w/Q: Gurysame Cabdi Maxamed
Dardaaran Is-burinaya (The Paradoxical Commandments) ee Dr. Kent M. Keith.
Dr Kent M. Keith, oo ah qoraa Mareynkan ah ayaa sannadkii 1967 wuxuu qoray toban talo ama dardaaran oo is-burinaya ama iskahor-imaanaya. Dardaarankaan ayaa noqday mid dhaxalgal ah oo dunida si ballaaran ugu wada fiday, jeer uu noqday halkudhig iyo murti lama-illoobaan ah oo dadku badankood dusha ka qaybaan, qaarkoodna ay xafiisyada iyo guryaha ku dhegsadaan.
Dr. Kent, waa dambe oo dhow ayuu soosaaray buug isla magaca dardaarankaan leh oo si weyn caalamka looga iibsaday, (Anyway: The Paradoxical Commandments: Finding Personal Meaning..)
Waa kuwaan tobanka dardaaran ee is-burinaya, oo aan isku dayay in aan afsoomaali u rogo:
1.Dadku waa kuwa garasho xun oo aan maangal ahayn islamarkaana dantood-eegtayaal ah.
Si kastaba, jeclaaw dadka.
- Haddii aad wanaag fashid, dadku waxaa ay kugu eedayn doonaan in aad dan gaar ah ka leedahay, ujeedda hoosana kuu qarsoon tahay. Si kastaba wanaag sameey.
3.Haddii aad guulaysatid, waxaad yeelan doontaa saaxiibbo dhalanteed ah iyo cadaw dhab ah. Si kastaba noqo mid guulaysta.
4.Wanaaggii aad maanta sameysid berri waa la hilmaami doonaa. Si kastaba wanaag sameey.
5.Daacadnimada iyo banyaalnimadu, waxa ay kaa dhigayaan qof nugul. Si kastaba noqo
qof laabfuran oo daacad ah.
- Rag iyo dumarba kuwooda ugu waaweyn ee xambaarsan fekradaha waaweyn waxaa hor istaagi kara rag iyo dumar aad u maan-gaaban.
Si kastaba, si ballaaran u feker.
7.Dadku waxa ay door bidaan oo ay jacel yihiin dadka tabarta daran, waxa ayna u hoggaansamaan xoog-weynayaasha. Si kastaba u dagaallan kuwa tabarta daran.
8.Wax ay dhisiddoodu kugu qaadatay gu’yaal badan ayaa laga yaabaa in ay ku burburaan habeen gudihiis.
Si kastaba, wax dhis.
9.Dadku dhab’ahaantii waxa ay u baahan yihiin in la caawiyo, balse waxaa laga yaabaa in ay ku weeraraan haddii aad damacdid in aad caawiso. Si kastaba caawi dadka.
10.Sii dunida waxa ugu fiican ee aad haysato, waxaa abaal lagaaga dhigi doonaa in ilkaha lagaa jebiyo.
Si kastaba, sii dunida waxa ugu fiican ee aad heli karto.

Cajiib weye mahadsanid gurya same iyo bahdda meshan wax kuso gudbisa