Nuxurka Falsafadda

Nuxurka Falsafadda

Marar badan ayaa aynnu maqalnaa falsafad, balse fekerka aynnu ka haysanno intee ayuu le’eg yahay? Maqaalkaan wuxuu hordhac u yahay maqaallo taxane ah, oo aynnu ku bidhaamin doonno nuxurka falsafadda. Waxa aynnu adeegsan doonnaa hab (methodology) fudud oo dadka oo dhan ay la wada qabsan karaan. Hab isku dheelli tiran. Isku dheellitirnaantaas waxa aynnu ula jeednaa: in qofka aysan u bilawnayn falsafaddu uu ina la socon karo isaga oo aan inaga harin; sidoo kale in qofka falsafadda sida fiican u muquurtay uusan inagu caajisin – ee laftiisa aynnu ku kordhinno hannaan fudud oo uu ku weelayn karo nuxurka falsafadda.

Waxa aynnu qeexitaanka erayga “falsafad” ku sheegi doonnaa af (luuqad) ahaan; iyo micne ahaan ba. Waxa aynnu carrabaabi doonnaa baahsanaanta falsafadda. Waxa aynnu guudmar kooban ku samayn doonnaa sooyaalka falsafadda (history of philosophy). Sidoo kale waxa aynnu il gaar ah ku eegi doonnaa heerarka ay soo martay iyo sida ay u soo xuub siibaynaysay. Waxa aynnu qalinka u la tagi doonnaa laamaha falsafadda, marka lasoo ururiyo ama loo eego maaddo ahaan – iyo siyaabaha la isku raacraacsho wayddiimaha falsafadda (categorical schemes). Waxa aynnu dul mari doonnaa dugsiyada ugu caansan ee falsafadda (school of thoughts). Waxa aynnu mar u eegi doonnaa faylasuuf kasta iyo nuxurkii shaqadiisa (waa kuwa ugu waawayne). Sidoo kale waxa aynnu arki doonnaa mawduucyo ay falsafaddu si gaar ah u la baxday.

Ujeedka maqaalladaan ku magacaaban “Nuxurka Falsafadda” waa kor u qaadidda wacyiga bulshadu ay u leedahay falsafadda; iyo in ay wax uun ku kordhiso awoodda naqdinta; fekerka; iyo tababbar ku aadan xirfadda feker naqdineedka (critical thinking) ee qofka Soomaaliga ah.

Waa maxay falsafaddu?

Judha hore ba, aynnu ka bilawno xididka (etymology) ama meesha uu kasoo jeedo erayga “Falsafad” luuqad ahaan. Erayga “Falsafad” asalkiisu waxa uu kasoo jeedaa afka Giriigga, waxa uu ka yimid labada eray ee kala ah: “φιληο” iyo “σοφία”, oo marka la isku geeyo noqonaya “φιλοσοφία” – waa marka ay ku qoran yihiin isla farta Giriigga. Sidoo kale marka lagu qoro farta Laatiinka waa sidatan: “Philo” iyo “Sophia” oo marka la isku geeyo noqonaysa “Philosophia”.

Sidoo kale marka lagu qoro farta Ingiriisiga waxa uu eraygu noqonayaa “Philosophy”, halka marka far Carabi lagu qorana uu noqonayo sidatan “ﻓﻠﺴﻔﺔ”. Sida aynnu aragno waa hal eray balse luuqad kasta waxa ay ku qorotay farteedii iyo higgaaddeedii. Sidaas oo kale ayaa uu far Soomaaligana ku noqonayaa “Falsafad”.

Aynnu ku noqonno micnaha labada eray ee Giriigga ah, ee eraygu ka samaysmay. Erayga “Philo” micnihiisu waa “Jacayl”, halka erayga kale ee “Sophia” uu yahay “Xikmad”, oo marka la isku geeyo “philosophia” waxa uu la mid yahay “jacaylka xikmadda” ama “xikmad jacayl ama murti jacayl.

Eraygaas markii ugu horreysay waxaa adeegsaday faylasuufkii Giriigga ahaa ee la oran jiray Baytagooras (Pythogoras). Wuxuu noolaa intii u dhexeysay (570 ilaa 495 c.h) – waa muddo qiyaastii hadda laga joogo 2,500 oo sano kahor. Sidoo kalana wuxuu ahaa xisaabyahan. Ma ahan faylasuufkii ugu horreeyay ee Giriiggii hore, balse waa faylasuufkii u horreeyay ee adeegsaday erayga falsafad.

Wuxuu isku magacaabay “faylasuuf” oo micne ahaan uu markaas ka waday, waxaan ahay “kii xikmadda jeclaa /kii xikmadda raadinayay” ama xikmad doone. Oo wuxuu diidanaa in uu iskugu yeero erayga “Sophist” oo afka Giriigga ku noqonaya “xigmadyahan ama kii xikmadda hayay”. Erayga “Sophist” waxa uu ka yimid “sophia” oo ka dhigan xikmad.

Baytagooras waxa uu qabay, qofka xikmaddaas sheegta in uu micne ahaan noqonayo qof sheegtay in uu hayo jawaabaha su’aalaha falsafadda oo dhan – taasina ma ahan wax suurtagal ah. Sidaas daraadeed waxa uu iskugu yeeray faylasuuf oo ka dhigan “kii murtida jeclaa”.

Eraygu sidaas ayuu ku abuurmay, kuna caan baxay. Sidaas ayuu na ku helay dhadhankiisii ugu horreeyay, oo uu micne ahaan yeesho.

Haddaba aynnu u soo daadagno qeexitaanka erayga “falsafad” micne ahaan (terminologicaly). Si aynnu u qeexno falsafadda, waa in aynnu kasoo eegnaa dhinacyo kala duwan – si aynnu u helno sawir maskaxeed aynnu ku aqoonsanno. Sidoo kale waa in aynnu ku sharraxnaa erayo badan oo kala duwan. Balse muhiimad gaar ah ma siin doonno qeexitaannada qaamuusyada – waxa aynnu xoogga saari doonnaa in aynnu u qeexno qaab sharraxaad oo kale ah. Waxaan diidaynnaa in aynnu erayo kooban isku soo oodafaynno.

Falsafaddu waa in si qoto dheer wax la isku wayddiiyo – in wax la isku wayddiiyo si ka qoto dheer sida caadiga ah. Falsafaddu waa in la is wayddiiyo xaqiiqada wax kasta. Falsafaddu waa in la is wayddiiyo aasaaska wax kasta. Falsafaddu waa in la is wayddiiyo micnaha ku jira wax kasta. Falsafaddu waa in la is wayddiiyo gundhigga iyo seeska wax kasta. Falsafaddu kuma qanacdo jawaabaha ay ku qanacsan yihiin dadka caadiga ah.

Faylasuufkii Balaato (plato) wuxuu falsafadda ku sheegay: “falsafaddu waa hadyad ay ilaahyadu ku manaysteen dadka (philosophy is a gift the gods have bestowed to mortals)” . Sidoo kale faylasuufkii Sokraatis (Socrates) wuxuu yiri: ” falsafaddu waa is ogaan qoto dheer (Know thyself)”.

Dhan kale haddii aynnu ka eegno sida ay u dhacaan wayddiimaha falsafaddu, waxaa kamid ah: Maxaa jira? Marka aynnu eegno uunka maxaa la oran karaa waa ay jiraan? Muxuu yahay jiritaanka laftiisu? Maxaa ay tahay in ay ka koobnaadaan waxa jira, si ay u jiraan? Ma jiraan wax aasaasi u ah wax kasta oo jira? Waa maxay ahaanshuhu? Sidee waxi u noqdaan wax kale (haddii ay noqdaan)? Waa maxay aqoontu (ogaalku)? Maxaa ay ka kooban tahay aqoontu, si ay u noqoto aqoon? Ma dhab baa in ay aynnu wax ogaanno (wax naqaanno)? Maxaa dhab ah (maxaa xaqiiqo ah)? Waa maxay runtu? Maxaa san? Maxaa xun? Maxaa khaldan? Maxaa saxan? Maxaa caddaalad ah? Maxaa caddaalad darro ah? Maxaa qurxoon? Maxaa foolxun? SWaa maxay farshaxanku (waa maxay fanku)? Iwm.

Kolka loo eego maaddo ahaan, falsafaddu waa seeska iyo gundhigga aqoonta kale oo dhan. Aqoonta kale oo dhan waxa ay ku dhisan tahay aasaasiyaad iyo fekrado (foundations & presuppositions). Haddii hoos loogu noqdo, oo wax la iska wayddiiyo aasaaskaas iyo fekradahaas waxaa la galayaa caalamkii falsafadda.

Laamaha kale ee aqoontu waxa ay si gaar ah ugu ban-baxeen in ay fahmaan wax gaar ah; balse falsafaddu waa ay baahsan tahay, yoolkeeduna waa in ay hal mar wada aragto sawirka wayn (the big picture). Tusaale ahaan, falsafadda shaqadeedu ma ahan in ay ka jawaabto: aragtida dhalanroganku (evolution theory) ma run baa mise waa been? Taasi waxa ay khuseysaa xeeldheerayaasha bayoolajiga iyo culuumta la xiriirta (biologists & physical anthropologists); balse taas beddelkeeda, falsafadda hawsha u taallaa waxaa weeye: maxaa run ah? maxaa se been ah?

Ugu danbeyn, haddii aynnu isku soo xoorinno, wayddiinta cinwaanka ah ee: Waa maxay falsafaddu? Ma ahan wayddiin fudud oo aynnu uga bogan karno erayo. Ma na lahan hal jawaab oo la isku raacsan yahay. Sababtoo ah su’aashaas lafteeda ayaa ba ah su’aal falsafi ah. Balse mar kasta oo ay inoo kororto xogta aynnu ka haynno falsafadda, waxaa inoo kordhi doonaa inta aynnu ka haynno jawaabta su’aashaas. Haseyeeshee ujeedkeennu waxa uu ahaa in aynnu albaabka hore ee falsafadda galno (marka aynnu falsafadda kasoo qaadno guri). Kadibna waxa gurigaas ku dhex jira, (inta aynnu awoodno) baynnu ku dhex wareegi doonnaa – si aynnu u ogaanno xoogaa roon oo nuxurkeeda ah.

Sooyaalka Falsafadda

Falsafadda marka loo eego taariikhdeeda, juquraafiga, iyo dadyawga ay ku abtirsato waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo waawayn: falsafadda galbeedka (western philosophy) iyo falsafadda bariga (eastern philosophy). Falsafadda galbeedku waa feker falsafadeed kasoo bilawday dunida qorrax u dhaca (Occidental). Fekerkaas waxa uu ka soo bilawday Giriiggii hore iyo Rooma, kadibna waxa uu u fiday bartamaha Yurub ilaa iyo galbeedka Yurub. Ilaa uu cagta sii mariyay Columbus iyo Americas. Falsafadda barigu na waxa ay ku abtirsataa dunida qorrax kasoo baxa (oriental).

Waxa aynnu ku hor maraynnaa sooyaalka falsafadda galbeedka (falsafadda bariga dib ayaa aynnu u dhiganaynnaa). Falsafadda galbeedka waxaa loo qaybiyaa taariikh ahaan, afar seben oo kala ah: Falsafaddii qaaraamiga (ancient), falsafaddii dhexe (medieval), falsafaddii casriga (modern), iyo falsafadda haatan (contemporary). Falsafadda qaaraamigu (ancient) waxa ay u sii kala baxdaa: kahor Sokraatis ama Birisokraatisiyiin (presocratics), Sokraatisiyiin (Socratics), iyo Rooma (Roma). Haddaba waxa aynnu ku bilaabaynnaa kooxda u horreysa ee la yiraahdo Birisokraatisiyiinta (presocratics).

B. Birisokraatisiyiin (presocratics):

Birisokraatisiyiintu waa koox faylasuufyo Giriiggii hore ah, oo noolaa qarnigii 6-aad iyo kii 5-aad ee Ciise hortii. Magaca Birisokraatisiyiin (presocratics) waxa uu ka dhigan yahay kuwii ka horreeyay Sokraatis. Sokraatis waxa uu ahaa faylasuufkii ku xigay kooxdaas oo ka danbeeyay (inkastoo uu qaarkood soo gaaray sida Dimukritaas oo kamid ahaa Birisokraatisiyiinta) .

Sababta kooxdaas faylasuufyada ah loogu magacaabay “kuwii ka horreeyay Sokraatis (Birisokraatisiyiin)” waxaa lagu sheegaa si soohdin loogu sameeyo Sokraatis iyo kooxdaas ka horreysay. Maxaa wacay? Sokraatis waxa uu falsafadda ku jiheeyay mawduucyo hor leh, sida falsafadda mooraalka; halka falsafadda kooxdaasi ay ahayd mid aan dhaafsiisnayn ka warran ka asalka uunka (cosmological) iyo qiyaas fekereed ku dhisan muuqaallada (physical speculations). Faahfaahin intaas kasii badan oo ku saabsan magac bixintaas iyo heerarka ay soo martay waxa aad ka sii akhrin kartaa lingaxaan:[https://ndpr.nd.edu/news/the-concept-of-presocratic-philosophy-its-origin-development-and-sign ificance/].

Marka dhanka kale laga eego waxaa la yiraahdaa kooxdaani waxa ay bilaabeen in ay u fekeraan si ka duwan sidii loo fekeri jiray xilligoodii. Tusaale ahaan, iyaga kahor waxaa Giriiggii hore ku fasiri jireen dhacdooyinka uunka ka dhaca sheekooyin ka baxsan dabeecadda (supernatural); halka ay iyagu bilaabeen in ay dhacdooyinka uunka u raadiyaan fasiraado aan ka baxsanayn dabeecadda (natural).

Dhammaan kooxdaan Birisokraatisiyiinta ah lagama hayo hadda wax qoraal ah oo ay iyagu qoreen (original work), marka laga reebo oraahyo aan xiriirsanayn/kala goo-go’an (fragments) iyo warbixinno (testimonia) ay ka diyaariyeen faylasuufyo iyo taariikyahanno danbe. Ma ahan micnaheedu in aysan waxba qori jirin, oo qaarkood waxaa la sheegaa in ay buugaag qoreen, balse hadda waxba lagama hayo haba yaraatee – aan ahayn oraahyadaas aan xiriirsanayn oo iyaga loo tiiriyo (fragments), iyo warbixinnadaas kooban (testimonia) oo faylasuufyo ka danbeeyay ay ka qoreen. Birisokraatisiyiinta laftooda waxaa loo sii qaybiyaa faylasuufyo kala feker duwan. Qaarkood waxaa loogu yeeraa magac kooxeed (ka samaysmay deegaan ama dugsi aragtiyeed ay wadaagaan), qaarna magacooda oo kaliya ayaa loogu yeeraa, iyagoo aan cidna la raacin. Waxa aynnu raaci doonnaa tusmada hoose, si aynnu u sii wadno sooyaalka Birisokraatisiyiinta.

Tusmada (Contents):

  1. Militisiyiinta (The Milesians)
  2. Kasinoofaanees (Xenophanes)
  3. Baytagooras iyo Baytagoorasnimada (Pythogoras and Pythogoreanism)
  4. Heeraakliidas (Heraclitus)
  5. Falsafaddii iliitikiyiinta (Eleatic Philosophy)
  6. Falsafaddii wadareynta/isku-darka (philosophies of mixture)
  7. Atamiyiintii (The Atomists)
  8. Doyoojaynkii Abbolooniya (Diogenes of Apollonia)
  9. Murtiilayaashii (The Sophists)

Tiradaas sagaalka ah ee kore ayaa aynnu manhaj ka dhiganaynnaa, sida ay u kala horreeyaan, kuna wadi doonnaa sooyaalka falsafaddii Birisokraatisiyiinta.

  1. Militisiyiinta (The Milesians)

Kooxdaan waa kooxdii u horreysay ee Birisokraatisiyiinta. Waxaa loogu magac daray magaaladii ay kasoo baxeen. Miliitas waa magaalo kamid ahayd magaalooyinkii ugu waawaynaa ee Giriiggii hore. Hadda burburkeedii (it’s ruins) waxa uu u dhawyahay wuqooyiga degmada Balaat, gobolka Aydiin ee wadanka Turkiga. Faylsuufyadaan lagu magacaabo Militisiyiintu waxa ay kala yihiin: Daaliiskii Miliitas (Thales of Miletus), Anaksiimandar (Anaximander), iyo Anaksimaanees (Anaximenes). Haddaba saddexdaan faylasuuf mid mid baynnu u dul istaagaynnaa, si aynnu u aragno mid kasta iyo fekradihiisii iyo noloshiisii inta laga ogyahay.

b) Daaliiskii Miliitas

Daaliiskii Miliitas waa faylasuufkii ugu horreeyay ee Militisiyiinta (kasoo baxay magaalada Miliitas), sidoo kale waa faylasuufkii ugu horreeyay ee Giriiggii hore oo dhan. Wuxuu dhashay 620-meeyadii (qiyaastii 624kii) kahor Ciise, wuxuu na dhintay 540-meeyadii (qiyaastii 546dii) kahor Ciise. Qiyaas ahaan wuxuu noolaa siddeetameeyo sano.

Haddii aynnu sharraxaad kooban ku bilawno falsafaddiisa waxa gundhig u ahaa: in wax kasta oo jira ay kasoo uskameen (asal ahaan) hal wax, halkaas waxna ay u noqon doonaan (ku danbeyn doonaan), sidoo kale wax kasta oo kale ee jira (marka laga reebo wixii asalka ahaa), waa uun isla halkii wax ee asalka ahaa, oo qaabab kale u samaysmay (isku beddelay). Sidaas darteed (waxa uu Daaliis yiri) waxaas asalka ahi waa “biyaha”. Daaliis waxaa u soo baxday, in wax kasta oo jira ay kasoo jeedaan biyo, wax kasta oo kale ee jirana (marka laga reebo biyaha), ay yihiin isla biyihii oo qaabab kale noqday. Waxa uu arrintaas kusii xoojiyay ayaa la qiyaasi karaa, in biyuhu ay isku beddelaan saddex qaab: mar ay adkaadaan (barafoobaan) – oo haddii ay sii adkaadaan waxa uu aaminsanaa in ay xitaa noqon karaan dhagax, iwm (ama wax kasta oo adke ah); mar ay dareere yihiin – oo waxaa u muuqatay in dareere kasta ay biyo iska yihiin; iyo mar ay neef noqdaan (uumi baxaan) – oo neef kasta iyo hawada oo dhan waxa ay ula muuqdeen biyo uumi baxay. Arrintaan isbed-beddelka biyaha waxa uu ka fahmayay deegaankii uu ku noolaa xilligiisii, oo lahaa dhacdooyin uu ka fahmi karay, tusaale ahaan wabi biyihiisii gureen, biyo qabaw la barafoobay, ama biyo dab la saaray oo uumi baxay (wax karsashada ba kasoo qaad).

Daaliis waxaa la yiraahdaa waxa uu horseed u ahaa dugsi aragtiyeedka ku andacooda in asalka dabiicaddu uu kasoo jeedo hal wax oo walax ah (Material Monism). Oo waxaa jiray faylasuufyo badan oo la qabay in uunku hal walax kasoo jeedo (balse waxa ay uga duwanaayeen waxa ay tahay walaxdaasi). Fekradaha uu qabay waxaa kamid ahaa, in dhulku uu dul sabbeeynayo biyo dushood, oo waxa uu taas ku fasiray in dhulku uu yahay dabci ahaan wax sabbayn kara biyaha dushooda (quality of buoyancy), sida doomuhu u sabbeeyaan badda oo kale. Tusaale ahaan dhulgariirka waxa uu ku fasiray in ay ugu wacan tahay, biyihii dhulku ku dul sabbaynayay oo aan dushoodu sinnayn (roughness of oceans).

Sidoo kale oraahyadiisa waxaa kamid ah “Wax kasta waxaa tif ka ah ilaahyo”, oo micne ahaan ilaah waxa uu u arkayay wixii asal ah oo ay wax kasta ku abtirsadaan, waxa jira oo dhan waxa uu u arkayay hal wax, ilaahna waxa uu u arkayay wax kamid ah uunka, (Xasuusnow Daaliis in uu noolaa kahor nabi Ciise). Kolkaas micne ahaan waxa ay noqonaysaa, biyaha ayaa ilaah ah, wax kasta oo kalana waxaa tif ka ah ilaahyo. In ilaah la wadareeyo, oo la yiraahdo ilaahyo, waa wax laga yaqaannay Giriiggii hore ee xilligiisii, oo waxa ay aaminsanaan jireen ilaahyo badan (polytheism).

Daaliis waxa uu wax kusoo kordhiyay aqoonta kale, sida xisaabta, iwm. Waxaa kaloo la sheegaa in uu Masaaridii hore (Ancient Egyptian) kasoo loox jiitay, oo uu safarro ku tagi jiray halkaas, siiba aqoonta la xiriirta xisaabta, cirbixiyeennimada, iwm. Isku soo xooriyoo, Daaliis waxaa loo aqoonsan yahay faylasuufkii ugu horreeyay ee falsafadda galbeedka. Sidoo kale qaabka uu u daraasaynayay aragtiyihiisa, waxa ay saldhig u noqotay falsafadda dabiicadda (natural philosophy) – oo goor danbe u xuubsiiban doonta sayniska dabiicadda (natural science)

– sida fiisigis, kimistari, bayoolaji, iwm.

Haddii aad doonayso in aad sii akhriso xogta, aragtiyaha iyo fasiraadaha laga bixiyay Daaliiskii ree Miliitas (Thales of Miletus), waxa aad gujisaa lingaxaan:[https://www.iep.utm.edu/thales/], iyo lingaxaan kale:[m.sparknotes.com/philosophy/presocratics/section1/]

t) Anaksiimandar

Anaksiimandar waa faylasuufkii labaad ee ku xigay Daaliis.Waxa uu dhashay qiyaastii 610 kahor Ciise, dhimashadiisiina waxaa lagu qiyaasaa 546 kahor Ciise. Wuxuu ahaa ardaygii Daaliis, waxa uuna qaaday raadkii macalinkiisii Daaliis – oo ahaa in wax kasta ay hal wax kasoo jeedaan. Balse meesha uu Daaliis yiri wax kasta waxa ay kasoo jeedaan biyo, Anaksiimandar waxa uu yiri: waxaa asal ah hal wax, halkaas waxna maleh soohdin iyo xad toona (apeiron/unbounded), mana ahan shay si gaar ah magac iyo sifo u leh. Waxaas asalka ah ayaa markii ugu horreysay sameeyay dhaqdhaqaaq, dhaqdhaqaaqaas ayaa waxaa ka dhashay kulayl iyo qabaw lid isku ah. kulaylkii ayaa waxaa ka sii dhashay dab, dabkiina waxaa kasii dhashay qorraxda, dayaxa, xidigaha, iwm. Sidoo kale qabawgii waxaa ka dhashay dhulka iyo waxa dul saaran (xitaa noolaha). Aragtidiisa waxaa kaloo kamid ah, in waxyaabaha lidka isku ah (ee samaysmay) ay muddo soo legdamayeen, ilaa ay gaareen xaalad isku miisaaman oo siman (Balance) – jeerkaas ayaana xeerarka dabiicaddu salka dhigteen.

Sidoo kale Anaksiimandar waxa uu yiri dhulku waxa uu heehaabayaa fagaag (space) bannaan, oo ma jiraan wax haya, mana dhacayo, sababtoo ah waxa uu ku yaallaa bartamaha uunka.

Aragtiyihiisa kale waxaa kamid ahaa, in dadku uu kasoo jeedo kalluun. Wuxuu taas ku sababeeyay: ilmo kasta oo dhasha wuxuu ku tiirsan yahay cid, oo kaligii horay iskama maamuli karo, sidaa daraadeed qofkii ugu horreeyay aadanaha waa in uu helaa cid uu ku tiirsanaa, haddii uusan cidna ku tiirsanayn, waxa uu ahaa dhal kalluun, sababtoo ah dhasha kalluunku uma baahato in ay cid ku tiirsanaato (qorayaasha ka faallooda, ayaa qaar waxa ay ku tilmaamaan in uu bar-bilaw u ahaa evolution theory-ga). Siyaabo badan oo kala duwan ayaa loo fasiraa aragtiyihiisa, balse intaas baa ugu mug wayn falsafaddiisa.

Sidoo kale Anaksiimandar waxa uu qabtay shaqooyin kale. Waxaa la sheegaa in uu sawiray qariidadda adduunka xilligiisii.

Haddii aad doonayso in aad u sii akhriso si faahfaahsan xogta ku saabsan Anaksiimandar iyo aragtiyihiisii, waxa aad gujisaa lingaxaan [https://www.iep.utm.edu/anaximan/]

J) Anaksimaanees

Anaksimaanees waxa uu dhashay qiyaastii qarnigii 6-aad dhexdiisa Ciise hortii, waxa uuna dhintay 528 Ciise hortii. Waa faylasuufkii saddexaad ee Militisiyiinta. Waxa uu ahaa ardaygii Anaksiimandar. Sidii labadii faylasuuf ee ka horreysay oo kale, ayaa uu aaminsanaa in uunku uu kasoo jeedo hal walax (material monist). Walaxdaas na waxa uu ku sheegay “Neef”-ta (Air).

Waxa uu u sharraxay aragtidiisa sidatan: wax kasta waxa ay kasoo jeedaan neef, wax kasta oo kale ee jira, waa isla neeftii oo qaabka beddelatay. Marka neefta la kala durkiyo (rarefaction) waxa ay noqotaa dab, taas lidkeeda marka neefta la isku cufo ama la isku cariiriyo (condensed) waxa ay noqotaa dabayl, marka la isku sii cariiriyo waxa ay noqotaa daruur, marka la isku cariiriyo waxa ay sii noqotaa biyo, marka la isku sii cariiriyo waxa ay sii noqotaa dhul (ciid), marka la isku sii cariiriyo waxa ay noqotaa dhagax. Sidoo kale dhagaxa marka laga bilaabo waxaa laga dhigi karaa dab, iyadoo isla jidkii dib loo raacayo. Ama dabka ayaa laga soo bilaabi karaa oo la keeni karaa dhagax. Sidaas ayaa wax kasta uga samaysmeen (asal ahaan) neef – wax kasta oo jira waa uun neef la isku cariiriyay ama la kala durkiyay.

Anaksimaanees isaga oo caddeynaya aragtidiisa ayaa uu waxa uu soo qaatay tijaabadaan: Adiga oo afka kala haya haddii aad calaacashaada ku afuuftid neef, waxa aad dareemaysaa kulayl (waxa ay caddeyn u tahay in dabku ka dhasho marka neefta la kale durkiyo), sidoo kale adiga oo bishimaha isku dhaweynaya haddii aad calaacashaada ku afuuftid neef, waxa aad dareemaysaa qabaw (waxa ay caddeyn u tahay in dabaysha, daruurta, biyaha, dhulka, iwm ay ka dhashaan marka neefta la isku cariiriyo). Sidoo kale aragtiyihiisa waxaa kamid ahaa, in dhulku uu ku dul fadhiyo neef, sidoo kale qorraxda, dayaxa, xidigaha, dhammaan waxa ay ku dul fadhiyaan neef – waa sida uu qabay Anaksimaanees.

Haddii aad doonayso in aad sii akhriso xogta ku saabsan aragtiyihii Anaksimaanees, waxa aad gujisaa lingaxaan [https://www.iep.utm.edu/anaximen/]

  • Kasinoofaanees

Kasinoofaanees waxaa lagu qiyaasaa dhalashadiisa 570 – 560 kahor Ciise, dhimashadiisana waxaa lagu qiyaasaa 478 kahor Ciise . Waxa uu kasoo jeedaa magaalo la oran jiray kalofoon (colophon) oo dhacda wuqooyiga magaaladii Miliitas. Waxa uu si fiican ugu wada wareegay Giriigga oo dhan, isaga oo murtidiisa gabay ahaan u meerin jiray, ilaa uu markii danbe saldhigtay meesha haatan loo yaqaan Siishalis (Sicily) – oo xilligaas kamid ahayd dhulkii Giriiggii hore uu maamuli jiray. Kasinoofaanees waxa uu qabtay shaqo badan, balse waxa aynnu si kooban u dulmari doonnaa inta ugu awoodda badan aragtiyihiisa iyo laamaha aqooneed ee uu wax ku kala biiriyay intaba.

Waxa uu bar bilaw u ahaa naqdin caqli ku dhisan, oo uu la dul tagay diimihii xilligiisii ay hasyteen Giriiggii hore. Waagaas bulshada Giriiggu waxa ay haysteen diimo ku dhisan ilaahyo badan (polytheism), sida ilaahyadii ay isku oran jireen ‘ilaahyadii Olombiyaan (Olympian gods)’. Waxa uu naqdiyay qaabka ay bulshadiisu ugu ekaysiinayeen Ilaahyada sida dadka (Anthropomorphism), hadalladiisii (fragments) laga soo wariyay ee arrinkaas khuseeyay waxaa kamid ahaa:

“Dadku Ilaahyada waxa ay u qaateen kuwo dhasha, dharkooda oo kale xirta, sidooda oo kale leh cod iyo jir. (f14.) Madawgu waxa ay qabaan in ilaahyadoodu ay leeyihiin san bagafsan iyo midab madaw; Taraashiyiintuna waxa ay qabaan in ilaahyadoodu ay leeyihiin indho buluug ah iyo timo cas-cas. (f16)

Haseyeeshee haddii [xitaa] fardahu, dibiyadu, iyo libaaxyadu ay lahaan lahaayeen gacmo, Ama ay kari karaan in ay gacmahooda wax ku sawiraan sida dadka oo kale.

Fardahu waxa ay ilaahyadooda u sawiri lahaayeen sida fardaha, Dibiyaduna waxa ay ilaahyadooda u sawiri lahaayeen sida dibiyada, [Libaaxyaduna waxa ay ilaahyadooda u sawiri lahaayeen sida libaaxyada], iyaga oo dhan [cid kastaa] waxa ay ilaahyadooda u sawiri lahaayeen sida jirkoodu u samaysan yahay [sida ay eg yihiin]. (f15).”

Sidoo kale waxa uu diidanaa in bulshadiisu ay si indho la’aan ah, uga sarreysiiyaan diimahooda diimaha kale, sida diimihii Barbariyiinta oo ay isku xilliga ahaayeen. Waxaa kale oo uu aaminsanaa in Eebbe uu yahay mid wanaagsan, oo aan lala xiriirin xumaanta (immorality).

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dabciga (nature) Eebbe. Waxa uu uga hadlay ‘fragments’-ka kala ah 23, 24, 25, 26. Faallooyinka iyo fasiraadaha laga kala baxshay ‘fragments’-kaas ayaa qoloba meel la aaday.

Kuwo waxa ay yiraahdaan waxa uu aaminsanaa hal ilaah (Monotheist), kuwo kalana waxa ay yiraahdaan waxa uu aaminsanaa ilaahyo badan (Polytheist), qaar kalana waxa ay ku sheegaan in uu aaminsanaa in ilaahay iyo uunku ay hal wax isku yihiin (Pantheist), kuwo kalana waxa ay ku sheegaan in uu iska ahaa alle-diid (Atheist).

Dhanka aragtiyaha dabiicadda uu ka qabay in badan lagama soo warin, siiba qoraalladii hore (ancient literature), oo waxaa loo sababeeyaa in odayga Kasiinofaanees ah, loo arkayay mufakir dhanka caqiidooyinka ah (theological theorist), balse uusan ahayn arday dabiicadda wax ka barta. Balse taas beddelkeeda waxaa jiray aragtiyo dhanka dabiicadda ah oo uu dhiraandhiriyay. Waxa uu qabay in wax kasta oo dabiicadda ah ay kasoo jeedaan labo wax, labadaas waxna ay kala yihiin; dhulka iyo biyaha. Sidoo kale isbed-beddelka xaaladda dabiicadda-na waxa uu saldhig uga dhigay; qoyaanka iyo qallaylka. Waxa uu qabay in sooyaalka dabiicadda uunku ay u dhaxaysay qoyaan badan iyo qallayl angagsan. Marka qoyaanku gaaro heerkiisa u badan, waxaa dhulka oo dhan liqaya dhooqada, wixii dhulka

dushiisa saarnaa-na waa ay xabaalmayaan. Sidoo kale marka qallaylku uu gaaro heerkiisa u badan ayaa dhulkii angagayaa, oo noloshii dib u bilaabanaysaa mar kale. Waxa uu tilmaamay caddeymo uu ku xoojinayo aragtidiisaas, waxaa kamid ah waxyaabaha dhulka hoostiisa laga soo qufo (fossils), iyo caddeymo kale ba.

Aragtiyihiisa kale waxaa kamid ahaa, in baddu ay tahay isha ay kasoo dhashaan; biyaha, dabaysha, wabiyada, daruurta, iwm. Sidoo kale qaanso-roobaadka waxa uu ku sheegi jiray in ay tahay daruur. Sidoo kale fasiraadaha laga baxsho ‘fragment’-giisa 34-aad, waxaa la sheegaa in uu ka shakisanaa (skeptical outlook) sida uu aadanuhu si hubanti ah, uu wax u aqoon karo (ama u ogaan karo) – waxaa la oran karaa, wuxuu gargaraacay albaabka falsafadda aqoonta ama ibistimoolajiyadda (epistemology).

W/Q: Maxamed Jaarlees

****

pdf ahaan halkaan hoose kala deg;

One thought on “Nuxurka Falsafadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *