Eedda Indheergaradka Soomaaliyeed

Waxaa qoray: Cabdikariin Shardi

EEDDA INDHEERGARADKA SOOMAALIYEED

Soomaalida, dhan walba ayay ka fashilantay. Lixdan sanno oo gumaystihii laga joogo waxa ay ku guuldarreysatay in ay seeska u dhigto wax uun dowlad lagu sheego karo oo sal adag leh, adeeg bulsho bixisa, kalsooni dadweyne haysata, sharci iyo garsoor caaddil ah na laga helo. Waxaa marba marka ka dambayso isku soo bedbeddelayay midba midka uu ka daran yahay. Mid walbana meel ka liidato kii ka horreeyay ayuu dhaanka ku furayay.

Siyaasiga Soomaaliyeed si kasta iyo meel kasta ayuu ummaddiisa ka fashilayay. Dantiisa shaqsiga ah, durbaan been ah oo la garaaco, kaalmo shisheeye oo loo tartamo, danaysi, xulafaysi qabiil, maal-aruursi, tuugsi, indhow’aragnnimo iyo waxyaabo kale oo aad u liita ayuu caqligiisu dhaafin waayay. Bulshadaan wada arradan, dhallinyaradaan shaqo la’aanta ah, carruurtaan waxbarashada seegtay, hooyooyinkaan waddooyinka ku umalaya, waayeeladaan cayrta ah, maatidaan dagaalka ku xoolo beeshay iyo dhibaatada bulsho ee waddanka ka jirto, uma ay muuqato, suudka madowna, waxba ugama hooseeyaan.

Markii caqliga siyaasigu sidaas noqday, markii bulshadii habawday ay hiilka wayday. Markii arraxda laga jabay ee cudurka bulshada galay la garan waayay, waxaa la dhugtay oo dhegta loo raariciyay aqoonyahanka, indheergaradka iyo haldoorka Soomaaliyeed. Sidii kaalinta indheergaradka laga filayay, waxa ay ahayd in ay keenaan xal, mushkilidda taaganna ay furfuraan. Waxa ay ahayd in ay kaalin hoggaan qaataan. In ay allifaan oo ay keenaan siyaasad iyo aragtiyo wax-ku-ool ah, oo bulshada hilinka habboon ku haga.

Waxa ay ahayd in ay indheegaradka hage iyo tilmaame ka noqdaan sidii dowladnimo hagaagsag iyo nolol karaamaysan loo heli lahaa. In ay ma-gudbayaasha ummadda ku horgudban ay af iyo addin kaga hortagaan. In ay aragtiyo wax dhisaaya curiyaan, kacaan isbaddeldoon ahna hoggaamiyaan. In bulshada la warramaan oo ay u warramaan. In ay dhab-ka-hadlayaal noqdaan oo ay xaajada dharaandhiriyaan. In ay bulshadooda la noolaadaan oo ay dhibta iyo dheefta la wadaagaan. In ay ka fogaadaan wax walba oo dib-u-dhacnimo keenaya, aayaha ummaddana waxyeeleynaya.

In ay tusaale u noqdaan jiilka soo koraya, oo ay daacadnimada, , laxaw, anshax-wanaag iyo dal-jacayl ku sifoobaan. In aysan talada dalkooda marti ka noqon oo aysan diiratada xoolihii ummadda farqaha ku shubtay ku fiirsan. In ay aragti ka yeeshaan dowladnimada iyo dowlad-dhiska dalkooda. In ay is-aqbalaan oo ay aragtidooda isku tixgeliyaan, si ilbaxnimo leh u wada doodaan, iskuna qanciyaan. In ay beri ka noqdaan cudurrada bulshada dilay ee aysan caqliyaddii goofka iyo geela faraqa ku soo shuban. In ay jidbixiyaal ka noqdaan sidii dowlad hagaagsan oo maamulwanaag, caddaalad, adeeg bulsho, kobac dhaqaale, is-aaminaad bulsho ku suntan loo unki lahaa.

Nasiibxumo, rejadii indheergaradka Soomaaliyeed laga qabay waa lagu hungoobay. Wax walba oo laga filayayna waa uu ku fashilmay. Waxa uu indheergaradku u qaybsamay laba qaybood: qayb caqliyaddii geeljiraha qaadatay ee siyaasadda maalinjoogga ah ku qanacday, si xun u karaamo seegtay oo sidii fadhi-ku-dirirka siyaasadda u qiimaysay. Qolodaani, waxa ay ku aragti iyo ku waaqic noqdeen geeljiraha shalay geelii ka yimid ee qabiilka iyo qabyaaladda waxba kaga hoosayn. Waxa ay ku sifoobeen sifo walba oo ceeb ku ah indheergarad iyo aqoonyahan. Waxa ay dhinaca ka galeen dhicinta sadka tolkooda ee dowladnimada kaga maqan. Waxa ay ka tageen huggii aqoonta, sarriiggii aqoonyahanka iyo astaantii haldoorka.

Qolodaasi, aragti ay curiyaan ha joogtee, waxa ay aqoontii iyo qallinkii u adeegsadeen kala furfuridda bulshada. Waxa ay caalimeeyeen aragtiyihii fadhiidka ahaa ee bulshada. Waxa ay taariikh been-abuur ah u sameeyeen tolkooda, waxa ayna inta tolkooda kasoo hartay ku hagradeen ama ku ijaafeeyeen qalinkooda. Waxa ay kobciyeen dilaayaasha bulshada, waxa ayna naaxiyeen naxliga dadka kala geeyay. Dadka inta kasoo hartay ayaa ay la coleebeen.
Waxa ay qolodan naashnaasheen oo ay shaar aqoonyahan u galiyeen caqliyaddii liidatay ee Soomaalida geeljiraha ka dhex jirtay ee xasidka, colaadda, nacaybka, xinka iyo tartanka ku dhisneyd. Waxa ay dowladnimada u fasireen ceelkii reerahu miyaga ka wada cabi jireen, waxa ayna reerkooda ugu sheekeeyeen in ay iyagu kalka koowaad u leeyihiin oo geelooda oo aanan fulin ay ceeb iyo meelkadhac ku tahay in geel kale ka cabo.

Qoloda labaad, waxa ay iska sooceen oo ay ka gaar noqdeen bulshadooda. Qol ayay hoosta ka soo xirteen. Mudaddiiba mar ayaa ay waraaqad yar oo ku qoran af aysan bulshadooda badankeeda fahmi karin daabacaan. Waxa ay ka arradan yihiin dhaqanhoosaadka bulshadooda, waxa ayna faham ka haysan waxa ka socdo gunta hoose ee bulshadooda. Aragti aysan cidna la fahmayn ayaa ay xambaarsan yihiin. Waxay ku guuldarreysteen in ay wacyiga iyo habfikirka bulshada baddelaan, soona gaarsiiyaan heer ay dareemaan waxa ay dareemayaan, lana raadiyaan waxa ka maqan ee u muuqda, hadalkoodana waxa uu bulshada ula ekaaday wax la iska yiri, maaddaama aysan isku faham aheyn.

Qolodaan dambe waxa ay ka gaar noqdeen geeddisocodka iyo nolosha ummaddooda. Waxa ay iska diideen in ay la duruuf iyo dareen noqdaan bulshadooda, oo ay la falgalaan, la doodaadaan, wacyigooda wax ku darsadaan, daalimiinta danleyda ahna ka hor joogsadaan. Waxa ay la noqotay, in ay halkaas ka fiirsadaan oo aysan si dhab ah xaaladda u soo wajihin. Waxay waaqici siyaasadeedka Soomaalida maanta u arkeen dhiiqo iyo uskag ay tahay in ay ka dhawrsadaan. Waxa ay la ahaatay in sidaasi ku dhawrsanaan karto sharaftooda, foolxumada socotana kaga badbaadi karaan, ogoobay se, waa kee ninka inyar uun garasho iyo aqoon sheegta ee ka eedbeeli kara waxa ummaddiisa maanta haysta?

Labada goorba, indheergaradka Soomaaliyeed waxa uu ku fashilmay kaalinta ay bulshada ka sugaysay. Waxa uu ku guuldarreystay in uu hiil u noqdo, una sahan tago bulshadiisa habawday. Waxa uu si kasta u gabay waxa ugu yar ee indheergarad laga sugi karo. Waxa uu ku guuldarraystay in uu abuuro wacyi bulsho iyo aragtiyo siyaasadeed looga samatibixi karo eelka maanta. Bulshada soomaaliyeed eed aan yarayn ayay ka tabanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, waana u eedeysane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *