Ismaaciil Haniyah: Rajadii reer Falastiin

Ismaaciil Haniyah: Rajadii reer Falastiin

W/Q: Abdirahman H. Daher

Magaciisu waa Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniyah, 1962-dii ayuu ku dhashay xiro qaxooti oo lagu magacaabo Al-shaati. Cirifka waqooyi ee Qaza ayay ku taallaa.

Waa siyaasi Falastiini ah iyo hoggaamiyaha ururka xaq-u-dirirka ee Xamaas. Doorashadii Falastiin ka dhacday 2006-dii ayuu ku guuleystay in uu dalkaas ka noqdo ra’iisul wasaare, ka did kuraas badan oo ay ku guuleysteen ururka Xamaas.
Maamulkii xamaas ee ka aasaasmay cirifka Qaza ayuu hogaamiye u noqday ka dib Loollankii kala dhexeeyay xisbigii Faatix iyo kala-diriddii xukuumaddii hore. Waxa uuna taladaas hayay laga bilaab 2007-dii illaa 2014-kii. 2017-kii ayaa lagu baddelay Khaalid Meshaal si uu u noqdo hogaamiyaha sare ee xamaas.

Labo waaalid oo Falastiini ah ayaa iska dhalay kuwaas oo ka soo qaxay magaalada Casqalaan sanadkii 1948-dii. Caruurnimadiisii, waxa uu ku qaatay xerada qaxootiga ah ee Al-shaati. Iskuul ee hay’adaha UN-ka maamulaan ayuu ka qalin xariiqday. 1981-dii Haniyah waxa uu iska qoray jaamacaddii islaamiga aheyd ee Qaza ku taallay.
Waxa uu na ka bartay suugaanta carbeed. Sidoo kale waxa uu ahaa ardey aad u firfircoon oo siyaasadda na ku lug leh. Waxa uu hogaaminayay urur lagu magacaabo midowgii ardeyda islaamiga ah, kaas oo gacansaar la lahaa xisbigii weynaa ee Ikhwaanu musliim.

Aasaaskii uruka Xamaas ee dhidibada loo taagay 1988-dii, Haniyah waxa uu ka mid ahaa da’ yarta xisbiga wax ka aasaastay. Xiriiro aad u dhow ayuu la lahaa madaxdii xisbiga oo uu ka mid ahaa Shiikh Axmed Yaasiin. Isla sanadkaas Israa’iil waxa ay xirtay Haniyah iyada oo ku xukuntay xabsi lix bilood ah ka dib qaybgalkii uu ka qaybgalay dhaqdhaqaaq xoriyad doon ah oo looga soo horjeeday gardarrooyinka Israa’iil. Mar kale ayay haddana xirtay, muddo ayuuna ku jirey xabsigaas.


Koonfurta lubnaan ayay geeysay Israa’iil sanadkii 1992-dii asiga iyo dhallinyaro kale oo tiro ahaan lagu qiyaaso 400. Mudane Ismaaciil Falastiin ayuu dib ugu soo noqday sanadkii 1993-dii ka dib heshiis ka dhacay Caasimadda Oslo. Soo noqoshadiisii ka dib, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha (Dean) Jaamacaddii Islaamiga ahayd ee uu markii hore ardeyga ka ahaa. Hoggaamiyenimadii Haniyaha waxa ay xidideysatay markii uu xoghaye u noqday mudane Yaasiin 1997-dii waxa uu na ahaa qof uu aad ugu kalsoonaa

Labadaba waxa ay ka badbaadeen isku day shirqool sanadkii 2003-dii, bilooyin ka dib na waxaa la shirqooley mudane Yaasiin Allaha u naxariisto e. 2006-dii uruka Xamaas waxa uu ka qaybgalay doorashadii Falastiin ka dhacday, Haniyah waxa uu ku jirey listiga dadka u cadcad madaxnimada. Uruka waxa uu ku guuleystay kuraasta ugu badan doorashada, Ismaaciil na waxa uu noqday Ra’iisul wasaare. Bulshada caalamka ee reer galbeedka looga la jeedo waa ay ka falceliyeen doorashadaas, iyaga oo joojiyey dhammaan gargaarkii Falastiin loo diri jirey. Arrintaas xukuumadda curdinka ah, waxa ay ku keentay dhaqaalo xumo.

Maxamuud Cabbaas oo ahaa hoggaamiyaha uruka Fatax, waxa uu kala direy xukuumadii uu mudane Haniyah calanka u hayay. Natiijadii isqabqabsigaas, waxaa ka dhashay maamul ay xamaas horjooge u ahaayeen cirifka Qaza ayay na sal dhigteen.


Sanadkii 2008-dii waxaa madaafiic culculus lagu ridey Israa’iil taas oo markii dambe sababtay in Israa’iil ay sii xoojiso cunno-qabateyntii. Si kastaba ha noqotee hoggaanka cirifka Qaza ayay sii hayeen Xamaas. Xukunkaas na waxaa uu lahaa guulo iyo khasaaro. Ka hadalka guulaha, Xamaas waxa ay Israa’iil ku qasabtay in ay sii deyso maxaabiis Falastiin ah oo gaaraya kun qofood iyaga oo ugu baddeshay askarigii Yahuudiga ahaa ee Gilad Shalit.

2014-kii dagaalkii ay Xamaas la gashay Yahuudda xagjirka ah, dad badan oo reer Falastiin ah waxa ay u arkeen mid guul ah laakiin dagaalkaas waxaa ka dhashay cunno-qabateyn hor leh taas oo qalqal galisey xaaladdii nolosha dadka reer Qaza. Sidoo kale waxaa jirey isku day badan oo heshiis oo la doonayay in lagu xalliyo khilaafka Xamaas iyo ururka Fatax. Mid ka mid ah isku daygaas ee qabsoomay 2014-kii xukuumadii Xamaas xilka waa ay iska casishay si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dadka reer Falastiin. Ismaaciil Haniyah jagadii wasiirnimo waa iska dhigay. Wax walbaba waxa uu ka hormarin jirey danaha shacabka Falastiin sida aad halkan ka dareemi karto.


Is casiliddiisa ka dib, Haniyah waxa uu sii watay hoggaanimmintisiii ururka Xamaas illaa uu baddelay Yaxye Sinwaar 2017-dii. Haniyah waxaa loo doortay si uu u baddelo Khalid Meshaal, waxa uu noqday hoggaamiyaha sare Xamaas ee dhanka siyaasadda. Diseembar 2019-kii, Haniyah waxa uu ka tagay Qaza asiga oo markaas nolol ka sameystay Turkiga iyo Qadar. Qadar na waxa ay ahayd waddanka u fududeeyay Haniyah in uu bannaanka ka taageero ururka Xamaas. Booqoshooyinkiisii taariikhiga ahaa waxaa ka mid ah: ka qaybgalk tacsidii Qaasim Suleymaani kaas oo ka mid ahaa hoggaanka sare ee ciidamadii kacdoonka islaamiga ahaa ee iiraan, kaas oo lagu dilay duqeyn ay fulisey diyaarad mareykan laga leeyahay jannaay 2020-kii. Bishaas ka dib na waxa uu wacay hoggaamiyihii ururka Taalibaan asiga oo ugu hambalyeeyay ka bixistii ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan.


Oktoober 2022-dii, Haniyah waxa uu la kulmay Bishar al-asad, waxa ay ka wada hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga ka dhaxeeya Xamaas iyo Xukuumadda Siiriya. Inta lagu gudo jiro dagaalkan u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin, Haniyah waxaa uu ahaa hoggaamiyaha ugu qaybgalayay Xamaas heshiiskii ay Qadar iyo Masar wadeen. Abril 2024, nta uu soo socday wada hadalkaas, saddex caruurtiisa ka mid ah iyo afar oo uu awoowe u yahay ayaa lagu dilay duqeymo ay geeysatay Yahuudda xagjirka ah. Bishii may, waxa ay maxkamadda caalamiga ah ICJ bixisey amar lagu soo xirayo Hoggaamiyeyaasha Xamaas iyo caruur-dile Netanyuhu.


Saaka oo ay taariikhdu ahayd 31-da Luulyo ayaa lagu dilay Tirhaan, caasimadda Iiraan, isaga oo u tagay ka qaybgaka caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Iiran Mascuud pezeshkian
Waxaa dqunida ka galbaday mid ka mid ah rajadii xorriyad doonka ahayd ee reer Falastiin. Mudanuhu waxa uu naf iyo maalba ugu huray sidii ay dadka reer Falastiin sharaf iyo karaamo ugu noolaan lahaayeen. Quluubta reer Falastiin iyo guud ahaan tan muslimiinta ayuu ku dhex noolaan doonaa Ismaaciil Haniyah, Eebbe ha jannaayo e.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *