Aqoon aragti la’aan ah

Aqoon aragti la’aan ah

W/Q; Maxamed D. Ciise

Dhulka Soomaal waxaa ka furmay goobo waxbarasho, taasi bishaaro dheh. Laga soo gudub berrigii la odhan jiray hebel waa jaamici, dadkana uu ka soocnaan jiray. Qalin iyo buug la wada qaaday, arday badan dhammeeyeen waxabarashadii, haddana dhibaatadii bulsheed wali waa halkeedii! Dhibaatooyinkii bulshadeenna burburiyay, dadkeennii gallaaftay wali waa halkoodii. Daraasado iyo baaritaanno lagama sameyn, cashirna lagama baran.

Goobaha waxbarashada waxaa lagu daraaseeyaa tacliin iyo baaritaanno ummado kale, taasina waxay keentay inay soo baxaan jiil aanan laheyn aragti, iskana xambaarsan warqado iyo dhibco. Buugta laga dhigo jaamacadaha waxay ka yimaadeen ummado kale, taasina waa adiga oo daraaseenaayo deegaanno ummad kale. Dhibta ka taagan deegaannadeenna indho aan ku aragno iyo aragti aan ku cirib tirno innooma diyaariyaan goobaha waxbarashadeenna.

 Waxaan baranayno iyo deegaanka aan ku dhex noolnahay waa labo kala durugsan misana aan isku dhibaato aheyn. Sannado dhowr ah ayaan u fadhinaynaa kursi iyo miis daraasad aanan xallin karin dhibaatada bulshadeenna. Erayo ayaa la innaga buuxiyaa, maskaxdeenna waxay u dagaalantaa helidda dhibcaha imtixaanka, se garaad ahaan uma dhisnin.

Bulshadeenna iyada ayaa kala firdhisan, bari iyo galbeed ayey kala jirtaa. Aragtiyaha aan kala nimaanno labadaas adduun kuma dhisno adduunkeenna iyo deegaankeenna. Aqoonta lagu dhigo waxbarashada waa uun labadaas adduun.

Tusaale ahaan, qof ayaa jaamacad ka dhiganaayo Afar, Seddex sanno aqoonta maamulidda ganacsiga iyo maareyntiisa, kaddib dhammaadka jaamacaddiisa waxa uu soo galayaa suuqa, kolka uu yimaado suuqa waxa uu noqonayaa mid dhex taagan adduun kale. Waxaa ka aragti ka wanaagsan islaanta caanaha iibiso, iyadu waxay ku maareysaa suuqa qibraddeeda, isagu se waxa uu noqdaa mid uun dhibco iska sito, oo aanan laheyn aragti.

Dhowrka qofood ee ka soo baxo goobaha waxabarashada deegaannadeena waxay dhex yimaadaan bulshada iyaga oo shaqo doon ah, una baahan qoondo ay ku maareeyaan noloshooda. Horta aqoonta ma waxaa loo bartaa si loogu maareeyo baahida jeeb? Mise aqoonta waxaa loo darsaa si loo helo aragti, kaddibna ma aragtidaas ayaa bulshada lagu beddalaa?

Sannad kasta kuwa ka soo baxo goobaha waxabarasho ee dhulkeenna, waxay dhex yimaadaan bulshadii kala firdhisanneed, iyaguna waxay ku sii dhex milmaan kala yaaca iyo kala qeybsannaanta dadkeenna. Waxaa soo baxo kuwa sito baakad dhibco badan ay ku qoranyihiin, haddana aanan laheyn aragti bulsheed, mid siyaasadeed iyo adduun arag caalami ah.

Aragtidooda siyaasiga ah waa QABIILKA, oo waxay halkaas isku aragti ka yihiin nabaddoonka reerkooda, oo aanan waligiiba tagin wax dhaafsiisan dugsi quraankii ku hoos yaallay geedka baadiyaha. Waxaa dugsiyada iyo jaamacadaha ka soo baxo kuwa aanan laheyn aragti dhaqaale oo caalami ah, iyaga oo aanan kala garaneynin HANTIGOOSAD, HANTIWADAAG, aragti kaliya ee ay fahmaanna ay tahay qarashka soo galo jeebkooda.

Isla dhinac kale waxaa maangal ah in qaar badan oo dhammeeyay aqoonta dugsiyada iyo jaamacadaha ay wali rummeysanyihiin quraafaadka dhaqan ee ku dhex filiqsan aamminsanaantii hore.

Waxaa sannad kasta soo baxo kuwa badan oo aanan garaneynin aragtidooda bulsho, dhaqan, dhaqaale iyo diin intaba. Waxaa buux dhaafiyay dhulkeenna misana bulshadeenna ku dhex baahsan kuwa badan oo ka soo aflaxay goobahaas misana aanan arkin wasaqda deegaanka, cimilida xun iyo dhibaatooyinka nololleed ee lagu suganyahay. Isla kuwaas ayaa ku dhex baahay hoggaanka siyaasaddeenna, misana innagu hoggaamiyay siyaasad xumo ay saldhig weyn u tahay aragti xumo. Kolka ay xumaato aragtida, waxaa xumaado hoggaanka siyaasadda, kaddibna waxaa xumaado dhammaan arrimaha bulshada, dadkuna waxay noqdaan kuwa liidnaansho badan.

Waxaan u baahannahay tafatirid, fahan, isku shaandheyn iyo miisaamid ku saabsan ookiyaalka waxbarasho ee deegaankeenna. Si aan u helno aragti nadiif ah waxaa qasab innagu ah kolka hore innaan tirtirno shaashadda aragtida ah ee indhaheenna, kaddib ayaan heleynaa aragti nadiif ah. Marka aan helno aragti nadiif ah waxaan arkeynaa wasaqda deegaankeenna, arrimaha xunxun iyo dhammaan waxa liito. Kaddib waxaan u dhaqaaqeynaa aragtida aan ku maareyn laheyn dhibaatadaas. Waxaan adduun weynaha la qeybsaneynaa waxaan la wadaagno, waxaan yeelanaynaa aragti aan ku fahanno waxyaabaha innoo gaarka ah.

One thought on “Aqoon aragti la’aan ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *