
Hordhac
Ummaduhu waxay leeyihiin taariikho iyo sooyaal ay jiilba jiilka ka dambeeya u gudbiyaan kana dhaxlaan, taas oo baal dahab ah kaga jirta ilaalinta sharafkooda iyo jiritaankooda ummadeed.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo dhaqdhaqaaqiisii Daraawiishta waxay ku suntanaayeen rag gobanimadoon ah iyadoo dagaaladii Daraawiishtu ay ahaayeen kuwo gobanimadoon ah, kuwaas oo ku dherersan jiitintii Halganka Ummada Soomaaliyeed ay u soo martay madaxbannaanideeda qarniga aynu soo dhaafnay.
Sayidku waxa uu 21 sanno hortaagnaa damacii uu gumeystuhu ku doonayey in uu ku hanto dhulka Soomaaliyeed. Dabayaaqada qarnigii 19aad ayaa qaaradda Yurub waxaa ka curtay tartan loogu jiro hanashada kheyraadka iyo waxyaabaha qaaliga ah ee waagaas sida weyn loo danaynayey. Dhanka kale, waxay dowladihii Yurub heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Berlin sannadihii 1884-kii iyo 1885 kii, heshiisyadaasi waxay u badnaayeen in madaxda Afrika iyo odayada dhulkaa ka taliya la la galo heshiisyo ganacsi oo ku hoos duugan qorshe fog oo ah in la gumeysto dalalka Afrika.
Haddaba iyadoo arrimahaas la tixgelinayo ayuu Ingiriiska oo hormuud u ahaa dalalkii Yurub soo cagadhigtay xeebaha Woqooyi iyo gobollada Koonfurgalbeed ee dhulka Soomaalida. Faransiiska ayaa sidoo kale soo saldhigtay xeebta Obokh ee Jabuuti, Taliyaaniga ayaa sidoo kale soo gaaray xeebaha Banaadir waayadaasi.
Dagaalkii Sayidka iyo daraawiishtu la galeen gumeystaha waxa uu socday intii u dhaxaysay 1900-1920-kii, iyadoo ugu dambayn ay dantu ku kaliftay isticmaarku in uu diyaaradihiisa ka hawlgaliyo dagaalka.
Dhalashadiisii iyo barbaarkiisii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu ku dhashay dhulka loo yaqaano Ciid Nugaaleed oo u dhow degmada Buuhoodle, waxa uuna dhashay gu’gii loogu magacdaray Gobaysane oo ahayd goor dad iyo duunyo ay barwaaqada dhex dabaalanayeen, waxayna taariikh ahaan ku beegneed sanadkii 1856 kii. Sayidka isagoo yar ayuu dhameeyay Qur’aanka, waxa uuna ka qalinjabiyay xalaqadaha culuunta Islaamka lagu barto. Isagoo da’dii dhallinyaranimo ku jira ayuu isticmaarkii soo cagadhigtay dhulka Soomaalida, iyadoo si xawli ah ay dalka ugu soo qulqulayeen ergooyin diinta Kirishtaanka faafiya. Sayidka iyo inbadan oo kamid ah Culimadii dalka waxay u arkayeen in bulshadu ay ku jirto xaalad khatar ah.
Sannadkii 1892-dii ayuu Sayidku u kicitimay dhinaca xajka iyadoo ay la socdaan 13 qof oo u badan ehelkiisa iyo dadkii ugu dhowaa. Intii uu xakja ku sugnaa waxa uu ogaaday inay dunida ka jiraan halganno madaxbanaani doon ah, waxaana si gaar ah u soo jiitay halgankii Mahdiga Suudaan uu ugu jiray inuu dalkiisa ka xoreeyo Ingiriiska. Intii uu xajka sugnaa waxa uu la kulmay Culimo ka tirsan dariiqada Saalixiyada, sida Sheekh Xasan Barsane, waxa uuna aad u jeclaystay dariiqada ilaa ugu dambeyn uu kamid noqday oo uu risaaladiina wax ka xambaaray.
Muddo ku siman laba sanno ayuu fadhiyay xalaqadaha cilmiga ee Maka ilaa ugu dambeyn loo soo jeediyay in uu dadkiisa ku laabto bulshadana ugu yeero ku dheganaanta diintooda inay dan ugu jirto.
Kolkii uu kusoo degay magaalada Berbera ayuu bilaabay inuu ka shaqeeyo tacliinta dadka iyo in y bartaan usuusha diinta, waxaase uu loollan kala kulmay isticmaarkii dalka haystay oo dhinac ah, iyo dhinaca kale culimadii dariiqooyinka kale ee ka aragtida duwanayad Sayidka oo u arkaayey inuu la yimid wax ugub ah oo oo aan horay loo aqoon. Si kastaba, waxa uu kolkiiba aasaasay Daraawiishta oo ubadnaa taageerayaashii iyo xertii isaga u dhowayd.
Sannadkii 1899-kii waxa uu Sayidku ku guuleystay in xaruntii Daraawiishta uu ku uruuriyo tiro ku dhow 5 kun oo dagaalyahan, wuxuuna Ingiriiska u diray warqad u qornayd: ‘‘ Waa inaad dalkeenna ka baxdaan ama waan idin la dagaalamaynaa’’.
Bishii Abriil 1901-dii xukuumadda Ingiriiska waxay warqad u qortay kabtan Harald Swayne oo ka talinayay magaalada Berbera waxaana warqada loogu sheegaya kabtanka inuu diyaariyo awood ciidan oo u bababc dhigi karta ciidamada Daraawiishta, sidoo kalena gacanta ku soo dhigi karta Sayidka.
Bishii Juun ayuu Ciidankii Ingiriiska usoo ruqaansaday saldhig ay Daraawiishtu ku lahaayeen meel uu dhow Laascaanood, waxayna wardoonkii daraawiishta ka warheleen in col uu ku sii socdo islamarkaana ay haatan saldhigteen meel lagu magacaabo Af-Bakayle. Af-Bakayle waxay ahayd goobtii ugu horraysay ee ay isku arkaan Ingiriiska iyo Daraawiishta.
Ingiriiska waxay dantu bidday inuu ciidankiisa uu dagaalka kala baxo isagoo ku doodaya in tiro badan ay ka dileen daraawiishta. Taariikhyahanadu waxay ku doodaan in Ingiriisku la fajacay awoodda Ciidan ee Daraawiishta iyo hab dagaalkooda la yaabka leh oo sababay in tiro badan oo Ciidanka Ingriiska ah lagu waayo dagaalkaas.
Iswayn (Swayne) xaakimkii Ingiriiska ee Berbera oo u qaadan waayay wixii dhacay ayaa dib u soo abaabulay ciidan kale waxayna ku duuleen saldhiggii Daraawiishta ee Fardhiddin. Daraawiishta oo horay u la socday duulaanka ayaa goobtII ka guureen, kaddibna dabin u sii dhigay Ingiriiska.
Dagaalkaas labaad oo uu Ingiriisku ku doonayey inuu sharaftiisa dib u soo ceshado waxa uu kala kulmay wajigabax iyo jab xooggan iyadoo Sayidka iyo Daraawiishta u suuragashay inay qoryo badan ka helaan dagaalkaasi. Haatan Ingiriisku waxa uu bartay dersi cusub, waxaana u caddatay in hawshu ay ku adagtahay inuu kaligii galo, wuxuuna dagaalka soo galiyay Xabashida iyo Talyaaniga oo dhinac kale ah. Isbahaysigan cusub oo loogu gol lahaa in uu soo afjaro jiritaanka Daraawiishta, iyo hirgelinta mashruuca gumaysi ee Afrika, ayaa markiiba billaabay dhaqdhaqaaq. Haseyeeshe, Daraawiishtu oo si dhow u la socdeen is uruursiga ayaa dagaal kala hormareen ciidankii Xabashida ee soo socday, iyadoo taliyihii ciidankii Xabashida uu doorbiday inuu bartiisa ku laabto. Si lamid ah Taliyaaniga waxa uu ku khasbanaaday in uu faraha ka laabto dagaalka.
Bishii Abriil 1904-tii ciidankii Daraawiishta waxay u ruqaansadeen saldhigyadii Ingiriiska oo bartilmaameed u ahaa xilligaa, dagaallo badan oo lagu riiqmay ayaa halkaa ka dhacay, waxaa dowrkan dhacaday in Sayidku ay isku dhacaan qaar kamid ah qabaa’ilkii Soomaalida ee degganaa meelaha uu Ingiriisku ka taliyo.
HESHIIS XABBAD JOOJIN
Taliyaanigau waxa uu dadaal badan ku bixiyay inuu heshiis xabbad joojin la galo ciidankii Daraawiishta isagoo sidoo kalena heshiiskaas ku casuumay Ingiriiska iyo Xabashida inay dhinacooda ka galaan. Sayidku waa uu ka aqbalay heshiiskaas iyadoo Taliyaaniga looga dhigay cidda damaanad qaadaysa heshiiska iyo fulintiisa.
Sayidka iyo Daraawiishta waxaa loo oggolaaday inay saldhigyo ka samaystaan deegaannadii uu Talyaanigu xukumayay waxayna Daraawiishta caasimad ka dhigteen magaalada Eyl ee dhacda xeebta badweynta Hindiya. Muddadii uu heshiisku socday waxa uu Sayidku kaga faa’idaystay inuu dib u dhis ku sameeyo ciidankiisa iyo qalcadiisaba, sidoo kale waxa uu dagaalo la galay qabaa’ilkii isaga ka soo horjeeday xilligaasi.
Sannadkii 1909-kii waxaa la raray caasimaddii Daraawiishta ee Eyl, iyadoo markan loo guuray gobolka Sool , halkaas oo dhidibada loogu taagay caadimaddiisa cusub ee Taleex. Taleex waxay Daraawiishtu ka samaysteen 4 saldhig oo aad loo adkeeyay dhufaysyadooda. Kan koowaad waxaa xarun u ah ciidanka Daraawiishta, goobta labaad waa halka uu Sayidku degganaa, goobta seddexaad waa goob ilaalo loogu talagalay, halka meesha afaraad loo asteeyay martida iyo dadka muhiimka ah in ay degaan.
Waxay labada dhinac ku dadaaleen ilaalinta heshiiska xabad joojin ee la gaaray, ilaa laga soo gaaro sannadkii 1913-kii, kolkaas oo sarkaal lagu magacaabo Richard Corfiled oo ka tirsanaa Ciidankii Ingiriiska uu si kutalagal ah u baalmaray awaamiirtii taliska Ingiriiska, wuxuuna weerar ku qaaday mid kamid ah qalcadaihii Sayidka isagoo mooggan in meeshu marhoreba lagu sii sugaayey. Waxaa maalinta xigtay, deegaanka Dul Madoobe, uu dagaal adag ku dhexmaray labada dhinac iyadoo Koofil uu ku naf waayey dagaalkaas. Sayid Maxamed isagoo dhacdadaas taariikheed gabayga Koofil ku cabbiraya wuxuu yiri:
Adaa Koofiloow jiitayaan, dunada joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye,
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto,
Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda,
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh,
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh.
Ingiriiska markii uu kasoo baxay dagaal weynihii koowaad ee adduunka waxa uu ka fekeray istaraatiijiyaddii lagu soo afjari lahaa ciidanka Daraawiishta ee Sayidka, waxa uuna markan dagaalka kusoo biiriyay diyaaradaha dagaalka iyo ciidan cusub oo loo diyaariyay duullaan saf ballaaran ah oo lagu qaado xarumihii Daraawiishta marka la gaaro 21, 22, iyo 23-ka Janaayo 1920-ka.
Ilaaladii qalcadaha Daraawiishta oo dagaal cir iyo dhulba qabsaday ayaa la tilmaamaa inay si geesinimo ku jirta u difaaceen qalcadaha ilaa kooda u dambeeyay uu geeriyooday. Weeraradaasi intii ah socdeen Sayidku waa uu ka badbaaday waxa uuna xarun ka samaystay magaalada Qabridaharre, halkaas oo dad badan ay ku booqdeen. Ingiriiska oo welwel ka qaba in uu soo laba kacleeyo Sayidka waxay u direen warqad ay u qornayd: ‘‘Waa lagaa adkaaday ee isa soo dhiib!’’ Balse Sayidka waa uu ka diiday, waxa uuna u sii gudbay magaalada Iimay halkaas oo uu ku geeriyooday, kaddib muddo uu halkaas ku xanuunsanaayay.
Waxaa halkaas ku soo dhammaaday mid kamid ah halgannadii ugu cimriga dheeraa Afrika kaas oo uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Falanqeeyayaasha taariikhda waxay tilmaameen in Sayidku uu muddo sii wadi karay dagaalka uu gumeystaha kula jiray haddii aysan dhici lahayn duullaanka diyaaradaha Ingiriiska iyo dadkii ku diirka ahaa ee ku ballanfuray!
Tixraac:
-Aw Jaamac Cumar Ciise ( Taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan)
– Roy Irons (Churchill and the mad mullah of Somaliland )
– الملا العاقل ( Aljazeera documentary)
