Buug yarahii Epictetus; casharrada Ruwaaqiyadda

Buug yarahii Epictetus; casharrada Ruwaaqiyadda.

W/Q: Cabdijaliil Muhandis

Faallo Buug.

Aqooni waa wadaag. Waa waxyaabaha qaybsiga ku tarma. Sidaas awgeed waxaan jeclaystay inaan buugaagta aan akhriyo kuwooda ina wada khuseeya faallo ka soo sameeyo sidii aan marar hore samayn jiray.

Buuggan hoos inooga muuqda waxaa la yidhaahdaa Enchiridion ama Mukhtasar sida carabiga loogu turjumay. Waa Koobane haddii aan soomaaliga boos uga cidhiidhyo. Dugsiga uu metelaa waa Stoicismka. Stoicismku waa falsafad camali ah oo habdhaqanka iyo nolosha maalinlaha ee qofka khusaysa. Waxay kaa caawinaysaa sidaad farxad ugu noolaan lahayd dunida adigoo aan wax badan u baahnayn ee kaliya naftaada xoogga saaraya. Waxaa qoray nin Epictetus la odhan jiray oo taariikhdan 2023 maraysaa inatyna billaaban ka hor noolaan jiray. Sida la sheego epictetus waxa uu ahaan jiray addoon.

Koobanaheennu waxa uu ka kooban yahay 52 qodob oo ku taalla 22 bog oo qudh ah. Waa tacaaliimtii murtiyeed iyo falsafaddii nolosha ee Epictetus. Ujeedka ugu weyn ee koobanahu waa sidee qofku naftiisa heshiis ula noqdaa. Waxaan isdul taagaynaa qodobbo muhiima oo buuggu ka hadlay.

Awooddaada garo

Waxyaabaha qaar innaga ayaa maamulna, waxyaabana gacanteenna kuma jiraan. Afkaarteenna iyo rabitaanadeennu gacanteenna ayay ku jiraan. Hantida, sumcadda iyo mansabkuna waxaynu xakamayno ma aha. Tan hore innagaa xor u ah, qaarka dambe se waa wax aynaan si buuxda ama badh ah shaqo ugu wada lahayn. Dhibka ugu badanu waxa uu ina haleelaa markaan damaacinno inaan helno waxaynaan xakamayn karin.

Haddaba ogsoonoow, marka waxaadan maamulin aad ula dhaqanto sida waxaad xakamayn karto waad hungoobi, dhibtoon oo aad niyadjabi. Haddiise aadan isku xidhin waxaan awooddaada ku jirin oo aadan israacinin waxaad noqonaysaa xor. Ugu yaraan niyadjabkii aad la kulmi lahayd ayaad ka xoroobi.

Tusaale, haddii aad qof jeceshahay isna aad ka rabto sidaad u jeceshahay inuu kuu jeclaado, khasab maaha in qofkaasi ku jeclaado, wax aad awood u leedahayna maaha inaad isjeclaysiiso e ha israacin. Si wacan ula dhaqan, haddiise uu garan waayo naftaada ha ku waayin goobtaa se isaga huleel. Almuhim, awood uma lihid inaad qof isjeclaysiiso e candhuuftaada dib u liq oo xasiloonidii naftaada iyo damacaagiiba meesha ha ku wada waayin.

Ka Mukhuuro

Marka qof ina aflagaadeeyo ma cayda ayaa sida dhagax oo kale wejiga inooga dhacda mise xukunka aan ka qaadanay ayaa ina dhiba? Dabcan qofku nabar jidheed inama gaadhsiinin ee xukunka iyo fasirka aan saarnay ayaa ka dhigay sidaas. Innagaa u aragnay sida in gabi innagu soo dumay.

Waxba ha ka soo qaadin cayda, naftaaduna yaysan u dhibtoon erayada ka soo yeedhay qof gefay. Adiga waxa muhiimka kuu ah mar walba waa xasiloonida naftaada iyo inaan wax waliba dhaawac u keenin.

Waxaad rabtay haddaad waydo, qof aad si ka filaysay hadduu malahaagii hoojiyo, haddii ay isu kaa qaban waydo waxaad isla eeganaysayba, ha dhibtoon, waayo ma ahayn waxaad maamuli kartay, wax cid kale gacanteeda ku jira inaad u cadhootana ma aha. Ka mukhuuro niyadjabka iyo hanjabka waayuhu sababayaan si ugu yaraan ay xasiloonida naftaadu kuugu badbaaddo.

“Ka mukhuuro maalmaha badhkood, meel iskaga dhuumo

Maantaagee sidii ruux ka maqan, madasha uu joogo

Adigoon wax moogayn haddana, mooyi ku adkayso

War mutaxan adoo sheegi kara, badi maraataynta

Adigoo muraaraha arkiyo, xaalka oo murugsan

Is mashquuli madadaalo oo, mararka qaar seexo”_ Rooda Afjanno.

Xorriyaddu Waa Kaaftoonka

Waad kartaa inaad noqoto qof aan la maamulin, haddii aadan u hanqaltaagin waxyaabaha aan awooddaada ku jirin. Ku fikir inaad xor noqoto, ogowna in jidka kaliya ee xorriyaddu yahay inaad faraha kala baxdo waxyaabahan aan kuu oollin.

Wixii qaddar ah:

“Rabbi talo u daa”

Damacana yaree illeen:

“Rag caddaaday baa yidhi

Haddii aad cug badan tahay

Cadho waayi mayside”

_Sahra Axmed, heesta Carro edeg.

Yool samayso kuna mintid

Wax kasta oo aad rabto inaad qabato u fiirso waxa uu kaaga baahanayo ka dibna ku dhaqaaq. Haddii se adigoo aan ka fiirsan aad dalaq tidhaahdo, xamaasad intaad ku billowdo ayaa hadhow markay wax kugu adkaadaan aad ka hadhi adigoo niyadjabsan.

Hal mar ma wada qaban kartid dhawr xirfadood, haddii aad isku daydana lagama yaabo inaad ugu wanaagsanaato sidaad ugu xeel dheeraan lahayd haddii aad mid qudha xoogga saari lahayd.

Fiiri saaxiib, marka hore dhugo waxaad rabto inaad qabato, ka dib eeg inaad karti u leedahay uu hibadaada waafaqsan yahay iyo in kale, maxaa yeelay qof walba wixii loo abuuray ayaa loo sakhiray. Ogow inay jiraan caqabado kaaga baahan dhabar’adayg.

Ha odhan waxaasaan aqaannaaye ha kaa muuqato. Maalinka lagu yidhaahdo waxba garan maysid haddii aadan ka guban ogow tubtii saxnayd inaad hadda cagta la heshay. U fiirso iduhu daaqay soo cuneen ma tusaan milkiilahooda ee dhogorta iyo caanahooda ayaa laga gartaa.

Habdhaqanka Stoickga

Qorshe tababar nafeed samayso, kaligaa ama mid kooxi kugula jirto. Yaree hadalka, haddii aad u hollatana waxyaabahan caamadu ka sheekayso ka gaabso sida ciyaaraha iyo cunnooyinka. Iska jir ka faalloonshaha dadka, asxaabtaadana u horseed inay wax micno leh ka sheekaystaan. Haddii aad dhex joogto dad aadan aqoon iska aamus. Yaree qosolka, dhaartana afkaaga ha soo marin. Barkulannada ha ku badan, haddiise ay noqoto meel aadan ku sharaf dhacayn aad. Ogowna qofku si kastuu u wacan yahay saaxiibka xuni wuu sadheeyaa.

Baahiyaha jidhka xaddiga u yar ka qaado. Haddii qof ku yidhaa hebelbaa ku caayayay waxba ha isdaaficine waxaad tidhaahdaa ceebahayga uu ogayn baa badane taa qudha muuna sheegeen.

Naftaada aad ha uga sheekayn iyo jabkaad soo martay, haddaad adigu xiisaynayso dadku kulama qabaan xiisahaas. Hana isku kallifin inaad dadka ka qoslise liidmo ayay kuu horseediye.

Gal Dagaalka

Maxaad koranaysaa haddii aad jamanayso in naftaada aad tarbiyayso? Waad baratay qawaaciddii guude waa kuma macallinka aad ka sugayso inuu naftaada hagaajiyo? Niyahaw carruur ha ismoodin nin weyn baad tahay hadda e. Haddii aad sidan u sii wahsato oo maalinba maalin kuu sii dhiibo heer gaadhi maysid, jaahil uun baadna sii ahaan doontaa dhimasho iyo nololba. Haddaba isku qanci inaad u qalanto nolol korran, jidka murtida raac, wixii gar ahna liq oo ka dhigo xeer aan la jabin.

“Ugu dhaaro garashada

Dhayal nolosha kuma tihid.”_Afmagaaxshe.

Marka uu damac ku galo ama aad mansab hesho, waa sahan colaadeede gal dagaalka. Nimaan kuu furayn yuusan kuu rarin waa ta murtidu ahe waxaadan awoodin diid rabiddiisa, mansabka aad hubaal ka tagi doontana inta aad ku indha daraandarto kibir iyo isqaadqaad yuusan kuu horseedin.

Ugu dambayn falsafadda guud ee ustaad Epictetus innagu horayaa waa: “Ogsoonoow inay habboon tahay in nolosha aad u dhaqanto sida inaad casuumad joogto. Meesha cuntada maekaad timaaddo si miisan wax uga qaado, haddii ay ku dhaafto ha isku hawlin. Haddii se ayna wali ku soo gaadhin yayna ku hiyikicinine iska sug intay ka iman.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *