
Beydan Coffee, Facebook
Sidee maqaaxiddu u buuxisay kaalinta xafiiska?
Waxaa qortay: Ruqiya Alnajfi
Waxaa tarjumay: Cabdiraxmaan Caqiil
Kaddib muddo aan baadigoob ugu jiray helidda maqaaxi ay naftayda ku xasisho, taas oo aan ku qabsan karo hawlo online-ka igaga xirnaa, toddobaadyo daal iyo wareeg badan igaga baxay kaddib waxaan Isha ku dhuftay wixii aan raadinayay. Waa bartamaha magaalo bilicdeedu indhaha laga duwi karin, waa qaybta Yurub ee magaalada Istanbuul, maqaaxi carbeed oo dhowr kiilomitir gurigayga u jirta ayaan helay.
Sida caadiga ah maqaaxidu waxa ay igu qaadataa kolkaan raaco gaadiidka dadweynaha saacad ama saacad iyo bar, waxa ayna maqaayadu saarantahay xeeliga badda, muuqaal cajiib ah oo ku habboon in waqti lagu qaato ayaa halkaa ka muuqda, fadhiga qurxoon ee goobta marka laga yimaado waxaa halkaa la soo tubay cunno, cabitaan, iyo macmacaan kala jaad ah, ma garanayo sababta aan dookha ugu habboon ugu doortay halkan, laga yaabaa in aan ka helay qaab-samaysankeeda, iftiinka kasoo bidhaamaya, iyo kuraasta halkaa tuban oo dareen gaar ah leh intuba.
Maqaayadani ma aanay noqon dookhayga koowaad ee aan raadinayay, maqaayadda iigu dhow ayaa billowgii horeba ii calaamadaysnayd dookhna ii ahayd, wixii intaa ka danbeeyay waxaan raadin ugu jiray meel munaasab ah oo lagu nasan karo halkii aan raadin lahaa meel ii dhow. Maalmo ayaan ka baarayey ‘Google maps’ waxaana hortayda la soo tubay dhowr khiyaar oo kala filiqsan, kolkaas ayaan qaatay boorsadayda si aan ugu kuurgalo maqaayadaha yaryar, kuwa waaweyn, kuwa quruxdooda laga akhrisan gudahooda, qaar is-dhexdaadsan, iyo maqaayadaha laga heli karo goob gaar ah oo ay fariisan karto ciddii waxbarasho ama shaqo online ah qabsanaysa.
Qaarkood waxa ay si ashqaraar leh u sameeyeen hab karinta cuntada oo ku laran habka ay macmacaanka u sameeyaan Turkida, qaarkood waxa ay sameeyaan cunnooyinka Galbeedka laga jecelyahay gaar ahaan dhaqanka Faransiiska. Intaas oo dhan ayada oo ay jiraan ka warran haddaan heli waayey maqaayado badan oo ku habboon goob deggan oo lagu shaqayn karo!
Haatan inkasta oo aan ku raaxaysto ku shaqaysiga maqaayadda haddana maalinna imay cajabin maqaayadaha, inaan dhexdooda wax ku barto iyo in aan ku shaqaystaba waxaan kaga kaaftoomaa in aan saaxibaday la fariisto, waxaanse garan waayey kolka aan maqaayad dhinaceeda marayo sida ay ugu suuragasho dadka wax ku barta ama ku shaqaysta sawaxanka iyo isbarbaryaacan diiran.
Xilligii karoonaha kaddib waxaan dhowr jeer ku noqnoqday maqaayadaha, in aan bun cabo iyo in aan xasuusqoeka moobilkayga wax ku qorto uun baan u tagi jiray. Waxa aan habtii la tacjubay xawliga waxqabadkayga iyo diiraddayda oo waqti gaaban ku soo laabatay, maalintaa wixii ka dambeeyey waxaan qabatimay inaan maqaayadda u tago si aan wax u qorto, ugu shaqaysto una helo jawi bulshaynimo oo raaxo leh.
Taariikhda Maqaayadda
Maqaaxidu waxa ay markeedi hore ku suntanayd goob ay bulshadu isugu timaado oo lagaga doodo arrimaha siyaasadda iyo bulshada, waxa ayna si weyn u soo shaacbaxeen intii Cusmaaniyiintu maamulayeen Makka iyo Dimishiq dabayaaqadii qarnigii afar iyo tobnaad. Si guud ma jirin goobo ay bulshadu isugu timaado oo ay ku falanqeeyaan arrimahooda sidoo kalena ku kala warqaataan maqaaxiyaha kahor marka laga reebo masaajida oo meel weyn kaga jira umadda muslimka ah. Magaalooyinka Makka iyo Dimishiq waxa ay hormuud u ahaayeen maqaaxiyahaasi lagu kala warqaadan jiray.
Sidoo kale Kiva han waxa ay billow u ahayd maqaaxiyaha laga furay Istanbuul, waxa ayna ku subtanayd goob lagu kulmo, sheekada la isku dhaafsado laguna dhegeysto suugaanta. Waxa ay goobahaasi fursad u siiyeen bulshada in ay ka doodaan afkaartooda iyo qaddiyadaha bulshada ka dhex jira, waxaana aad u shaacbaxay cabidda bunka oo dad badan ay la qabsadeen.
Dhanka qaaradda Yurub waxaa la tilmaamaa in miraha bunka uu uga yimid Istanbuul qarnigii 17aad, waxa ayna soo gaartay xilligii ay socotay go’doonkii Cusmaaniyiintu galiyeen magaalada Fiyeena sannadkii 1638kii. Mirihii bunka ee Turkidu ka tegeen waxaa magaalada soo galiyay nin lagu magacaabi jiray George Franz kolchetsky waxaana mar dambe magaciisa lagu qoray waddo weyn oo marta Xaafadda afaraad ee Fiyeena.
Dhinaca Biritayn maqaaxiyaha waxa ay kaga jireen goob ay ku kulmaan indheergaradka, suugaanleyda, iyo qaybaha kale ee bulshada, waxa ayna ka sameysteen qolal gaar ah oo maktabado iyo meelo cuudka lagu bartaba leh.
Maxay dadku u xiiseeyaan inay shaqooyinkooda ku qabsadaan maqaaxiha?
Maqaaxiyuhu waxa ay si maalinle ah u martigeliyaan kummanaan qof oo garabka ku sita Kombiyuutaradooda, iyo waraaqo cilmibaariseed, gacantana ku haya bakeeriga ay bunka ka cabi lahaayeen, iyagoo halkaas isugu diyaarinaya inay saacado badan fadhiyaan.
Carafta bunka ee kugu soo kamkamaysa kolka aad cagta soo saarto maqaaxida, muusiga qabow ee baxaya, iyo sawirada loo farshaxaneeyay ashqaraarka ee ku xardhan gidaarada maqaaxiyuhu waxa ay dad badan oo innaga mid ah ku keentay in ay guri ka dhigtaan maqaaxiyaha, qaarkoodna ka dhigtaan goobtooda shaqada halkii ay xafiisyo fariisan lahaayeen. Sababaha ay dad badan ku doorteen maqaaxiyuhu waxaa kamid ah jawi bulshaynimo oo goobta tuban, Internet bilaash ah oo joogta u furan maalintii oo dhan, taasi waxa ay qofku u suuragelisaa in ay waxsoosaar wanaagsan yeeshaan iyadoon jirin wax mashquuliya.
Waxaanse in badan is weydiiyay: Maxay maqaaxidu ku noqotay dookha koowaad ee shaqada halkii xafiiska?
Si looga baxo qaab dhaqankii hore ee lagu yaqiinay xafiisyada, waxa ay shirkadaha waaweyn sida Facebook & Google baaris ku sameeyeen sida uu noqon karo xafiisyada dhaqaalahooda, si waxsoosaar fiican loo helo, goobtuns u noqoto meel ay shaqaaluhu u soo xiisaan. Waxa ay dedaal ku bixiyeen in xafiisyada laga helo muuqaal dabiici ah oo dadka soo jiita aadna ugu dhow goobaha laga raaco basaska magaalooyinka.
Dhammaadka caabuqa koroonaha, Covid-19, ee dunida waxa ay abuurtay jawi cusub oo shaqo taas oo ah in qofku shaqadiisa ku qabsado hab fogaan joog ah taas oo dad badan ay la dhaceen, halka qaar badan oo shaqaalaha kamid ah cabasho ka muujiyeen arrintaasi waxa ayna tilmaameen in shaqada xafiiska ay dhaanto tan guriga lagaga shaqeeyo. Waxaa kaloo jiray koox saddexaad oo aaminsanayd in la isu dheelitiro labada qaab, waxa ayna fursad weyn u arkeen in maqaaxidu tahay deegaanka ugu habboon ee lagu shaqayn karo, dadkuna waxsoosaar fiican ay ku sameeyaan.
Van der goren oo cilmibaaris uu ka sameeyey arrintani waxa uu leeyahay; Tilmaamaha dareen ee ka dhasha sawaxanka waxa ay maskaxda ka caawisaa in ay ka baxdo xaaladdii uu ku sugnaa mid cusubna uu halkaas kula jaanqaado.
Sidoo kale jaamacadda Lofin ee Biljimka ayaa 2016 kii samaysay tijaabo ah in koox ka qaybgalayaal ah loo sheegay in ay isdhinac fariistaan kana shaqeeyaan shaashadda Kombiyuutarka, waxa ayna soo saareen in hawlaha si waxan loo guto inta la is dhinac fadhiyo ama qofku hareertiisa ay dad joogaan.
Maxaa xiga maqaaxidda shacbiga?
Bulshada dunida qaarkeed waxa ay maqaaxidu u tahay goob shacbi oo lagu madadaasho sheekooyinka iyo wararka la isku dhaafsado, saaxibaduna ay ku kulmaan, dadka qaarkood baa waqtiyada firaaqadooda halkaa ku qaata, qaar baa kacdoono halkaa ka soo abaabula, yar iyo weyn, sabool iyo bantiile intuba si iskumid ah ayay u joogaan goobtan.
Maqaaxidu waxa ay martigelin jirtay xafladaha iyo kulamada qoysaska, shaah aan xaddi lahayn ayaa laga cabbaa, dabaaldegyo badanna waa lagu qabtaa.
Arrin caadi ah ayay noqotay in dad badan maqaaxiyuhu u doontaan bun kaliya, qayb bulshada ka tirsan oo u badan ragga da’doodu sii badatay ayaana u badnaa, balse maqaaxiyihii oo batay ayaa keentay in dhallinyarada si aan xaddi lahayn u soo buux-dhaafiyaan. Qarnigii labaatanaad isbeddel aad u weyn lagama dareemin qaabka ay maqaaxidu u samaysnayd, balse waxa ay soo kodhiyeen qaab cusub oo loo diyaariyo bunka. Waxaa jirtay in 1903dii nin la oran jiray Luigi Bezzera uu ka sameeyay magaalada Venice ee dalka Taliyaaniga hab cusub oo ka dagdag badan habkii lagu samayn jiray bunka.
