Galbasho!
Waxaa qoray: Sigmund Frued
Vienna, November 1915
W/T: M. M. Jaamac
Sigmund Frued (1856-1939) oo loo tixgaliyo inuu yahay aabbaha saykoolojiga casriga ah, maqaalkiisan “On Transcience” waxa uu qoray kolkii uu jiray da’da lixdanaad, waa intii uu socday dagaalkii koowaad ee adduunku, xilligaas oo ay labadiisa wiil qayb ka ahaayeen dagaalka. Maqaalkan aadka u kooban Freud waxa uu ka duulayaa maahmaahda ah “wixii wanaagsan ma waaraan,” waxa uuna ku doodayaa in wanaaggaas—iyo quruxdaasi—ay ka muhiimsanyihiin waaritaanka shayga ama qofka aynu majeerannay — sidaas awgeed galbashadu (“suulitaanku”) waa waxa shaygaas nahda u yeelaya ee qiimihiisu ku fadhiyo, sida Frued qabo.
***
Waqti haatan muddo laga joogo waxa aan la rafiiqay asxaabtayda laba kamid ah oo aannu wada mushaaxaynay quruxda dabiicadda, midkood waxa uu ahaa nin aad u afgaaban, ka kalena gabyaa caan ah oo magaciisa iyo da’diisu kala waynyihiin ayuu ahaa¹. Gabyaagu aad ayuu ula ashqaraarsanaa ilwaadka abuurta ee cajiibka ah, balse kashiisa haba-yaraatee taasi ma aanay farxad gelinayn, oo waxa maankiisa cuslaysay fikradda ah; in quruxdan shaammareerka ahi idilkeed ay ku xukumantahay dabargo’ ayna suulidoonto kolka diraacda la gaadho. Sidaas si lamid ahna qurux kasta oo uu aadamuhu falkiyey—horrayso iyo dambaysaba—iyo waxkasta oo loo bogo ay tabtaas oo kale u galbandoonaan. Waxa ay u muuqatay, shay kasta oo uu ku taami jiray mar, uuna u bogi jiray in uu la qiima beelay; shaygaasi in uu galbandoono darteed, qaddarka awgiina uu u deedafeeyey.
Waxa aynnu ognahay in dhiillada quusta ah—ee quruxda nolosha iyo dhammaystirkeedaba waaritaanla’aanta ku diiddan—ay ku salaysantahay laba indibaac oo duuneed: qodobka koowaad waxa aynu ka dheehankaraynaa walaaca iyo quusta daran ee gabyaaga da’da yar, midda labaadna waa diidmada cagsiga ah ee lagaga gaashaanto xaqiiqadaas biyo-kama-dhibcaanka ah, sida halkudhegga leh: “ma dhici karto, oo suuregal ma aha in quruxda dabiicadda, midda fanka — adduun araggeena gudeed iyo midka maaddiga ah ee dibadeeed—intuba in ay ku idlaan doonaan dululaati madhan. In sidan loo fekero qaabdarro iyo macnala’aan uun ayaa laga dhaxlaa, maxaa yeelay waxaa lagu khasbanyahay kolkaas si walba ha ahaatee in jidloo helo quruxdaasi ay ku badbaadayso si ay weligeed u sii jirto ugana baaqsato saamaynkasta oo tirtiri karta!
Hagaag, doonista iyo jeelka loo qabo waaritaanku waa natiijo ka dhalatay yididiilooyin iyo baahiyo inoo gaar ah oo aynu ku andacoonno inay run yihiin, ayaandarradu se waa inaysan xaqiiqo ahayn. Si kastaba ha ahaatee way igu adkayd inaan deedafeeyo galbashada guud ee uunku ku xukumanyahay, sida oo kale iskuma lurin inaan u qiildayo waaritaanka quruxda iyo waxkasta oo dhammaystiran. Balse haddana sidaas ay tahay waan ka biyodiiday aragtida quusta ah ee gabyaaga — ee waaritaanla’aanta quruxda qiimala’aanta u aqoonsan. Cagsiga ayaanna qabaa; in ay middaasi tahay waxa qiimaha u yeelayaba. Milgaha ay galbashadu leeyahay waxa uu ku duuganyahay waqtiga kooban, waayo shayga waxa nuxurka u yeelayaaba waa xaddidnaanta waqtiga uu jirayo; markasta oo ay adagtahay farakuhayntiisa iyo in lagu raaxaystaana waa markasta oo qiimihiisu widhiidh sii noqonayo. Waxa se aanan ilaa hadda fahmin sababta ay fikradda ah—in shayga quruxda badan uu leeyahay cimri uu galbandoono—ay meesha uga saarto inaynu ku raaxaysanno shaygaas! Bilmetel quruxda dabiicaddu dib ayey usoo fuftaa sannadkasta, ugana soo kabataa gubadkii diraacda, meertadan—[burburka iyo dhismaha isugu dhafan]—oo kale ayeynu dhihi karnaa waa abadi marka loo eego cimriga aadamaha.
Waxa aynu aragnaa in quruxda guud ee aadama—midda jidheed iyo midda foolkuba—ay si kama dambays ah u qayirmi doonaan, una qarsoomi doonaan inta uu noolyahay qofku, haddana sidaas ay tahay cimrigaa gaaban ee ay jirayso quruxdaasi ayaa nah u yeelaya ayna qurux ku tahay. Kaba soo qaad haddii uu jiro ubax hal habeen oo qudha biqlay oo dhegaha furay muddadaa kooban ee uu jirayo ma aha in lagu illaawo quruxdiisa iyo ildoogsigiisaba. Waxaa taas lamid oo aan fahmi waayey sababta quruxda iyo foolaadnimada waxqabadyada faneed iyo kuwa feker loogu qiime-tiro xadidnaanta waqtiga ay jirayaan. Waxa dhici doonta waqti ay sawirrada iyo taallooyinka aynu muunayno ay baabi’idoonaan, ama dheh waxa kacaami doona fac dambe oo aan xambaari karin murtida gabyaaga maanta nool iyo afkaarta indheergaradka xilligan, ama se waxaba dhici karta in sabanka dhuleed “Geological Epoch” uu isbadallo taasoo arlada waxa kor saaran duugi karta. Hagaag kolkaa, qiimaha quruxda iyo dhammaystirnaanta waxa jaangooya ayna ku xidhantahay waa caalamkeenna gudeed—ama dareenkeenna xisiga ah, muhiimna aha inay baaqi sii ahaato iyo in kale, waayo quruxda ahmiyaddeedu waa ay ka madaxbannaan tahay cimrigeeda kooban.
Inkasta oo aan ku qancay dooddan inaan muran ka taagnaynna u arkay, haddana waxa aan ogaaday in aysan wax raad ah haba yaraatee ku yeelan asxaabtayda—waa abwaankii dhallinyarada ahaa iyo jaalkaygii xidhxidhnaa. Fashilka dedaalkaygu waxa uu ii horseedday—inaan baadho halka sartu ka qudhunsantahay—inay jirto xaalad caadifadeed oo mugdi galisay inay si qumman wax uga falceliyaan ayaanna ubbadiyey. Ugu dambayn waxa ay ila noqotay inaan ka salgaadhay eelkooda jeerkaas oo aan ku tibaaxay inuu yahay; u tooghaynta murugada [timaaddada] oo u dacaraysay—jaallayashaydu—inay ku raaxaystaan quruxda [taaganta]. Fikradda ah in shayga quruxda badan ee ay ka heleen uu san waarayn oo xilli uun galbandoono ayaa labadan nin maankooda caaddifadaysan ka saayid-calaysay, una horseedday saadaal murugo ah oo ay kaga fekerayaan gebegebada shaygaas—[iyo doorsoonka ku dhici doona aayaha]. Sida aynu ognahayna naftu waxa ay si qariisi ah isaga caabbisaa wax kasta oo ay ku-dhibmudanayso, tabtaas oo kale ayey iyaguna ku raaxaysiga shayga quruxda badan ugaga saahideen fekerka ah sida uu ku dambayndoono shaygaasi; oo ah galbashada.
***
Tiiraanyada aynu kaga falcelinno kolka aynu seegno shay aynu ku hanwaynayn waxa ay ula muuqataa qofka caadiga ah arrin dhalan ah oo aan fasir u baahnayn, balse Saykoolojiisku murugada waxa uu u arkaa mid kamid ah halxidhaalayaasha ugu culus; ama shaacsane uu san qofna qof kale si dhab ah ugu qeexi karin; kalliyana lagu halbeego hummaagyada kale ee la halmaala. Waxa aynu ayidsannahay in aynu intii karaankeenna ah leennahay tamar hammadeed—ama waxa loogu yeedho “Libido”²— oo ah doonis ka ku sidkan nafta qofka “Ego”, siiba inta uu ugubka yahay ee korriinka qofku socdo,—waa isla dhallaanimada qofka e—ayey hammaddu “Libido” ka weecataa nafsadda qofka “Ego” una wareegtaa walax kale — taas oo ugu dambayn ahaanshaha qofka mulkida. Haddiise uu shaygaasi meesha ka baxo oo uu ina seego, mar labaad ayey awooddeenna hammadeed “our Libido” gaarkeeda u madaxbannaanataa, iyada oo shay kale ka dabqaadanaysa baddalka kii hore, ama si kumeelgaadh ayey nafsaddeena “Our Ego” ugu soo laabataa³. Waxaase muhiim in aynu is waydiinno sababta dhigtay arrin xanuun badan kolka ay kala baxayaan hammaddeena (“jamashadeenna”) iyo shayga ay ku milantahay? Waa arrin inaga sheelan oo aynaan habayaraatee ifafaalayn karayn, cabbirina karin. Waxa aynu ognahay in jamashadeennu ay ku dhegto shay qudha, si walba oo loogu qanciyana aan looga furfuri karin shaygaasi kolka uu baylaho, xitaa haddii uu baddalkiisii diyaar yahay, runtii waa arrin murugteeda leh.
Haasaawaha na dhex maray aniga iyo gabyaagu waxa uu ahaa xagaagii ka horreeyey dagaalka, sannad kaddib dagaalkii ayaa bilowday quruxdii noloshana dikheeyey. Kuma ekaan oo kaliya dagaalku baabi’inta quruxdii baadiyaha ee uu u gudbay, iyo sidoo kale waxqabadyadii faneed ee uu iyagana halkooda ugu tagay ee waxa uu sidoo kale wareemay qabkii iyo ilbaxnimadii aynu is bidayney inaynu ka dhabaynay, iyo xurmadii aynu u haynnay falaasifo iyo farshaxan badan, si taas lamid ah rajadii ahaydii inaynu si kama dambays ah uga tallawno dabarka kala teeda isirrrada iyo shucuubta oo idil ayuu meesha ka saaray. Dagaalku waxa uu sadheeyey dhexdhexaadnimadii aqoonta, wax uu fayday oo si qaawan inoo tusay cawrada—qariisadeenna—dhalanka ah, waxa uu dagaalku seetada ka gooyey ruuxdii sharka ee gudeheenna ku noolayd ee aynu filanaynay inay dheefsatay kuna toostay tarbiyaddii qarniyada socotay ee ay mihiibsiinayeen cuquushii waxgaradka ahayd. Dagaalku eerago’an ayuu ina dhigay oo dunidii ayuu inaga ooday, wax badan oo aynu jeclayn ayuuna ina waydaariyey, sidoo kalena waxyaabo badan oo aynu u naqaannay inaysan weligood isbadalayn ayuu ina tusay inaysan raandhiis lahayn.
***
La yaab maleh kolka ay jamashadeennu waydo waxyaabihii ay ku sidkanayd, in ay ku fara-adaygto galladaha u baaqday, sida jacaylka waddaninimo, u dhimrinta deriska iyo muunaynta wax kasta oo aynu si guud u wadaagno; si kedis ah ayey intuba ahmiyad inoola yeeshay. Hagaag, haddaba ma lagu macnayn karaa waxyaabihii wanaagsanaa ee aynu luminnay inaysan qiimalahayn, maaddaama oo aynu garwaaqsannay sida fudud ee sibiqda ah ee aynu dhaafeen? Dad badan baa sidan qaba, balse gef baan u arkaa. Waxaan ka aaminsanahay dadka qiimaha shayga u cuskada waqtiga uu jirayo—hadduu waqtigaasi gaabanyahayna deedafeeya—inay ku jiraan xaalad tiiraanyo ah “Mourning”oo ay ugu baroordiiqayaan wixii ay waayeen.
Waxa aynu ognahay murugadu si walba oo ay xanuun badan tahay in ay iskeed kasheenna uga guurto. Waayo kolka ay ka saahiddo wax kasta oo ay wayday “naftu” iyada ayaa iskeed isu bogsiisa, jamashadeennuna mar labaad ayey xor noqotaa—si ay u hesho baddalka waxyaabo u u dhigma ama ka qiimo badan wixii ay ku taamaysay “naftu” ee ay wayday, inta uu qofku yaryahay uuna xoogganyahay. Waxa lagu rajowaynyahay waxkasta oo uu dagaalku ina seejiyey inay sidaas oo kale noqondoonaan. Sidaas si lamid ah kolka tiiraanyadu iska soo dhamaato, wax caddaandoonta in milgihii saqaafadeennu uusan tirtirmin si kasta oo uu ugu loodsamay waayahan kakan. Waxa aynu yagleeli doonnaa wax kasta oo dagaalku dumiyey, weliba dhidiba ka adag kuwii horena ku taagi doona.
____________________
- Rainer Maria Rilke (1875-1926) gabyaa Austria u dhashay.
- Froydh aragtidiisa taxliilka-nafeed “Freudian Psychoanalytic Theory” waxa uu qabaa gundhigga doonista naftu inay tahay hammada “Libido” oo ah dareenka galmeed ee qofka kaas oo qaab ahaan isla badala heerarka korriinka qofka— dhallaanimo ilaa mudakarnimo.
- Froydh halkan waxa uu kaga warramayaa marxaladda Jamashada “Hammada” jammashadu horrayn waa arrin gudeed oo nafta ku uuman, marxaladda labaadna waa mid dibadeed oo shay bay inagaga dhegtaa, haddii shaygaasi meesha ka baxo baddalkiisa ayeynu doonnaa ama jamashadu dareenkeedii gudeed ayey ku noqotaa.
