W/Q: Hassan Mudey
AQOONTAADA IYO DADKA AAD TAQAAN
Dhibaatada shaqo la’aanta ee maanta ka jirta adduunka, gaar ahaan bulshooyinka soo koraya, maaha mid ku kooban yaraanta fursadaha jira oo kaliya, balse waxay salka ku haysaa fahamka qaldan ee laga haysto waxa keena guusha. Dhalinyaro badan ayaa aaminsan in marka ay gacanta ku dhigaan shahaadada koowaad ama labaad ee jaamacadda ay albaabada furdaha oo dhammi u furmi doonto. Iyadoo aqoontu tahay aasaas, haddana xaqiiqadu waxay tahay in aqoon aysan la socon xiriirka dadka saxda ah ay tahay mid fadhida (Static) oo aan wax weyn soo kordhin doonin.
Aqoonyahankii weynaa ee reer France, Pierre Bourdieu, wuxuu iftiimiyey in guusha qofka aysan ku xirnayn oo kaliya aqoonta iyo dhaqanka (Cultural Capital/Dhaqan-Maal), balse ay si weyn ugu tiirsan tahay waxa uu ugu yeeray Social Capital (Bulsho-Maal).
Bourdieu wuxuu ku dooday in xiriirada bulshadu ay yihiin hanti la mid ah lacagta ama aqoonta. Haddii aad leedahay xiriirro xooggan, waxaad helaysaa fursad aad ku gaarto goobaha go’aan-gaarista, halka qofka aan xiriirka lahayn uu ku koobnaanayo meel ka baxsan xeendaabka fursadaha, isagoo markaas dareemaya in shaqo la’aan ba’ani jirto.
Intaas waxaa dheer, xiriirka Bulshada wuxuu qofka u suura geliyaa inuu helo “Kalsooni Horudhac ah.” Taas oo iyadana ah qodob aad muhiim ugu ah helista shaqada; halka niyad jabku yareeyo dedaalka shaqa doonka. Shirkadaha iyo hay’aduhu ma eegaan oo kaliya waxa ku qoran CV-ga, balse waxay raadiyaan hubanti ah in qofka ay shaqaalaysiinayaan uu yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Xiriirka bulshadu wuxuu u shaqeeyaa sidii markhaati ama dammiin (Social Validation), taas oo meesha ka saarta cabsida ay loo-shaqeeyayaashu ka qabaan shaqaalaha cusub. Sidaas darteed, qofka leh network-ga ballaaran wuxuu u muuqdaa mid “ka fursad badan” qofka kale ee la aqoonta ah balse cidlo-joogga ah.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in shaqooyinka lagu helo Xiriirka Buslahada (Networking) uusan ahayn eex ama qaraabo-kiil, balse uu yahay farshaxan lagu helo shaqaale lagu kalsoonaan karo, lana heli karo xogtiisa oo dhameystiran ka hor inta uusan shaqo galin sida dabeecadihiisa, daacadnimadiisa iyo tayadiisa. Sida uu qabo Adam Grant, oo ah borofeesar ka tirsan Wharton School, isaga oo ku cadeeyay buuggiisa “Give and Take“.
SUUQA SHAQADA EE QARSOON
Xaqiiqada ka jirta caalamka shaqaalaysiinta ayaa ah in inta badan fursadaha ugu wanaagsan aan waligoodba si guud loo shaacinin. Sida uu sheegay Richard N. Bolles, oo qoray buugga caanka ah ee “What Color Is Your Parachute?”, inta u dhaxaysa 70% ilaa 85% shaqooyinka laguma xayeysiiyo wargeysyada ama baraha bulshada. Tani waa waxa loogu yeero The Hidden Job Market (Suuqa Shaqada ee Qarsoon). Qofka ku tiirsan oo kaliya inuu codsiyo (Applications) u diro shaqooyinka la soo xayeysiiyo wuxuu ku tartamayaa fursad ah 15% oo kaliya oo ah tan ka jirta suuqa shaqada, isagoo markaas wajahaya tartan aad u adag, ma daama ay kumannaan shaqa doonayaal ay wada eegayaan shaqa kasta ee la soo xayeeysiiyo.
Aragtida labaad ee muhiimka ah waxaa soo bandhigay Professor Mark Granovetter ee Jaamacadda Stanford, cilmi-baaris ciwaankeedu ahaa “The Strength of Weak Ties“ (Awoodsiinta Xiriirada Daciifka ah). Granovetter wuxuu ogaaday in dadka shaqooyinka hela aysan inta badan ka helin saaxiibadooda aadka ugu dhow, balse ay ka helaan dadka ay sida guud isu yaqaanaan. Sababtu waxay tahay, saaxiibada aadka kuugu dhow waxay hayaan xog la mid ah tan aad adiguba heyso, halka xiriirada daciifka ah ay yihiin sida buundo (Bridge) aad uga gudubto deegaankaaga una gudubto deegaan kale oo fursado cusub laga heli karo.
Marka qofku uu yahay taagane “Static” (mid hal meel iska fadhiya), waxaa xaddidan helista xiriiro cusub oo xataa xiriirada guud ee daciifka ah waa ay ku adag tahay in uu helo, taas oo keenta in xogta shaqooyinka cusubi aysan soo gaarin inta badan. Dhalinyaro badan oo shaqo la’aantu hayso waxay dhibaatadoodu tahay “Xog la’aan” ka dhalatay inaysan lahayn xiriiro dibadda ka ah ama ka baxsan xeydaabka saaxiibadooda ay maalin kasta is arki karaan ama kulmi karaan. Haddii aadan baran dad ka baxsan dugsigaaga ama deriskaaga, waxaad luminaysaa fursadda aad ku ogaan lahayd jiritaanka shaqooyin cusub kuwaa oo inta badan lagu shaqaaleysiiyo talo-bixin.
Sidaas darteed, shaqo la’aantu maaha mar walba inaan fursado jirin, balse waa in aysan jirin buundii kugu xiri laheyd fursaddaha. Qofka raba inuu guulaysto waa inuu ahaado mid si joogto ah u dhisaya xiriirro bulsheed cusub, ka qaybgalaya fadhi aqooneedyada, had iyo jeerna raadinaya dad leh aragtiyo ka duwan kuwiisa. Tani waa habka kaliya ee looga dhex muuqan karo suuqa qarsoon ee shaqooyinka, loona heli karo fursado aan dadka kale u muuqan.
HAREERAHAAGA SOO ARAG WAXA KA JIRA
Diinta Islaamku waxay na baraysaa in qofka muslimka ah uusan ku go’doomin meel uusan fursad ka helin, isagoo aaminsan inuu halkaas ku xanniban yahay. Eebbe (SWT) wuxuu Quraanka Kariimka ah ku dhiirigeliyey adoomadiisa inay dhulka u kala safraan si ay u helaan barwaaqo iyo arsaaq ballaaran. Hijrada iyo dhaqdhaqaaqa maaha oo kaliya fal jireed, balse waa camal cibaado ah marka loola jeedo raadinta nolol xalaal ah iyo ka fogaanshaha dhibka.
Eebbe (SWT) wuxuu Quraanka ku yiri:
وَمَن يُهَاجِرْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ يَجِدْ فِي الْأَرْضِ مُرَاغَمًا كَثِيرًا وَسَعَةً (سورة النساء: 100)
“Qofkii u hijrooda Eebbe dartii isaga oo raadinaya nolol xalaal ah, wuxuu dhulka ka heli doonaa meelo badan oo u uku noolaan karo iyo barwaaqo ballaaran.”
Aayaddani waxay xambaarsan tahay laba ballan-qaad oo waaweyn:
- Helista Meelo badan oo lagu noolaan karo dhibkana looga baxsan karo iyo
- Fursad Nololeed Ballaaran oo uu qofka uusan ku heysan halkii uu ka tagay.
Tani waxay ina tusaysaa in barwaaqadu ay inta badan ku jirto dhaqdhaqaaqa, qofka fadhiidka ahna uu luminayo fursadaha ku kala firirsan dhulka Eebbe ee wasaca ah.
Dhinaca kale, qofka hijrooda ama u socdaala raadinta fursad wuxuu gelayaa maganta Eebbe iyo barakadiisa. Islaamku wuxuu qofka baranayaa “Tawakkul” (isku-hallaynta Eebbe), laakiin tawakkulka dhabta ahi waa kan ku yimaada “Asbaabta” Samaynta wixii dadaal ah. In dhulka laga guuro marka shaqo la’aan, dhibaateyn ama nolol xumo timaado waa sunnaha nabiyada iyo asxaabta. Ma jiro nabi ka mid ah nabiyada Eebbe oo aan hijroon ama aan u safrin dalal kale si uu u guto waajibkiisa ama u raadsado nolol xalaal ah.
Sidaas darteed, qofka leh aqoon balse ku dhibaataysan meel gaar ah, waxaa la gudboon inuu rumeeyo ballanka Eebbe ee ah in dhulku wasac yahay. Socdaalka loogu jiro raadinta arsaaqda wuxuu qofka u furaa aragtiyo cusub, wuxuuna ka saaraa quusta iyo niyad-jabka ka dhasha fadhiga dheer. Barwaaqadu ma raacdo qofka is-dhigan ee waxay raacdaa qofka halgamaya ee aaminsan in Eebbe arsaaqdiisu aysan hal meel ku koobnayn.
Dhanka kale waxaa muhiim ah la fahmo in uu jiro farqi weyn oo u dhaxeya hijrada barakada leh iyo midda lagu halaagmo. Islaamku wuxuu si adag uga reebay qofka inuu naftiisa khatar galiyo iyadoo aan loo marin dariiqo sharci ah:
“وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ”
(“Gacmihiinna Ha isku Halaagina”).
Sidaas darteed, tahriibka iyo safarrada aan sharciga ahayn maaha kuwa dhiirigelinaya guusha muddada dheer, balse badanaa waxay horseedaan khasaare naf iyo maal leh. Socdaalka sharciga ah ee loo maro dhabaha sharciga ah ee suuban, ha ahaato dalal Muslim ah ama kuwa aan Muslim ahayn, waa midka albaabada dhabta ah u fura qofka.
Dadka wadamada ay ku dhasheen ka taga ee si sharciga ah fursadaha uga raadsada meelaha kale, waxay inta badan ka fursado bataan kuwa ay ugu tageen wadamadaas. Dhaqaalayahankii caanka ahaa ee John Kenneth Galbraith wuxuu yiri:
“Migration is the oldest action against poverty. It selects those who are most prepared to take risks.”
(“Socdaalku waa falkii ugu faca weynaa ee lagula tacaalo saboolnimada. Wuxuuna soo saaraa oo banaanka keenaa dadka sida weyn ugu diyaarsan inay qaataan khatarta si ay noloshooda u bedelaan”).
Qofka soo galootiga ah wuxuu leeyahay waxa loo yaqaan “Survival Instinct” (Dareenka badbaadada), kaas oo ku kiciya inuu shaqeeyo laban-laab dadka u dhashay dalkaas.
Marka qofku uu ka baxo Aagga raaxada “Comfort Zone” ee uu u guuro meel cusub, wuxuu ku qasbanaadaa inuu dhiso xiriiro (Network) cusub oo aad u xooggan. Dadka wadamada kale aaday waxay helaan fursad dad barasho inta ay dhex marayaan dalal kala duwan, taas oo dhalisa hal-abuur iyo ganacsiyo cusub. Qofka aan dhaqaaqin ee “Static”-ga ah ee iska fadhiya dalkiisa isagoo leh “Shaqo ma jirto” dhab ahaan waa la dhibaataysan xiriir la’aan, halka qofka hijrooday uu helayo fursado uu xiriirro cusub ku sameeyo islamarkaana uu u adeegsado sida hubkii uu ku burburin lahaa saboolnimada.
GUNAANAD
Ugu dambeyntii, culimada Islaamka iyo aqoonyahannada guud ahaan waxay isku raaceen in dhaqdhaqaaqa sharciga ahi uu yahay furaha horumarka. Qofka u safra si uu u barto xirfad cusub ama uu u qabto shaqo sharaf leh, meel kasta oo ay tahay, wuxuu dhab ahaan fulinayaa amarka Eebbe ee ah in la camiro dhulka.
Guushu uma timaado qofka iska fadhiya ee ka cabanaya duruufaha, balse waxay u timaadaa qofka u arka dhulka oo dhan inuu yahay goob fursadeed, una diyaarsan inuu xiriir la sameeyo cid kasta oo wax ku kordhin karta noloshiisa.
Gebagebadii, waxaa lagama maarmaan ah in la garawsado in caqabadda hortaagan dhalinyarada shaqo-doonka ah aysan ahayn oo kaliya yaraanta fursadaha dhaqaale, balse ay tahay habka uu qofku u maareeyo kartidiisa iyo xiriirada uu la leeyahay bulshada.
Aqoonta akadeemiga ah iyo shahaadadu waxay qofka siiyaan seeska aqooneed, balse Bulsho-maalnimada (Social Capital) iyo dhisidda xiriirro tayo leh ayaa ah mashiinka dhabta ah ee dhaqaajiya fursadahaas qarsoon.
Adduunka casriga ah ee aan ku jirno waxaan ka ragnaa in tartanka shaqooyinka kaliya aan tix gelin la siinin qofka ugu shahaadada sarreeya ama ugu shahaadada badan, balse loo shaqeeyayaashu ay sidoo kale tix geliyaan qofka leh Xiriir “Networking” ballaaran, ee kartida u leh inuu dhex galo deegaanno kala duwan si uu xog iyo fursad u soo saaro.
Sidaas darteed, dhalinyaradu waa inaysan ku koobnaan sugidda fursad u timaada iyagoo fadhiya, balse ay tahay inay noqdaan kuwo dhisa buundooyinka u horseedaya suuqa shaqada, iyagoo adeegsanaya xiriira bulshada, asxaabta, qaraabada iyo barashada si gaar ah dadka ku dhex jira mihnadda shaqo oo ay hiigsanayaan.
Dhanka kale, waa inaan mar walba niyadda ku haynaa in noloshu ay ku xiran tahay dhaqdhaqaaqa iyo halganka joogtada ah, sidii uu Eebbe (SWT) ku ballan-qaaday in dhulkiisu uu wasac yahay, barwaaqaduna ay ku jirto hijrada iyo socdaalka sharciga ah. Qofka iska fadhiya “Static”-ga ah ee u muuqda in uu quustay, welina isaga sugan goob ama meel uu fursad ka waayey waa qof xaddidaya oo aan ka faa’ideysaneyn arsaaqdii ballaarneyd ee uu Eebbe ku dul firdhiyay dunida dacaladeeda.
Guushu waxay u baahan tahay dhiiranaan iyo geeisnimo qofka ka saarta Aagga Raaxada (Comfort Zone), isagoo oo rumeysan in baraaraha nolosha ay ku dhex jirto barashada dad cusub iyo sahminta deegaanno cusub si waafaqsan sharciga socdaalka ee dunida iyo shareecada islaamka.
Tixraac
Granovetter, M. S. (1973). “The Strength of Weak Ties”. American Journal of Sociology.
Bourdieu, P. (1986). “The Forms of Capital”. In J. Richardson (Ed.), Handbook of Theory and Research for the Sociology of Education.
Bolles, R. N. (2023). “What Color Is Your Parachute? A Practical Manual for Job-Hunters and Career-Changers”. Ten Speed Press.
Grant, A. (2013). “Give and Take: A Revolutionary Approach to Success”. Viking.
Galbraith, J. K. (1979). “The Nature of Mass Poverty”. Harvard University Press.
Quraanka Kariimka ah: Suuratun-Nisaa (Aayadda 100) iyo Suuratul-Baqarah (Aayadda 195).
Tafsiir Ibn Kathir: Sharaxaadda mabaadi’da hijrada iyo raadinta risqiga.
Adler, P. S., & Kwon, S. W. (2002). “Social Capital: Prospects for a New Concept”. Academy of Management Review.
