Waxba i ma farxad geliyaan!

W/Q: Maxmuud Darwiish

Tarjume: Guryasame Cabdi Maxamed

Waxba i ma farxad geliyaan!


Musaafir baska nagula safrayay ayaa dhahay: “ma jiraan wax i farxad gelinaya, raadiyowga iyo wargeysyada subaxii midkoodna ima xiiso galiyo, xataa qalcadaha iyo buuraha cagaaran i ma farxad geliyaan. Waxa kaliya ee ay iga haysaa waa; in aan iska ooyo”.

Darawalkii gaariga ayaa ku dhahaya: sug inta aynu ka gaarayno busteejada, kadib sidaad doonto keligaa u ooy.

Haweenay ayaa tiri: anigana sidoo kale, ma jiraan wax i farxad geliya. Wiilkaygii ayaan qabrigayga tusay isaguna inta jeclaaday ayuu seexday isaga oo aan i dhihin “macasalaama”.

Arday jaamici ah ayaa isna dhahay: anigana sidoo kale, wax i xiiso galinaayo ma jiraan. Waxaan bartay cilmiga raadraaca (Archaeology), balse aqoonsi kama dhex helin dhagaxaanta. Anigu dhab ahaantii ma ahay aniga?

Askari ayaa dhahay: waxaan had iyo goor isu dhiibaa rooxaan i eryanaysa.

Darawalkii oo xanaaqsan ayaa ku dhawaaqay: ugu dambeyn, waan soo gaarnay busteejadii uu safarkeennu ku ekaa, fadlan isku diyaariya degitaan.
Dadkii ayaa hal mar ku wada qayliyay: waxaan rabnaa in aan aragno busteejada waxa ka dambeeya ee sii soco.

Haseyeeshee, anigu waxaan dhahay: halkaan igu deji. Aniguba ayaga ayaan lamid mid ahay, wax i xiiso galinaayo ma jiraan, laakiin waan ka daalay safarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *