W/Q: Cabdifitaax Ashraf
Markii aad maqasho erayga “Saaykoolaji”maxaa durbadiiba maskaxdaada ku soo dhacaya? Aniga ahaan waxa u haystay in uu yahay wax iska male awaal ah oo aan cilmi ahayn, anniga oo sidaa u haysta ayaan maqlay sheeko yar oo ku saabsan qof isaga shakiyay in uu liqay baranbaro kadibna baaritaan caafimaad la marsiiyay loona sheegay in aysan jirin wax uu liqay, kadibna qofkii ku qanci waayay loona geeyay dhakhtar saaykoolajiste ah, dabadeedna uu ku yiri: waa ay kugu jirtaa baranbaro, markaana qofka inta indhaha laga xiray lagu yiri ku matag weel horay loo soo diyaariyay oo baranbaro baqtisay ay ku jirto, intaas kadibna inta indhaha laga furay la dhahay ‘Waa taa baranbaradii aad liqday’ sidaasna ruuxii uu ku caafimaaday. Markaan sheeko maqlay waxa aan u qaatay haddana in uu yahay wax ku dhisan tabo dadka caqligooda lagu siro, ma taas baa cilmi u baahan ayaa isku qanciyay.
Haddaba Kasmanafeedda ma sidaas aan aniga u haystay baa? Mise waa sida aad adiga u haysato? Mise si ka duwan? Sidii ay ahaataba waxa aan isku dayaynaa in aan runta Cilmu nafsiga raadinno una bareerno si aan uga jibbakeenno waxa uu yahay. Marka aan rabno in aan maaddo darasno waxaa habboon in aan dhawr meel ka eegno, meelahaasna waxaa ugu horreeya fahanka magaca maaddada, sooyaalkeeda iyo xayndaabkeeda, sidaa darteed waxaa aan isku dayaynaa in Kasmanafeedda ka eegno dhinacyadaas kala duwan iyo dhankasta oo aan is leenahay fahanka maaddada ayuu fududaynayaa.
Qeexitaanka Saaykoolajiga
Kasma-nafeedda ama cilmi nafisga waxa uu si toos ah u soo shaacbaxay qarnigaa 19aad markaas ayaana loo aqoonsaday in uu yahay cilmi gaar ah oo ka baxsan baayoolajiga, falsadaddana ka madaxbannaan, sidaa darteed wali waa uu da’yar yahay, inkasta oo horumar badan laga gaaray haddana wali kobac ayuu ku jiraa oo qeexitaan nuxurkiisa oo idil soo koobaya in la helaa ma fudada.
Kendra Cherry ah khabiir cilmi nafsiga ah iyo qoraaga buugga ‘The Everything Psychology book’ iyo Saaykoolajiste David Susman oo PhD ka wata kasma-nafeedda oo qodobkaa kore taageeraya ayaa yiri “Waa ay adag tahay in la helo hal qeexitaan oo soo koobaya dhammaan waxyaabaha uu saakoolajiga ku saabsan yahay.”(Kendra Cherry, David Susman, 2020).
Barfasoor G. R. Henriques oo ah saakoolajisti iyo barre sare oo wax ka dhiga jamacadda James Madison ee dalka maraykanka mar uu ka warramayay miliqsanaanta qeexitaanka cilmi nafsiga ayaa yiri”Mawduuc si cad loo qeexay, luuqad la wadaago iyo fahan buuxa oo ku aaddan aasaasiyaadka oo la isla oggol yahay, ayaa ah walxaha sameeya sayniska qaangaarka ah, Fiisikiska iyo Baayoolajiga waa ay qaangaareen, balse saakoolajiga waa weli.”
David Webb oo ah qoraaga dhawr buug oo cilmi nafsiga ku saabsan ahna barre maaddada dhiga, ayaa isagana yiri “Wareerka ku aaddan macnaha ‘kasmo-nafeed’ kaliya ma ahan mid haysta bulshada, markii iigu horraysay oo aan noqdo macalin dhiga maaddadan waxa aan la kulmay arday kol dhaw qalinjabinaysa oo leh si buuxda uma naqaan waxa uu saaykoolaji yahay.”
Haddaba si aan qeexno kasma-nafeedda fahan buuxana aan kaga siinno akhristaha, waxa aan isku dayaynaa in aan kolka hore dib ugu noqonno asalka erayga “psychology”qaabkii uu ku samaysay, waxa la gala jeedo iyo xilligii ugu horreeyay ee si toos ah loo adeegsado iyo cidda adeegsatay.
Intaas kadib waxa aan u soo daadaggaynaa qaababkii kala geddisnaanaa oo ay u qeexeen xeeldheerayaashii ugu horreeyay ee cilmigan, sidaas ayaan ugu soo soconaynaa ilaa aan ka soo gaarno sida maanta loo qeexo ama qeexitaannada ugu caansan. Inta aan hayaankan qeexitaannada ku jirno akhristaha waxa uu wax ka ogaanayaa heerarkii kala duwannaa ee uu saaykoolajiga soo maray, maxaa yeelay qeexitaan walba waxa uu xoogga saarayaa qayb gaar ah amaba xagal u gooni ah ayuu wax ka eegayaa.
Erayga Ingiriisiga ah ee “Psychology asal ahaan waxa uu ka yimid erayada Giriiga ah ee “psyche”oo la macne ah ruux ama naf iyo “logia”oo la mid ah daraasayn ama baaris”
Erayga Psychology waxa uu ka samaysmay isu gaynta labada eray ee Griiriiga ah ee psychē oo la micne ah ‘neef, hannaan nololeed, nolol ama ruux’ iyo Logia oo ka timid erayga kale ee “Logos“oo loo la jeedo ‘Hadal, eray, ama sabab’ ( Merriam-Webster Dictionary.)
Erayga Psychology waxa uu ka abuurmay labo eray oo Giriig ah. Kan koowaad waa “psyche”oo asal ahaan la macne ahaa neef balse mar dambe qaatay macne kale oo ah naf, sababtuna waxa ay tahay in loo haystay in neefsashadu caddayn u tahay in wali naftu jirka ku jirto. Haddana mar kale (qarnigii 17aad) macanha erayga [psyche] waa uu sii ballaartay oo waxa uu yeeshay macnayaal kale oo ay mid yihiin ‘maan’.
Erayga Laatiinka ah ee anima oo u dhigma kan giriigga ah ee psyche ahna erayga laga soo dhiraandhiriyay erayada Ingiriisiga ah ee animal iyo animate, ayaa isagana qaatay macnaha neef, dabadeedna isu sii rogay macnaha maan. Erayga labaad ee Giriirgga ah ee logos asal ahaan waxa uu la mid ahaa ‘eray’ kadib waxa uu qaatay macnaha “doodwadaag”, ugu dambaynna ‘saynis’ ayuu u digarogtay. Haddaba annaga oo tixraacayna asalkiisa Giriigga ah psychology waa “sayniska quseeya maanka”.(Andrew M. Colman)
Saddexda qeexitaan oo kore waxa ay caddaynayaa asal ahaan halka uu ka yimid erayga “psychology”, kan koowaad waxa uu si kooban u soo qaatay macnaha casriga ah ee la isku raacsan yahay, kan labaad halkii waxa uu si fiican u qaadaadhigay sida erayga ku samaysan kolkii hore, waxa uu na bidhaamiyay in eryada Giriirgga ah ay macnyaal kale oo dhawr ah lahaayeen, inaga oo la yaabban labadan qeexitaan ee mid dhan u socda haddana si isugu yara dhaw, ayaa waxaa meesha yimid qeexitaanka saddexaad oo wax kasta si fiican u caddeeyay, waxa uu na noo sheegay in labada hore ay saxan yihiin laakiin uu midba meel xoogga saaray.
Annaga oo ku kaaftoomi karna macnaha hore in aan kuwo kale soo qaaddanno waxa ay ka dhigan tahay in aan rabno in akhriatuhu si fiican u dhuuxo macnaha erayga maaddaama uu yahay iridda laga galayo cilmigan ama dhehba maaddadan. Si fahan buuxo looga helo wax walba waxa ku wacan yihiin in asalkoodii la garto, walibana dhawr xagal laga istaago oo indho quraansho lagu eego.
In aad wax dhexda kala qabsataa waa ay adag tahay, in aan fahantaan ka sii adag, markii ay saynis ama falsadad tahay waa ka daran oo dibi dhal. Sidaas darteed ayaan u doorannay in aan billowgiisa aadno waliba magaca halka uu ka yimid aan sii baarno, si annaga oo wax isla wado oo halkii aan ka soconna iyo meesha aan ku soconno isla yaqaan aan si toos ah ugu galno nuxurka maaddadan saaykoolajiga.
Haddaba waxa aan isla soo garannay in erayga “psychology” asal uu ka mid samaysnaa labo eray giriig ah macanhooduna yahay ‘naf ama maan’ iyo ‘saynis ama barasho’.
Halkaas annaga oo ka sii ambaqaadayna waxaa inoo furan in magaca soomaaliyaysanno sida carabtuba u carabaysteen oo”علم النفس “u dhaheen. Maaddaama psyche uu naf la macne yahay logia na barahso ama kasmo la macno tahay, waxa aan leenahay “KASMA-NAFEED“.
Magacan ma ahan mid aan aniga samaynayo waa mid jira oo dad badani adeegsadaan, iyaga ayaana ka bartay, kaliya waxa aan sameeyay in aan muujiyo sida ay isku waafaqayaan asalka erayga “psychology”iyo kan soomaaliyaysan ee “Kasmanafeed”.
Wundt oo ah aabbaha kasma-nafeedda waxa uu ku qeexay in ay tahay “sayniska quseeya dhacdooyinka miyir duleedka(conscious experiences. Si fudud waxa uu ku qeexay in saakoolajiga uu yahay sayniska daraaseeya waxyaabaha gudaha qofka ka dhex dhaca.
Wiilyan Jeemis oo ahaa odayada cilmi-nafsiga casiriga ah waxa uu ku qeexay:”Saakoolajiga waa cilmiga barashada shaacsanayaasha dhimirka iyo xaaladihiisa” isaga oo sii sharraxaya waxa uu shaacsanayaal kaga jeedo ayuu yiri “Waa waxyaabaha aan ugu yeerno: dareennada, rabitaannada, garashada, sababaynta iwm.” Kala duwannaanta iyo isku xirnaanta waxyaabahaanna waxa uu Jeemis ku tilmaamay arrin wareer ku ridaysa qofkii u fiirsada. Sidoo kale B.F. Skinner waxa uu Kasmanafeedda ku sheegay in ay tahay “sayniska daraaseeya habdhaqanka iyo waayo-aragnimada.”
“Saaykoolajiga waa daraasaynta habdhaqanka aadanaha iyo xiriiradooda.” Crow
William Mc Dougall waxa uu saakoolajiga ku qeeexay in uu yahay “Saynis hiigsanaya in uu fahan ballaaran naga siiyo xakamaynta habdhaqanka noolayaasha si guud.” Kurt Koffka ayaa isagana leh “Saaykoolajiga waa daraasayn cilmiyeed la xiriirta habdhaqanka uunka iyo sida ay ula falgalaan dunida ka baxsan.” Si la mid ah R. S. Woodworth waxa uu kasmo-nafeedda ku qeexay in ay tahay “Sayniska quseeya falalka qofka.”
Maadaama ay jiraan waxaas oo qeexitaanno ah, waxaa na la gudboon in aan qaadanno kan ugu saamaynta badan ama loo badan yahay, waana kan ay soo saareen isutagga kasmanafeedda ee Maraykanka.(American psychological association). “Saakoolajiga waa daraasaynta miyirka iyo habdhaqanka.”(APA, 2022).
Haddaba aan isku dayno in aan mid mid u dul istaagno saddexda eray ee qeeixtaanka ugu muhiimsan si uu mincnahiisu nooga dhaadhaco si buuxda.
Erayga koowaad waa “Daraasayn”ama “Daraasad”hadaba waa maxay daraasad?
Qaamuuska jaamacadda Cambridge waxa uu ku qeexayaa daraasaddu “in ay tahay baaritaan buuxa oo lagu sameeyo mawduuc ama maaddo si xog cusub looga helo”.(Cambridge University Press, 2022).
Qaamuska af Soomaaliga ah Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur wada diyaariyeen waxa uu isagana daraasadda ku qeexayaa:“Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. ld daraasad, diraaso.”
Erayga xigo waa ‘Miyir’ qaamuuska Cambridge waxa uu ku qeexayaa miyirka “in uu yahay qaybta qofka u suurogalisa in uu fekero, wax dareemo waxna fahmo.”(Cambridge University Press, 2022). “Miyrka waa kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto”(Annarita Puglielli iyo Barefasoor Cabdalla Cumar Mansuur, 2012).
Erayga ugu dambeeya waa ‘Habdhaqan’. “Habdhaqanku waa qaab uu qofku u dhaqmo”(Cambridge University Press, 2022). Qaamuusk APA waxa uu habdhaqanka ku qeexayaa in uu yahay hawlqabadka ay noolayaasha kaga jawaabaan nashaadyada (Stimuli) dibbadeed iyo kuwo gudeed oo ay ka mid yihiin kuwo sida banyaalka ah loo arki karo iyo qaar kalyaal ah oo qaab isku-kuurgalid ah uun lagu ogaan karo, iyo hanaannada baraadli’ida.(APA, 2022).
Isku darka saddexda eray waxa ay noo caddaynayaan in Saaykoolajiga uu yahay baaridda, daraasaynta iyo ka gungaaridda waxyaabaha la xirirra fekerka, dareenka iyo habdhaqanka qofka.
Cilmu-nafsiga waxa uu dareeseeyaa dabeecadda aadanaha, dareennadooda, habdhaqankooda, hab-fekerkooda, garaadkooda, garashadooda iwm. Qofka ma ogaan karo mana qeexi karo nuuca uu yahay ama is ma aqoosan karo ilaa laga helayo cid ay isku sinji yihiin oo loo barbardhigo, is bar-bardhigga ayaa keena kala duwanaanta dabeecadda, si taa loo gaaro ayuu saakoolajiga is ku dayaa in uu si cilmi ah u baaro dabeecadda iyo habdhaqanka dadka.
Marka si guud loo daraaseeyo bulshada iyo deegaanka uu qofka ku nool yahay, waxaa uu ruuxa si fudud u ogaan karaa qofka uu yahay, dabeecaddiisa iyo waxa dadka kale uu kaga duwan yahay.
Kolkii uu qofka ogaado jaadka shakhsiyaddiisa, ahaanshihiisa iyo aqoonsigiisa waxaa fududaanayo in uu garto waxa uu ku fiican yahay iyo waxa uu ku liito, habdhaqanka habboon in uu qaato ayaa uu dhaw yahay markaa, maaddaama uu ogaaday ciladaha haysta.
Saakoolajiga waxa uu si adag u baaraa habdhaqanka qofka; waxa keena in uu marba si u dhaqmo, ama sababta uusan ula dhaqmi karin dadka qaarkood. Dabadeena waxa uu soo saaraa in waxan ay yihiin wax abuurta ruuxa ka mid ah ama wax ay keeneen dhaqammada dadka ku hareeraysan, kolkii taa la gartna si fudud ayaa loo la tacaali karaa.
Kasmo-nafeedda waxa ay qofka dhex gaysaa gudhiisa iyo waxa ka dhex guuxaya, waxa ay kuu sheegaysaa sababta aad u culaabsan tahay, la caroonayso ama uu cadaadiska gudeed kuu haysto.
Kasmo-nafeedda waa daaqad ku tusaysa waxa gudahaaga ku jira, ilaa xadna isku dayaysa in ay xal hehso dhibaatooyinka nafeed ee ku haysta.
Saaykoolajiga waxa uu awood inoo siinayaa in aan wax badan ka baranno carinnada kala duwan ee dadka la soo dersa, waxa uu noo caddaynayaa falalka qofka ka soo fulaya iyo carinnada xiririka ka dhexeeya, sababta uu qofka wax gaar ah ugu baahan yahay, sababta uu wax gaar ah u neceb yahay iwm. Saaykoolajiga waxa uu qayb ka yahay waxa uu qayb muhiim ah ka yahay nolosha casriga ah, majaal walbana saamayn ayaa ku leeyahay ha ahaato mid caafimaad, dhaqaale, deegaan iyo siayaasadba.
Kasmanafeedda waa u muhiim nolosheenna maalinlaha ah iyo dhacdooyinka aan la kulanno, badqadbka maskaxda qofka ayay diiradda saartaa. Bulsho ahaan waa majaal aan ugu baahi qabno siiba qaybaha la talinta iyo dawaynta cudurrada dhimirka, Bulshadeenna s dhimir ahaan taam ma ahan ayaa la dhihi karaa maxaa yeelay dalkeenna waxaa ka jira wax walba oo qulub, walbahaar iyo dhibaata kasta oo saaykoolajiyeed keeni kara sida colaadda, faqriga, tacaddiga, qarracanka, quusta iwm.

Mnchllh
Runtii aad baan uguraaxaystay sida tafa tiran ee aad inoogu qeexday huuno aad baad umahadsantahay.