Ina Walanwal kaa samir

Ina Walanwal kaa samir

Suugaanta magac iyo
Sumcad baad ku leedoo
Siinleey warkaagaa
Boqol sadar ku yaallee
Saxarlaay adduunyada
Sirsirkee ka joogtaa?

Da’ intaad sinneydeen
Ifka waa ka suuleen
Waxa saaka joogaba
Haddii leysku soo daro
Soddon ruux ma gaaraan
**

Sifeheedu wuxu yahay
Saban hore jawaabtaad
Ina Walanwal siisaa
Su’aal iiga dhalatoo
Sida aad u hadashaan
Sillankeed dhegeystoo
Saq-dhexaad gorfeeyee
Saranseerku waa maxay?

Cabdiqeys siduu yiri
Saa tiri haddeey tahay
Gefka aad ku siqataa
Soddonkii sanoo tegay
Soomaali kala diray
Qarankiina saanyaday

Sifeheedu wuxu yahay
Samawade Hadraawoo
Caashaqu sarsarayoo
Solsoloo bisleeyoo
Saantiisa bixiyoo
Siddeed nabar ku yaallaan
Adaa kii sagaalaad
Seedaha ku kala jaray

Sifeheedu wuxu yahay
Seeskiisa wacadkaad
Sanaddada dhigeyseen
Sooruu nin leeyiyo
Salfudeydku kaa qaad

Sabool waa nacaa tiri
Saxalnimo warkeed daa
Waxa aad saluugtaba
Suugaan nin tiriyoo
Weeraha sargooyoo
Seeraha la fuulaa
Nolol lala samaystaa
Sifeheedu wuxu yahay
Nin la siiyay maaloo
Isla saaran caadkuu
Duni kaga sarreeyaa
**

Caashaqu sidiisaba
Saxariir ma geeyoo
Keligii nin sugayaa
Guul kuma saqleeyee
Sabarkaad jacaylkii
Ina walanwal kuu siday
Saxarlaay ka goysoo
Warqaddii sillooneyd
Silaceey ku beertuu
Aawgaa sahwiyi jiray

Sifeheedu wuxu yahay
Xeebaha sintoodiyo
Sabadii Jabbuutee
Aqalkiinnu saarnaa
Adigiyo ninkii sare
Farxad meysi siisan?
Mise weysi seegteen?
Hadda xaalku see yahay?
Gurigiinnu waa see?
Hantidii bal suureey
Sidee haatan loo yaal?

Si walbooy ahaataba
Ina walanwal kaa samir
Kana socay adduunyada
Weynuhu Siraadkii
Sahal how marsiiyoo
Jannadii ha seexshoo
Salka howgu joojoo
Ha ku daraja saaree
Godobtaad sameysaan
Kumannaan sanoo kale
Sina lagu hilmaameyn

W/Q: Cabdisalaan-Ceeryaamo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *