Habeenkii la xabbisay Cali Cizet
W/Q: Ascad Dhaha
W/T: Cabdiraxmaan Caqiil

Madaxweynihii dalka ayaa la afduubtay, waxaana lagu xannibay qol aad u yar, waxaase layaab noqotay sida uu ku badbaaday.
Afar nin oo ilaalo ah ayaa taagan dhinacyada qolka uu ku jiro, tilifoon duug ah oo dul-saarnaa miis qolka dhex yiillay ayaa si lamafilaan ah u soo gariiray, wuxuu ku dhegay sameecaddii tilifoonka isagoo qaylinaya ayuu ku yiri muwaadinaddii khadka ku jirtay, u sheeg shacabkayga in aan xabsi guri ku jiro.
Gu’ga ayaa qarka u saarnaa in uu sii ambado,marna ma aysan filaynin Boosniya in jiilaalkii ay sugayeen uu ku billowdo jawigaa aadka u adkaa, Ciidankii Yuguslaafiya (¹) oo kusoo duulay dhulkeeda,gacantana ku dhigay intii ugu badnayd magaalooyinka, kaaga sii daran caasimaddii baa go’doomin lagu hayey.
Reer Yurub oo arrinkaas soo farageliyay ayaa dhinacyada ugu baaqay wadahadal Ka dhaca magaalada Lisbon (²), madaxweynihii Boosniya ayaa loo ballanqaaday in ammaankiisa la sugayo, “Askarteenna iyo gaadiidkeenna ayaa ku gelbinaya kolka aad Ka soo baqoosho magaaladaada go’doonka ku jirta, adiga iyo wafdigaagana ilaalin doona bixitaan iyo soo noqodba”.
Cali Cizet ayaa qoladii wadahadlka soo jeediyay u sheegay in uusan diyaar u ahayn wax wadahadal ah inta seerbiyiinta ay Ka joojinayaan hujuumka ay ku hayaan caasimadda dalkiisa. Dalabkiisa waa la aqbalay, kolkii lagu hubsaday in uu tegay magaalada Lisbon, fariistayna miiska wadahadalka ayaa seerbiyiintii dib u soo rogaal celiyeen, waxayna halkoodii kasii ambaqaadeen weeraradii ay ku hayeen caasimaddii Boosniya, wuxuu Cali go’aan ku gaaray in uu dib uga gurto wadahadalka kuna laabto caasimadda Sarayeefo.
“Marwo, anigu waxaan ahay Cali Cizet Begovij, madaxweynaha dalka, waxaan ku suganahay garoonka diyaaradaha, waxaa i qafaashay askarta Yuguslaafiya, waxaan kaa codsanayaa in aad si degdeg ah u la xiriirto madaxda iyo telefishinada, oo aad arrinkaa gaarsiiso.”
Wafdi Ka koobnaa madaxweynaha, gabadhiisa oo turjumaan u ahayd(Sabina)³, madaxa xukuumadda dalka, iyo shakhsi ilaalo khaas ah u ahaa ayaa u dhaqaaqay diyaaraddii ay keeneen qolyihii wadahadalka waday ee reer Yurub, maalin sabti ah bishii shanaadna laba maraysay 1992 kii ayay soo dhaqaaqeen.
Diyaaraddii waxay inyar kusii degatay magaalada Roma, dabadeedna safarkeedii ayay halkii kasii wadatay. Waxay ku soo dhawaatay Sarayeefo, duuliyihii diyaaradda ayaa mar qura la soo booday in garoonka ay ku suganyihiin ciidankii gumeystaha Yuguslaafiya, haddii aan si kale u dhigno askartii seerbiyiinta ee huwanaa shaarkii Yuguslaafiya. Wuxuu isku dayey in uu wicitaano iyo xiriiro sameeyo, wayse dhici wayday, waxaa la Kala dooransiiyay Cali in uu ku degto magaalada Belgaraad ee caasimadda seerbiya, ama caasimadda Kurweeshiya ee Zagrib.
In yar oo uu fekerayay kaddib wuxuu doortay Zagrib, oo uu Ka malaysanayay in ay dhaanto Belgaraad, kolkii diyaaradda dhabbaheedii la beddelay ayaa seerbiyiintii waxay la soo hadleen duuliyihii diyaaradda, waxayna u sheegeen in garoonku diyaar yahay si milgo ku dheehantahayna loo soo dhawayn doono madaxweynaha, waxaa la moodaa sida in ay Ka baqayeen in ay Ka fakato ugaarta.
Garoonka xilligaas wuxuu lahaa dhisme aad u adag oo ay Ka tagtay xukuumaddii shuuciga ahayd, garoon xiran oo aan loo oggolayn wax diyaarad ah in ay kusoo degato, iska bannaan oo saldhig u ah ciidankii soo duulay ee Yuguslaafiya, caalamka intiisa kalena Ka go’an, waxaana halkaas lagu maamulayay go’doonkii Sarayeefo.
Diyaaradda kolkii ay soo cagadhigatay ayuu Cali daaqadda diyaarada Isha saaray, ishiisu ma aysan arag wax aan Ka ahayn gaadiidka gaashaaman oo ku wareegsan diyaaradda uu saaranyahay, ciidan Yurub Ka socday ayaanay joogin goobta, xitaa gaadiidkoodii ay sheegayeen in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay gelbin doonaan meesha way Ka marnaayeen.
Sabina gabadhii madaxweynaha ayaa iyaduna Isha la sii raacday daaqadda diyaaradda, waxayna Isha ku dhufatay nin ay ku qiyaastay in uu rayid ahaa dhar duug ahna xiran, waxay ku qiyaastay in uu ahaa Isla ninkii reer Yurub u soo direen in uu garoonka kasoo wado, waxay tiri: een ninkaas waa wakiilkii Yurub Ka socday ee garoonka naga soo qaaday. Taasi waxay Ka dhigantahay in galbiskeenna ay diyaar u yihiin, na mari ayuu yiri Cali.
Cali iyo kooxdii la socotay waxay kasoo degteen diyaaraddii, waxaana lasii geeyay qol yar oo dan-darro Ka muuqato, ninkii ay u haysteen in uu rayid ahaa wuxuuba noqday agaasimihii garoonka ay seerbiyiintu u magacaabeen.
Waxay ag-fariisteen miis yiillay qolka dhexdiisa, taliyihii haystay ciidankii garoonka ku sugnaa ayaa afar askari u xilsaaray in ay liifka saartaan afarta gees ee qolka, hubkoodii oo idil wuu u dhamaa, waxay diyaar u ahaayeen in ay ridaan xabbada kolkii la faro, wajigooda waxaa Ka muuqday sidii in ay samaynayaan muuqaal masraxeed oo Cali iyo wafdigiisa lagu fulinayo.
Cali Cizet waxa uu dalbaday in loo oggolaado isticmaalka tilifoonka, waxaase loo sheegay in is-gaarsiintu ay go’antahay, taliyihii ciidanka garoonka ayaa kasoo baxay qolka. Laba daqiiqadood kaddib waxaa soo gariiray tilifoon saarnaa miiska qolkii ay fadhiyeen, inkastoo oo loo sheegay in adeegga is-gaarsiinta la jaray, Sabina oo garatay in aabbaheed naftiisa halis galayso haddii uu qabto tilifoonka ayaa markiiba ku boodday qabashadiisa.
Waxaa khadka ku Jira ruux dumar ah oo raadinaysa haddii ay jirto diyaarad dhawaan Ka baxaysa Sarayeefo. Sabina oo sameecadda gacanta ku haysay ayaa mar qura waxaa Ka dafay Cali Cizet, askar badan ayaa difaac kaga jira goobta, taliyahooda wuu iska baxay, Cali Cizetna si kastoo uu u yahay madaxweynaha dalka, haddana mararka qaar waa in qofku qaataa go’aannadiisa haddii kale fursaddii baa tegaysa waana sidii uu sameeyay Cali Cizet, sameecaddii ayuu gacanta ku dhigay, wuxuuna ku yiri haweenaydii khadka ku jirtay: “Marwo, anigu waxaan ahay Cali Cizet Begovij, madaxweynaha dalka, waxaan ku suganahay garoonka diyaaradaha, waxaa halkan igu qafaashay ciidanka Yuguslaafiya, waxaan kaa codsanayaa inaad la xiriirto madaxda iyo telefishinada, warkaygana aad gaarsiiso”.
Arrinkaas wuxuu xaalad cusub oo jah-wareer ah geliyay ciidankii dhallinyarada u badnaa ee ilaalada Ka ahaa qolka, waxay garan waayeen waxay sameeyaan, taliyahooda ayaa meesha Ka maqan, xabbada in ay ku bilaabaan iyo in kale ayay Kala garan waayeen.
Warkii ay soo gudbisay haweenaydii ayaa si xawli ah ku faafay, taliyihii ciidanka seerbiya waxa uu qaatay in madaxweynaha Boosniya iyo wafdigiisa loo soo raro saldhig ku yaalla Lukafija, isagoo madaxweynaha u ballanqaaday in la siin doono fursad uu ku wici Karo qofka uu doono, markii la yimid saldhiggii waxaa loo sii diyaariyay Cali iyo wafdigiisa hool aad u weyn oo cunto loogu sii diyaariyay, saraakiil aad u badan ayaana goobtii ku soo xoomay inyar kaddib.
Welwel aad u daran ayaa goobtii hareeyay, saldhigga meel aan kasii fogayn waxaa isku uruursaday koox beeralay u badnaa oo seerbiyiinta Ka tirsanaa, kuwaa oo aad u hubaysnaa, waxay dalbanayeen madaxa Cali Cizet in gacanta loo soo geliyo, laba isbuuc kahor koox Ka tirsan ciidanka difaaca Sarayeefo ayaa weerar ku qaaday kolonyo ciidan oo ay seerbiyiintu lahaayeen, waxayna gacanta ku dhigeen rag ehelkooda goobtan ku suganyihiin, caro darteedna qoriga u soo diyaarsaday.
Jeneraalkii haystay ciidankii seerbiya ayaa isku dayay in uu Cali Kala xaajoodo in loo soo daayo jeneraal kale oo seerbiyiinta Ka mid ahaa oo gacanta Kooxaha wax iska caabinta Boosniya gacantooda ku jiro.
Sargaal meesha joogay oo dabacsanaan u muujinaya madaxweynaha iyo wafdigiisa la qafaashay ayaa ku celcelinayay in arrintan ay tahay lamafilaan, wuxuu goobta keenay gasac ay ku jirto caano, hortooda ayuuna ku furay si aysan uga shakin caanaha.
Sabina oo aad u welwelsan ayaa isku dayday in ay la xiriirto safiirka Maraykanka ee magaalada Belgaraad, sargaalkii naxriista u muujiyay ayaa khadka u soo geliyay safiirka, waxay u sheegtay meesha uu xaalka marayo, warkii ayaa meel kasta ku faafay, waxay seerbiyiintu miiska soo saareen in ay isdhaafsi la sameeyo, madaxweynahana loo fasaxo in uu adeegsan Karo tilifoonka.
Waa xarunta telefishinka qaranka Boosniya ee Sarayeefo, saacaddu waa saddexdii duhurnimo, mid kamid ah wariyeyaasha ugu caansan Boosniya oo la yiraahdo Sanaad xuja Fizofij ayaa bilaabaya barnaamij wareed si weyn loo xiisayn jiray oo hawada toos uga bixi jiray.
Goor-sheegtu xilli ay ahayd toddobadii iyo saddex iyo labaatan daqiiqo, Sanaad oo daal badan Ka muuqdo welina sii wata barnaamijkiisii caanka ahaa,ayaa waxaa gariiray tilifoonkii, wuxuuna u maleeyay goob-jooge doonaya in uu barnaamijka Ka qaybqaato.
Dhinaca kale waxa uu maqlay;”Waxaan ahay Cali” , waa dhab in uu yaqaano codkiisa, wuxuuse u maleeyay in qolo kaftamaysa soo wacday, Cali ayaa hadalkiisa sii watay wuxuuna u sharxay mawqifkiisa.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay Sanaad in jeneraal Foosilaaf Joorjeyfas uu wadahadal Kula jiro, waana jeneraalkii 10 sano uu lasoo shaqeeyay Sanaad xilligii uu kamid ahaa ciidankii Yuguslaafiya.
Habeenkaas waxay cali u ahayd habeenkii ugu adkaa noloshiisa, xitaa habeen Ka adag habeennadii uu xabsiga ku qaatay sida uu sheegay, saldhigga uu ku sugnaa waxay seerbiyiintu kasoo abaabulayeen duqaymaha ay ku hayeen magaalada, waxay Ka dhignayd in aad ku suguntahay goob aan naftaafa ku nabadgalayn, gabadhaadana ay Ka qaaday xanuun, shacabkaagiina la la dhacayo madaafiicda culus ee seerbiyiintu ridayeen.
Maalintii xigtay xilli duhur ah waxaa billowday maxaabiis is-dhaafsigii labada dhinac, Boosniyiintu waxay sii daayeen jeneraalkii seerbiga ahaa, halka seerbiyiintu ay sii daayeen madaxweynaha Boosniya Cali Cizet Begovij.
_________________________
¹. Yuguslaafiya waxaa la isku Oran jiray dalalka Bosnia Herzegovina, Croatia, Macedonia, Montenegro,Serbia (Gobollo ka tirsan Kosovo) iyo Slovenia.
². Lisbon: waa caasimadda Bortaqiiska.
³. Sabina waa gabadhii uu dhalay Cali Cizet, 1954 ayay dhalatay, waxay Ka shaqayn jirtay tarjumaadda luuqadaha Kala duwan, waxay baratay farshaxanka.
