W/Q: Mudane Maxamed
Fahanka Cusboonaanta |Modernity:الحداثة
Fahanka ama qeexidda cusboonaanta( xadaasada) waxaa ka jira is maan-dhaaf badan, gudaha bulshada galbeedka iyo tan barigaba, balse fahanka shaac baxay waa in ay cusboonaantu tahay, eray bixin tilmaameysa isbadalladii waa waaweynaa ee looga gudbay, marxaladii ay kaniisadu talineysay(القرون الوسطى) ee naska diineed iyo caadooyinka ab-ka-soogaar ka ahna ay ahaayeen halka laga duulo si loo go’aamiyo amuuraha diimeed iyo kuwa adduun, loona gudbay marxalad uu caqligu yahay halka laga duulo ee go’aaminaya aqoonta iyo arimaha kaleba.
Waxaana sida shaacsan ay tahay in hadda oo lamarayo qarniga 21aad ay cusboonaantu ballaaraneyso, marba marka ka danbeysa, maadaama ay dunidu ku jirto isbadello joogta ah, hadii ay ahaan leheyd; aqoonta, fikirka, dhaqaalaha, culuunta bulshada, sooyaalka, fanka, falsafada, siyaasada habdhaqanka iyo qeybaha kaleba.
Sida uu qabo Dr al-Dayib Buu-Cizah, cusboonaantu maaha kaliya eray uu fahamkiisu fudud yahay, oo hal macno uun tusinaya, ama qeexid aqooneed oo ay dadku si fudud u wadaagi karaan, taas baddelkeeda tan iyo markii uu eraygan usoo daadagay gudaha bulshada muslimka ah, waxaa uu isu baddelay mid loo isticmaalo aydiyooloojiyad ahaan, iyada oo markii hore loo adeegsan jiray eray bixin cilmiyeed. Sidaas darteed layaab maleh in dhinacyada is diidan dhanka siyaasadda ama fikirka ay cusboonaanta ka yeeshaan fahanno iyo aragtiyo kala duwan, ha ahaato dhaliil iyo ceebeyn ama ha ahaato amaan iyo hiillo, sidoo kale waxaa xusid mudan oo uu diktoorku leeyahay; in ay had iyo jeer jiraan doodahaas iyada oo uusan jirin fahan cilmiyeed ama xad loo sameeyo cusboonaanta.
Waxaa jira qaar u arka cusboonaanta fahan ka billowday Yurub casrigii baraarugga(عصر النهضة), soona gaaray ilaa dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxaana ay ku koobantahay, sida ay iyaga u arkaan, aragtiyo falsafadeed, kuwa siyaasadeed iyo kuwa bulsheed. Aragtiyahaas iyo fahannadaas dhismay mudadaas ku siman dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxii ka gadaal yimid waxa ay noqonayaan waxa ka danbeeya cusboonaanta(ما بعد الحداث).
Mashaqada aragtidaan ka jirta ayaa ah sida uu qabo Dr Maxamed Shariif Farjaani, hadii cusboonaantu ay tahay mid ku kooban aragtiyahaas iyo fahannadaas muxuu noqonayaa masiirka cusboonaanta, iyo masiirka waxa cusboonaanta ka danbeeya?
Tan kale haddii aynu sidaa u aqoonsanno waxa cusboonaanta ka danbeeya, muxuu noqonayaa waxa imaanaya sabanka cusboonaanta kasii danbeeya(بعد ما بعد الحداثة)? Aragtidaani waxaa ay dul istaageysaa wixii uu la gaar ahaa sabankaas cayiman, oo ah xorriyada iyo ahmiyada shaqsiyada ama qofka ee bulshada dhexdeeda iyo gudaha nidaamka siyaasiga ah iyo akhlaaqda. Sida ay leedahay aragtidaani waxa cusboonaanta ka danbeeya waxa uu noqonayaa, muraajaceynta wixii ay latimid cusboonaanta.
Waxaa uu Dr-ku ka shaqsi ahaan u arkaa, in qeexidan ama fahankan la siinayo cusboonaanta, iyo in lagu koobo fahanno jiray waqti cayiman in ay khilaafsantahay fahanka saxda ah ee cusboonaanta, sida uu qabo Dr ku waxaa ay cusboonaantu meel cad ka taagantahay; wixii hore(tagtada) iyo waxa cusub(taaganta), waxaana uu intaa ku daray kuwa dhaliila cusboonaanta ee ka dhex jira bulsho kasta, dhaqan kasta amaba jira xilli kasta, in ay ahaayeen kuwa dhaliila waxa cusub, iyaga oo ka duulaya in ay yihiin bidco, sidoo kale waxaa ay ahaayeen kuwa ku kacsan waxa cusub iyaga oo ku hubeysan sarreynta wixii hore -ab-kasoogaarka, kaas oo iyaga markaa unoqonaya marjac.
Dr ka asiga oo fahankaa ka duulaya waxaa uu qabaa, in ay cusboonaantu ka dhalatay bulshooyinka gabi ahaantooda. Tusaale Socrates iyo Aflaadoon waxaa ay matalayeen cusboonaanta, arisdo sabankiisii markii uu ku kacay nidaamyadii jiray waxaa ay matalayeen cusboonaanta, sidoo kale Jaaxid hal’abuurkiisii hab-qoraalka, iyo muctasilada sarreysiintooda caqliga, waxay matalayeen cusboonaanta, si lamid ah aragtiyihii cusboonaanta ee ka billowday yurub ee diidanaa sarreynta asalka iyo ab-kasoogaarka waxaa ay matalayeen cusboonaanta.
Mar kale waxa uu Dr ku leeyahay; Marka ay noqdaan, aragtiyihii ay cusboonaanta la timid laf ahaantooda kuwa ab-kasoogaar ah, oo ay jiilkii cusbooneysiintu nagu dhahaaan maanta suurtogal maaha in laga gudbo aragtiyihii ay cusboonaantu la timid, ama laga tallaabo falsafadii maanfurka, sidoo kale iyagana markaa waxaa ay noqonayaan kuwa asal-raac ah oo ab-kasoogaarka u dabran, oo mucaaradsan waxa cusub, iyaga oo markaa ku hubeysan aragtiyihii ay cusboonaantu dhashay, wixii ka danbeeyay casrigii baraarugga عصر النهضة. Markaana xadaasadu waa mowqif mar walba dhaliilsan ku dhaganaanta wixii hore una hiillinaysa waxa cusub.
Sidaas darteed ayuu dr ku qabaa in aysan suurtogal ba aheyn, in laga hadlo waxa loogu yeeray waxa cusboonaanta ka danbeeya(ما بعد الحداثة), sidoo kale suuragalna aysan noqonaynin in aynu halkaa gaarno, sidaa daraadeed hiillada joogtada ah ee lala garab taaganyahay xorriyada caqliga iyo fakarka ayaa dhab ahaan mataleysa cusboonaanta.
Raga cusboonaanta uqeexay sida ugu dhaw ee ugu xeel-dheer, oo ay qaar badan la qabaan, waxaa kamida gabyaagii reer France ee Charles Baudelaire, waxaana uu Baudelaire ku qeexay cusboonaanta sidaan;
cusboonaantu waa baarta isgoyska u ah kan waligii sugan ee deysan iyo kan gudba ee doorsooma:الحداثة هي نقطة التقاطع بين الأبدي المطلق والعابر المتغير) Isaga oo ula jeeda sabankii cusboonaanta ka horeeyay, in mudlaqu (waxa sugan ee deysan ) uu ahaa, marjica had iyo jeer laga duulo, oo aysan banaaneyn in la dhaliilo ama laga horyimaado, kan diidaana uu noqonayo kaafir ama sindiiq.
Xilligii cusboonaanta ka hor aragtiyaha laga heystay, qeybaha cilmiga iyo diinta iyo noloshuba, waxaa ay ahaayeen aragtiyo sugan sida culuumta bulshada, falsafada, diinta, dhaqaalaha iyo culuumta kaleba, halka sabankii cusboonaanta iyo kagadaal ba fikrada laga duulayo ay noqotay, in aysan jirin wax sugan oo lagu kalsoonaan karo, maxaa yeelay xadaasadu waxaa ay had iyo jeer dhex-gashaa, bulsho leh mabaadii’ sugan iyo fahanno aan is baddelin, oo nolosha iyo qeybaha kale ku saabsan, dabadeed waxaa ay doorisaa nolosha iyo aragtiyaha bulshadaa, balse si ay u hawlgasho waxaa lagama maarmaan u ah, deegaan ay saldhigato, kaas oo ah caqliga, markaa waxa kaliya ee sugan sida ay cusboonaanta qabto waa caqliga.
Cusboonaantu waxaa ay leedahay mabaadi’ labo ah, oo saldhig u ah qeybeheeda kale oo ah tiirarka ay markaasi ku taagantahay. 1: Caqlaaniyad, in caqliga la tala-saarto iyada oo la aaminayo in eysan jirin awood caqliga ka sarreysa, oo la maciin bido, iyo in caqliga loo madax baneeyo dhamaan arimaha na horyaal. 2: Dhaliisha(النقد), oo micneheedu in shakigu iyo naqdintu, ay ku banaanyihiin wax kasta, oo aysan jirin wax ka sarreeya in laga shakiyo ama la dhaliilo, xitaa naska diineed, cusboonaanta waa qadiyad ka kooban dhowr waxyaabood oo isdulsaaran (قضية مركبة). Marka hore waxaa ay uqeybsantaa laba farac oo waaweyn, faraca garabka bidix iyo faraca libraaliga ah, faraca libraaliga ah waa mid ay si weyn cusboonaantu uga muuqato, islamarkaana ay saameyn weyn ku leedahay.
Faraca libraaliga ah ee cusboonaanta, gaar ahaan dhanka nidaamka waa cilmaani. Sababaha ugu badan ee keena dhaliilaha xadaasada loo jeediyo waxaa kamida, in lala lamaaniyo cilmaaniyada, waxaa ay dad badani ku tilmaamaan cilmaaniyadu in ay tahay, badalka ay latimid cusboonaantu, si ay uga kaaftoonto diinta, qeexidyada xeelka dheer ee cilmaaniyada lasiiyo waxaa kamid ah jumladan(العملية التي يفقد فيها الوعي الديني والنشاطات الدينية مغزاها الإجتماعي). Faraca libraaliga ah ee cusboonaanta, dhankiisa dhaqaalahana waa hanti-goosadka, dhanka bulsheedna waa ahmiyada shaqsiyadda ee qofka الفردانية.
Fillasoofar kii reer jarmal ee Friedrich Hegel oo ka mid ahaa, aqoonyahannada sida weyn uga qeyb qaatay fahanka cusboonaanta, ayaa qabay in mabda’a fardaaniyada, ama ahmiyada shaqsiyada, uu kamid yahay mabaadiida ugu muhiimsan cusboonaanta. Filasoofkan ayaa aragtidaani si weyn u taageeray, isaga oo sheegay in ay aragtidaani ay saldhig u tahay cusboonaanta, iyo meel ay ka bilaabato.
Hegel wuxuu qabay, in mabaaadiida kale ee xiga, ee aan cusboonaanta looga maarmin ay yihiin, caqlaaniyada iyo xorriyada, iyo in mabaadi’daani ay yihiin kuwa uu ku taagan yahay bulshada ay cusboonaantu saldhigatay.
Faraca libraaliga ah ee cusboonaanta, dhankiisa fakarka waa caqlaaniyadda, dhanka juquraafigana waa maamulka qowmiga ah, dhanka nafsigana waa hawaraac(الشهوانية), dhanka siyaasadeedna waa dimuquuraadiyada, dhanka caqiidadana waa maadiyiin.
Faraca garabka bidix ee cusboonaanta, gaar ahaan dhankiisa nidaamka waa cilmaaniiyada col la ah diinta, dhanka bulsheedna waa mujtamaca wax soosaarka leh, dhanka fakarkana waa caqlaaniyada daneysa maadiyada, dhanka juquraafigana waa qaranimada(الأممية) aan xuduuda lheyn, oo sida aan ognahay garabka bidix gebi’ahaanba ma rumeysna fikrada qowmiga ah, dhanka nafsigana waa insaanka dabiiciga ah, halka dhanka dhaqaalahana ay yihiin Hantiwadaag(Socialism).
Sidoo kale dhanka caqiidada marka la eego waa ay ka mideysanyihiin labada farac ee cusboonaanta, oo labaduba waa maadiyiin, dhanka siyaasadeedna waa kalitaliska dabaqada proletalius ah. Proletalius-ku waa dabaqada bulsheed, ee Karl Marx iyo garabka bidixdu ay aaminsanyihiin in ay dhalandoonto, marka dhaqaalaha caalamku ee uu hada tartanku ka jiro uu isu badalo mid ay dowladu jaangoyso.
Karl Marx ereybixintaan waxaa uu ku faahfaahiyay, buugiisa baaqa shuuciga, wuxuuna kaga jeedaa dabaqada aan lheyn, ilaha wax soosaarka, kuna nool muruqooda iyo maskaxdooda, waana dabaqada sida uu rumeysanyahay Marx, uu guuleysan doono shaqadooda muruqa iyo maskaxda ah, islamarkaana xoreyn doonto bulshada ee maamulka qabsan doonta sidoo kalena dhidibada u taagi-doonto hantiwadaagga, waa marka uu guuldarreysto lagdanka ama tartanka suuqa ee hantigoosadka.
Markaa waxaa qalad ah in aynu cusboonaanta u sawiranno, hal fikrad ama hal fahan oo aan lheyn aragtiyo iyo faracyo. Cusboonaantu waa qadiyad ka kooban aragtiyo kala duwan, oo ay suurtogal tahay in aad aragtiyaha qaarkood ku raacdo qaarna aad ku diido.
Is ku soo wada duub, waxa ay ereybixintaan cusboonaantu tilaamaysaa, si guud, in si degdeg ah loogu dhaqaaqo abuuridda dhismo iyo nidaam fikradeed cusub, oo ku aadan bulshada siyaasaddeeda dhaqaalaheeda iyo xitaa hab-fakarka, lagana tago hab dhismeedkii iyo nidaamkii iyo aragtiyihii hore.
Waxaa inta badan erayga cusboonowga lagu lamaaniyaa, erayga cusbooneysiin الحداثة والتحديث. Cusbooneysiintu(التحديث) iyada waxaa loola jeedaa; dhaqan-gelinta waxa ay cusboonaantu(xadaasadu) ku baaqeyso, hadii ay tahay maskax maalka, horumarinta culuunta, fahanka dabeecadda, fududeynta nolosha iyo wixii lamid ah.
Qoraallo kale;
- Diego Garcia: Jasiiradda uu Maraykanka uga duullo Bariga Dhexe
- Xidhiidhka Sharciga Caalamiga ah iyo Kan Maxalliga ah: Falanqayn Ku Saabsan Hannaanka Labanimada (Dualism) ee Soomaaliya
- Taariikhda Dastuur sameynta Soomaaliya: bidhaamin iyo falanqeyn
- Nuxurka aragti-siyaasadeedka Monreo
- Soomaaliya ma da’ ayay u baahan tahay mise hoggaan?
