10-kamid ah filimaanta ugu dhammaadka wanaagsan shineemada

W/Q: Abdullahi Osman

10-kamid ah filimaanta ugu dhammaadka wanaagsan shineemada.

Qaar ka mid ah waqtiyada ugu wanaagsan taariikhda shineemada waxay ka yimaadaan muuqaalka dhamaadka filimka. Dareenka ah in la sugo sida sheekada u fur-furmi doonto iyo halka uu ku dambaynayo jilaaga kowaad ayaa ah sababta ugu weyn ee aan u daawano filimada marka horeba. Laga soo bilaabo riwaayadaha iyo jaceylka ilaa majaajilada iyo filimada akshinka, dhamaadka wanaagsan waxaa lagu arki karaa dhamaan noocyada filim ee kala duwan. Dhamaadka wanaagsani waa kan maskaxdaada ku jiri doona sanado badan, waxaa si qoto dheer leh ula xiriiraysaa jilayaasha iyo sheekada heer aad dareentid inaad ku dhex noolayd dhacdooyinka filimka.

Ma jirto hab qoran ama qaacido xisaabeed oo lagu gaari karo samaynta dhamaadka wanaagsan. Qaar ka mid ah filimada ayaa dhamaanaya adiga oo weli raba daawsho badan, halka kuwa kale ay wax walba kuu soo koobayaan. Rakibaada la yaabka leh ee filimka, muusik wanaagsan oo nagu sagootinaya dhamaadka, ama muuqaal wada-hadal aan la filanaynin dhamaadka ayaa ka dhigi kara filimka mid uusan daawaduhu ilaawin.

Aflaanta naxdinta leh waa inay ku dhammaadaan cabsi arxan daran. Majaajiladu waa in ay ku dhamaato kaftan. Filimada jaceylkuna la mid… waa in ay riwaaayad jacayl ku dhammaadaan, laakiin taasi mar walba ma dhacdo, waxa isku xira dhammaan dhammaadka filimada wanaagsan waa in ay dhaafsiisan yihiin filashooyinkeena. Waxaan ka hadlaynaa dhamaadka filimada aad isla markiiba u baahan doontid inaad kala hadasho asxaabtaada. Kuwaani waa qaar kamid ah dhamaadkii ugu wanaagsanaa shineemada:

Spoilers Ahead…!!!

10. Inception (2010)

Waxaan hubaa in internetku u codayn doono in uu Inception leeyahay mid kamid ah dhammaadkii ugu wanaagsanaa taariikhda filin samaynta, ‘Inception’ waxa uu ka dhigay filimaanta khiyaaliga cilmi inay u muuqdaan kuwo la xiiseeyo mar kale. Marka ay kuu diiwaan gashan yihiin goleyaal fikir aan la tirin karin iyo maqaallo laga qoray hal loox-khamaar, waxay caddayn kuugu filan tahay heerka caannimo iyo saamaynta dhammaadka ‘Inception’. In uu filinku yahay farshaxan shineemo waxay ahaan doontaa mid lagu murmo, laakiin waxaan maskaxdeenna shaki kaga jirin in dhammaadkiisu ahaan doono mid laga doodo sannadaha soo socda.

9. Bicycle Thieves (1948)

Filimka Talyaani ee Vittorio De Sica’s, ‘Tuugada Baaskiilka’ waxa uu ka sheekaynayaa nin iyo wiilkiisa oo si quus ah isku dayaya inay dib u soo ceshadaan baaskiilkoodii la xaday, la’aanta baaskiilkana ninku uu ku waayi doono shaqo u ballan qaadaysa inuu qoyskiisa ka saaro saboolnimada. Dhaqaale xumada ka jirtay Talyaaniga ka dib dagaalkii labaad ee aduunka ayaa filinka u abuuraysa waaqic musiibo. Dhammaadka waxaan daawanaynaa ninka oo isu beddelaya tuug isagoo ku guuldarraysanaya in uu baaskiil nin kale ka xado si uu u ilaaliyo shaqadiisa.

8. Casablanca (1942)

Waxaa soo-saaray Michael Curtiz oo ay jilaayaan Humphrey Bogart iyo Ingrid Bergman, ‘Casablanca’ waxa uu ka warramayaa sheeko jacayl oo dhex martay nin Maraykan ah oo ku sugnaa magaalada Casablanca dagaalkii labaad ee adduunka iyo haweenay ninkeedu ka tirsan yahay hormuudkii kacaanka dalka Czech. Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay filimkii jaceylka ee ugu wanaagsanaa abid, wuxuu leeyahay dhamaad gooni ah, oo uu ninka Mareykanka ahi u caawimaayo haweenayda iyo ninkeeda in ay u baxsadaan Mareykanka.

7. The Godfather (1972)

Mid ka mid ah filimada ugu saamaynta badan taariikhda shineemada, ‘The Godfather’ waa qaybtii ugu horreysay ee saddexleyda ka warramaysa qoyska madaxa Maafiyada Talyaaniga ee Maraykanka. Waxaa agaasime ka ahaa Francis Ford Coppola oo ay jilayaan Marlon Brando iyo Al Pacino, filimkan waxaa si joogto ah loogu qiimeeyaa soo-saarkii ugu wanaagsanaa ee shineemada caalamiga ah. In kasta oo aan muuqaal ahaan aad loo jeclayn, haddana dareenka xooggan ee jilayaasha ayaa  qaabeeyay dhammaadka filimka, iyada oo xaaska madaxa maafiyada jiilka cusub ay aqoonsanayso in ninkeedu ka dambeeyay falka dilka uu beenta uga sheegay.  

6. The Shawshank Redemption (1994)

Haddii aad ka fekereyso in ‘The Shawshank Redemption’ ugu jirto liiskaan sababtoo ah muuqaalka ka baxsiga xabsiga, markaa waad qaldan tahay. Filimku halkaas kuma eka, waxa uu dhammaanayaa marka uu Red ka gudbo xadka oo helay saaxiibkiisii ​​hore oo isaga sugaayay, wayna is gacan galinayaan. Waa dhammaad indhahaaga ka buuxin doona ilmo farxadeed. Filimku si sahal ah ayuu ugu dhammaan lahaa muuqaalka ka baxsiga xabsiga, laakiin xasuusnoow filimku wuxuu ku saabsan yahay Red in le’eg inta uu Andy ku saabsan yahay. Sidaa darteed, waxa uu dhammaanayaa marka ay labada saaxiib kulmaan iyaga oo xor ah.

5. Before Sunset (2004)

Dhamaadka ‘Before Sunset’ waa mid aad u qumman oo aan dareemayo in uu taxane u yahay ‘Before Midnight’. Sida nolosha oo kale, ku raaxaysiga ogaal la’aanta ayaa ka dhigaysa dhamaadka filimka mid aad u wanaagsan. Wuxuu kaaga tagaaya warqad cad oo ay tahay in aad adigu ku qortid nolosha aad u rabtid Jesse iyo Celine. Jesse ma raacayaa diyaarada si uu noloshiisa ula qaato xaaskiisa iyo caruurtiisa? Mise isaga iyo Celine waxay go’aansadeen inay wada joogaan inta noloshooda ka hadhay? Adiga ayaa go’aaminaya sida aad u malaynayso in noloshoodu ahaan doonto.

4. Fight Club (1998)

Waxaa laga qoray filimka sheeko faneed isla magacaas wadata uu qoray Chuck Palahniuk, waxaa jirta dhowr sababood oo uu ku gaaray heerka cibaado filimku, laakiin ma jiro mid ka muhiimsan dhammaadkiisa. Filimku wuxuu ku dhamaanayaa tabiyaha filimka (Edward Norton) oo u maleynaya inuu xaliyay dhibaatada marka uu iska toogtay afka oo uu “dilay” Tyler, laakiin aduunka ku hareeraysan ayaa bilaabaya inuu burburo. Isagu, marka uu Tyler yahay, wuxuu abuurayaa jahwareer isagoo ku amraya taageerayaashiisa inay qarxiyaan dhammaan shirkadaha maaliyadeed ee magaalada si ay u tirtiraan deynta bulshada. Marka la eego, dhamaadka filimku waa faallo xooggan oo ka soo horjeeda dhaqanka damaca.

3. Citizen Kane (1941)

Waxaa soo-saare iyo jilaa ka ah Orson Welles oo markaas 26 jir ahaa, ‘Citizen Kane’ waxaa si is-daba joog ah marar badan loogu codeeyay inuu yahay filimkii ugu fiicnaa ebid. Waa riwaayad ay ku duuggan yihiin wax badan oo qarsoon, filimku wuxuu ka sheekaynayaa dhimashada maamule warbaahin saxaafadeed iyo fasiridda micnaha eraygii u dambeeyay uu ku hadlo, dhammaadka ayaan ogaanaynaa macnaha saxda ah ee ereyga.

2. The Usual Suspects (1995)

Waxa ay rakibaada filimku is rogaysa boqol iyo sideetan marka la soo gaaro dhamaadka. Waa uu fasaxayaa wakiilku marka uu wax dambi ah ku waayo, laakin socodkiisu wuu badalan yahay, hadda ma uusan dhutinaayo. Kujan aad buu uga daahay in uu ogaado ​​xog kasta oo ku saabsan sheekada Kint in ay ahayd wax aan jirin. Wax walba waxa soo koobaysa oraahda uu Kint/Soze dhahaayo dhamaadka: “The greatest trick the Devil ever pulled was convincing the world he doesn’t exist; and like that, he’s gone”.

1. Psycho (1960)

Waxaa lagu qiimeeyaa soo-saarkii ugu wanaagsanaa ee Alfred Hitchcock, ‘Psycho’ nooc filimkiisu waa ‘psychological horror thriller. Filimku waxa uu ka sheekaynayaa qof maskaxda ka xanuusan oo nool laba shakhsiyadood si uu u muujiyo rabitaankiisa dhiigga. Dhammaadka filimka ayaa noqday mid la xasuusan doono marka ay marxuumadda walaasheed iyo saaxiibkeed ay ogaadaan in dilaaga ay ku dhex nool yihiin labo qof. Muuqaalku waa mid qof walba dareen murugo ku abuuri kara gudahiisa.  

Sidoo kale waxaa xusid mudan dhamaadka:

1. Se7en (1995)

2. There will be blood (2007)

3. Whiplash (2014)

4. One flew over the cuckoo’s nest (1975)

5. 2001: A Space Odyssey (1968)

Kee buu ahaa filimkii ugu dhamaadka wanaagsanaa ee aad abid daawatid?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *