
W/Q Cabdifataax Shureym
Buuggaan magaciisa ayaaba ah 1969, waxaa qoray Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon.
Dadka Soomaaliyeed fursad uma helin sida dunida kalaba ay u helaan taarikhahooda oo qoran, sidaas darteed buuggaani waxa uu ku soo beegmay oo la diyaariyay xilli baahi loo qabay dhacdooyinkaas, waxa uu xoogga saarayaa 1969kii. Waxa uu toosh weyn ku ifinaayaan ibtalada iyo burburka meesha uu naga soo gaaray.
Inkasto qoraagu diirradda ku saaraayo 1969ka, hadane waxa meesha ka maqneen in buugga tilmaamo badan ka bixinaayo arrimo dhowr ah oo ka dhacay dalka laga bilaabi xorriyadii ilaa burburkii dalkaSanadkaas 1969kii waxa lagu xasuustaa arrimo kala duwan oo Soomaaliya ku saabsan, ayada oo ay jirtay seddex dhacdo oo aad muhiim u ahaa. Bishii maarso ee sanadkaas waxa la qabtay doorashadii ugu danbeysay dimoqraaddiga ahayd oo dadweynuhu si xor ah ugu codeeyaan cidda matali laheed. Bisha tobnaad waxaa dhacay dilkii lama filaanka ahaa ee madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake oo nin askari ah uu ku dilay magaalada Laascaano. Dilkaas waxa uu ku riday shacabka Soomaaliyeed qaracan iyo filan waa. Maalma yar kadib waxa dalka ka dhacay afganbi uu hor-kacayay Maxamed Siyaad Barre, kaas oo ay ku afganbiyeen dowladdii shacabka soo doortay, waxaana meesha ay ka saareen dastuurkii dalka oo ogalaanaayo in awoodda dalka loo tartamo.
Qoraaga waxa uu si faafahsan uga hadlaayaa siyaasaddii garaad la’ida ku suntaneed ee xukunkii militariga la yimid oo ugu darneed sharci muran badan dhaliyay oo lagu sheegay; “Xeerka Qoyska”.Sharcigaas oo markii horaba aan ka imaan maan-furan, wuxu dhaliyay in ay ka horyimaadaan inta diinta fahansaneed ee culimada ugu badnaayeen. Sharcigaas wuxu gallaaftay nafta culimo badan, Ilaahay jannooyinkiisa haku arsaaqo.
Waxa ugu sii darnaa iyada oo dalka dhaqaalo xumo la busaaradeysan yahay ayuu xukunkii militariga ahaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya, si loo xoreeyo Gobalka Ogaadeeniya. Dagaalkaas indha la’aanta lagu galay wuxu sababay in ciidanka si xooggan ugu jabaaan, waxa la tilmaamaa in burburka Soomaaliya uu sababihii aasaaska u ahaa in uu ka mid ahaa dagaalkaas oo mustaqbalkii soomaaliya uu tirir ku galay.Tabardaradaas waxay sababtay in fursado ay ku abuurmi karaan jabhado in halkaa ay ka so baxaan, waxaana ugu tunka weynaa jabhadahaas; SSDF, SNM iyo USC. Annaga oo aynu naqaan Soomaalida iyo dagdagooda ayaa waxa meesha laga saaray xukunkii militariga 1991dii, iyadoo wax qorshe ah aan loo dajin kadib markii laga saaro dalka.
Maxammed Sahnuun oo horraantii 90-meeyadii Qaramada Midoobay u qaabilsana arrimaha Soomaaliya ayaa qoraaga ay kawada sheekeesteen xaalka dalka iyo mustaqbalka horyaal. Hadaladiisa waxa kamid ahaa:”Soomaaliya waa dal wanaagsan kheyraad fara badan leh dadkiisu ay firfircoonyihiin laakiinse nasiib daran, nasiib darada waxay ka bilaabatay xilligii gumeysiga oo seddex dal oo reer Yurub ah ku soo duuleen oo qaybsadeen. Dalalka afrika waxa qabsaday intooda badan hal dal oo kaliya ama labo, balse Soomaaliya waxa isugu tagay Faransiis, Ingiriis iyo Talyaani ayaga oo kala boobay oo qaybiyay”Kacaanku inta uu joogay wuxuu ku dhawaagay in qabiilka lala dirirayo, dib dambana aan loo soo sheegi karin oo magac qabiilba aan lagudhawaaqi karin. Bannaanbaxyo waaweyn oo ay dawladdu soo abaabushay ayaa inta badan degmooyinkii dalku ka koobnaa siisdaba joog ah loogu qaban jiray. Dadka arrimaha Soomaaliya ka faallooda qaar ka mid ah waxay sheegaan in go’aankaas uu ka mid ahaa waxyaabaha uu burburku sahlay, maxaa yeelay; bulshada Soomaaliyeed waxay weligeedba ahayd mid qabil ku sameysan oo xeer qabileedku ay yihiin kuwa isku haya bulsha-weynta, waxayse raaciyeen in ay wanaagsaneed in qabyaaladda lala diriro lana kala saaro qabilka iyo qabyaaladda.
Waxa kaliya ee ugu weyn ee lagu aammaani karo kacaankii waxa uu ahaa markii 27kii maarso 1974tii ay Goliha Sare ee kacaanka ku dhawaaqeen ololihii ugu weynaa abid Soomaali qaado, ololahaas oo socday muddo 7 bil ah ayaa ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa reer miyiga, ololahaas baahida keentay waxay ahayd iyadoo markaa wixii ka horeeyay dadka wax qora ama akhriya lagu qiyaasay 10% ama ka yar loona baahday in kor loo qaado tirada wax qori karta waxna akhrin karta, waxaana tiradii akhris-qoraalka taqaanay lagu qiyaasay in ay gaartay 46% oo markuu dhammaaday bishii febraayo 1975tii, sida ay warbixinteeda ku qortay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO.Ugu danbeyn taariikhda waxa inoogu sugan cibro iyo ku waana-qaadasho, waxaana ku boorinaayaa cidkasta oo aan xilligaa soo gaarin ee dhallinyar ah in ay dib u akhriyaan taariikhahaas, haddii ay fursad u heli karaan.
Ku mahadsanid akhrintaada.
