
Soo koobid iyo falanqeyn ku saabsan qormadii ‘Dhimashada Qoraaga’ ee Roland Barthes
WQ: Dr Oliver Tearle (Loughborough University)
WT: AW-SAAHIL
‘Dhimashada Qoraaga’ waa qormo (essay) saamayn leh taas oo 1968 uu qoray aragtiyahan suugaaneedkii Faransiiska ahaa ee Roland Barthes. Laakiinse muxuu Barthes uga jeedaa ‘Dhimashada Qoraaga’? Qoraal yarahan qiimaha leh waxa uu muhiim u ahaa hormarinta dhaqdhaqaaqa aragti suugaaneedkii ‘Poststructuralist’ ee toddobaatameeyadi iyo siddeetameeyadii, iyadoo waaxyo badan oo afka Ingiriisiga ahi (English departments) si gaar ah, Maraykanka dhexdiisa ay qaateen aragtiyaha Barthes oo ay weheliyaan kuwo kale oo ay lahaayeen mufakiriin kale sida Jacques Derrida.
Haddaba, aan isla fiirrino doodda uu Barthes qormadan ku soo bandhigayo.
Dhimashada Qoraaga: Soo Koobid
Barthes, waxa uu ‘Dhimashada Qoraaga’ ku furfurayaa tusaale laga soo qaatay sheekada Sarrasine ee uu qoray sheeko qorihii Faransiiska ahaa ee Honore de Balzac. Isaga oo soo xiganaya gabal yar oo ka mid ah sheekada, waxa uu inna su’aalayaa ‘cidda’ erayadaas ku hadlaysa: Halyeyga sheekada, mase Balzac laftiisa? Haddii ay Balzac tahay, ma si shakhsi ah buu u hadlayaa mase waxa uu u hadlayaa dhammaan dadka? Abbaartu Barthes waa in aanan ogaan karin. Waxa uu si geesinimo leh ugu dhawaaqayaa qoraalku waa ‘Baabi’inta cod kasta.’ Ka sokow in uu yahay mid togan oo hal abuur leh, qoraalku waa mid taban, maran, oo aynaan si dhab ah u ogaan karin qofka hadlaya amase qoraya.
Runtii, ku dhegganaanta ‘qoraaga’ waa shaacsane casri ah, kaa soo gadaal loogu raadraaci karo sebenkii “Renaissance/Dib-u-soo-noolaynta” gaar ahaan, hormarintii fekradda “Indvidualism/kalitooyada” waxaa kale oo uu tilmaamayaa in faaqidaad suugaaneed badan ay weli qoraaga suraan fekradda ah in loo arko shakhsi gaar ah oo hal abuuray shaqo gaar ah, sidaas darteed waxa aan ka hadlaynnaa sida aan Baudelaire ugu qaadan karno ninka ku jira sheekooyinka qoraaga Baudelaire. Haddaba baadigoobka macnaha dhabta ah amase isha(source) qoraal suugaaneedka waxa ay la mid tahay xoog doofaar lagu eryay, sida uu Barthes qabo.
Waxa uu xusayaa in qoraayada qaar, sida abwaankii Faransiiska ahaa ee qarnigii 19aad, Stéphane Mallarmé ay damceen in waxqabadkoodu nagu baraarujiyo in ay afka/luqadda tahay waxa nala hadlaya, ee aysan qoraaga ahayn. Qoraagu waa in uusan si shakhsi ah wax u qorin; Qoraalka waxaa la sameeyaa iyada oo la xakamaynayo shakhsiyadda qoraaga si shaqada loo qabto[yacnii qoraagu waa in uu shakhsiyaddiisa xannibaa qalinkana fasaxaa, shaqadu iyadaa is qabanaysa’e]
Waxa uu leeyahay: In laga soo guuro fekraddeenna soojireenka ah ee ku saabsan ‘Qoraaga’ (Brathes waxa uu billaabayaa in uu erayga far waaweyn ku qoro si uu noo tuso in aan meel sare gaarsiinnay oo aan la barbardhigno haybad sare, sida Eebbe oo kale) waxa ay naga taageeri kartaa in aan qaab cusub u eegno xiriirka qoraaga iyo qoraalka ka dhexeeya. Aragtida soo jireenka ah, qoraagu waxa uu la mid yahay hooyo qoraal uurka ku qaadday halkii ay ilmo ku qaadi lahayd. Qoraagu sidaas ayuu u jiraa ka hor sheekada, maansada, amase riwaayadda, ka dibna waxa uu inta uu foosho, dhalaa shaqadaas suugaaneed.
Laakiinse fiiradan cusub ee xagjirka ah ee Brathes la soo shir tegay, xiriirka u dhexeeya labada; Qoraaga iyo shaqadiisa waxa uu qabaa in ay isku mar wada dhasheen, maxaa yeelay mar kasta oo aan akhrinayno shaqa suugaaneedda waxa aan la falgelaynnaa qoraaga halkan iyo hadda, halkii ay ahayd in aan dib ugu noqonno (Tusaale ahaan) afar boqol oo sano ka hor si aan Shakespeare–qoraagii noolaa xilligii “Dib-u-soo-noolaynta/ Renaissance” ugu aqoonsanno qoraa hadda jira, waqti xaadirkan aan waxqabadkiisi ku akhrinaynno bog ka mid ah qarniga kow iyo labaatanaad.
Waxa aadka ula yaabka badan ayaa ah marka uu qeexayo qoraalka, ee uu dhahayo: Qoraaalku, waa fal wax ku ool ah kaas oo kaliya jira daqiiqadda aan akhrinayno erayada bogga ku qoran, maxaa yeelay taasi waa xilliga kaliya ee dhab ahaan weerahaas macno la siinayo, waxaana macnahooda siinaya innaga oo ah kuwa fasiranaya. Taas beddelkeeda, waa in aannaan ka fekerin ‘Qoraaga” balse aan” Dheegte” ka fekerno (Barthes waxa uu qormadiisa u adeegsaday erayga “scripteur” oo asalkiisu Faransiis yahay lana macno ah ‘copyist/qof wax soo dheegtay.) Ma aha in aynu shaqa suugaaneedka u dhuganno nooc ka mid ah qoraallada xurmada leh( sacred text) halkaas oo “Qoraagu” uu yahay Ilaah qoraalkiisa siiyay macno go’an oo lamataabtaan ah.
Qoraal suugaaneedku waa meel, halkaas oo shaqo suugaaneed hore oo badan “isku milmeen iskuna dhaceen”, raadraacyo, tilmaamo maldahan, iyo waxyaalo la soo minguuriyay la isku falkiyay. Dhab ahaan, midna Barthes uma arko ‘asal’ taas beddelkeeda qoraalka waxa uu u arkaa xigashooyin la isku nuday.
Barthes waxa uu soo gunaanadayaa ‘ Dhimashada Qoraaga’ Isaga oo ku doodaya in qoraaga shaqadiisa lagu xukumo amase lagu soo rogo ay xaddidayso qoraalka, maxaa yeelay waxa ay keenaysaa in aan waxqabadka u aragnaa mid la xiriira qoraagii qoray, taasna macnaheedu waa in dib loogu noqdo qofkii soo saaray. Shaqada qoraalku, aragtida Barthes, waa ‘Unugyo calaamado ah’ kuwaas oo macno leh kaliya marka uu akhristuhu la falgalo. Macnaha qoraalku isirkii hore kuma jiro ee bar dhammaadka/meesha iyo xilliga uu markaas joogo ayuu ku jiraa, marka si uu akhristaha qoraalku u jiro macnana ugu sameeyo xilli ahaan, waa in aan meesha ka saarnaa aragtida ah qoraaga ayaa qeexa macnaha qoraalka.
Dhimashada Qoraaga: Falanqayn
Qormadan dhimashada qoraagu, waxa ay abuuraysaa doodo badan oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya qoraaga iyo qoraal suugaaneedka: In qoraal suugaaneedku uu is dhalan rogo; iyo in macnaha shaqa suugaaneedka aan lagu go’aamin karin si fudud oo ah in la fiiriyo qoraaga shaqadaas. Taas beddelkeeda, innagu akhriste ahaan aan si joogto ah ugu foognaanno in aan abuurno macnaha qoraalka. Qoraalku waa baabi’iyaha cod kasta– ma aha abuurista cod, taas oo ah sida aynu uga fekerno fanka hal abuurka leh (Creative art) sida qoraalka, qoraal suugaaneedku ma ahan asal, sidoo kale; run ahaan qoraal kasta waa xigashooyin la isku nuday.
Tanina waxa ay nagu jeedin kartaa sida Barthes uga badbadinayo– Hubaal shaqooyinka suugaantu waxa ay ka kooban yihiin fekrado aan is dhalan rogin, oraahyo, weero iyo aragtiyo, marka miyayna taasi la macno ahayn xigashooyin la isku falkiyay oo shaqooyin jira ka yimid? Dabcan Haa– Laakiinse Barthes waxa uu doorbidayaa in uu ‘luqadda’ booskaas geliyo inta uu ku guda jiro qoraalka “Dhimashada Qoraaga” Waana run in shaqo walba oo suugaaneed erayada uu qoraagu adeegsado, xarfahaas qallalan oo dhexdooda macnaha laga sameeyo, ay yihiin erayo la yaqaan, sidaas darteed aysan asal ahayn: kaliya hab cusub ayaa la isugu geeyay oo loo dhidbay.
Qoraal suugaaneedkan ‘ Dhimashada Qoraaga’ waxa uu ahaa qoraal dhiirranaan ku dheehan tahay oo saamayn leh, balse dooddiisu waxa ay lahayd horudhacyo badan; ku nuuxnuuxsigiisa shakhsi la’aanta “impersonality”, tusaale ahaan, waxaa goor nus qarni ka sii horraysay oo 1919 ku beegan qormo uu “Dhaqanka iyo hibada qofeed” ugu wanqalay ka qoray maansoyahankii iyo faaqidihii waynaa ee T. S. Eliot, inkaste oo Eliot aaminsanaa in gabyaagu uu yahay isha muhiimka ah ee qoraalka qoran. Bartamihii qarnigii labaatanaadna, faaqidaad cusub ayaa ka soo ifbaxday carriga Maraykanka, taas oo ku aaddanayd in qoraalku uu gooni macno u leeyahay, macno ka madax bannaan qoraagii soo saaray, baadigoobka, iskusidkidda iyo faragelinta qoraaga ee shaqada suugaantuna ay tahay marinhabaabin iyo wax aan loo baahnayn.
Dhimashada Qoraagu waxa uu samaynayaa dood adag oo sii jiidasho leh taas oo ku saabsan habka ay shaqo suugaaneeddu u leedahay macno ku xiran akhristayaasha beddelka qoraaga. Haddaannu nahay akhristayaasha qarniga kow iyo labaatanaad ee Dickens lama mid nihin akhristayaashii sebenkii Victoria (Victoria age) kuwaas oo qoraalladiisa akhriyay markii uu qoraagoodu weli noolaa. Macnaha erayadu waa ay is beddelaan waqti ka dib waxa ayna qaataan macno cusub.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in aan doodda Barthes ka hor tagno innaga oo ka duulaynna laba qodob; Qodobka koowaad waxaa laga yaabaa in uu yahay mid cad: In aan loo baahnayn in ay noqoto ‘mid/ama’ iyo in dhalashada akhristuhu aysan daruuri ahayn in ay noqoto kharashka dhimashada qoraaga. Tixihii John Keats ayaan akhrin karnaa waxa aana isku dayi karnaa in aan dhuuxno waxa uu abwaankaas yar ee sebenkii Roomaasiyada noolaa ula jeeday erayadiisa, waxa uu tiigsanayay in uu yiraa, halka aan garwaaqsan karno in buuggii ay ku aruursanaayeen gabayadiisii ee “Ode on a Grecian Urn” uu macno cusub noo yeelan karo maanta oo ah laba qarni ka dib markii la qoray.
Qodobka labaad ayaa ah daraasaynta shaqada suugaanta iyada oo loo arkayo “Unugyo calaamado ah” ay la mid noqonayso in lala meel dhigo jadwalka baska iyo tusaha taleefanka (telephone directory). Labadaba, kuma jiraan wax aan ahayn xarfo, magacyo, iyo tirooyin la yaqaan, mana aha kuwo asal ah. Shaqooyinka suugaantu, waxaa laga yaabaa (inta ugu muhiimsan) in ay sawiraan erayo la yaqaan iyo xitaa weero la yaqaan, laakiinse shaqooyinka waaweyn ee fanku waxa ay erayadaas iyo summadahaas ka dhex abuuraan isku dar cusub– waxaana jira tirooyin xad dhaaf ah– kuwaas oo macno cusub oo lamafilaan ah noo sameyn kara.
Marka, xiriirka ka dhexeeya qoraaga, qoraalka iyo akhristaha waxa aan u fiirin karnaa in uu yahay iskaashi saddex geesood ah (Tripartite partnership) ee uusan ahayn mid laba geesood ah; Dhammaan saddexda walxood (qoraaga, qoraalka iyo akhristaha) waxa ay lagama maarmaan u yihiin soo saarista shaqasuugaaneed wax ku ool ah.
Haddii aan tix u dhiibo ardaydayda oo aanan u sheegin wax ku saabsan qoraageeda, waa ay lafa guri karaan afka tixda, waa ayna isku dayi karaan in ay gaaraan macnaheeda; balse in ay ogaadaan wax ku saabsan tixda qoraageeda iyo xaaladdeeda, waxa ay ka caawin kartaa in ay siiyaan macno cusub oo muhiim u ah fahanka tixda. Marka aan tix falanqeynno innaga oo aan ogayn cidda leh oo aan gadaal ka maqalno in ay leedahay Sylvia Plath, ka dibna aan raadinno faahfaahin ku saabsan nolosheedi iyo dhimashadeedi, macnihii hore ee aan tixdaas siinnay waa uu is beddeli doonaa.
Haddaba, waxa aan u baahannahay in aan maanka ku haynno ciddii qoraalka aan akhrinayno qortay, iyo sida ay taasi muhiim ugu tahay macnasiintiisa, xitaa haddii aan u baahannahay waa in aan qirno (sida uu Barthes sameeyo) in marka qoraal la qoro ee uu caalamka ku faafo, uusan sii ahaan doonin hanti uu qooraagii curiyay si gaar ah u leeyahay, balse macnaheeda waxaa kale oo dib abuuri kara kuwa akhriya, maadaama curiyaheedii uu faraha kala baxay.
