Farshaxanka Xaaskii Beeroolaha
W/Q: Ascad Dhaaha
W/T: Cabdiraxmaan Caqiil
(1)
Waxaa dhici kartaa in aad sheekadayda horay uga daawateen shaneemooyinka iyo filimada, kolkaasna aad u qaadateen in arrintani ay tahay khayaali aan marna suuroobin, haddiise si dhab ah loo hadlo waa arrin aniga igu dhacday oo aan rabo in aan idinka warramo, laga yaabaa in aad wax uun kala baxdaan oo aad wax ka barataan xikmadda dunidan sii heehaabaysa.
(2)
Magacaygu waa “Anna Mary Robertson” , waxa aan dhashay sannadkii 1860 kii, waxa aan ahaa ilmaha saddexaad ee qoys deegaankiisu ahaa baadiyaha New York, markii dambe reerkaygu waxaa kusoo biiray awlaad badan ilaa tiradeenna ay tobanka madaxa la gasho. Reerka aan ka dhashay oo dhaqaale ahaan aad u hooseeyay awgeed waxa aan ku biiray dugsi ka kooban hal galaas oo loogu talagalay ardada saboolka ah, waxa aan halkaa ka bartay wax qoridda iyo wax akhrintaba, duruusta aan sida weyn u xiisayn jiray waxa ay ahaayeen farshaxanka iyo wax sawiridda.
Geedaha cagaaran iyo quruxda dabiiciga ah ee dhirta nagu xeeran, waxay naftu igu dhalisay inaan sawiro oo aan waraaq ku xardho, waxaan farshaxanka u adeegsan jiray liinta iyo canabka, halka farshaxamistayaashii kalena ay adeegsan jireen caws iyo geedo kale oo la isu keenay.
Nasiib-darro safarkaygii waxbarasho ma uusan sii raagin, markii aan 12 jirsaday ayaa reerkaygu iga dalbadeen inaan ka shaqeeyo beer gurigeenna u dhawayd oo dad hantiilayaal ahi lahaayeen, waxa aan uga shaqayn jiray hawlaha guriga laga qabto, sida cunno karin iyo guri hagaajin.
Dhowr guri ayaan markii dambe isku maray oo aan jaariyad kasoo noqday, waxaase jiray reer aan u shaqayn jiray in ay mar arkeen in aan si weyn u daneeyo farshaxanka islamarkaana aan faraha ku haynin qalabka loo adeegsado farshaxanka, waxa ay ii keeneen jeestooyin iyo shumacyo, waxa ayna igula ballameen in arrintani aan saamayn ku yeelan shaqadayda.
Cimriga iyo da’duba way socdaane , waxay da’daydu soo gaartay 27, mar kasta oo da’daydu kororto waxaa igu sii badanaayey hillowga aan u qabo Farshaxanka, waxaan u sii gudbay beer kale oo aan ka shaqo bilaabay, waxa aan halkaa isku baranay mid kamid ah shaqaalaha beerta, xiriir jacayl ayaa halkaa ka abuurmay, guurna wuu kasii dambeeyay.
Odagayga waxaa loo sheegay in gobollada koonfurta maraykanka ay ka jirto fursad dahabi ah oo lagaga shaqayn karo dib u dhiska guryaha, kharash badan in laga helayo ayaana loo raaciyay. Waqtiba iskama lumine waxaan u xirxiranay inaan cagta la helno gobolka North Carolina, kolkii aan tagnay goobtii la inoo tilmaamay sheekadu waxay noqotay dhaan-dabagaalle oo arrintu waxba kama jiraan bay ku soo uruurtay, waxay dantu nagu kalliftay inaan raadino beer laga shaqeeyo, odagayga waxa uu shaqo ka helay beer Fardaha lagu xanaaneeyo.
Innagu awood uma lihin in aan himilooyinkeenna xaqiijinno waqtiga aan u aragno mararka qaar, waxaase nala gudboon in aan sii joogtayno oo aan rajo dhigin; Miyaan sii ogaa in da’daydu 101 gaari doonto oo aan dunida faarujin doono 1961kii? Waa maya, Riyadaydii doonista uun iska ahayd wax ay isu beddeshay mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee laga gaaray dunida fanka iyo farshaxanka.
(3)
Muddo aan sidaa u badnayn kaddib waxa aan ku guuleysannay in aan lacag kaydsano, waxaan soo iibsanay sac markii dambe wax weyn noo gashay, waxaan in muddo ah wadnay ganacsi ku dhisnaa iibinta caanaha iyo subagga lo’da, taas oo dakhligeenna sare u qaaday. Waxaa reerka kusoo biiray 10 caruur ah oo isku dhow, dakhligii na soo gali jirayna wuu nagu filnaan waayey, dedaal dheer kaddib waxaa inoo suuragashay in arrinkeenna hagaago.
Sannadkii 1905 tii, odagayga waxa uu ii sheegay in uu tabayo dhulkii ay ka yimaadeen, uuna doonayo in uu dib u laabto, innaga oon waqti iska lumin ayaa waxa aan soo uruursanay boorsooyinkeennii si aan u laabanno, qofkii naga horyimaada waxa uu ka shakinayay in aan nahay dad waalan.
Kolkii aan laabannay waxaa markii ugu horraysay aan lahaanay beer, ugu dambayn waxa aan noqonay milkiiyaal, waxaana sii macsalaamaynay shaqaale mushaar sugayaal ah.
Sannadkii 1927kii, waxaa xanuun dhanka wadnaha ah u geeriyooday odaygii reerka, waxaana ku khasbanaaday in aan sii wado hawshii reerka, waxaan u xirxirannay ismaamulka Pennington ee gobolka Minnesota si aan dhakhtar u geeyo gabdhayda oo la ildarnayd cudurka qaaxada, waxa aan isku dayay inaan ka shaqa bilaabo, marbaa waxaan isha saaray dhar si ashqaraar leh loogu xardhay dun, waxaan isku dayay in aan isla sidaas ku shaqeeyo, kolkii aan dhowr xabo sameeyay oo si weyn la iigu bogaadiyay ayaa gacanta I xanuuntay, walaashay ayaa igula talisay in aan farshaxan ahaan u sawiro intii aan wax toli lahaa ama dun saari lahaa.
Hadalkeeda waxa uu dib iigu celiyay xusuusahaygii hore iyo riyadaydii farshaxanka aan ka qabay, waxaan sawiray dhowr looxadood oo aan ku xardhay sawiro u badnaa dhulka dabiiciga ah ee naftu mohato, dhowrkii farshaxan iyo gasacadihii aan ku sawiri jiray waxaan u diray bandhigga Cambridge, iyagiina gasacadihii uun bay qaateen, sawiradiina cidina ma eegin!.
(4)
Maalmuhu waxay isguraanba waxaa dhacday maalin in islaan deriskayga ah ay igu casuunto bandhig ay haweenku qabsadaan, kaas oo haweenku ku kala beddeshaan alaabaha qiimaha leh.
Mid kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay bandhigga ayaa iga iibsatay looxadahaygii, waxa ayna ku xardhay farmasi ay iyadu lahayd, maalin maalmaha kamid ah waxaa farmasigeeda soo maray nin aad u daneeya alaabaha fanka iyo farshaxanka, dhammaan looxadihiina wuu ka iibsaday, waxa uuna islaantii weydiiyay cidda iska leh farshaxankan, iyadiina toos ayay iigu soo hagaajisay.
Wadahadal dheer kaddib, waxa uu ninkii ballan ku galay inaan noqon doono farshaxanyahanad caan ah oo la yaqaano, waxa kaliya ee la igaga baahanyahayna ay tahay in aan hawsha farshaxanka sii wado. Qaar kamid ah saaxibadii ayaa arrintii fajac ku noqotay, isla sannadkaas waxa uu qabtay bandhiggiisii lagu yaqaanay, waxa uu kasoo qaybgalayaashii u soo bandhigay in ay iibsadaan looxadahaygii, dad badan ayaa iska indhatiray arrintii gaar ahaan kolkii ay ogaadeen in aan 78 jir ahay oo aan waxba laga dheefayn looxadahayga.
Ninkani way ka go’antahay in uu ka dhabeeyo taageerada uu ii muujiyay, marar kale ayuu isku day sameeyay waase lagu hungoobay, nin kale ayaa kula taliyay in bandhig aniga gaar ii ah la qabto, looguna magac darro “ Farshaxanka Xaaskii Beeroolaha” magacii la igu yaqaanay oo markaa loo arkay inuusan soo jiidasho lahaynna aan meel dhigo.
Bandhiggu waxa uu helay xayaysiin iyo buunbuunin aan caadi ahayn, intii uu socdayna waxaan waraysi siiyay wariye aan u sheegay in magacaygu yahay muuse ayeydii; oo loo tiiriyay naaneysta odagayga oo la oran jiray Tomas Solomon muuse.
Markale ayaan bandhig ku qabtay New York, waxaana kasoo qaybgalay saxafiyiin tiro badan oo ku taliyay inaan halkaa kalmad dhaxalgal ah ka jeediyo.
Fursado kale oo badan ayaan helay oo ay ku jirto mar aan casuumaad ka helay bandhigga Saint ityan iyo xarunta farshaxanka ee British American, waxay kooxdan dambe dhabarka u riteen in ay xayaysiin u sameeyaan Looxadahayga oo laga Wada aqoonsado gobollada maraykanka oo idil, iyadoo kolkii hore aan caan ka ahaa New York oo qura.
Guulo isdabajoog ah iyo caannimo aan la qiyaasi karin ayaa ii xigay, waxaan bandhigyo waaweyn ku qabsaday in badan oo kamid ah gobollada maraykanka, waxaana xigay bandhigyo kale oo aan ku qabtay 10 dal oo Yurub ah.
Sannadkii 1949kii, waxa aan abaalmarin ka helay madaxweynihii dalka Maraykanka Truman, waxaa mar dambe lasoo saaray filim Dokumentari ah oo noloshayda ka warramaya, waxaa xigay isna buug laga qoray halgankii dheeraa ee noloshayda, si weyn ayaana loo iibsaday buuggaasi.
(5)
Wixii la soo maray maxaa riyo la moodaa! Se waxa ay ahayd riyo aan marna iga faaruqin ilaa yaraantayda inaan farshaxanyahanad noqdo, waana taa aan ka dhabeeyay.
Innagu awood uma lihin in aan himilooyinkeenna xaqiijinno waqtiga aan u aragno mararka qaar, waxaase nala gudboon in aan sii joogtayno oo aan rajo dhigin; Yaa mar ka fekeray in da’daydu 101 gaari doonto oo aan dunida faarujin doono 1961kii, Riyadaydii doonista uun iska ahayd wax ay isu beddeshay mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee laga gaaray dunida fanka iyo farshaxanka.
Tixraac: https://assaadtaha.com/الحكَّاء-46-ما-رسمته-زوجة-الفلاح/m
