Habeenkii Udanbeeyay Ifka

Habeenkii Udanbeeyay Ifka

WQ—Reey Baraadberi

WT— Guryasame Cabdi Maxamed

“Maxaad yeeli lahayd haddii aad og tahay in ay caawa tahay habeenkii adduunka u dambeeyay?”

“Ma waxaan yeeli lahaa! Ma kaa dhabbaa hadalku? “Haa, waa iga dhab.”

“Ma garanayo waxaan sameyn lahaa— weligay kama fekerin.” ayay ku tiri inta ay jelmad qalin ah oo qaxwo ku jiro iyo laba koob oo seesar dul saaran soo hor qotomisay. Qaxwo ayuu shubtay. Xagga dambe, waxaa ku ciyaarayay laba gabdhood oo yaryar oo ku fadhiyay roogga qolka fadhiga, ileys cagaaran oo guluubyo ka soo baxayay ayaa hayay. Carafta iyo udgoonka qaxwaha la shiilay ayaa qabsaday hawada fiidnimo.

“Hagaag, waxaa qumman in aad hadda  bilowdo inaad ka fekerto,” ayuu dhahay.

“Kaa daacad ma ahane?” ayay xaaskiisii ugu jawaabtay. Madaxa ayuu ruxay.

“Ma dagaal baa dhici raba; dunida roga?”

Madaxa ayuu lulay.

“Haaydarajiin ama nugliyeerna ma ahan?”

“Maya.”

“Mise waa dagaalka jeermiska iyo baagteeriyada?”

“Intaas oodhan midkoodna ma ahan.” ayuu yiri isagoo aayar u walaaqanaya qaxwadiisa indhahana la raacaya gunta madoow ee qaxwaha. “Laakin aynnu dhahno, waa sidii buug la isku laabayo oo kale uun.”

“Uma malaynaayo in aan fahmay hadalkaaga.”

“Aniguba runtii ma fahmin. Keliya waa dareen; mararka qaar waa uu i cabsi geliyaa, mararka qaarna gebi ahaan maba cabsado, xasillooni ayaan dareemaa.” Gabdhihiisii yaryaraa ayuu  jalleecay ee dhaldhalaalka timahooda dahabiga ah iftiinka nalalku bidhaaminayeen, kadibna codkiisa ayuu hoos u dhigay si aysan u maqlin “waxba kuuma aanan sheegine, arrintani markii koowaad waxay dhacday afar habeen ka hor.”

“Arrintee?”

“Waa riyo la i tusay. Waxaan ku riyooday in wax kasta ay dhammaan rabaan dhowaan, cod ayaa sidaa igu yiri, ma ahayn cod caadi ah oo aan hadda xasuusan karayo, hase ahaatee cod ayuu ahaa, wuxuuna ii sheegay in wax kasta oo dhulkaan dushiisa ah ay joogsanayaan. Aad ugama sii fekerin markaan soo toosay subaxii xigay balse kaddib shaqada ayaan aaday, dareenkii riyaduna maalintii odhan waa uu igu lammaanaa. Galabnimadii waxaan u soo galay Istaan Wiillis oo daaqadda taagan bannaanka shishe na eegaya. “Maxaad ka fekeraysaa,Istaannoow?” Ayaan waydiiyay. Wuxuu iigu jawaabay “riyo ayaan xalay arkay.” Ka hor Intii uusan riyadiisa iiga sheekeyn waan sii ogaa waxa ay tahay. In aan anigu kala hormaro ayay ahayd oo aan u sheego balse isaga ayaa iiga warramay, aniguna waa aan dhageystay.

“Ma isla riyadaan ayaad aragtay?

“Haa, iyada laftigeeda ayaan ku riyooday” ayaan ku dhahay Istaan. Layaab la ma ay noqon ee waaba uu ku xasilay, runtii.

Intaa ka dib waxaa aynnu bilawnay in aynnu xafiisyada kala duwan ee shaqada cagta soo wada marinno. Ma ahayn wax aynnu sii qorshaysannay. Xataa is ma aynnaan oran ina keen aynnu meelahaan soo wareegnee. Waa aynnu iska dhaqaaqnay uun, meel kastana waxaan ku arkaynay dad miisaska ama gacmahooda hoos u fiirinaya, ama qaar dibadda daaqadaha eegaya oo maahsan isla markaana aan u jeedi karin cidda hor taagan. Qaar yar oo kamid ah ayaan anigu la hadlay, qaar kalana waxaa la hadlay Istaan Wiillis.

“Saa dhammaantood miyay riyoodeen?” Xaaskiisa ayaa waydiisay.

“Haa, dhammaantood, waxay ku riyoodeen isla riyadaan aragnay, oo aan haba yaraatee wax farqi ah u dhaxeyn.”

“Ma aaminsan tahay riyada?”

“Haa, i ma soo marin riyo aan tan kaga hubanti badanahay.”

“Goormee ayuu is taagayaa? Adduunka ayaan u la jeedaa?”

“Waqti innaga habeen innoo ah, kadibna marka uu habeenku daafaha caalamka ku fido qaybaha u horreeya ayaa qarsoomaya, sidoo kale. Afar iyo labaatan saac ayay qaadanaysaa in uu adduunku gebi ahaan dhammaado.

Cabbaar ayay sidaa isaga fadhiyeen iyaga oo aan far saarin qaxwadii u shubneed.

Xoogaa ka dib ayay bilaabeen in ay tartiib u fiiqsadaan iyadoo midba midka kale eegayo. “Sidaan miyaynu u qalannaa?” ayay tiri. “Ma ahan arrin u qalmitaan la xariirta, keliya waa in ay xaajadu sidii la rabay noqon wayday. Waxaan ogaaday in aadan xataa wax dood ah ka qabin arrintaan, sabab?”

” Waxaan filayaa in aam sabab igu filan haysto” ayay ku jawaabtay.

“Ma sabab la mid ah tii dadkii xafiiska shaqada joogay ay haysteen?” Madaxa ayay u ruxday.

“Ma doonayn in aan cidna wax u sheego. Xalay ayaan arkay. Kadibna waxaan arkay islaamaha deriska oo dhexdooda ku sheekeysanaya arrintaan.”

Waxay soo qabatay oo ay u soo dhiibtay ninkeeda wargeyskii fiidnimo.

“Wax arrintaan ku saabsan kuma jiraan wararka.”

“Maya, qof kasta waa og yahay, marka maxaa looga baahan yahay in wararka lagu soo daro?” Wargeyskii ayuu qabsaday kadibna kursiga ayuu gadaal ugu dhacadiidsaday, isagoo marna gabdhaha eegaya marna iyada. “Miyaad baqanaysaa?”

“Maya, xataa carruurtayada uma baqanayo.Waxaan weligay moodi jiray in aan dhimashada ka cabsan doono, balse hadda maya.”

“Aaway naf’jeclaysigii iyo isdifaaciddii  rooxaaniga ahayd ee ay culumada saynisku aadka uga hadli jireen?”

“Ma garanayo. Xamaasad badan ma helaysid marka aad dareentid in ay arrimuhu maangal yihiin. Tani waa arrin caqligal ah. Waa wax la filan karay in ay tani nagu habsato marka la eego qaabkii aynnu u soo noolaan jirnay.”

“Dad aad u xun ma aynaan ahayn, sow ma aha?”

“Maya. Sidoo kalena dad aad u wanaagsan ma aynaan ahayn. Waana taas dhibaatadu ayaan qabaa. Marka laga yimaado waxa aynnu innaga naftayada tarnay, wax badan oo wanaagsan ma aynnaan sameyn, halka qayb weyn oo adduunka kanmid ah ay ku mashquulsanaayeen sameynta waxyaabo aad u tiro badan oo foolxun.”

Gabdhihii yaryaraa ayaa qosolkooda la maqlayay qolka fadhiga iyagoo gacmaha ku burburinaya aqalladii ay ka dhiseen baloogyada.

“Waxaan weligay sawiran jiray dadka oo waddooyinka ka qaylinaya waqtiga uu adduunka dhammaanayo.”

“Qiyaastii maya. Kama qaylinaysid wax run ah oo dhacaya.”

“Ma og tahay, ma jiraan wax aan u xiisi doono marka laga reebo adiga iyo labadayda gabdhood. Weligay ma jeclaysan magaalooyinka, gawaarida ama warshadaha ama shaqadayda ama xataa wax kale, keliya seddexdiinna. Wax aan qoyskayga ahayn uma xiisi doono, iyo laga yaabee in aan u xiiso isbeddelka jawiyada cimilada iyo galaas biyo ah oo qaboow oo aan cabo maalinta ay cimiladu kulushahay, ama raaxada hurdada. Run ahaantii, waxyaabahaas yaryar keliya.

“Sidee baan halkaan isaga fadhin karnaa oo aan qaabkaan ugu sheekeysannaa?”

“Maxaa yeelay ma jiro wax kale oo la sameyn karo.”

“Waa sidaas, dabcan. Haddii uu jiri lahaa wax la sameyn karo waa aynnu sameyn lahayn. Waxaan u malaynayaa tani waa markii ugu horreysay taariikhda adduunka ee uu qof kasta garanayo waxa uu sameyn rabo inta lagu gudajiro habeenkii u dambeeyay. “Waxaan is weydiinaya waxa ay dadka kale sameyn doonaan hadda, fiidkaan, saacadaha yar ee soo aaddan.”

“Bandhig ayay aadi doonaan, raadiyowga ayay dhegeysan doonaan, turub ayay ciyaari doonaan, carruurta ayay seexinayaan, kadibna iyaga ayaa sariirahooda tagaya oo seexanaya, sidii caadada ahayd.”

“Si uun, arrintaasi waa mid lagu faani karo—sidii caadada ahayd.”

“Dhammaanteen ma wada xumin.”

In yar ayay sii fadhiyeen, kadibna qaxwo kale ayuu shubtay.

“Sababtee ayaad ugu malaynaysaa in ay tahay caawa?”

“Maxaa yeelay?”

“Maxay u dhici wayday habeen ka mid ah tobankii sano ee la soo dhaafay ee qarnigii u dambeeyay, ama 5 qarni ka hor, ama dheh 10?”

“Laga yaabee in ay sababtu tahay maadaama ay caawa tahay 30 Febraayo, 1951, oo aan weli taariikhda horay u soo marin. Maxaa yeelay, taariikhdani waa ay ka macno badan tahay taariikh kasta oo kale abid macno lahayd, waayo waa sanad ay arrimuhu isku wada mid yihiin guud ahaan dunida oo dhan, sababtaas ayay u tahay dhammaadkii.”

“Waxaa jira diyaarado dagaal oo badda dusheeda maraya caawa; oo aan dib danbe u arki doonin barriga.”

“Tanina waa qayb sababta ka mid ah.”

“Waayahay” ayuu yiri “maxaan sameynaa?” “Alaabta ma aynu dhaqnaa?” Alaabtii ayay si taxaddar leh u dhaqeen ka dibna si siman oo qurux badan u raseeyeen.

Saacaddu markay ku dhacday 8:30, gabdhihii ayaa sariirta la seexiyay ka dibna inta madaxa laga dhunkaday ayaa “habeen wanaagsan” lagu yiri, nalalka yaryar ee sariirtooda ag yaallana inta loo shiday ayaa albaabka oo qayb furan tahay laga soo tagay.

“Waxaan kala garan la’ ahay” ayuu yiri ninkii isagoo soo baxaya, dibna qolka ilmaha  u eegaya, inta dhexda la is taagay sigaar, ” Hee?”

” In aan albaabka gebi ahaanba wada xiro iyo in aan isagoo qayb furan tahay ka leexdo, si aan u maqalno haddii ay innoo dhawaaqaan.”

“Waxaan is weydiinayaa in ay carruurtu arrintaan og yihiin iyo in kale— armuu jiraa qof wax u sheegay?”

“Dabcan, maya. Waa ay ina waydiin lahaayeen hadday wax maqleen.”

Waa ay isla fadhiisteen, oo jaraa’idkii ayay wada akhristeen, xoogaa heeso ah ayay raadiyaha ka dhageysteen, ka dibna waxay u kaceen oo isla fadhiisteen dhanka dabdugsiga iyagoo dhuxulaha mid mid u gubanaya daawanaya ayay saacaddu ku dhacday 10:30, oo hadana ku dhacday 11:30. Waxay ka fekereen dadyowga kale ee dunida ee qolo kasta si gaar ah habeenkeeda u qaadanayso.

“Waa tahay” ayuu ugu dambeyn yiri.

Xaaskiisa ayuu dhunkasho dheer shumiyay.”Lammaane isu soo wanaagsanaan jiray ayaynu nahay, si kastaba.” “In aad ooydo miyaad rabtaa?”ayuu waydiiyay.

“Umalayn maayo sidaas.”

Guriga ayay soo galeen, nalalka ayay demiyeen, albaabbadana waa ay soo xirteen, ka dibna qolka hurdada ayay isla soo galeen Waxay dhex istaageen mugdiga qabow ee habeenka ayagoo dharka iska bixinaya. Go’ii ayay sariirta ka rogtay ka dibna si aayar ah ugu laalaabtay kursiga dushiisa, sidii ay markasta yeeli jirtayba.

“Go’sariireedku aad buu nadiif iyo raaxo u yahay” ayay dhahday.

“Waan daallanahay.”

“Labadayaduba waa aynnu daallannahay.”

Sariirta ayay inta isku kala bixiyeen dhabar dhabar u seexdeen.

“Wax yar i sug.” Ayay ku tiri.

Wuxuu maqlay iyadoo sii kacaysa oo dhabarka dambe ee guriga u baxday, hadana wuxuu maqlay saanqaad iyo nuuxsiga albaab. Daqiiqad ka dib waa ay soo noqotay.

“Tuubadii biyaha ee jikada oo furan in aan ka soo tagay ayaan igu soo dhacday.”

“Hadda waan soo xiray.”

Arrintaas baa noqotay wax maad leh oo ku qasabtay in uu ku qoslo. Iyaduna waa ay ka daba qososhay, maadaama ay is dareensiisay wixii ay sameysay in ay yihiin wax lagu qosli karo. Ugu dambeynna qosolkii ayay joojiyeen inta sariirtoodii qaboobeed ku seexdeen oo gacmaha is dhaafsadeen madaxana isla galeen.

“Habeen wanaagsan,” ayuu daqiiqad ka dib ku dhahay. “Habeen lamid ah, qaali,” ayay si debecsan uga daba tiri.

One thought on “Habeenkii Udanbeeyay Ifka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *