Guntii iyo gabagabadii, soo daawo filimada Kiarostami waxa ay ka warramayaan qoddooyinkaaga (your depths)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *