Gorfaynta buugga: Saykoolojiyadda Jamaahiirta [سيكولوجية الجماهير]
Qoraaga buugga: Gustave le bon
W/G: Cabdiraxmaan Caqiil
Buugga Saykoolojiyadda Jamaahiirta waxaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay buugta ugu magac dheer dunida. Ahmiyadda diraasaynta Saykoolojiyadda Jamaahiirta ayaa keentay in dad badan ay akhriyaan buuggan, waa arrin jira in qofkasta uu qayb ka yahay koox jamhuur ah, ha ahaato dugsiga, jaamacadda, xaafadda i.wm. Su’aal kooban baan kusoo hor dhigayaa intaan buugga u gelin, maxaa sababa in dad meel ku kulansan ama isu yimid ay ku celceliyaan hal nin hadalkiisa, kaas oo microphone ku hadlaya? Si kale haddan u dhigo, maxaa keenaya in taageerayaasha garoonka ama dad meel wada fadhiya haddii hal qof sacab u bilaabo in ay ku daydaan?
Sirtaas meesha ku duugan waxaa si qumman u iftiimiyay qoraaga reer Faransa ee Gustaaf lebon.
Qoraaga buugga iyo Duruufta keentay in uu allifo
Gustave le bon (1841-1931) waa mufakir iyo dhakhtar cilmu nafsiga bartay, waxaa lagu naanaysaa “aasaasaha cilmu nafsiga Jamaahiirta” isaga oo kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Jamaahiirta ka diraaseeya xagga saykoolojiga.
Xaaladda uu u soo joogay Le bon iyo duruufihii waqtigiisa waxa ay keentay in ay wax Iska beddelaaan aragtiyihiisa, sidoo kale waxa ay duruufuhu bareen in uu dunida si qotodheer u eego, kacdoonkii Faransiiska (1870) ayaa kamid ahaa dhacdooyinka uu u soo joogay le bon, waxay kamid ahayd dhacdooyin taariikhda faransiiska galay, waxaana dhacdadaasi hoggaaminayay Jamaahiirta.
Xilli ay dunidu u arkaysay kacdoonka faransiiska in uu billow u yahay xorriyad iyo dhammaadka xukunka dulmiga ku dhisan, dhanka kale Le bon waxa uu u fekeray si ka duwan arrinkaa, markii uu arkay falalka cunfiga ku dhisan ee ay Jamaahiirtu ku kaceen, iyo in ay dab qabadsiiyeen qasriga Tuileries iyo maktabadda Louvre, dhacdooyinkaas waxay Lubon ku kicisay in xukunka Jamaahiirta uu ku tilmaamo qas,burbur iyo boob, waxaase jirta in qoyska Lubon uu xiriir dhow la lahaa xukuumadda faransiiska ee bulshadu ka kacday waqtigaasi, sababtaasna ay ku dhalisay in uu Jamaahiirta si taban u eego.
HORDHAC
Saddex su’aal ayuu toos u sharxayaa buugga:
1.Maxay yihiin tilmaamaha nafsiyadeed ee aad kasban karto markaad jamaahiirta la fadhido?
2.Sidee tilmaamahaa nafsiyadeed u qaabayn karaan una saameeyaan hab-fekerkaaga?
3.Maxay tahay wadiiqada ay maraan shakhsiyaadka doonaya in ay maamulaan hab-fekerka jamaahiirta?
Maxaa loo la jeedaa jamaahiir?
Jamaahiirtu waa koox dad ah oo meel isugu yimaada oo ay ka dhaxayso hal sifo, hal dabeecad, iyo caqliyad midaysa.
Gustave Le bon waxa uu ku tilmaamay in jamaahiirtu ay ka koobanyihiin dhowr qof oo ay midaysay hal dhacdo iyo hal caadifad sida: jacayl, nacayb, xanaaq,iwm. Caadifaddaasi waxay ka dhigaysaa in ay u dhaqmaan sidii hal qof oo kale.
Qoraagu waxa uu rumaysanyahay:
- Haddii uu qofku ku milmo Jamaahiirta, waxa uu dareemaa awoodda ah inaanu jirin cid joojin karto, waxa uuna ku dhaqmayaa wax uusan samayn karin marka uu kaligii yahay.
- Afkaartu si degdeg ah ayay ugu faaftaa Jamaahiirta dhexdooda.
- Qofka shakhsiga ah waxa uu lumiyaa awoodda in uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo oo uu fekero, tusaale: aqoonyahanka waxbartay iyo qofka doqonka ah ee hal jumhuur ku wadajira hal caqliyad bay wada leeyihiin inta ay wada joogaan.
Tilmaamaha Jamaahiirta
•Jamaahiirtu waxay u shaqaysaa si aan ka feker iyo ka fiirsi lahayn, sababtuna waa inay caadifad ku shaqeeyaan.
•Waxaa aad u fudud in aragtiyaha dadka kale uu qaato, sababtuna waa in jamaahiirtu fekerku ku yaryahay, wixii jirayna khiyaali bay isku dhaafiyaan.
- Jamaahiirtu markastaba way ku fogaadaan caadifadda mid togan iyo mid tabanba.
- Jamaahiirta dhexdooda lagama oggola aragti naqdineed.
- Jamaahiirtu dhaqan ahaan waa dad si u xagjir ah, haddii ay wax kharibayaan waxay ka taagan yihiin meesha ugu daran,haddii ay wanaag samaynayaanna meesha ugu sarraysa ayay taaganyihiin.
🔸Waxyaabaha keena in jamaahiirtu isu raacaan feker ahaan
Le bon waxa uu qabaa in arrimo fog iyo kuwo dhow ay sabab u yihiin in dadku ay isku feker tirsadaan.
Cirqiga ayuu ku tilmaamay in uu yahay dhaqaajiye weyn oo Jamaahiirtu ku tiirsantahay, cirqiga halkan uma jeedo tii la yaqaanay ee midabka, iyo reerka,se wuxuu uga jeedaa koox jamaahiir ah oo muddo wada noolaa hal shay aaminsan iyo xeer ay isla yaqaanaan, sidaasna ku noqday xoog gaar ah.
Waxyaabaha kale ee sababa waxaa kamid ah in jamaahiirtu loo sawiro humaag looguna celceliya hal arrin.
Hoggaamiyayaasha marka ay doonaan inay raadeeyaan Jamaahiirta waxay adeegsadaan, ku adkayn, ku celcelin iyo faafin. Tusaalaha ugu fudud waa xayaysiinta aan maalin kasta la kulanno, haddii hal shay dhowr goor la inoogu celceliyo amaantana laga badiyo, waxay u badantahay in maskaxdeena gudaha ay ku qanacdo.
Le bon waxa uu rumaysanyahay in jamaahiirtu ay markasta raacaan humaagga loo sawiro sidii cayayaan ku xoonsan iftiinka nalka oo kale.
Yaa dhaqaajiya Jamaahiirta?
Dhowr kooxood ayaa inta badan loo tiiriyaa in ay majaraha u qabtaan Jamaahiirta, sida rag dhaqdhaqaaqoodu muuqdo kuwaas oo leh doonis xooggan oo marwalba jirta iyo kuwo muddo gaaban doonistoodu sii jirayso, waa rag si joogto ah aragtiyahooda ugu fidiya Jamaahiirta dhexdooda iyagoo adeegsanaya qaacidada ah ku celcelin iyo in hal eray markasta dhegaha loogu shubo.
Si ay u meelmaraan aragtiyahani waa in qofku leeyahay awood daahsoon oo loo yaqaano ” HAYBAD” iyo ” QADDARIN”, waana laba arrimood oo Jamaahiirtu ka eegaan dadka hoggaanka u ah.
Haybadda waxa uu qofku ku kasban karaa in uu markiisa horeba magac leeyahay, ama hanti lagu sheego, ama qof caannimo loo tiiriyo in uu yahay, haybaddaasi waxay u sahlaysaa in uu yeesho awood uu qof kasta ku adeeco ama fuliyo amarkiisa si indho la’aan ahna loo daba socdo.
Le bon waxa uu qabaa in hoggaamiyaha guuleysta uu yahay midka dulmiga iyo kakanaanta lagu yaqaano.
Haddaladiisa u fiirsiga u baahan waxaa kamid ah ” Si kasta oo ay Jamaahiirtu isugu daydo in ay xorriyad gaaraan, waxay ku dambayn doonaan in uu u taliyo hoggaamiye macangag ah”.
Kooxaha Jamaahiirta
Si guud jamaahiirtu waxay u qaybsamaan kuwo aan toos isugu xirnayn (sida Jamaahiirta waddooyinka),iyo jamaahiir isku duuban( sida fadhiyada baarlamaanka).
Kooxda labaad ayaa markasta ku ammaanan dareemidda mas’uuliyadda, waana sababta ay u kala duwanyihiin hawlaha ay qabtaan.
Waxaa kaloo jira jamaahiir isku xiran, waa kooxo kala duwan saqaafo ahaan, xirfad ahaan, waxa kaliya ee isku xira ayaa ah waxa ay rumaysanyihiin ee caqiidada u ah, sida kooxaha diimaha.
Qoraaga buugga waxa uu yeelan karaa dhaliilo meelaha qaar, sida in uu ku talaxtagay in uu dhinaca taban ka eego Jamaahiirta oo mararka qaar la ogyahay in ay dhinac wanaagsan yeelan karaan, sidoo kale waxa uu isku dayayaa in uu wax kasta ka sarraysiiyo saqaafada galbeedka, Le bon waxa uu sidoo kale aad u buunbuuniyay Naabilyoon oo uu u soo qaadanayey hoggaamiyaha ugu mudan dunida.
Si kastaba waxaan marnaba ka Iska indhatiri karin in buuggan uu indhaha u furay dad badan oo jamaahiirtu dhexboodi jiray.
*Darsiga ugu weyn ee laga baran karo buugga ayaa ah: in Marka aad la joogto Jamaahiir, aad markasta ilaaliso mabaadi’da aad rumaysantahay, sidoo kalena aad noqoto qof xor ah oo fekeraya.
