Ismalurayaasha

Ismalurayaasha
Waxaa qoray: Axmed Khalid Tawfiiq
Waxaa turjumay: Maxamed X. Jaamac

Qof sidayda oo kale ah qof dabeecad xun oo neerfiyoos ah oo lagaba yaabo in uu naftiisa cunno welwel dartii, in uu bartaa oo uu la kulmaa dadkaan qof ka mid ah, waxaa ay ugu dhigan tahay tajribo dil ah.

Waa ayo ismalurayaashu?

Waa kuwa habsanka badan, waa kuwa aan u aabbayeelin wakhtiga iyo ka-dibdhaca ballamaha, waxayna darajo aad u sarraysa ka haystaan degganaanta gudeed.

Waxaa jirta sheeko uu leeyahay suugaanyahan Ingiiriis ah (Roald Dahl) taas oo ka sheekaynaysa, haweenay ku nool cabsi joogta kana baqaysa marwalba in diyaaradda ama tareenku ka tago, ninkeeduna waa mid yaqaanna dabcigeeda,sidaa awgeed buu ku dadaali jiray in uu ka xaraabaysto isaga oo ku ciqaabo in ay sugto ilaa daqiiqadda uga danbaysa. Markii ay dishay dhammaadka sheekada si wanaagsan baan ugu qancay wixii ku kallifay.

Mid ka mid ah dadkaan aynnu ka hadlayno marka uu suuliga galo, waxaa macquul ah in uu saacado isaga dhex jiro, adiguna aad bannaanka isku waydiinayso waxa uu intaas oo dhan ka dhex qabananayo suuliga. Mar ay timihii ku ciraysteen sidaad u sugaysay, ayaa uu aayar iska soo baxayaa, waliba isaga oo ku waydiinaya maxaad la welwelsan tahay!

Marka aad ku ballantaan in aad baxdaan tusaale ahaan 7-da aroornimo, qofka waallan ee ballanta ilaalinaya adiga uun buu noqon. 8-da buu aayar ku imaanayaa mid ka mid ah qoladaan, si uu kuugu sheego in uu quraacan rabo hadda kaddib, taas oo macnaheedu yahay 9-ka uun baan diyaar ahaan doonaa, walibana wuxuu ka yaaban yahay sababta aad isku murginayso.

Beri baa gaadhi dalxiis oo aan la soconnay istaagay magaalo, darawalkiina si ka go’naansho leh ayaa uu u yidhi: iska soo magaalaysta se 3-da kadib cidna ma sugi doono waan ka tegi doonaa. Waxaan arkay gabadh aayar ka sii dagaysa gaadhiga oo leh “si raaxo leh baan isaga soo adeegan doonaa”, iyadoo og in darawalku hadalkiisa ka dhabayn karin kana tagi karin ayada.

Sidii ayaana dhacday, waxaa la gaadhay 5-tii welina ma aysan imaanin ilaa hada waan sugaynaa, suuqa magaalada ayay iska dhex wareegaysaa oo ay waliba la gorgortamaysaa dukaanlayda iyada oo aan dan iyo heello ka laheyn ballantii uu dirawalku la galay. Natiijadiina waxay noqotay in uu darawalku noqdo qofka ku sigta in uu cadho iyo xanaaq u dhinto.

Waxaan ku idhi darawalkii “waxay ahayd in aad ka tagto” markaas buu iigu jawaabay isaga oo xishoonaya ma gabadh yar oo miskiin ah ayaan magaaladaan yar kaga tagi karaa! Gabadhii aayar ayay 6-dii iska timid iyada oo is waydiinaysa waxa aan sidaan oodhan u la welwelsannahay!

Kuwa diyaaradaha ka habsaama waa qaybta ugu xun ee ugu darran. Waxaan xasuustaa koox kuwaas ka mid ah inay iga codsadeen in aan u sii ilaaliyo boorsooyinkooda inta ay ka soo noqonayaan madaarka suuqa, waan fadhiistay anniga oo si argaggax le u fiiranaya saacada, xilligii ay diyaaradu kici lahayd todobo daqiiqo baa ka hadhay, oo xataa haddii ay hadda soo noqdaan ma aha wakhti igu filan oo aan ku gaadhi karo albaabka diyaarada, sedex daqiiqo baa hadhay, malaha way kaftamayaan, ma ka tagaa alaabtoodan talow?

Ugu danbayntii way kuu imanayaan iyaga oo aanay ka qasnaynba oo iska faraxsan wax welwel ahna uuna ka muuqan.

Markaa baa adiga oo xanaaq ishayn la’ dhahaysaa ” diyaarrada, wakhtiga, ballanta!!”

Markaas bay adiga kaa dhigayaan kan waalan oo waxan oo welwel ah inayna mudnayn hawshani, isla markaasna albaabka u ordi maayaane, aayar bay kolba tallaabo qaadayaan, iyaga keliya ayaana mar walba ugu danbaynta guulaysta iyada oo ay hadda cadaaladu inay diyaaradu ka tagto.

Dadkaan wax walba wakhti ka dheer kan loogu talagalay buu uga baahanyahay, hadday wax cunayaan saacado bay ku qaadan, inay soo toosaanna sannado bay ku qaadan, suuligana qarniyo bay ku jirayaan, waligay waxaan waligayba doonaa in aan dadkaas ku sameeyo tijaabo la mid ah tuu Galileo sameeyay ee u xabbadda bisadda ah buurta uga tuuray. Mid ka mid ah kuwaas baan ka soo tuuri doonaa biyaanada saddexaad, waxaan hubaa in ay saacad badhkeed ku qaadan doonto in uu dhulka gaadho sababtoo jidhkoodu wuu innaga duwan yahay.

Kuwan habsanka badani waa noole gaar ah, se anigu waxaan ku xasdiyaa daganaanta neerfahooda, una malayn maayo in qof ka mid ahi uu maalin uun ka caban doono xanuunnada qalbiga ama dhiigkar. Dhibka kaliya ayaa ah inay si tartiib ah u dhiman doonaan mana garanayaan dhimashooyinka degdegga ah.

2 thoughts on “Ismalurayaasha

  1. Jalle mahadsanid, kuwaas waxa kali ah een kaga helay ayaa aha daganaanta, balse ma’aha kuwa lagu aamini karo masuuliyad.

  2. Ismalurnimada macanaha aan ka hesytay mid ka duwan baan halkan ugu imid. Aniga haddii uu qof aan la ballamo uu ka soo daaho waqtigeeda, markii la gaaro waqtigii aan ku ballanay barta ayaan ugu dhaqaajiyaa si uu u barto mas’uuliyadda waxa ay tahay. Mana sameeyo sida uu darawalka sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *