Sociology: Macne iyo Sooyaal

Sociology: Macne iyo Sooyaal

Hordhac

Inta ogaalkayga ah, ‘Sociology’ waxa uu ka mid yahay laamaha aqoonta kuwooda fahanka ugu hooseeya ay ka haysato bulshada Soomaalidu. Haddii aad tahay arday hadda barata amaba horay uga baxay laan-cilmiyeedkan, waxa hubaal ah in ay kugu adkaatay sidii aad sharaxaad la fahmi karo uga bixin lahayd aqoonta aad baranaysid/baratay. Sida oo kale; in aad awoodi wayday in aad ku qanciso dadka, manfaca uu cilmigani u leeyahay naftaada iyo bulshadaba. Akhriste, waxa aan u badinayaa in ay adiga laftigaaga kugu adagtahay fahanka ujeeddada barashada cilmigan, iyo waliba macnihiisa.

Bulsho ahaan, marka la eego aqoonteena socod-baradka ah iyo waxbarashadeena shalay-dhalatayda ah, ee aan wali kaba adkaan aqoonta teedii muhiimka u ahayd baahiyaha aas-aasiga ah ee biniaadamka, sida; Dhakhtarnimada iyo Injineeriyada, waa looga garaabi karaa fahanka hooseeya ee ay ka haystaan aqoonta fikriga ah. Waxa se iyaduna hubaal ah, ayna tahay in lagu baraarugsanaado; in horumarka bulsheed ay shardi u tahay barashada labada laamood ee aqoonta: midda maaddiga ah (hard science) iyo midda fikriga ah (social science). Iyada oo ay aqoonyahannada qaarna kuba doodaan in aqoonta fikriga ahi sal u tahay suurtagalnimada midda maaddiga ah. Haddaba, qoraalkani waxa uu intii tamartii ah, iftiimin doonaa, macnaha iyo sooyaalka cilmiga ‘Sociology’-ga. 

Ugu horayn, ereyga ‘Sociology’, waxa uu qaamuuska ‘Abwaanary’ oo ah qaamuuska loogu kalsooni badan yahay ku macnaynayaa: ‘barashada kobaca, dhismaha, iyo falgalka bulsho dadeed’, haddba, si ay inoogu fududaato in aynu isla fahanno waxyaabaha uu darso, iyo qoraalka intiisa kalaba, waa in aynu isdultaagno oo fahan buuxa ka qaadano qeexitaanka qaamuusku siinayo erey cilmiyeedka SOCIOLOGY. Sida qeexitaanka ku cad, saddex arrimood ayuu diirradda saarayaa oo si cilmiyaysan loogu daraasaynayaa laan-cilmiyeedkan: waa KOBAC, DHISME, IYO FALGAL. Cidda kobaceeda, dhismaheeda, iyo falgalkeeda la darsayo ee la baranayaayina waa BULSHADA. Marka, ‘Sociology’ waxa uu qaadaadhigayaa, barashada bulshada iyada oo laga duulayo, asalka hore maxaa u sal ah korriinka ama burburka bulshada, dhismaheeda iyo falgalkeeda. Hadda waxa ay ila tahay in aynu soo dhawaynay fahanka erey cilmiyeedka Sociology, iyada oo aynu si faahfaahsan ugu qeexi doono qaybaha soo socda ee qoraalka.

Macne

Waa maxay Sociology?

Waa maxay Sociology? Maxaa lagu bartaa? Muxuu taraa? Waa waydiimaha u badan ee la i su’aalo marka aan idhaa; Sociology baan bartaa, ama aad adiguba, akhriste ahaan, aad hadda is waydiinayso. Waydiimahaas uma helo jawaabo kooban oo ku habboon, islamar ahaantaana lagaga qanci karo, maaddaama cilmigani qariib ku yahay bulshadeena. Sidaa darteed baa waxa aan kaga gaabsadaa, waa cilmi la xidhiidha arrimaha bulshada­­­­. Waa isla sida ay ku maqleen dadka badankiisu. Mase aha cilmi lagu barto arrimo bulsho oo kaliya, waa uu ka xeeldheeryahay.

“Barashada cilmiga Sociology-gu waxa ay ka soo bilaabantay aragtida aas-aasiga ah ee qabta, in nolosha Aadamuhu ay tahay nolol bulshaysan” (Rebach iyo Bruhn, 2001). Dabcan, sidaa ay Rebach iyo Bruhn qabaan, nolosheena oo dhan laga soo bilaabo qoyska, shaqada, waxbarashada iyo ilaa bulsho waynta kale, waa nolol bulshaysan: macnaha, waxa ay ku dhisantahay isdhexgal iyo iskooxaysi ku tiirsan lakabyo bulsheed. Bulshadu waxa ay u qaabaysantahay lakabyo is leh iyo dabaqado is hirdiya. Sidaa darteed; isku koox (mid diineed, siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaalaba) lama noqon karo haddii aan isku lakab la ahayn, isdhexgalna ma suurtagalayo haddii aan isku kab laga soo jeedin. Sociology-gu waxa uu diiradda saarayaa ugu horaynba samaysanka lakabyadan bulsheed maxaa u sabab ah, sida ay iskubeddelaan iyo sida ay u saameeyaan fursadaha iyo ikhyaarka shaqsiyaadka.

Dhanka kale, cilmiga barashada bulshadu (sociology) waxa uu isku dayaa in uu fahan inaga siiyo, sida ay u shaqeeyaan nidaamyada bulsho ee aynu ku dhex noolnahay iyo xeerasha bulsho ee nolosheena xukuma. Waxa kale oo uu darsaa sida ay xeerashaa iyo nidaamyadaasi ku abuurmaan, jiritaankooda, sida ay isku beddelaan, sida ay uga kala gudbaan jiilasha iyo sida ay u wadaagaan dadyaw kala duwan oo ku kala nool meelo kala duwan. Mar kale, cilmiga barashada bulshadu waxa uu heer bulsheed ku qiimeeyaa, falgalka aynu la yeelano cid kale. Taasi waxa ay ka dhigan tahay, cilmigani ma daraaseeyo kaliya habdhaqannada iyo xidhiidhada, ee waxa uu naqdiyaa sida qobtolka wayn ee aynu ku dhex dhaqanahay (bulshadu) u muunadeeyo arrimahaas (habdhaqannada iyo xidhiidhada). Waxa nolosheena iyo ficilladeenaba si aynaan dhaadanayn u qaabeeya, qaabdhismeeka bulshada (qaabka ay bulshadu u abla-ablaysantahay) iyo nidaamyada bulsho (qaabka ay bulshadu u shaqayso), labadaas ayaa ay ka dhasahaan go’aanada qofka iyo shaqsiyadiisuba. Waa sababta xeeldherayaasha Sociology-gu ay badanka ugu hal qabsadaan odhaahda caanka ah ee tidhaa, “shaqsiyaad ahaan, waxa aynu nahay midhaha bulshada” shaqsi kasta waa maxsuulka iyo midhaha bulshadiisa. Ma jiro shaqsi si iskii ah u qaabaysmay ilaa ay bulshadu dhaamisay oo dhistay maahine. Sidaa darteed; waxa aynu odhan karnaa, qofku xor uma aha sida uu isagu isu arko. Bulshadu, waa xabsi! Waa suurtagal in aad odhaahdan la yaabtay, laakiin, Sociology-ga marka la joogo, shaqsigu waa maxbuuska bulshada. In aad Sociological ahaan u fakirtana waxa shardi u ah in aad fahansan tahay, in ay bulshadu hagto ficillada iyo doorashooyinka nololeed ee shaqsiga. Biniaadamku waxa ay dhex yuuraraan badhtamaha darbiyo adag oo ka samaysan ‘awoodo bulsho’ oo aad u xooggan: dhaqan, dabaqado bulsho, dhaqaale, awoodeed, qoys iyo diimeed ba.

Haddaba, sida ay dad badan aaminsanyihiin, cilmiga Sociology-gu ma aha ‘la-yidhi-baa-la-yidhi’ ama wax garashada guud lagu keeni karo ‘common sense’. Taasi waxa caddayn u ah, daraasadaha ay bulshada ka sameeyaan xeeldheerayaasha cilmiga barasha bulshadu waxa ay soo saaraan natiijooyin aanay cidina filanaynin ama suuraysan karin. Wax la garanayay ayaa noqda wax aan la garanayn oo qariib ah marka Sociological ahaan loo darso. Tusaale ahaan; aragtida guud ee laga haystay ‘isdilku’ waxa ay ahayd; ficil shaqsi oo ay sababtay dhibaato nafsadeed. Bal se, arrintu waxa ay isbeddashay markii ay soo baxday daraasadii ‘is-qudh-goynta’ ee Emile Durkheim (1858 – 1917) waxa ay daaha ka qaaday, “in ay is-qudh-goynta (suicide) door muhiim ah ku leeyihiin arrimo bulsheed oo ay ka mid yihiin xidhiidhada ka dhexeeya diimaha iyo qoysaska” Durkheim. Nuxurka qodobkan waxa aynu ku soo koobaynaa odhaahdii Peter Berger uu ku lahaa buugiisii Invitation to Sociology, ‘the first wisdom of sociology is this: things are not what they seem’.

Ugu dambayn, haddii aynu isku dayno in aan soo koobno macnaha sociology-ga, “in aad yeelato aragti sociology waxa ay u baahan tahay in aad ka talawdo xudduudaha ay kuu jeexeen waayo-aragnimadaada shaqsiyadeed oo aad indho ka fiiro dheer ku eegtid nolosha maalin laha ah” straus.  Taasi waxa ay inoo saamaxaysaa in aynu qiimayno oo naqdino awoodaha bulsheed (social forces) ee nolosheena sida tooska ah u saameeyay. Marka aynu fahan qotodheer u yeelano awoodahaa bulsheedna, waxa aynu awoodnaa in aynu sida ugu wanaagsan u wajahno wax ka beddalkooda, horumarintooda iyo in ay u adeegaan hagaajinta nolosheena.

Sooyaal

Cilmiga sociology-gu waa laanta ugu da’ yar dhamaan laamaha lagu barto cilmiga bulshada (social science). Gabi ahaanba bud-dhigayaasha laan cilmiyeedkani kuma abtirsadaan sociology-ga, oo waxa uu takhakhuskoodu ahaa cilmiyo kale, sida; taariikhda, dhaqaalaha, qaanuunka iyo siyaasadda. Halka qaarkoodna ayna dhammaysan waxbarashada, sida Auguste Comte, oo loogu yeedho aabbaha sociology-ga. “Comte wuxu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee adeegsada ereyga sociology” Pickering. Sidoo kale Ibn-Khaldun oo safka hore kaga jira jid-bixiyayaasha cilmigani waxa uu bartay quraanka, xisaabta iyo taariikhda. Waxa uu markii dambe daraasaddo badan ka sameeyay bulshada carabta, taasi oo bannaanka keentay baahida loo qabo laan cilmiyeed madax bannaan oo lagu daraaseeyo bulshooyinka. Sociology-gu waxa kale oo uu ku xidhiidhsanyahay wax soo saarkii aqooneed ee faylasuufyadii waawaynaa, sida; Plato (427–347 B.C.), Aristotle (384–322 B.C.), iyo Confucius (551–479 B.C.). Waxa iyaguna masraxa u sii salaxay cilmigani mufakiriintii maanfurka (enlightenment thinkers). Mufakiriinta maanfurku waxa ay ahaayeen taariikhda abid, qolyihii u horeeyay ee isku daya in ay sharaxaad ballaadhan ka bixiyaan amuuraha ku saabsan bulshada.

Qoraayadii xilligaa isku dayay in ay si cilmiyaysan u sharaxaan nolosha bulsheed, waxa ugu horreeyay faylasuufyadii hoggaaminayay maanfurka. Waxa ay ahaayeen; John Locke; David Hume; Voltaire (the pseudonym of François-Marie Arouet); Immanuel Kant; Charles-Louis de Secondat, Baron de La Brède et de Montesquieu; Thomas Hobbes; and Jean-Jacques Rousseau. Sida Macionis oo ahaa macalimiintii ugu horraysay ee hordhaca cilmigani uu sheegayna, mufakiriintaa aan kor ku soo sheegnay waxa ay xiisaynayeen ka salgaadhida asalka bulshada iyaga oo u sii maraya taariikhda. 1800 kiina waxa ay aqoonyahanada cilmigani bilaabeen in ay darsaan waxa ay dhab ahaan bulsho tahay iyo sida ay nidaamyada ka dhex jiraayi u shaqeeyaan. Aqoontaa markii ay gaadheena waxa ay yaqiinsadeen in ay wajihi karaan dhibaatooyinka bulsho, isbeddal bulsheed na samayn karaan. Waqtigaa ayaa ay soo baxeen aqoonyahanadii u horeeyay ee cilmigani sociology-gu. Sidaasi ayaa ayna ku noqdeen khabiiradii u horeeyay ee ay laan cilmiyeedkani yeelato. Sidii aan horay u soo sheegnayna, erey cilmiyeedka sociology waxa markiisii u horraysay adeegsaday oo tumay, Auguste Comte.

W/Q: Biindhe Abiib

Email: Biindhe26@gmail.com

Tixraacyo

  1. Sociology A Global Introduction, 4th Edition, JOHN J MACIONIS & KEN PLUMMER
  2. The Basic of Sociology, Kathy S. Stolley
  3. Sociological Theory, Eighth Edition, George Ritzer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *