Sooyaalka Farshaxanka

SOOYAALKA FARSHAXANKA

Waxaa qoray: Majdi Aburayah

Turjumid: Cabdiraxmaan Caqiil

Fatima Aweys, Farshaxanyahnad

Bani’aadamka meel kasta oo uu joogo iyo waaya kastaba waxa uu raadin ugu jiray in uu helo siyaabo uu ku cabbiro nolosha uu ku noolyahay iyo hab-nololeedka bulshada uu ku dhexnoolyahay.

Fanka iyo farshaxanka waxa uu ahaa welina uu yahay mid kamid ah waddooyinka ugu qadiimsan ee aadanuhu u maray in uu ku cabbiro jiritaanka xadaaraddiisa, ama uu ku madadaasho.

FARSHAXANKA TAARIIKHDA KAHOR

Qoraaga reer Suuriya ee la yiraahdo Dildaar Filmas waxa uu buuggiisa ” Sooyaalka Farshaxanka” ku sheegay in saynis-yahannadu ay daaha ka rogeen sawir gacmeedyo taariikhdii la sameeyay ahayd 2000 oo sanno nabi Ciise hortii, haddii si xeeldheeri ku jirto loo eego sawir gacmeedyadani wax ay tusinayaan in farshaxanka duugga (qadiimiga) ah uu soo bilowday taariikh tan aad uga fog.

Taariikhyahannadu waxa ay tilmaamaan in intii u dhaxaysay (960-1279) oo ahayd xilligii talada shiinihii hore ay hayeen qoyska reer Sung, in lagu tiriyo casri meel sare gaaray saamaynta farshaxanka inkastoo uu soo jiray 2000 sanno kahor. Farshaxamistayaashii hore waxa ay xoogga saareen farshaxanka xayawaanada, taas oo suuragelisay in la barto dabeecadda xayawaanaadkii waqtiga hore jiray, xayawaannada waxa ay isugu jireen qaar la ugaarsan jiray oo ilaa maanta jira iyo kuwo dabarg’ay. Fardaha, doofaarka, shimbiraha, kalluunka, iyo dibida waxa ay kamid ahaayeen noolayaashii sida weyn loo farshaxameeyay waayadaasi.

Sawir-gacmeedyadii hore ee Hindida waxa ay u badnaayeen waxyaabo ay Hindida caabudi jirtay, sawir-gacmeedyada laga helo godka ” Awganta” waxaa loo garan ogyahay in ay jiraan dhowr qarni (200 CH-600 CD), waxaa sidoo kale kamid ah sawirada Buuda iyo dadkii la socday. Wixii ka dambeeyay qarnigii labaatanaad farshaxanleydu waxa ay u bateen in ay sawiraan muuqaallada dabiiciga ah, sida: shimbiraha, ubaxyada, buuraha, iyo badaha.

Farshaxanka masaaridii hore waxa uu ka soocnaa ummadihii kale ee dunida, masaaridu waxa ay waqtigaasi horumariyeen hab iyaga u gaar ah oo ay ku qurxiyaan qasriyadooda, goobaha cibaadada, iyo xabaalahoodaba.

Waxa ay sawireen shakhsiyaadka ka dhexmuuqda bulshada, waxa ay u kala horumarinayeen hadba sida ay u kala martabad sareeyaan, mar kasta oo uu qofku miisaan culusyahay waa markasta oo sawirkiisu ballaaranyahay, farshaxankooda waxaa laga dheehan karaa derbiyada, qabriyada, iyo gidaarada macaabidooda iyagoo sawiradu la midabeeyay oo si cad loo arki karo.

Masaaridii hore waxa ay farshaxankooda u adeegsan jireen midabyada jaallaha, casaanka, buluugga, cagaarka, maarriinka, caddaanka iyo madowga, welina si buuxda looma helin sawiradii ay naqshadeeyeen marka laga reebo in yar oo maanta yaalla. Giriiggii hore waxa ay dedaal ku bixiyeen sidii ay u qaabayn lahaayeen sawriada farshaxamaysan ee kaalinta ka qaatay in wax laga ogaado sooyaalka Giriigga.

Farshaxamistayaashii ugu magac dheeraa Giriigga qarnigii shanaad ee nabi Ciise hortii waxaa kamid ah Phidias, Polygnotus iyo Apollo oo lagu naaneysi jiray ” ninkii hooska lahaa” waxa uuna caan ku ahaa in uu qofku u sawiro sida uu yahay. Farshaxankii duugga ahaa ee dowladdii Roomanka waxaa laga helay sawir-gacmeedyo ay waxbadan kasoo saareen cilmibaarayaasha.

Roomaanku waxa ay waayadii hore la gaar noqdeen sawirada shakhsiyadeed, waxa ay qofku ku sawiri jireen goob wareegsan oo ka maran waxyaabaha aan loo baahi qabin, sawirkaasina wuxuu u taagnaa qofka guriga milkiyaddiisa leh in uu yahay. Waxa ay sidoo kale sawiri jireen guriga iyo qaybaha uu ka koobanyahay iyo waxyaabo guriga lagu qurxiyay.

CASRIGII DHEXE

Waxa uu casrigan ka bilaabanayaa taagdarrayntii iyo dhicitaankii imbaraadoodiyadda Rooma qarniyadii afaraad iyo shanaad ee miilaadiga ilaa Casrigii horumarka soo bilowday qarnigii 14aad, waxaana waayadan xoogga la saaray in farshaxanka loo adeegsado calaamado iyo summado kala geddisan, waxaase aad looga gaabiyay xagga muuqa oo samada waxay ku sawireen midabka dahabiga ah.

Waayadii dhexe reer Yurub waxa ay fanka u adeegsan jireen in ay ku xiraan diinta masiixiyadda, waxaana soo shaacbaxay qaabab kala geddisan oo ay ku jirto Farshaxanka Biisantaaniya oo xoogga saaray midabyada qurxoon balse iska indhatiray kaniisaddii Rooma.

Qarnigii 13aad waxaa si weyn u soo shaacbaxay farshaxanka Gothic lagu magacaabo oo faransiiska aad looga xiisayn jiray, waxa uu xambaarsanaa qoraallo far qurxoon lagu qoray iyo erayo macno diimeed xambaarsan.

Qarniyadii 11aad iyo 12aad waxaa Galbeedka Yurub kasoo billowday isna farshaxanka Roomaniski ( Romanesque art) oo ahaa farshaxan midaynaya kii Roomaanka ee hore iyo kan Biisantaaniya, farshaxankan waxa uu saamayn ku reebay farshaxanka bulshooyinkii waqtigaa jiray oo ay kamid ahaayeen muslimiinta.

Farshaxankii hore ee muslimiinta

Farshaxamistayaashii hore ee muslimiinta waxa ay xil iska saareen qurxinta iyo qaabaynta buugta la qorayay waqtigaasi, waxa ayna ku qaabayn jireen farshaxan heerkiisu sarreeyo oo ku habboon iyo far qoraaleed qurxoon.

Farshaxanka islaamiga ah waxa uu ku suntanaa muujinta quruxda iyo in farshaxanka loo qaabeeyo si uu u xiiso geliyo dadka daawanaya, waana fan qurxin iyo qaabaynba lahaa, farshaxanistaha waqtigaasi waxa uu dadaal ku bixin jiray in uu sawirka khayaaliga ah ku muujiyo mid soo jiidasho iyo ildoogsiba leh.

Farshaxanka mararka qaar waxa ka samayn jireen dhoobo, mararka qaarna macdan, waxay kaloo adeegsan jireen caleemaha geedka, siiba geedka Acanthus oo Yurub ka baxa.

Xilligii dowladdii umawiyiinta ayaa la tilmaamaa in hormar laga sameeyay farshaxanka magaaleynta, waxaana tusaale loo soo qaataa masjidka jaamica umawiyiinta ee ku yaalla Dimishq, waxaa lagu tiriyaa in uu marjic u yahay injineerada naqshadaynta ka shaqeeya iyo in uu ka soo askumay farshaxanka Carbeed, sidoo kale qubbada dhagaxa loo yaqaan( Dome of the rock) ee ku taalla Qudus ayaa kamid ah dhismayaashii raadeeyay fanka Biisantaaniya.

Tixraac:

https://www.noonpost.com/27549/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *