Haddii aan dhanka kale u tallaabo! ماذا لو عبرت نحو الضفة الأخرى
W/Q: Ascad Taaha
Turjumid: Cabdiraxmaan Caqiil
(1)
Inta aynu dunida joogno waxaa caadi ah in dad badan aan dhib kala kulanno ama xaalladeenna ay sii cakiraan, waxaa inta badan dhacda in dad inoo dhow ay naga ilaaliyaan dhibaatada taagan, wixii welwel ahna ay nala qaybsadaan, balse ka warran dhibaatada nolosha haddii ay kaaga timaado qofkii loo baahnaa in uu ku ilaaliyo wixii dhib ahna uu kaa dhowro, kolkaa arrinku intaa wuu ka yara cuslaanayaa, sheekadan ayaa tusaale noogu filan.
(2)
Sheekadeenna waxa ay ka bilaabanaysaa tuulo dadkeedu sabool ah oo ku taalla dalka Gaana, waa wadnaha Afrika waana goob uu faro kulul ku hayo faqriga, gaajaduna ay ku meeraysanayso guryaha iyo reeraha deggan, waxaa reerahaas kamid ahaa qoys 12 caruur ah ilaahey siiyay, nasiib darrose mid iyaga kamid ah ma uusan aqoon halka loo maro dugsiga iyo sida wax loo akhriyo loona qoro.
Geesiga sheekadeenna waa wiilka u yar reerka oo isagu qisadiisa ka duwantahay caruurta kale ee uu la dhashay. Isaga oo lix jir ah ayuu aabbihii keenay goob ay caruurtu ka shaqeeyaan, wuxuuse ahaa wiilkii ugu ayaanta darnaa dhammaan wiilashii la dhashay, walaaladiisa markii ay yara weynaadeenba waa ay ka baxsadeen aabbahooda, wuxuuna mid kasta bilaabay in uu iskii u shaqaysto.
(3)
James waa ninka aynu u soconno qisadiisa, isaga iyo koox kale oo caruur ah waxaa loo diray in ay soo jilaabtaan kalluunka, wuxuuna halkaa ka ogaanayaa in sheekadu aanay ahayn shaqo oo kaliya, se arrinku yahay shaqo lagu khasbayo oo xoog ah.
Shan caruur ah oo uu isagu lix ugu ahaa ayaa shaqada ay galaan 3da aroortii waxa ay ka baxaan 8 da fiidnimo, maalintii hal mar ayay cunno afka saaraan, cid caafimaadkooda ka fekeraysa iska daayee kii naftu qabato halkaas ayuu ku qurbaxayey, intii uu shaqadaas ku jiray James waxa uu goob joog u ahaa dhimashada saddex kamid ah saaxibadiisa.
Hooyadii oo tuuladii ku maqan ayaa laabteeda waxaa buuxiyay hilow iyo xiise ay u qabto wiilkeeda, waxayna safar u galaysaa in ay booqato halka uu ka shaqeeyo, nasiib xumo waxaa lagu dadaalay in aanay kulmin hooyadaa iyo wiilkeeda, halkaas ayay ka ruqaansanaysaa iyadoo illintu ka dareerayso, aabbihii waa uu ka duwanyahay hooyada, isagu waxa uu si joogto ah u iman jiray goobta, kaliya in uu qaato lacagta lagu heshiiyay ee uu wiilkiisu ku shaqeeyo, marna kama fekero in uu la kulmo wiilkiisa, in uu niyadda u dejiyo marna kama fekerin.
(4)
Marka aad ku sugantahay xaalad cakiran, yididiiladaada ugu weyn waa in aad ka badbaado dhibaatada, waxaad kaloo ku hammisaa in aad baddalkeeda hesho wixii ku gaaray, waxaad ku riyootaa adigoo godka halka ugu hoosaysa ku jira in aad sare u booddo sidaasna aad dhibaatada kaga baxdo.
Xilli subax ah ayay ahayd iyadoo James uu shaqadii ku jiro ayaa waxa uu maqlay luuqad ka duwan tii Caadiga ahayd oo nin ku hadlaya, aad ayuu u la yaabay, waxa uu weydiiyay waxa ay tahay luuqaddan, waxaana loo sheegayaa in Ingiriisi la yiraahdo, dunidana meelo badan lagaga hadlo, saacado badan ayay maskaxdiisu wax iska weydiinaysay sidii uu ku baran lahaa, wuxuuna markii ugu horraysay ka fekeray in uu baxsado si uu fursad ugu helo barashada cilmiga iyo aqoonta.
Waa wiil yar oo xamaasaddii ka tanbadisaye, waxa uu iska indhatiray wixii caqabad ku noqon lahaa oo dhan, waxa uu soo uruursaday wixii agab ah oo uu lahaa, wuxuuna iska qariyay indhaha dadka si uu u la eegto waqtiga ugu habboon oo uu carari lahaa, balse isaga oo aan meel fog gaarin ayaa gacanta lagu dhigay wixii garaacis iyo jirdil loo hayeyna waa lagu miisay, James dhowr goor oo dambe ayuu isku dayayaa in uu baxsado mar kasta oo uu fursad u arko fakashada, balse arrinkiisa oo idil fashil ayuu ku dhammaaday, ciqaab adagna waa la marsiiyay, balse yaa yiri Riyooyinka sidan fudud ayay ku burburaan?
(5)
Waligaa ma suuraysatay in badbaadadaadu ay ku xirantahay geerida qof, in aad geeska kale ka tallowdo ay kaaga xirantahay dhimashada qofkii nolosha kugu ciqaabi jiray? James oo haatan da’da 13 aad madaxa la sii galaya walina u hammuun qaba in uu mar uun cagaha wax ka dayo ayaa loo sheegay war aad uga farxiyay oo sheegaya geerida ninkii maamulayey goobtii isaga iyo caruur kale lagu addoonsan jiray sannado badan, waxaana loo sheegay in dhammaantood ay ka qaybgalayaan janaasada odaygaas, James ayaana qayb ka ahaa dadkii lagu amray in ay yimaadaan janaasadda.
Ninku dhowr jeer ayuu fursad gaadayey, ugu dambayntiina fikrad ayaa ku soo dhacday oo ahayd in uu ka faa’idaysto buuqa iyo ciriiriga ay dadkii tacsida mashquulka ku ahaayeen, wuxuu isku tuuray baskii ugu horreeyay ee halkaa soo mara.
Waxa uu cagta la helay gurigii qoyskiisa ee yaraantiisa sida khasabka ahayd looga soo saaray, isagoo lagu khasbay nolol uusan marna filayn, kolkii la arkay baa afka gacanta la Wada saartay yaab dartii, waxaase kasii yaab badnaa in James oo xilligaas ahaa nin aan wax qorin waxna akhrin uu go’aansaday in uu ku biiro dugsiga xaafaddiisa, dadkii meesha joogay baa ka xarraabaystay, “ war Jaymisow miyaad soo waalatay”?.
(6)
Qoyskii saboolka ahaa ayaa arrintii ku kala qaybsamay, hooyadii ayaa aad u la dhacsan go’aanka aan ka soo noqodka lahayn ee wiilkeedu gaaray, halka odaygii reerka uu caro ba’an ka muujiyay arrinkaa, qoyskii ayaa isku khilaafay sida laga yeelayo arrinta James, waxayna sheekadu ku dhammaatay in aabbaha reerka iyo hooyada ay halkaa ku kala tagaan, dad intaas oo sanno Wada joogay baa sidan fudud ku kala tagaya cidina isma lahayn.
James oo ay ka go’antahay in uu ka dhabeeyo go’aankiisa ayaa xooggiisa isugu geeyay sidii uu wax ku baran lahaa, isagu ma yaqaano wax akhrin iyo qoridba, lacag uu wax ku bartana ha sheegin, wuxuu ka shaqo bilaabay dugsigii si uu uga barto akhris iyo qoraal.
Sannado ayaa kasoo wareegatay kolkii uu James waxbarashada bilaabay, waxaad moodaa nin buuro qodaya oo kaligii dagaal ku jira, waxa uu ku dhexjiray saaxiibadii oo uu wax la baran jiray, isaga ayaa ahaa ninkii u hooseeyay meesha, saboolnimo iyo aqoon yari ayuu isku darsaday, balse inyar kaddib waa uu ka saramarayaa dhammaantood ilaa uu meel iska saaray luuqadda ingiriisiga.
(7)
Waxa uu intaa kaddib ku biiray jaamacad, waxa uuna qayb ka ahaa ardadii ugu dhibca sarraysay jaamacadda, waxaana laga shaqaaleysiiyay mid kamid ah bangiyada ingiriisku maamulo ee ku yaalla caasimadda Gaana. Waa markiisiiye, dunidii baa u dhoolacaddaysay ugu dambayn, waxa uu u tallaabay dhankii kale, balse u gudbiddiisa ma aysan ahayn tallaabadii u dambaysay ee uu qaado.
Waa nin karti leh oo danaynaya in uu dadka kale wax la qabto, waxa uu xil iska saaray in uu ka shaqeeyo badbaadinta ubadka si aysan u marin wixii uu isagu soo maray, waxa uu ku dadaalay in uu dhiso buundo ay dadka kale kaga soo tallaabaan dhanka kale.
James waxa uu aasaasay hay’ad ka shaqaysa waxbaridda caruurta iyo ka ilaalinta khasab ku shaqaaleysiinta, waxay hay’addiisu ku guuleysatay in Caruur badan oo qoysas sabool ah ka dhashay ay helaan fursado waxbarasho, qaar badan oo kamid ahna waxa uu kasoo badbaadiyay goobaha caruurta xoogga lagu shaqaaleysiiyo. Guulo badan oo la taaban karo ayay gaartay hay’addiisa, waxa ayna ku guuleysatay abaalmarinno siddeed gaaraya oo hay’addiisu ku mutaysatay waxbaridda ubadka iyo ilaalintooda.
Bal adiguna … Dhanka kale wali ma u tallaabtay?

Maya wali uma tilaabin dhanka kale lkn dhawaan waan rajeynayaa
Dhanka kale waan utalaabay sheekadayduna waxa ay ka bilabanaysa.
Waxbarashadaydii oo dhan marka laga reebo jaamacada wax aan ku soo dhigtay luuqada carabiga goaanka wax uu ka iimaday aabay markii aan dugsiga sare dhameeyay Ayaan aabay ka codsaday uu ii raadiyo jaamacad ku taala dalalka carabta madama aan carabi wax ku soo bartay jaamacad daha dalkan dhamaan luuqad ingiriiska wax lagu dhigto lakiin aabay wuu ii awoodi wayay wuxuna igu yiri hada jaamacad rabtid kuwa dalka dhigto hada rabtidna iska daa
Lakiin aniga go’aan ban gaaray in aan sanadka jaamacad ka harin wax walba ha igu noqotee jaamacadii Ayaan iska qoray wax aan bilaabay barshada luuqada ingiriiska bilowgii wax wlba way igu adkayeen lakiin dadaal badan dabar adayg iyo samir badan kadib wax aan ka baxay mid ka mid ah jaamacadaha dalka wax aan bartay kuliyadii aan ku riyoon jiray ilahay ayaa ii gartay oo dadaalkayga arkayay iyo wax laabtayda ka wax ku jira allah mad leh
Lakiin aabay kama helin dhiirigelin wuxuna Mar wlba igu dhihi jiray ma adiga jaamacad dhameeyn Kara lakiin wax aan balan oga qaaday aabahay in aan shahaadayda u keeno lakiin nasiib daro aabahay wax uu dhintay sanadkii ugu danbeyay ee aan jaamacad waxan jecla in uu aabay arko aniga oo riyadayda gaaray lakiin ilaahay ma qorin
Masha Allah.