
Gorfeyn iyo guudmar dhiganaha ‘Looma’ooyaan’
W/Q: Maxamed Diiriye
Faanon waxa uu ku dhashay dal waynaha Aljeeriya ee dhaca waqooyiga qaarada madow ee Afrika gugii 1925-tii. Waxa uu soo noqday isaga oo mar qura ah dhaqtar dhimir, aqoonyahan nafeed, indheergarad bulsheed oo caalami ah iyo halgamaa gobanima doon ah.
Dabshidkii 1961-dii ayuu soo gudbiyay dhiganahaan loogu magacdaray “Looma’ooyaan” oo xanbaarsan micna gooni ah, kaas oo na baraya sida looga fekero dunida saddexaad iyo doogta uu kaga tagay gumaystaha ka soo duulay Yurub.
Sannadkii uu dhammaystiray lana dhigay dabacaadda, waxa uu u baxay dhakhtar oo uu kaga habsaamay hawla badan oo ay ugu horreysay qabyatirka buuggaan, nasiibdarro se waxaa loo sheegay inaan waxba laga qaban karin, sidaa ayuuna 61-dii ugu geeriyooday cudarka Luukemiyada, asagoon meel ku ogaan halgankii dheeraa ee uu u soo dhib-mutay.
Buugiisaan waxaa lagu tiriyaa in loo rogay dhawr luuqadood sida English, Carabi, Soomaali iyo Faransiis oo markii hore qoraagu ku qoray. Fanoon waxa uu leeyahay “Cunfiga waxa uu lagamammaarmaan u yahay socodsiinta kacdoonka xoraynta” cutubkaan uu qoraagu kaga warramayo “Cunfiga” waa kan ugu ballaaran buugga.
Cunfiga ama gacan kahadalku waa natiijo ka dhalata dulmiga ee ma aha abuur ay dadka dulmani u dhasheen. Mar hadii nooluhu ama insaanka xoriyadda, waayo waxaa maankiisa ka guuxda geeri iyo noolal midee door kuu ah? Ma xaq baad ku dulmantahay mise xaqdaro? Dhiidhis cunfi wehliyo haduusan imaan ma ahaan kartid insaanka aad isu haysto.
Siduu abwaan Dhoodaanba ku maansooday “Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato, maaweelis weeyaan hadday mid u dhexaysaaye”
Haddaad xaqiiqada ka meer-meerto muujisana nugeyl uu wehliyo catow waxaad galaysaa qaybta uu lahaa Dr Martin luther. Meelaha ka dhahdhaha “Waan riyoonayaa” dhiganaha Fanoon micnaha la gala soo baxayaa ma ahan in had iyo jeer burka iyo baaruudda la la derisnoqdo ee marlayba haday isu kaa qabtaan gobannimo iyo gunnimo geeri ayaa dhaanta gunimada ayaa uu ku bayaaminayaa; Waayo marka uu qofku dhinto si sahlan buu uga baxayaa saaxada jiraalka oo ahaanshiyahiisii wuu la galbanayaa, laakiin isaga oo soo taagan in la gumeeyaa waa u laba geeriyood.
Qodabka cunfiga labeeya ee qoraago si weyn u faaqidayo waa xiriirka inaga iyo iyaga, inaga reer bariga ah iyo iyaga reer galbeedka ah, inaga Afrikaanka ah iyo iyaga Yurubiyaanka ah, inaga madowga ah iyo iyaga cadaanka ah, inaga la gumeeystayaasha ah iyo iyaga gumaystayaasha ah, xiriirkaas ma ahan mid caaddifadeed oo jecayl iyo nacayb quseeya sida Fanoon ina tusaya ee waa mid doodeed.
Hadii aragtidiisa naga dhaadhacdo waxaan qabaa in aan ka raysanaynno in aan yurub iyo galbeedka dhamaan ku eegno indha yaqanaa un xumaan iyo samaan. Waxaa meesha ka baxaysa in aan shar yuurarta ku tilmaano, annagana isu aragno khayr fadhiya. Hadii sidaa dhacdo waxaa inaga suulaysa inaan isu dulayno. Hadaba waxaa la is weydiin karaa madaamaa iminka laga baxay gumaysigii, sideebay fakradaha Fanoon noo qusyn karaan? Dood weyn baa ka tagaan?
Horta gumaysigii ma laga baxay? Dr Xuseen Bulxan oo darsay Fanoon in badan waxa uu qabaa “In gumaysigii dhulka isugu biyashubtay mid ahaanshiyaha abaaraya” Haddaan eegno dhiganaha Fanoon ma ahan mid ku dabran Taariikhda. Si kale hadaan nirahno doogtii iyo dibandaabyadii gumaystuhu weli waa ka sii jiraan dalalkii xoroobay lixdamaadkii.
Badi wadamadaas waxaa ka dhex holcaya dagaallo sokeeya oo dibindaabyo iyo saamayno culus kaga tagay mawaadiniintooda.
Tusaale: Soomaaliya markay xorowday lixdankii indheeegaradkeeduna ku qanci waayay wixii loo dhoodhoobay waa tuu lahaa Qaasim “Danbi ku hadli maayee ma helin dawladaan rabay” Aadan carab asaga dhankiisa waa kan isu weydiiyay hab caqliga si qota dheer u niqaashtay asagoo leh “Bal ha ii muuqatee maxaa maradi loo qaatay”
Dawladdaas Soomaalida loo sheegay waxaa gacanta ka bixiyay askartii oo galalaati ka riday. Dhibkii ka dhacay 1991-dii; waxaa la sheegaa baaris la sameeyay 2010-kii in hay’ada cafimaadka aduunka ku tilmaantay in dadka Soomaaliyeed saddexdii qofba mid la xanuunsanyo xanuunka dhimirka.
Qoraagu wuxuu xoojinayaa aragtida gacan ka hadalka ah, sababtoo ah dublamaasiyad wax laguma dhamayn karo, kolka la kala xoog badanyahay, qadarinta insaaniyadana ay meesha ka marantahay. Wuxuuna leeyahay qoraagu:
“Moowqifyada keeblayuurarnimada ah iyo isku dhaca cunfiga ah, ee lagumeeystaha iyo gumeeystaha dhexmara, wuxuu ebyaa qaabdhismeed banaanka u soo saara shaqsiyada la-gumeeystaha.”
Markii Jarmalku qabsaday Faransiiska shacabku insaan buu sii ahaa, markii Faransiiska qabsaday, Jarmalkana, shacabka insaan buu ahaa, laakiin markii Afrika(Aljeeriya) la qabsaday xaalka sidaa wuu ka duwanaa, oo abaartu waxeey noqotay in dhulka la qabsado si loo baarto khayraadka dihan ee dabiiciga ah.
Hadii gacan sareeyntu kaa meerto mararar door ah, ood libtu is waydaarataan, waxaa dhaca ducfi maskaxeed, xanuuno ayaana soo wajahma cisbitaalka ayaadna la daris noqotaa.
Bal kawaran haddii sanado iyo guyaal dhan lagu gumaysto, oo lagu duudsiiyo xuquuqdii Jiraaleed ee aad mudnsyd?! Dabcan Soomaalidu waxay ku hal qabsanjirtay ” Waraabe daalay, dirirtiisaa loo dhacaa”, Maanku wuxuu ku siinayaa inaad xoojiso aragtida, gacan kahadalka ah ee Fanoon.
Waxaan ku soo afmeerayaa isu ekaysiin yar, oo xiligii gumaysiga haystay qeyba badan oo Soomaaliya kamid ah, sida xeebaha Jabuuti, Soomaali galbeed iyo NFD, dareen ay abwaaniintii indheergaradka ahaa ku cabireen aragtidooda, dadka qaarna u fasirteen in lagulala hadlayo Faransiiskii Jabuuti haystay Waa “Siinleeye” qeyb kamid ah isweeydaarsigii silsilada wuxuu kuleeyahay:
WEEYDAAR
Sanadahaan aduunyada,
Weey seeyma badatoo,
Siinaay xogteediyo,
sanqaraha fiidnaam,
waxa dhiig sun-sumayee iyo
Waxa muraqa seedaha,
Xabaduhu u saafeen,
Ninka suurka tumayoow,
Ma waxaan ku solin baa?
Dhaaxaan samaraayoo
Sirta dhaadi weeydaye
Nabsi meerta sugayaa
Soddan guuradiisii
Saaka loo wanqalayaa,
waa sahayda aadmigu
Sama kugu qadiriyaa
ma hadaa sawaxankiyo
Waan soo socdaa kow
saxarlaay ha fududaan
Cidi kuugu sacabtumi?
Hadaan saami kaa maqan
seeftaadu kuu gooyn
ma baryaa rag kaa siin
geelaaga soo lumay?
Hadraawina wuxuu maansadii Sirta Nolasha ku leeyahay:
Bulsha saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay
Samir inay xigtaan ma ahan
Surka inay dhigtaan ma aha
Sas inay didaan ma aha
Inay kala saftaan ma aha.
