Soomaaliya: Fagaaraha Legdanka Masar iyo Itoobbiya

Soomaaliya: Fagaaraha Legdanka Masar iyo Itoobbiya
Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin.

Waxaa qoray: Cabdifataax M. Dhegbahaaf.

 “faragalinta siyaasadeed ee caalamka kaga imaanaysa Soomaaliya waxa ugu daran tan ka soo jeedda dawladaha Masar iyo Itoobbiya, labadaa dal oo dhexdooda is haya ayaa Soomaaliya kula soo galgasha muranka dhexdooda ka aloosan.”–Cabdullaahi Yusuf¹.

Hordhac:

Afrika oo rug muhiim ah dunida uga taal waxaa mara webiyo fara badan oo Niilku ugu mudanyahay. Waxa loogu yeedhaa “Aabbihii webiyada”. Niilku wuxuu ku kala rogmadaa Waqooyi-Bari Afrika ilaa xeebta Mediteriyaanka. Biyaha Niilku waxay nolosha Masaarida u yihiin dhexyaal ama lamahuraan. Haddaba isha biyaha Niilku ka soo burqado siiba niilka buluugga ah waxa ay dhacdaa harada Taana ee dalka Itoobbiya. Itoobbiyana waxa ay dhacdaa Geeska Afrika iyagoo barbarka isku haya— xuduud dheerna wadaaga dalka Soomaaliya.

Masar mar walba waxa ay dhulka Soomaalida u arki jirtay tan iyo kahor aasaaskii Jamhuuriyadda Soomaalida barxad dhow oo ay ka tiigsan karto hardanka kala dhexeeya Addis Ababa. Siyaasadda Masar oo ku dhisnayd wiiqidda Itoobbiya waxa ay u martay wadiiqooyin fara badan oo ay ugu weyntahay taakulaynta halganka hubaysan ee Erateriya si Itoobbiya bilaa xeeb loo dhigo iyo karkarinta qadiyadda gobonimada Soomaalida si waa marka koowaad e Masar u hesho dal ama fagaag cusub iyo fadhiisin ay Addis Ababa ka tiigsato— marka labaad na dhulweynaha Itoobbiya ka koobantahay looga jaro Soomaali-galbeed oo Itoobbiya haysatay lagu na dhammaystiro jamhuuriyadda “Soomaalida-weyn”.

Geesta kale Masaaridu wax ay isku dayday dhexmaridda qoommiyadaha laga badanyahay ee Itoobbiya sida: Hararida iyo Canfarta. Ilaa Raadiyaha Qaahira ayey ka bixi jireen baaqyada borobogaanada Hararida/Adarida². Hase ahaatee qolyahaas oo dhan Masaarida waxa uga mudnaa adeegsiga kaalinta Soomaalida maadaama ay ka dhul istaraatiijisan yihiin ummadaha kale, kana tiro badnaayeen Canfarta, Erateriya iyo Adarida. Sidoo kalena dawladawga Soomaalidu uu dabka saarnaa.

Haddaba maqaalkan waxa aynu isku weyddiin doonnaa wayddiimo ay ka mid yihiin: Masaaridu ma il-ku-hayn arrimaha Niilka dhaafsiisan bay Soomaalida ugu marantahay? Dagaalladii dhex maray dawladda Soomaalida iyo midda Xabashida kaalintii garab ay ballanqaaday Qaahira ma ka soo baxday mise ban-cad bay uga dhaqaaqday Soomaalida? Raadka Masar ku lahayd madaxdii ururkii SYL, ku dagaallankii dhegaha Soomaalida, qaran-jabkii Soomaalida kadib sida ay Masaaridu ula kala safatay qabqabalaashii Soomaalida, fashilinta shirar dhowr ah oo ku jiheysnaa dib-u-heshiinta Soomaalida iyo ugu dambayn qaadhaanka ay Masaaridu ku darsatay kala fogaynta bulsho iyo qaabka degaan-siyaasi maxalli ee ay Soomaalidu u qaabaysantahay maanta— qarnigan aynu ku jirno.

Biyaha Niilka iyo Gabbaadka Masar ee Geeska Afrika.

Biyaha Niilka oo Masar u ah nolol iyo lamahuraan aysan ka gorgortami karin ayaa waxa uu Masaarida ku riixay in ay raad muuqda ku yeeshaan Geeska Afrika, Baddacas iyo Badweynta Hindiya; khilaafyada Geeskana dhex-bartan u noqdaan.

Masar oo si weyn ugu tiirsan Niilka 85% biyihiisu waxa ay ka yimaaddaan Niilka Buluugan ee salkiisu yahay dalka Itoobiya. Arrinta raadaynta arrimaha Niilka degaan-siyaasadeedka Masaarida waxa ay la gashay arrimaha Erateriya, qaddiyadda Soomaalida ilaa midda Hararida ama Adarida magaalada Harar.

Geesta kale qoraa, bare-sare Saadiya Tuufal (1932-2008) oo arrimaha Soomaalida iyo Geeska wax badan ku qoray waxa uu ku dooday:

“Masar waxa ay faragalinteedii mandiqadda u muujinaysay mid ku dhisan midow iyo isudhawaansho diineed, balse dhab ahaan waxa uu ahaa mid arrin siyaasadeed salka ku haya. Ku tiirsanaantooda webiga Niilka iyo indha-indhayntoodii muddada dheer soo taxnayd ee ku aaddaneyd; khayraadka iyo booska jiquraafiyadeed ee webigu dhaco [i.e; jooggiisa sare iyo qulqulkiisa], waxa ay masaarida dhaxalsiiyay in ay u arkaan arrin lafdhabar u ah amniga qaranka Masar. Badi biyaha Niilka ee Masar soo gaara waxa ay ka soo dhacaan Oogooyinka sare ee Itoobbiya. Masar waxa ay waligeedba uga cabsi qabtay Itoobbiya ama awoodaha kale ee maamuli kara ishiisa in ay carqaladeeyaan qulqulka wabiga Niil.” (Touvel, 1963: 178).

Masar iyo Itoobbiya laba xilli ayaa dagaallo toos ah labada dal dhexmaray. 1874 iyo dagaalkii dambe ee la magac baxay dagaalkii Gore 1876. Sida taariikhyahannadu sheegaan labada goor ba Itoobbiyaa gacan sarraysay.

Raadiyo Qaahira iyo ku dul-dagaallanka dhegaha Soomaalida.

Horraantii kontameeyada 1954 ayaa Masar hawada galisay Idaacadda Qaahira laanteeda Afka Soomaaliga. Waa laba gu’ uun kadib kolkii la riday nidaamkii Boqortooyada Masar dalkana ay la wareegeen xukun Milateri horusocod ah. Geesta kale dhulka Soomaalida waxa joogay guumaystihii kala duwanaa. Gobolkii Talyaanigu haysan jirey waxa uu ku jiray isagu muddadii ‘’Wasaayadda’’. Sidoo kale waxa carro Soomaaliyeed cidhif walba ka oognaa xilligaa guux gobonnimo.

Dawladdii askarta Jamaal Cabdinaasir Xuseen qorshaha Laanta Afka Soomaaliga Raadiyaha Qaahira waxa uu ka lahaa dhowr arrimood oo aan ka xusi karo:

  1. Baahinta borobogaandada afkaarta Shuuciyadda.
  2. Cadaadis-saaridda boqortooyada Itoobbiya iyo danaha Niilka.
  3. Isu muujinta madaxda bidixdii horusocodka ahayd ay isu muujinaysay kuwo mar walba taageersan oo cod u ah halganka gobonnimo-dirir ee dunida. Waa qodobkan midka ay iska dhex arkeen qoomiyiintii Soomaalida ee waagaa. Waana kobta labada qolo midaysay ama ay jaanta iskula heleen.

Raadiyaha Qaahira markii hore waxa lagu bilaabay barmaamijyo goos-goos ah, markii dambe dal iyo dibad Laanta Afka Soomaaligu waxa ay heshay dhegaystayaal fara badan oo Soomaali ah heer markii dambe barmaamijyadii laanta ka bixi jirey maalinle laga dhigay sannaddii 1957⁴ (Alex White).

Idaacaddu inta ay hawada ku jirto waxa aad looga dhalleecayn jirey guumaystayaashii reer Yurub, boqorkii Itoobbiya, madaxdii Jabbuuti uga shaqayn jirtay gumaystihii Faransiiska. Waxa ayna jeellanayd baaqyada horusocodka Hantiwadaagga, midnimada Carabweynaha iyo midnimada Soomaaliweyn iwm ah. Waxa xusid mudan waayadaa in dunida qaybihii la gumaystay, gaar ahaan dalalkii Carabta Hantiwadaagga laga dabadhacay heer ay qaadashadiisu moodo noqotay; Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Yeman, Aljeeriya, Suudaan ilaa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Hawlwadeennadii Idaacadda Qaahira Laanteeda Afka Soomaaliga waxa ugu miisaan weynaa Xaaji Maxamed Xuseen. Xaaji Maxamed wuxuu ahaa siyaasi qawmi xagjir ah. 1943 wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYC) geesta kale sannaddii 1947 waxa Xaaji Maxammed Xuseen loo doortay guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL).

Xaaji Maxammed waxa uu wax ka baran jirey dalka Masar, dhanka dawladda Masar na aad ayeey isugu dhoweeyaan. Geesta kale Masaaridu waxa ay ku hanweynaayeen in ay xiriir dhow oo wada shaqayneed la leeyihiin siyaasi miisaankaa leh. Waxa xusid mudan doorashooyinkii gobolkii Italiyaan-Soomaalilaan  ka qabsoomay xilligii xorriyad gaadhsiinta Soomaalida “Trust Territory of Somaliland under Italian Administration/ إقليم صوماليلاند تحت الوصاية للإدارة الإيطالية” in Ururka SYL kuraasta ugu badan doorashada helay 43 kursi tiro 60 kursi ahayd oo lagu tartamay. 

Xaaji Maxammed isagoo Masar ku sugan ayaa mar kale guddoomiyaha ururka loo doortay. Dibudoorashadaasi waxa ay mar kale farxadgalisay dalka Masar.

Codka Idaacadda Masar mararka qaar borobogaandada waa ay ku dheeraan jirtay heer ay tabiyaan “In Masaaridu Soomaalida utalin jirtay” (Alex). Dooddaas oo aan waxba ka ood-sokeyn duullaammadii Xabashida iyo dawladihii doolka ahaa ee reer Yurub.

Geesta kale soo guryo noqoshadii Xaaji Maxammed madaxdii SYL waxa la sheegaa in ay Masar raadweyn ku yeelatay. Arrintaa waxa muujiyey xataa raggii doortay ee ay xisbiga ku wada jireen. “shantii gu’ ee uu Masar ku soo qaatay ayaa duunkiisa hoose kaga tagtay summad. Hadda oo la joogona ma awoodo inuu wax ku eego indho aan ka ahayn kuwa Masriyeed mooyee”. (TNA FO 371/131462, of March 1958).

Geesta kale cadaadisyada Idaacadda Qaahira awgeed waxa iyaguna laan cusub oo af-soomaali ah hawada galiyey gumaystihii boqortooyada Ingiiriska; Luulyo 1957. Intaa wixii ka dambeeya tusbax furtay ayey Idaacaduhu noqdeen, Xabashidu mid bay fureen, Talyaanigu mid buu isna kicinayaa ilaa Soofiyeedka laga gaadho.

Dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobbiya: 1963-4 1977-8.

Dagaalkii koowaad:

Qarankii curdinka ahaa ee Soomaaliyeed saddex gu’ isagoo jira ayuu boqortooyadii Itoobbiya dagaallo la galay. Itoobbiya xilligaa weli Jamhuuriyad ma noqon waxa madax ka ahaa boqor Hayle Salaase. Boqor Hayle gundhiggiisa ugu weyni waxa uu ahaa rasaas ku soo dhowee oo heerka awooddaada tus qaranka cusub ee Geeska Afrika ku soo biiray, kaas oo uu halis ammaan u arkayey hiigsiga Soomaalida ee ahaa taagidda dawlad ka kooban dhulweynaha Soomaaliyeed oo dhan. Ciidamada Soomaalida oo xilligaa ka koobnaa lix kun³ oo askari oo aan hub culus lahayn inta itaalkooda ah waxa ay sameeyeen nafhurnimo-dagaallan xooggan. Shacabka Soomaaliyeed na waxa ay ka heleen ciidamo isxilqaan ah oo aan hannaansaneyn. Geesta kale ciidamadu Itoobbiyaanku waxa ay weerarro ku ekeeyeen deegaannada ku teedsan xuduud-beenaadka labada dal. Cidhifka Doollo iyo Yeed, qaybo kamid ah xuduudka gobolka Hiiran ilaa gobolka Waqooyi-galbeed.

Itoobbiya xilligaa waxa ay taakulo buuxda ka helaysay dawlado Maraykanku ugu tunweynyahay, halka Masar oo ugu horraysay dawladaha isku-soofeeya Soomaaliya iyo Itoobbiya aysan kaalin muuqata ka muujin dagaalkii Itoobiya.

Sidaas oo ay tahay Xabashidu waxa ay qabtay xoogga Soomaalida ku soo dhirbaaxaya in ay Masar tahay. Tusaale: September 1960kii boqor Hayle Salaase waxa uu sheegay: in aan Soomaalidu marna ku riyooteen arrimahaa haddii aysan Jamaal Abdel Nasser— madaxweynihii hore ee Masar ka shidaal qaadaneyn. (Erlich, 1994: 134) 

Dagaalkii labaad:

Dagaalweynihii 1977 ama dagaalkii “Soomaali-Galbeed” oo ahaa dagaal qaab sibiq iyo qorshe xumo ah ku bilawday kuna dhammaaday, dawladihii Soomaalida dagaalka ku takhantakhaynayey mar kale waxa ugu horreeyey Masar iyo Sacuudiga oo laba xaajo isku wada, midda koowaad waxa ay ahayd; fulinta danaha ay gaarkooda uga leeyihiin Geeska Afrika iyo in ay wakiillo daacad ah u ahaayeen dawladda Maraykanka.

Masaarida iyo Sacuudigu markan waxa ay ka sinnaayeen in laga suuliyo raadka Shuuciyadda—Soofiyeedku ku leeyihiin cidhifka mudnaanta leh ee Geeska Afrika.

Dhanka Itoobbiya markii ay jiidaha difaaca la beerdhigaalaynayeen—meel kula dhimanayeen Raashiyaan, Kuubbaan iyo Carabtii Koonfurta Yeman taa cagsigeeda  Masar waxa ay Soomaalida la barbar taagnayd duco, taakulo af ah iyo wixii la halmaala.

Korneyl Cabdillaahi Yuusuf buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo wuxuu ku doodayaa sidan: “Sida la ogyahay go’aanka Soomaaliya dagaalka ku gashay waxa lagu qaatay xafiisyo ka fog dalka Soomaaliya. Waxa ka dambeeyey dawlado shisheeye kuwaas oo ka faa’iidaysanayey caaddifadda iyo jahliga Soomaaliyeed iyo xukuumad danaysi ku jirtay oo aan dal iyo dad toonna dan ka lahayn. Sidaas ayaa dawlado shisheeye iyaga oo u maraya dawlado dabadhilif ah— uga qunsadeen Soomaaliya siyaasad iyo Istaraatiijiyad ku jihaysan sidii USSR looga saari lahaa mandiqadda Geeska Afrika, dabadeedna Baddacas iyo Badweynta Hindiya”.

Doodda Cabdullaahi Yuusuf waxa sii sugaya warkii madaxweyne Saadaad, kaas oo ku aaddanaa sidii Maraykanku uga cagajiiday ballanqaadyadiisi taakulaynta ciidamada Soomaalida; eryiddii Soofiyeedka iyo jabkii Soomaali-galbeed kadib. Anwar Saadaad oo is mukurinaya bishii May, 1980 waxa uu yidhi:

“Ameerikaanku uma muuqdaan kuwa garwaaqsan in madaxweynaha Soomaaliya (Siyaad Barre) dalkiisa ka difaacayo dullaanada Soofiyeedka ee kaga imaanaya Itoobbiya” (Egyptian Mail, 31 May, 1980). Soofiyeedka Saadaad dadka ku xuuxinayo waa Soofiyeedkii u heellanaantiisa awgeed Siyaad dad badan oo Soomaaliyeed xabsiyo ugu guray, u gumaaday kuwo kale na awgii dalkoodu uga carareen.

Si walba ay ahaataba iyadoo dagaalkii 1977 ku beegnaa xilli Itoobbiya aad u  jilicsanayd jiho walbana dab uga socday sida; kacdoonkii bulsho ee boqortooyadii facaweynayd looga takhalusay 1974, hardan u dhexeeyey ardayda iyo millateriga, mid kale oo millaterigii Dergiga dhexdiisa ka aloosnaa, dagaalladii xorriyad udiririka Erateriya, jabhadihii EDU, EPRP (Zewde, 2002: 253-255) WSLF iqk ayaa haddana Itoobbiya oo intaas oo jiidood ku furnaayeen uga gacan sarraysay dawladdii Soomaalida dagaalkii 1977 dhan millateri iyo mid diblamaasiyadeedba.

Jabkii 1977 kadib, kolkii natiijadii dagaalku noqon wayday sidii kacaanka iyo shacabka Soomaaliyeed isku dhufsadeen waxa Dawladdii Soomaaliyeed u bilawday tobankii sanno ee hoobadka. Waxa la galay maalmo kala shaki, isku-day inqilaab, ciidamadii xoogga dalka oo isla kacaankii shalay dagaal galiyey ugaarsi ku bilaabay, barakac, musuqmaasuq baahsan, daymo shisheeye oo qoorta qarankii loo gashay, jabhado dillaacay, ifafaale dagaallo-sokeeye iyo halaag oo dhan.

Masar kaalinteedi ku milanka colaadda Soomaalida.

kolki jabhaddii USC (United Somali Congress) u hadhay Xamar ayaa Cali Mahdi istusay In uu madax noqon karo. Xilligaa waxaa figta sare ku shareernaa dagaalladii sokeeye ee dalka ka oogmay. Geesta kale ninkii eelka dhigay hoggaamiyihii kacaanka Ina Siyaad Barre goortaa waddanka kama wada bixin oo Gedo ayuu ku sugnaa.

Dhammaadkii Jeenaweri 1991dii ayaa Cali Mahdi waxa madaxnimo u cimaamaday xubno kamid ah jabhaddii USC. Arrintaasi waxa ay qaadanwaa ku noqotay Gen. Caydiid. Jeneraalku wuxuu isu arkayey haddiiba cidi madax noqonayso ninka ugu mudan In uu isagu yahay. Kala fikir duwanaanta noocaas ah waxay dhalisay dagaallo lagu hoobtay oo ku dhex maray gudaha caasimadda Cali iyo Caydiid.

Cali Mahdi waxa uu ahaa nin ay Masar aad isagu dhowyihiin, wax ku soo bartay tababarrana ku soo qaatay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Masar oo aqoonsi la doontay Mahdi.

Bartamihii 1991 ayaa Jabbuuti gogoldhigtay. Fidinta gogoshaa waxa dhabarka ka riixayey Ururka Jaamacadda Carabta oo ay horkacayaan dalalka Masar & Sucuudiga.

Shirkii Jabbuuti waxa ka soo qaybgalay qaybo kamid ah hoggaamiye kooxeedyadii dalka. Halkaas waxa Cali Mahdi loogu ansixiyey Madaxweynenimo. Madaxnimada Mahdi markiiba waxa aqoonsaday Qaahira, Jabbuui & Riyaad. Sidaas oo ay tahay  odaygii taashka lagula degdegay— Cali Mahdi waxba waa u socon waayeen.

Cilmi Faarax Webi oo kamid ahaa xubnii Cali Mahdi magacaabay ayaa isagoo BBC laanteeda Afka Soomaaliga u warramaya waxa uu yidhi:

“Cali Mahdi ma uusan helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaarsiin karay meel ka baxsan Xamar”. (BBC Somali: Siduu Cali Mahdi ku noqday madaxweynaha Soomaaliya. maqaal la daabacay 11 march, 2021).

Masar taageeradeeda Mahdi halkaa kuma joogsan, taa cagsigeeda mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay hiraalkii Cali Mahdi.

Qaahira kaalin muuqata ayeey ka ciyaartay dagaalladii sokeeye si gaar ah kuwii dhex maray labada nin ee kala hoggaaminayey beelaha Abgaal & Habargidir—Caydiid & Cali Mahdi, kadib markii ay labada hoggaamiye la kala safatay.

Fashilinta shirirkii dibu-heshiisiin ee Sodora Itoobbiya & Boosaaso Soomaaliya.

Itoobbiya oo hore u qabatay shirweynihii dib u heshiisiinta qaran 1993, kaas oo  ay ka soo qaybgaleen ilaa shan iyo toban kooxood oo Soomaaliya ku dirirayey ayaa mar kale isku dayday martigalinta shirweyne kale kadib geeridii Gen. Caydiid.

Sodora:

Dhammaadkii 1996 ilaa 1997 waxa la isagu tagay magaalada Sodora ee dhacda gobolka Oromiya 120km na u jirta caasimadda Itoobbiya ee Addis Ababa. Shirkan dhammaan qaybihii kala duwanaa ee dalka waa lagu casuumay marka laga reebo Soomaalilaan oo goonni-daaq ahayd. Qaybihiii kala duwanaa ee shirka ka soo qaybgalay waxa ay isku raceen In la sameeyo wax loogu yeedhay “Gole Badbaadin Qaran” (NSC). Golahaasi waxa uu ka koobnaa 41 xubnood, golaha masuuliyaddooda waxa laga dhigay sidii ay u abaabuli lahaayeen dhismaha dawlad KMG ah.

Geesta kale waxa la isku raacay In la sameeyo shan guddoomiye oo meerto ah. Qolyihii ka socday Waqooyi-Bari Soomaaliya waxa ay iska dhex xuleen Cabdillaahi Yuusuf madaxii SSDF, Absamihii Jubbalaan waxay doorteen Aadan Gabyoow, Hawiye waxay wada xusheen Ali Mahdi iyo Cismaan Caato. RRA Koonfur-Galbeed waxay doorteen Cabdiqaaddir Soobbe. Dood dheer kadib waxa iyaduna shirka Sodore la isku raacay In gudaha dalka siiba magaalada Boosaaso lagu ballamo.

Geesta kale waxaa xusid mudan dedaalada shirka Sodore In uu qaaddacay Ina Caydiid Xuseen oo Aabbihii marxuum Caydiid xilliyadaa booska ka dhaxlay.

Boosaaso:

Kolkii ballantii shirka Boosaaso la gaadhay, guddiyadii dhisanyihiin goobihii martigalintuna diyaar tahay ayaa waxa soo baxay guux iyo caga-jiid dhanka Xamar ah. Masar ayaa gogol doc-ka-faruur ah Qaahira ka furtay. Waxaana ku casuuman Caydiid yare ama Xuseen Maxammed Faarax Caydiid.

Masar waxa ay diiddanayd shir Itoobbiyaan wajigiisi koowaad furay In midhihiisu u gudbaan gudaha Soomaaliya; wajiga labaad Boosaaso ka qabsoomo. Sidaa awgeed waxay hindistay shir ay iyadu goshiisa iyo go’aamadiisa leedahay.

Qaahira 1997:

bishii December, 1997 ayaa Qaahira la isagu tagay. Mar kale shirkan waxa bayaankiisa qaaddacay— saxeexi diiday Gen. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Aadan Gabyoow oo labaduba beelaha Daarood ka soo wada jeeday.

Xubnaha bayaankii Qaahira saxiixay waxa kamid ahaa Cali Mahdi & Xuseen Caydiid. Masar oo awal la kala safatay Caydiid iyo Cali Mahdi waxa ay markan istustay In ay Ina Caydiid iyo Mahdi isu soo dhoweyn karto— labadoodana wax u wada dhisi karaan. Masaaridu waxa ay ku qanacsanaayeen In ay Mahdi madaxweynenimo u daayaan Ina Caydiid na Mahdi ra’iisul wasaare u noqdo.

Buugga xasuusqorka Cabdillaahi Yuusuf bogga 250 waxa uu ku carrabaabayaa Cabdullaahi Yuusuf kolkii uu la kulmay wasiirkii amniga Masar— ahaana lataliyaha madaxweynaha: In ay ku qanacsanyihiin caleemasaarka labadaa nin. Cabdullaahi  wuxuu toos u xusayaa in ay Masaaridu yiraahdeen:

“Soomaaliya haddii aan loo yeelin sida Hawiye rabo dawlad udhisi kari mayno”. Ayaandarro se Masaaridu Soomaalida dhab uma aqoon. Ajandaha noocaas ah ee Masar riixaysay In ay Soomaalida kale ku qanacdo ha joogto e waxa midkii ba midka kale arrin ku qancin waayey labadii garab ee Mahdi & Ina Caydiid.

Dhalashadii Puntland: Daal gudaha & dogobayntii Masar ee xaalka Soomaalida.

Ka soo laabashadii gogoshii Masar kadib deegaanada Waqooyi-Bari waxa lagu ballamay shirweyne wada tashi. Xilligaa deegaanada maanta Puntland loo yaqaan waxaa ka jirtay xasillooni wanaagsan. Waxa laga soo doogay dagaalladii beelaha deegaanka iyo SSDF oo is garabsanayaa ay dhulkooda uga saareen Itixaadka.

Geesta kale Waqooyi-Galbeed xilligaa waxa ka dhalatay dawlad goonni isu tag ku dhawaaqday. Dhanka Koonfur iyo gobolada dhexe ee Soomaaliyana waxaa ka socday dagaallo aan kala joogsi lahayd, isfahamwaa siyaasi, macaluul iyo barakac.

Dhanka Waqooyi-bari siddeed sanno sugitaan ah, siddeed sanno oo u heellanaan arrimaha guud ah— ka qaybgal, isku day walba oo Soomaali la isagu keenaya ah kadib waxa quusgooyey qorshihii Qaahira, xasoollidarada joogtada ah ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isu tanaasul la’aanta dhexdooda ah iyo colaadaha raagay.

Ugu dambayn 1998 waxa la taagay dawlad goboleedka Puntland oo lagu dhisay 5gobol iyo degmada Buuhoodle. Gobolada Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo degmada Puntland. Goboladaas oo ah deegaan ku yihiin beelo is ah oo Hartigu ugu tunweynyahay. Sidoo kale Leelkase (Tanade Darood), Awrtable (Yusuf Daarood), Jambeel (Cabdi Koombe), Carab Saalax iyo beelo kale oo dhowr ah.

Puntland sidaa dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba waxa ay ku ogaysiisay in ay faderaalaynso dalka tiirkii koowaad na ay iyadu tahay. Axdigii koowaad ee Puntland soo saarto lana ansixiyey bishii May, 1998 qodobka koowaad ee dawlad goboleedka waxa ku xusan sidan: “Puntland waxay qayb ka tahay Soomaaliya, dedaalna ugu jirtaa curinta dawlad ku dhisan habka Federaaliga ah oo abbaaro gudboon la leeyahay”.⁵ (Axdiga Puntland: qaybta koowaad: arrimaha guud, federaal iyo dhaqan, 1.4. Bogga afraad ee axdiga dawladda Puntland).

Dhismihii Puntland waxa uu ahaa mashruucii ugu saamaynta ballaadhnaa ee laga sameeyey dhulka Soomaalida tan iyo bilashadii Jamhuuriyadda Soomaalida. Puntland waxa ay wax muuqda ka beddeshay qaabkii dhulka Soomaalidu u yaallay sidoo kale qaadhaan weyn ku darsaday saamiyada siyaasadeed ee Soomaalida. Waagii xorriyad goobka Soomaalida, dhulweynaha Soomaalidu waxa uu u dhignaa ama u qaybsanaa shan Soomaaliyeed— halka soo biiristii Puntland kadib u dhigmay saddex qaybood oo kala ah; Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo meel ah. Duniduna kula macaamishay Soomaalida.

Qoraa Cabdishakuur Mire Aadan oo kamid ahaa wafdigii Puntland uga qaybgalayey shirkii Eldorate 2002, ayaa isagoo ka warramaya afar sanno gudahood sida miisaankoodu kor ugu kacay waxa uu buuggiisa ku yidhi: “14kii Actobar 2002, ayaa anigoo xubin ka ahaa wafdigii Puntland uga qaybgalayey shirka waxa aannu ka degnay garoonka diyaaradaha magaaladaas. Waxa ay nala ahayd in aannu Soomaalida kale wax dheernahay, sidii haybadda lahayd ee na loo dhoweeyey awgeed”. ⁶ Dhismihii Puntland xasillooni gudaha ah in beeluhu ku kala badbaadaan oo qudha ma noqon e sidoo kale waxa uu cuf miisaan muuqda iyo sallaan u noqotay Puntland indheergaradka iyo siyaasiyiinta goboladaa ka soo jeedda. Tusaale: Cabdullaahi Yuusuf miisaanka Puntland awgeed waxa uu talada dalka Soomaaliya hayey muddadii u dhaxaysay 14 Oktoobar, 2004 – 29 Diseembar, 2008. Sidoo kale tan iyo waagaa waxa dalku ku socotay dhabbihii Federaalka ee ay Puntland jeexday. Geesta kale waxa yarayd dawlad Xamar ka dhalata oo aan Puntland ra’iisul wasaare ka helin, halka doorashadii ugu dambaysay ee Xasan ku soo baxay Siciid Cabdullaahi Deni uu Villa Somaaliya sigay.

Jaantus: meelaha biyuhu niilku isagu tagaan iyo mashruuca biyo-xireenka Itoobbiya wado Grand Ethiopian Renaissance Dam project (GERD).

Labakaclaynta muranka labada dal ee biyaha Niilka

Taariikhda loollanka cusub ee webiga niilka waxa uu dib u cusboonaaday 2011 kolkii Itoobbiya ku dhawaaqday dhismaha dhaam cusub “biyi-xireenka Gerd” oo ay ku kacayso lacag gaaraysa 5 bilyan oo dollar. Biyo-xireenkan Gerd waxa uu noqonayaa mashruuc koronto kii ugu weynaa ee qaaradda Afrika laga hirgaliyo.

Waxa xusid mudan xilliga Itoobbiya ku beegtay fulinta mashruucan in ay oognaayeen kacdoonkii gu’gii Carabta; si gaar ah raadkoodi Suudaan iyo Masar.

Geesta kale tan iyo xilligii Abbiy Axmed yimid talada dalka Itoobbiya waxa uu dardargaliyey ka dhabaynta iyo dhammaystirka mashruuca biyaxireenka cusub.

Dhinaca kale markii Abbiy xafiiska Itoobbiya looga arrimiyo galay wuxuu ku dhaqaaqay siyaasad uu wax uga beddelayo xasaradaha Geeska Afrika. Waxa uu markiiba soo afjaray colaaddii dheerayd ee Erateriya kala dhaxaystay, sidoo kale waxa uu xidhiidh isu soo dhowaansho ballaaran la sameeyey dawladda Suudaan. Waxa xusid mudan labadaa dal waa— Suudaan iyo Erateriya e in ay dawladda Masar muddo dheer u ahaan jireen marin xulufo ay Addis Ababa u marto. Madaxweyne Al-Siisiga Masar qudhiisu ma yaraysan. Wuxuu wax ka beddelay siyaasadda biyaha dalkiisa Masar, waxana loo xilsaaray khuburo shacab ah.

Bishii Maarso, 2021 madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa ka soo degay magaalada Jabuuti ee dalka Jabbuuti. Booqashadaa kadiska ahayd ee Al-Sisi uu ku tagay dal-yaraha ku yaal Geeska Afrika waxay noqotay tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Masri ah sameeyo tan iyo markii ay Jabuuti xornimadeeda qaadatay sannadku markii uu ahaa 1977. Booqashada hoggaankii Masar ugu sarreeyey ee Geeska waxa ay dhalisay hadalhayn ballaadhan, waxa ayna sii marag furtay suxul-duubka Masar ugu jirto samaysashada xulufo siyaasadeed cusub.

1-dii Jannaayo ayaa magaalada Addis Ababa is-afgarad (MOU) buuq badan dhaliyey waxa ku kala saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobbiya Abbiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaalilaan Muuse Biixi. Is-fahamkaasi waxa uu Itoobbiya u ogolaanayey in ay baddacas ka hesho dakad iyo saldhig taa beddelkana ay Soomaalilaan kala shaqaynayso aqoonsi dalnimo buuxda. Tallaabadani xaaladdii gobolka waa uga sii dartay, xasaradihii oognaa ayeey baasiin ku sii shubtay.

Geesta dawladda Federaalka Soomaaliya sidii laga filayey waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaantay isfahamkaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Shiikh Maxammuud waxa uu ka hor hadlay labada aqal kuna tilmaamay heshiiskaas: waxba kama jiraan liddi ku ah xeerarka iyo qawaaniinta guud ee caalamiga ah.

Ugu dambayn toddobaadkan waxa la baahiyey waraaq dawladda Masar u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay taas oo ay ku hanjabayso in ay tallaabo qaadi doonto; haddii wax laga qaban waayo qorshaha biyaxireen-buuxinta Abbiy. Biyaha Niilku waxaa ku xidhan Jiritaankayaga ayeey tidhi dawladda Masar. “[haddii aan wax laga qaban] xukuumadda Masar waxa ay diyaar u tahay in ay isticmaasho xaqa difaacidda, ilaalinta xuquuqaha iyo danaha dadka Masar si waafaqsan cahdiga Qaramada Midoobay”. (Egypt State Information Service).

Dhammaadkii bishii Ogos ayaa labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar soo cagodhigteen caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. Arrintani waxa ay dabajoogtay heshiis Isbahaysi oo horraantii isla bishii Ogos ku dhex maray Qaahira Xasan Shiikh iyo Cabdifataax Al-Siisi. Qorshuhu waxa uu yahay in Masar cudud ciidan ku degto Soomaaliya. 5kun oo askari ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika ay dhex marsato 5kun oo kale toos dalkeeda uga soo daabusho.

Kolka miisaan la saaro arrimahaa waxa marag-ma-doonto ah in ay xaalka Soomaaliya uga sii dari doono. Waa iyada la yiraahdo: marka ay laba maroodi loollamaan/cartamaan waxa meesha ku burbura cawska ay isku dul dilayaan.

Geesta kale waxa muuqata Masaaridu in aanay weli dhab u fahmin xadhkaha murugsan ee xaaladda Soomaalida. Tallaabo walba ay qaaddo dawladda Masar  tan iyo burburkii dalka in ay uga sii darto Soomaalida mooyaan e xalka ma soo dhoweyn. Masaaridu hore waxa ay ugu fashilmeen in ay fahmaan qaybsanaanta dhulka Soomaaliya iyo kala sheeko iyo waayo duwanaanta bulshada Soomaaliyeed. Tusaale; Taakuladoodi USC waxa ay geeri ku ahayd dadka deegaanada Bay iyo Bakool oo dhulkooda lagu habsaday dhibaato ba’anna maray. Halka Itoobbiyaanku ka garabsiiyeen gacan ku haynta dhulkoodi. Sidaa awgeed arrinta la tacaaddufka Addis Ababa bulshada Soomaalida qaybtood u hayaan sida reer Koonfur-Galbeed xaajo iska timid maaha, waa arrin u baahan in wada hadal dhab ah, isfaham gudaha ah, dibu-heshiisiin guud iwm ah looga gudbi karo balse aan marna qaban siyaasadda fogaynta ah ee “cidna loo joojin maayo”.

Si walba oo ay ahaataba ma muuqato In Masaaridu joojin doonto qorshayaasheeda isku fidinta Geesta Afrika iyadoo dhulka iyo dawladda Soomaaliya dhabbo ka dhiganaysa, geesta kalena Itoobbiya habeen madaw marna guuri mayso waana deris aynaan dooran oo labada doc ba ku khasbanyihiin jaarnimada. Hadddaba, dawladda Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah waxa la gudboon in ay miyir iyo wadajir uga dabbaashaan arrimaha masiirkooda taabanaya ee Geeska ka aloosan. Sidoo kale qoraha maqaalku waxa uu madaxda Soomaalida uga digayaa in aan lagu guurin iyo in aanay sahal u dhexroorin khilaafaadyada daafaha dunida ka oogan. Haddii se ay taasi dhacdo hoobad  mooyee horusocod in la sameeyo ay adkaan doonto. Aakhirkana lagu danbayn doono tabtii 1977 in dawladda Soomaaliyeed noqoto ama u muuqoto “dal madi ah” dayro caalami ahna la kulma.

Tixraac:

  1. Halgan iyo Hagardaamo: taariikh nololeedkii Cabdullaahi Yuusuf.
  2. Afa-nigus Ershate Gada, Vice Minster, Minstery Of Interior to Minstery Of Foreign Affairs, Hamilo 30, 1952 In “Ethiopian Embassy Cario Report”, In folder No-I, File No-I/U (Minstery of Foreign Affairs Archive).
  3. Gen. Abdullaahi Yusuf oo taliye unug xilligaa ka ahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Ururka libin-side xaruntiisu waxa ay ahayd magaalada Baydhabo. Eeg boggaga: 40-44 ee buugga Halgan iyo Hagardaamo.
  4. How Radio Cairo made waves in Somalia By: Alex White.
  5. Axdiga Puntland: qaybta koowaad: arrimaha guud, federaal iyo dhaqan, 1.4. Bogga afraad ee axdiga dawladd goboleedka Puntland).
  6. Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya: Cabdishakuur Mire Aadan. ciwaanka Islaamiyiinta iyo Shirkii Eldorate: bogga 282.

Tixraacyo dheeri ah:

  1. The Nile issue and the Somali-Ethiopian wars (1960s-78).
  2. Taariikhda Soomaaliyeed ee tartanka qabiilada. Dr. Cabdiraxmaan Shiikh.
  3. https://www.bbc.com/somali/war-56348270
  4. https://www.aa.com.tr/en/africa/egyptian-president-visits-djibouti-builds-case-on-nile-dam/2256485
  5. https://www.reuters.com/world/africa/egypt-sends-arms-somalia-following-security-pact-sources-say-2024-08-28/
  6. https://www.thenationalnews.com/news/mena/2024/09/01/egypt-complains-to-un-security-council-over-ethiopian-dam-amid-rising-tensions/

amiirabdifatah13@gmail.com

One thought on “Soomaaliya: Fagaaraha Legdanka Masar iyo Itoobbiya

  1. Maqaal aad loo diyaarshey tariikh iyo aqoon badani ka buuxdo aniguna aan wax badan aanan aqoon ka bartay, bayaamisey halka uu ka soo bilaabmay Buuqa iyo is haysiga labada dowladood. Marxaladaha uu soo maray, xaalka uu hada marayo, iyo saameynta guud ee uu ku yeeshey mandiqada. Gabagabadi waxa yu qoraagu bayaamiyey sida aysan inoogu ficneen siyaasada seef laboodnimada oo aynaan dhex dabalaan dhibaato aynaan kabaheeda qaadi karin, loolanka dowladaha Ethopia iyo masarna uu noqdo mid iyaga ku kooban ee aynan inagana salfan.

    Thanks Abdifitaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *