W/Q: Ilyaas Maxamed Diiriye
Waa maxay Kasmanafeed ama Psychology?
Horudhac iyo qeexid
Ereyga Kasmanafeed marka aynu maqalno waxaa innagu soo dhaco malaynmo badan, mar waxaan u naqaan cilmiga ka gungaarida waxa maskaxda bini’aadamka ka dhex guuxaya, ha ahaadaan fikrado, dareemo,ama qorshayaal, marne waa darsidda habdhaqanka insaanka iyo sida uu ula falgalo ama ay u saameyso bay’adiisa.
Haddaba, si aan u helno qeexitaan sax ah, waxaa innagu waajib in aan u laabanno asalka ereygan meeshuu ka yimid iyo saynisyahannadu waxa ay ku qeexeen. Erayga“psyche” waa erey Giriig ah oo la micno ah (miyir) halka “logos” ay la micno tahay (darsid) ama ka gungaarid, marka Psychology-gu waa cilmiga daraaseeya maskaxda.
William James oo loo tiriyo inuu yahay aabbaha casriga ee saaykooliga waxa uu ku qayixay, “waa cilmiga darsa maskaxda Bini’aadamka” halka ururka saaykooligiyiinta Maraykankana ee APA iyana ku sheegeen “cilmi lafagura xaaladaha Bini’aadamka kala duwan laga billaabo qaab dhismeedka maskaxda, ficillada dawladaha, korriimada ilmaha yari illaa xannaanada waayeelka” halkaa waxa ku cad in saaykoolajigu darso maskaxda insaanka iyo bay’da ku gedaaman sida ay u saamayso.
Taariikhda kasma-nafeedka ama saykoolaji
“Saykoolajigu taariikhdiisu waa dhawaangal, balse waxa uu leeyahay sooyaal fog.” Hermann Ebbinghaus, psychologist and memory researcher.
Hadalkaan Hermann waxa uu kala jeeday laga soo billaabo abbuulankeenii in ay dadku isweydiin jireen sida ay u fekeraan,wax u dareemaan, sidoo kalane ula falgalaaan dhacdayooyinka ay wajahaan, laakin u darsidda Kasma-nafeedda si togan oo ku dhisan tusmo iyo ficil waxy billaabatay waqti dhaw. Cilmigaan waxaa uu ka yimaaday isbiirsiga labada majaal ee kala ah falsafadda”philosophy” iyo darsidda qaabka ay u shaqeeyan habdhismeedka jirku(physiology).
Caalimka Jarmalka ah ee Wilhelm wundt ayaa loo tiriyaa inuu yahay aabbaha rasmiga ah ee cilmigaan, waayo wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ku adkaystay in psychology yahay majaal gaar ah oo leh shuruuc u gaar ah, waxa uu kor yeelay fikradda ah; in maskaxda bani’aadamka si cilmayaysan oo togan loo darso, halkii lagu mashquuli lahaa qaabka ay u samaysan yihiin xubnaha jirkeenna oo keliya.
Si uu uga dhabeeyo hammigiisa ah in Saaykoolijigu noqdo majaal madaxbannaan waxaa uu 1870-kii dhidibbada u taagay sheybaarkii ugu horreeyay ee lagu darso kasma-nafeedda si cilmayaysan, is la waqtigaa wuxuu qoray buuggiisii ugu muhiimsanaa “principles of physiological psychology” ama Mabaadii’da haga qaabka uu u shaqeeyo habdhismeedka jirka iyo Saykoolajigiisa.
Haddii Wundt dhidibbada u taagay majaalkan waxaa isna si casriyaysan u sii bayaaniyay caalimkii weynaa ee William James. James waxaa uu shaacsane ka dhigay fikradda ah; in insaanka waxyaalaha uu ku hammminayo, danaynayo ama jecelyahay, sidoo kalane ka cabsanayo ay dhammaan ka yimaadaan ama ka shidaal qaataan bar yar oo ku gedaaman xeyndaabka maskaxda iyo qalfoofta madaxeenna. Waxaa uu sidoo kalana laalay in fikradaha maankeena kasoo burqada ay yihiin kuwa ka yimad wax ka baxsan gacanta aadanaha sida ruuxda, waxaa uu sheegayaa in habfikirkaan yahay mid “meetafisikis”.
Mar haddii James lagu tilmaamay aasaasaha kasma-nafeedka dhawaangalka ah, Sigmund Freud ayaa loo saariyaa in uu soo shaac bixiyay cilmigaan caamada, daraasaddiisa qaabdhismeedka maanka iyo waxa keenna histeeriyada ama degenaansho la’aanta, waxay ku dhalisay inuu iswaydiiyo waxa ka dhaxeeyo miyir duneedka iyo habdhaqanka insaanka, weydiimahan waxay ku dhiirigeliyeen Sigmund freud inuu darso riyooyinka, majaalkaan oo uu waxsoosaar aqooneed oo la taaban karo ku soo biiriyay.
Qeybaha kala duwan ee Saaykoolajiga.
Kasma-nafeeddu ama saaykoolajigu waxa uu leeyahay qeybo kala duwan, kuwaa soo mid walbo uu maareeyo arrimaha la xiriira miyirka iyo xaaladaha bani’aadanka; habmaamuus iyo fikrado cilmayaysan oo u gaar ah. Marka innaga waxaa inoo muhiim ah inaan qeybaha uu ka koobanyahay cilmiga kasma-nafeedka caddeyno, halka fikradahooda lagu lafaguri doono qormooyinka soo socda.
Qeybaha ugu ballaaran ee uu cilmigan waxay kala yihiin:
1: Abnormal psychology (caadi ka baxsan): qeybtan waxaa lagu darsaa dhibaatooyinka saaykooliji ee soo wajaha qofka , waxay xoogga saaraan dajinta dareenka iyo xiska Bini’aadamka, iyo sida looga hortagi lahaa xaaladaha keena isbeddelmida xagjirka ah ee dareemaha Bini’aadamka sida cudurada nafsiga iwm.
2: Cognitive psychology (saaykoolijiga garashada): laantaan waxa ay xoogga saartaa kaydinta iyo dabagelidda sida ay xogaha iyo macluumaadku na gu soo gaaraan, una fahanno, sidoo kalane u adeegsanno.
3: Developmental psychology (saaykoolijiyadda horumarka): majaalkan waxaa lagu darsaa isbeddellada soo food saara Bini’aadamka inta uu noolyahay ha ahaadaan mid garaadeed, jireed ama ba mid dareen.
4: Individual differences: majaalkan waxaa lagu lafaguraa kala duwanaashaha dadka, saaykoolijistayaasha majaalkan darsa waxay fiiriyaan isbeddellada kala ah; garaadka, shaqsiyadda, maanka, iyo dareenka dadka.
5: physiological psychology: qeybtan waxay xoogga saartaa saamaynta habdhismeedka jirka u shaqeeyo ku leeyahay kasma-nafeedka, waxay darsaan dareemaha, neerfaha iyo maskaxda Bini’aadamka.
6: Social psychology: majaalkan waxa uu xoogga saarayaa dhaqamada bulshada iyo sida ay u macaamilaan, waxa kale oo lagu darsaa saamaynta ay bulshada ku yeelan karto qofka.
Habka ay saaykoolajiyahannadu u darsaan kasma-nafeedda.
Cilmigan kasma-nafeedka waa mid ku dhisan tusmo iyo tijaabo, oo waa “empirical” marka ay daraasad sameeynayaan waxay isticmilaan hab raadinno kala duwan, kuwa ugu muhiimsan waa :
• Tijaabo-shaybaadh (laboratory experiments) oo ah malaymaha ama hypothesis ka ay haystaan ayaa ay tijaabinayaan saaykoolijiyaasha, iyagoo u samaynaya hab raadin maamulan “controlled”ah si ay u helaan caddaymo togan.
• Daraasad lagu tijaabiyay banaanka(Field experiment):malaynta ay hayaan saaykoolijiyaasha waxa ay u qaadayaan banaanka si ay ugu darsaan bay’ad dabiici ah, daraasadaha habkaan lagu sameeyo waxaa laga yaaba inay kasoo baxdo wax waaqica ka duwan.
• Indho-indhayn(Observation): Saykoolajiyahannadu waxay indhaynayaan wax ay raadinayaan, oo waxay isticmaalayaan aragooda fog iyo oddorsid, waa kadib markay indha indheeyaan xaalka sheyga ay ku raad joogaan.
• Waraysi iyo xog uruurin( interview and survey): halkaan waxaa ay cilmi nafsiyahannadu sameeynayaan in ay xog waraystaan bukaanka si loo helo xog ka turjumaysa xaalka la darsaha.
Gunaanad, kasma-nafeedku waa majaal aad u muhiim ah oo taabanaya nolosheenna qeybaheeda kala geddisan, oo waxa uu darsaa go’aamadda aan maalin walbo qaadanno, sidoo kala barashadiisa waxa ay innaga saacidaysaa inaan heersare ka gaarno nolosheenna khaaska ah iyo midda shaqeedba. Waa Carl jung lahaa “ in aynnu nafsadeenna ka dhax helno shaqsiyadeenna dhabta ah waa mid aad u adag, balse aragti iyo indha indhayn fog ayaa waajib innagu ah, kadibna markaa ayaynu xaqiiqsan sida ay u fududahay helidda nafsadeenna” oraahdan Jung waxa uu kala jeeda in ogaanshaha nafsadeena ay u baahan tahay aragti fog iyo indho indhayn togan, waanaa halka uu cilmiga kasma-nafeeddu ka yeelanayo muhiimad gaar ah, waayo majaalkan waxa uu si diirran u lafagurayaa maskaxyada waxa ka guuxayo, iyo bay’ada nagu hareeraysan sida ay inoo saamayso.
Tixraac
1: James, William (1890). The principles of psychology. Cambridge, Mass: Harvard University Press.
2: D. (2015). The Psychology Book: Big Ideas Simply Explained. Dorling Kindersley Ltd.
3: Butler-Bowdon, T. (2017). 50 Psychology Classics, Second Edition: Your shortcut to the most important ideas on the mind, personality, and human nature. Nicholas Brealey.
