Faallo buugga: Iigu Yeedh Maraykan| Call me American

Faallo buugga: Iigu Yeedh Maraykan| Call me American


Waxaa qoray: Jaabir Carab


Waxaan u mahadcelinayaa qoraa Cabdi Nuur Iftin oo qoray buugaan xasuusqorka qiimaha badan ee xikmadaha iyo cibaarooyinku ay ka buuxaan. Run ahaantiina waa buug aan laga daaleyn akhrintiisa, sheekooyinka xiisaha badan aawadeed. Waxaan kale oo u mahadcelinaayaa Cabdiraxmaan Umal oo buuga u turjumay si farshaxannimo aad u heer sareysa islamarkaana ku tarjumay af-Soomaali aad u xeeldheer iyo isku dabarid dhigaal oo aad u nidaamsan.

Waxaan aad uga helay farshaxanimada qoraaga ee ku saabsan hab-currinta, dhisidda iyo abuuridda qoraaleed ee sheekooyinka buugga kuwaas oo sidii ubax soo dhalanaya hadba laan ama ubax yaroo kale ay uga soo baxayso loo alifay. Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo;‘sheekaba, sheeko ayey dhalisaa ama kuu dhiibtaa’. Sheekooyinka waa qaar isa-saaran, oo sidaad mid u akhrinaysid ayaa mid kale ka dhex dhalanaysaa, kadibna mid kale, haddana mid kale, markaas buu qoraagu dib kuugu soo celinayaa sheekadii koowaad. Waa hanaan sheeko qoris oo aad iisoo jiitay.

Buugga “Iigu yeer Mareykan” waa sheeko aad u xiiso badan. Waa xusuusqorka wiil barbaar ah oo ku hoos dhashay geed mirimiri ah oo Muqdisho ku yaal. Wiilkaas isaga oo caruur ah ayuu dhawr marxaladood oo xanuunkooda iyo xiisahooda lahaa soo martay inta uu ku dhex noolaa magaalada Muqdisho. Marxaladdii dawladnimadii sii dhimaneysay, tii burburka, bililiqada iyo qaxarkii iyo dhibtii baxaada weyneed ee dhan walbo dalka gaartay, soo ifbixii maxaakiimta islaamiga magaalada ka talinayeen, iyo tii Itoobiyaanka ay soo galeen iyo curashadii alshabaab.

Cabdi Nor, waalidkii waxa ay ahaayeen reer miyi dhaqda lo’da iyo ariga, abaartii daba dheer ee waddanka ka dhacday 1970-yadii  ayaa waalidkii ku khasabtay inay u guraan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho 1977dii.

Mogadishu ayuu aabihiina ka helay shaqo kaluumaysi, kadibna waxa uu noqday xiddig kubadda kolayga ah. Sida la qiyaasaayo 1985-kii ayuu Cabdi Nuur dhashay isaga oo reerkoodii ay ku nool yihiin nolol ladan, balse nasiib darro waxa gudaha Soomaaliya hadana ka qarxay dagaalo u dhaxeeyey ciidamadii dawladda iyo maleeshiyo qabaa’ileed hubaysan ee jabhadaha, kuwaas oo aakhirkii riday taliskii Siyaad Barre, soo gebogabeeyey dowladnimadaas. Intaas kadib dagaal oogayaal kala duwan ayaa magaaladii caasimadda ahayd ee Muqdisho ka dhigay goob la wehel ah dhiig, hubkii difaaca dalkuna wuxuu gacanta ugalay maleeshiyaad kaas.

Cabdi Nuur, wuxuu jiray oo kaliya 6 sanno markii ay balaayadu ku habsatay shacabkii Soomaaliyeed, jiritaanka qofkastaana waxa uu ku xirmay inuu ka baxsado magaalada, cadaw gaajo ahina wuxuu qayb ka noqday masiibada haysata umadda. Dadka si aan kala sooc lahayn ayaa loo xasuuqayaa oo is-goys kasta waxa taagan rag hubaysan oo dhiig iyo maalba dadka baneystay.

Cabdi Nuur waxa uu ka waramayaa noloshiisii wuxuuna si guud inoogu sawirayaa noloshii hoose ee dadka iyo sida ay dadku dareemayeen, wuxuu wax u dhigayaa oo sawirayaa xaalka ay ku sugnaayeen bulshadii dhexda ka ahayd ee aan ku jirin dhincayda is haya ee qabiilooyinka, koox diimeedyada iyo maamulladii kala duwanaaba. Cabdi wuxuu aad u jacelaa daawashada filmada iyo heesaha Maraykanka ah, uuna ku dayan jiray dhaqan kooda, heer uu ka bartay luqadda af Ingiriiska, islamarkaana loogu yeeri jiray “Cabdi Maraykan”, taas uu asiguna aad u jacelaa.

Hamigiisu ugu weynaa wuxuu ahaa inuu tago Maraykan. Runtii dedaal iyo qiimo kasto ayuu geliyay inuu riyaadaas mar u rumoodo. Intaas kadib Cabdi Nuur 2011 ayuu Mogadishu ka soo safaray, safarkiisa ugu horeeye. Inta uusan soo safarin hooyadiisa Madiino ayuu Ceelasha-Biyaha oo ay baryahaas deegaan ku noqotay ugu tagay macsalaameyn. Subaxii  ayuu dalka Uganda u safaray, kadibna dalka Kenya ayuu ka soo galay, halkaas oo asiga iyo  walaalkiis Xasan ay dhowr sano kadib ay dib u midoobeen. Cabdi xarunta qaxootiga ee casimada Kenya ayuu iska diiwaan geliyey, halkaas kaar qaxooti lagu siiyay. Waxaa u bilaabtay halgan cusub ee hor leh iyo wajahida nolosha Kenya asiga iyo walalkii Xasan oo halkaas dhowr sano kaga soo horeeyay. Waxa keliya ee u dhexeeyo Soomaliya iyo Kiiniya waa nabad. Soomaalida waxaa ku dhacay bubur dhan kasto leh dowlada keliya ma dumin waxaa dumay wax kasto nolosha soomalida haysteen.

Alshabaab ayaa kiiniya weeraro ku soo qaado, mar kasto oo ay Alshaab qarax ka geystaan Kenya waxaa dhibta wajihi jiray soomalida ku nool xaafada Islii oo la raafi jiray xabsiyadana laga buuxin jiray ayagoo laheyn wax u dooda. Cabdi dhowar mar ayaa la xiray. Heer soomalida markii la arko loo maleeyo inuu is qarxin rabo. Cabdi asigoo jaamacad uu dhigta ka imaaday ayuu gaadiidka dadweynaha soo raacay ayaa shacabkii saaran gaariga darwalka ku canaantay maxaa u soo qaatay qofkaas Soomaaliga ah, ilaa uu ka caddeyo inuu arday yahay, ayada oo gaariga uu hortaagnaa saldhig boolis.

Cabdi wuxuu ka sheekeynaa asiga iyo saaxiibadiisa ayagoo joogo goob Internet Cafe ee caasimada kiiniya in uu arkay lottery la xareynaayo oo 20 cent ah. Kadib saaxiibadii iyo asigaba waa ay xareysteen baqtiyoo nasiibkii. Waxaana u fududeysay lacagta oo aad u yareed iyo nasiibkoo la tijaabiyo. Cabdi maalinkaas kadib maankiis kama go’in ilaa natiijada laga  shaacinaayo todobo bilood kadib ayaa la gaaray qof walbo nasiibkiisa inuu helaayo iyo in kale. Goobtii internet-kii ayay yimadeen saaxiibadiis ka horeyay dadkii la doortay kuma jirin. Qofka keliya ee la doortay ayuu noqday kolkaas ayay u qaadan waa ku noqotay heer uu dhowr jeer hubiyay. Cabdi dadkii sanadkii 2014 nasiibka u helay Maraykanka ayuu ka mid noqday.

Cabdi 10 sannadood ka hor ayuu Maraykan gaaray taas uu muddo badan niyadda ka jeclaa, isku dayo bandanna u sameeyay in uu tago. Waxa uu ka sheekaynayaa si dareenkaaga taabanaysa, sidii adkayd iyo tacabkii uu bixiyay iyo halisihii uu maray. Rajadii Cabdi ee ahayd inuu Maraykanka tago, waa ay u suurta gashay waxa uuna helay kaarka cagaaran ee bakhtiyaa nasiibka ah “Green card lottery”.

Maraykanka waxa uu ka helay nolol cusub waxa uuna ugu tagay sida wax badani aanay ahayn, sida uu suuraysan jiray markii uu Muqdisho joogay ama Nayroobi.

Soomaalida uu Maraykanka uu ugu tegay wuxuu ka warramayaa sida ay weli wixii ay dalkooda ku burburiyeen ay Maraykanka ula joogaan, laba kasta oo isku timaadana ay qabyaalad ka sheekaynayaan, sidoo kale masaajidadana ay gaalada ka habaaraan oo ka nacladaan. Wuxuu Cabdi si qoto-dheer leh ugu sheekeynaa in ay koobanyihiin Soomaalida fursadaha ka faa’iidaysata, taas beddalkeeda uu qof walba ku jiro safar uu Afrika ugu laabanayo, kaas oo aan weligii dhicin.

Waa buug akhriskiisu uu aad u xiiso badan yahay, wax badan oo taariikh, halgan iyo bani-aadnimo laga baranayo. Xasuusqorkaan waxa aan dhihi karaa waa kuwa ugu qiimaha sarreeya buugaagta xusuus-qorrada laga sameeyo.

2 thoughts on “Faallo buugga: Iigu Yeedh Maraykan| Call me American

  1. Asc wllkeygi abdi nuur iftin waxan in badan isku dayayaa inaan meel un aan kala soo xariiro meel walbo aad ku leedahay social media fariin ayaan kugu dhaafay hase ahate ilaa io hadeer kaman quusan inaan malin un aan kula soo xariiro oo si toos ah kula hadlo wllkeygi waxan ahay wiil dhalin yaro ah oo waliba nolasha hormar balaaran ka leh.
    Run ahantii waxan ahay dhalinta ku xiran accoumadada social media ga hase ahate waxan ahay wiil joogo dalka ethiopia gar ahan dowlad deganka somalida gar ahan gobalka Liiban Deg, DOLLO ADDO Run ahantii sanadkii la soo dhaafay ee 2022 ayaan xareystay DV Lottery ga Alx Sellected ayaa la i dhahay May/6/2023 alx DS 260 Waxan Buuxiyay May/13/2023 Alle Si qurux badan ayuu iigu dhameeyay balse ilaa io hadeer balanta interview ga ayaan helin oo wax Email ah ima soo dhicin waxa jiro KCC fariimo aan u diray iyaduna ay iiga soo jawabtay fariimo dhow ah oo isku wada mid unbaan ka heli jiray balse, Setemper 24 Ayey Fariin kalo oo ka duwan ku wii hore iigu soo diri jirtay ahayn ayey iiso dirtay balse kuma qorna wax balan ah aniguna ilaa io hadeer ma arag dad youtubero ah oo VISA BULLITEN Ka hadlayo ama qaabka loogu dhex eegto case numberka meesha uu marayo inkastoo aan ku wareeray hase ahate waxan donayay in aad wllkeygiyow iga caabiso arinkas case numbergeyguna waa 12851 in la gaaray io in kale ma sheegi karo ee hadey macquul tahay whatsapp numberkeygi ayaan halkan kugu reebayaa inaad igala soo xariirto ayaan jeclan lahaa number Whatsapp ku waa +252615618548 wllkeygi hadaad aragto fariintan ila soo xariir si aad ii cawiso alle mahad iska leh Thnks pro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *