Dhambaallada Jacayl Reebban: Albert Camus iyo Maria Casares

Dhambaallada Jacayl Reebban: Albert Camus iyo Maria Casares

WQ: Stephanie LaCava

WT: Guryasame Cabdi

Dhowrkii toddobaad ee ina dhaafay, waxaan ku foogganaa akhriska xulka dhigaallo gacantii koowaad ah oo sida ay u agaasiman yihiin aad mooddo waxqabad sheeko-dhambaaleed. Waa buug mug weyn, oo ku dhow 1,300 oo bog, lagana soo guuriyay dhambaalladii asalka ahaa, boosto kaarto, iyo telegaraamyo ay is-waydaarsan jireen filasoofkii iyo qoraagii weynaa ee Faransiiska Albert Camus iyo qalanjadii Isbaanash-Faransiiska ahayd ee Maria Casares, sanadihii u dhaxeeyay 1944–1959. Waa buug culus oo aan loo qaadan karin busteejada tareenka, sidaa awgeed nusqadiisa elegtaroonigga ah ayaan kula soo degay telefoonkayga gacanta. Hadda mobile-kaygu wuxuu la ciirciirayaa in ku dhow boqol shaashad-sawir oo aan ka qaaday dhambaalladii ay af Faransiiska isku dhaafsan jireen labada mucaashaq. Buugga waxaa dalka Faransiiska ku daabacay Gallimard, welina Ingiriis looma turjumin.

Qisada jacaylka Camus iyo Casares waa tan ugu hodonsan haddii aysanba ahayn tan ugu murugsan marka lagu jimeeyo nuxurka iyo haltebinta waxqabadyadooda. Waxaa jira wax la dhaho fajaca mataanowga nolosha iyo fanka. Maangadnimadu waa waxa qura ee hubaasha ah, waxaana tan maragfur u ah dhacdooyinka marar badan soo rogaalceliya ee kadiska iyo kanshada.

Waxay markoodii koowaad kulmeen 6-dii June,1944, maalinkii taariikhiga ahaa ee ay xoogaggii Xulafadu ka soo dageen magaalada Normandy ee dalka Faransiiska. Waxay xilligaas labadoodu ku hawlanaayeen soosaaridda masraxiyaddii Camus ee The Misunderstanding (Le Malentandu), taasoo lagu dhigayay tiyaatarka Mathurins ee magaalada Paris. Ka hor soosaaridda masraxiyadda, wuxuu Camus u kaxeeyay Casares caways ay martigeliyeen Jean-Paul Sartre iyo Simon de Beauvior, (Simon habeenkaas waxay qirtay quruxda iyo qabka jilaayadda da’da yar.)  Waxaa la tabiyaa in uu fiidkaas curtay xiriirkii ka dhaxeeyay Casares oo jeerkaas jirtay 21 sano iyo Camus oo isna sagaal gu’ ka weynaa. Haasawahoodii curdinka ahaa wuxuu si lamafilaan ah u ciiray goortii ay Camus afadiisii Francine Faure, oo ahayd xisaabyahanad iyo biyaanadyaqaan ka soo laabatay Aljeeriya kuna soo guryanoqotay Paris.

Intaa ka gadaal, Camus wuxuu noqday tifaftiraha guud ee Combat oo ahaa garabka warbaahinta qarsoodiga ah ee Iskacaabinta, sidoo kale xaaskiisa ayaa u dhashay labo gabdhood oo mataano ah oo la kala oran jiray Catherine and Jean. Dhinaca kale, isla waqtigaas, Casares oo maalmahaas cirka maraysay waxay ka soo muuqatay labo ka mid ah doorarkeedii magguuraanka noqday oo kala ahaa filinkii Le enfants du paradise (Ubadkii jannada) oo ay ku metelaysay marwo la ildaran murugo daba dheeraatay, iyo filinkii Les Dames du bois de Boulogne oo ay ku meteshay mucaashaqad jacayl lagu cidleeyay.

Afar gu’ kaddib is-araggoodii koowaad, 6 June, 1948 waxay Casares jidka Saint-Germain si kadis ah isaga soo hor baxeen Camus. Intaa wixii ka dambeeyay, muddo 12 sano ku siman si aan kala joogsi lahayn ayay dhambaallo isku-dhaafsanayeen.

Wax ku dhow sagaal boqol oo dhambaallo-isdhaafsi, waxay labadoodu ku gaaf-wareegayeen is-xogwaraysi ku sinnaa tafaasiisha noloshooda maalinlaha ah, baashaal iyo haasaawe guud. Waxaan isku hawlay inaan soo gooyo qaar ka mid ah sadarrada dhambaalladoodii hore si aan u ogaado isku-ekaanshaha kala dhaxayn kara dhambaalladii ay is-wayddaarsan jireen dabayaaqadii xiriirkooda. Bilowgii hore, Camus wuxuu Casares u xaqiijinayay  in aysan waxba iska beddelin dareenkii uu u hayay iyada, iyo sidoo kale magaaladii ay markii labaad ku kulmeenba. Wuxuu uga warrami jiray sida uu u dhibsaday jawiyada soojireenka ah ee Paris. Halka Casares oo ayadu mar walba socdaal jilliin ku jirtay ay ku maadsanaysay urta xun ee jibiska Faransiiska ee Belgiumka lagu sameeyo.  Ayadoo sidaas oo dhan mashquul u ah, haddana waqti uma waydo inay uga sheekayso tafaasiisha nolosheeda maalinlaha ah sida sigaarka tirabeelka ah ee ay cabto, xannaanaynta aabbaheed iyo bisadeeda yar ee ay ugu yeerto Quat’sous.  Mararka qaar, farriimaheedu waa kookooban yihiin– waa uun salaan yar oo ay soo malmaluuqdo kahor inta aysan madaxa dhulka dhigin. Marar kalana waa ay dhaadheer yihiin waxaana ka buuxo wayddiimo iyo warar hor leh. Casares waxay mar kasta Camus ka waraysan jirtay caafimaadka carruurtiisa. Midkoodna ma mooggayn xaqiiqada taagan.

“Waad u bogi lahayd gurigan carafta neecawdiisa habeenkii iyo degganaantiisa fiidadkii,” ayuu Camus u qoray Casares. Farriin kale oo uu gooni ugu dirayna wuxuu ku lifaaqay laamo geedka thyme ah oo uu ka soo guray buuro ka ag dhowaa.

“Waxaan dhambaalkan kuu soo qorayaa anigoo bartamaha kaga jira duufaan qurux badan. Onkod baa diryamaya oo danab baa dhacaya roobna waa hoorayaa. Waxaan maalinta isku dhaafiyay la-dheeldheelidda Jean iyo Catherine.”

Camus sida muuqata wuu ku baraarugsan yahay in guurkiisu caqabad yahay. “Jacaylkan ayaanka darani ma aha midkii aad u qalantay,” ayuu ku oranayaa Casares. “Waxaan agtaada ka helay itaal nololeed oo aan moodi jiray inaan waa’ hore lumiyay,” ayuu mar kale u qorayaa. “Waxaad tahay ruuxa qura ee indhahayga ilmada baray.”

Si fiican buu erayadiisa u xulanayaa, mararka qaarna dib ayuu  u akhrinayaa inta uusan dirin ka hor. “Aad baan u daalanahay waana ka cabsanayaa inaan siiqada noocan ah ku sii wado hadalka. Waxaan oo dhan waa keliya inaan kuu sheego uun midabka maalinta iyo fekerka maankayga ka guuxaya. Waa maalin culaab iyo cimilo kulul. Maalin ku suntan aamusnaan, qaawanaan, qolal hoos daboolay iyo hogasho.”

“Afkaartaydu waxay u eg tahay midabka timahaaga. Isniinta iyo maalmaha faro-ku-tiriska ah ee xigana waxay yeelan doontaa midabka indhahaaga.” Jeer kalana, “ Magacaaga ayaan ku dhigay habeenka, gacalisadaydii Maariyaay.” Camus qudhiisu had iyo jeer wuu mashquulsanaa, wuxuuna ka warramayaa maalmo badan oo Axad ah oo ay haraysay wax qoris, xitaa gooraha uusan haleeli karin inuu wax qoro. Casares ayaana mar kasta dhiirrigelisa.

“Waan ku jeclahay,” ayay ku leedahay. “Soo dhiib dhambaallada oo ‘warkiyo ha iga goyn waraaqaha,’ waqtigu iima roona maalmuhuna waa ay igu badan yihiin. Farriimahaagu waa ii nolol.”

“Quruxdaydii, warqaddaada xoogaa murugo ah ayaa ka muuqatay. Sideen kuu caawiyaa? Waad ogsoon tahay in uu rafiiqaaga daacadda ahi kuu heellan yahay e,” ayuu Camus u qoray. Wuxuu ku gunaanaday: “Taaj dhunkashooyin ah ayaan huwiyay boqoradda riyooyinka.” Sidoo kale, wuxuu bogaadinayaa kartideeda hibada cuskan, “Haaheey, waa inaad faraxdaa, waxaad tahay naag qaayo weyn iyo jilaa foolaad ah.”

Gogoldhigga buugga, gabadha uu dhalay Camus ee Catherine, waxay ku xustay in dib loo saxay qaladaadkii dhanka higgaada iyo ilduufyada  afeed ahaa ee ku jiray dhambaalada Casares. Waxaa laga yaabaa wax ka mid ah dhadhankii iyo dhaladnimadii shaqsiyaddii Maria inay ku luntay dibu-sixiddaas. Catherine ayaa dhambaallada kala soo wareegtay Casares kaddib dhimashadii hooyadeed ee 1979, isla iyada ayaana buugga ku sintay gacanta Gallimard.

Dhowr gabal oo magac ku tiimbaraysan ayaa ayagoo ah koobigii asalka ahaa buugga dib loogu tarmiyay, sawir-gacameed ayaad ku arkaysaa dhan walba. Farriimaha ay isugu direen telegaraamka waxaad arkaysaa ayagoo far waaweyn ku qoran oo taariikhaysan. Waan jeclaan lahaa inaan ka indhabuuxsado in badan oo ka mid ah koobigii asalka ahaa, si aan uga daymo-bogto haybadda ka hooraysa farqoraalka dhiirran ee  labada mucaashaq. Dhammaadka mid ka mid ah warqadaha, Camus wuxuu ku sawiray farshaxan qorrax. Fiicnaan lahaydaa inaan arko.

Buugga gadaashiisa waxaa ku dhigan raad ka marag kacaya bashaashnimadii Camus, waxaa ku jira afar warqadood oo silloon oo uu qoray isagoo iska dhig-dhigaya Casares oo baadigoobaysa guryaha xagaaga la kiraysto. Middood warqadaha ayaa u dhigan: “Marwo, labo eray bes: Waan kululahay, uskugna waan ahay, se keligay ma ihi. Sidaa darteed: xeeb, biyo, labo qol, xaabo, oo bilaash ah ama aan bilaash wax dhaamin.”

Si kasta oo uu waqtigu isku gurayay, haddana waa dhif in aad dhambaalladooda ka dareento walaac la taaban karo oo tilmaamaya in jacaylkoodu gaagaxay, ama wax xiiso-dhac iyo qoonsimaad ah, laga yaabee in uu arrintan sabab u yahay hawaawiga iyo hilowga ku guntan jacaylka kalafogaanta. “Waxaan kuugu duubnahay tabtii markii koowaad,” ayay Casares u qortaa. “ Waan jeclahay kalsamidaada iyo adiga oo dhanba … Marka aan ka fekero wadajirkeenna, doqonnimo ayay ila noqotaa in aanan rumaysnayn waaritaanka.”  Camus xaaskiisa oo ka war haysay xiriirradiisa qarsoon (Casares oo qura ma ahayn), qulub ayay la saxariirtay waxayna isku dayday in ay is qur goyso sanadkii 1954.

Boholyowgu waa mid ku dhex bulaalay dhambaalladooda, daqiiqadaha kooban ee la wadaagay maalmaha kala-maqnaantuna waxay u dhurteen sheeka-xariiro magguuraan ah. Xasuustooda, daqiiqadahaasi waxay ugu dhex magooleen si ka riyaaq iyo mahadho badan xiriirrada kale ee maalinlaha ah.

Hal qodob oo keliya ayaa isbeddelay muddo badan kadib, Casares sideediii hore oo kale Camus ugama baryayn inuu dhambaallo u soo qoro, balse taas beddelkeeda waxay ugu yaboohaysay dabacsanaan. “Noolaaw adigoo ku jiifa inaad tahay mid had iyo jeer loo han weyn yahay, haddii aad dareento  in aadan tahli karin wax qorid, waxba ha isku shiddayn. Si fiican baad u ogsoon tahay in aynaan hayn wax gaar ah oo aan hadda isu sheegno. Waxay ka codsanaysaa inuu u soo diro hal erayba noqotee warqad uu ugu sheegayo bal inuu caajiskii kasoo raysanayo iyo in kale, “Waan ogaa doonaa waxa aan rabo inaan ogaado, anna xaggayga sidaas baan yeeli doonaa.” Dhambaallo dambana waxay ugu sheegaysay in wax walba oo ay ku dhihi lahayd  horay u sheegtay, sidoo kalana aysan suuraysan karin nolol uu ka maqan yahay isagu, hase yeeshee ay ku qasban tahay. Waxay garwaaqsatay maqnaanshihiisa uu nolosheeda jooge maqanaha ku yahay. “ Waa sidaas, wax kasta oo dhacaba, wadnahayga adigaan/kaaga waabsameeyay,” ayay ku tiri.

Dhambaalkii u dambeeyay ee Camus qudhiisu wuxuu ahaa ogaysiis u dhigan: “Hagaag, waa warqaddii u dambaysay oo aan keliya kugu wargelinayo in aan Talaadadan dhow imaan doono, qaali.” Wuxuu u sheegayaa marka ay Talaadaada dib u midoobaan in uu  jacaylkoodu dib u curan doono. 

Halkan ayay ku dhammaadeen dhambaalladii ay is-dhaafsan jireen.

Maalin kaddib markuu diray dhambaalkiisii u dambeeyay 4 Jannaayo, 1960, ayuu Camus ku geeriyooday shil gaari. Sida la tebiyo, waxaa jeebkiisa laga helay tigid tareen. Casares-na waxay ifka kaga dambaysay 36 sano. Dalkeeda hooyo ee Faransiiska ayay ku galbatay maalin kaddib dhalashadeedii 74-aad.

Is-halcelinta  ka dhaxaysa nolosha iyo fanka ayaa halkii ka sii socotay: sanad kaddib geeridii Camus, Casares waxay dib u jishay doorkeedii hormada u dambaysa seddexlayda Orphic ee Cocteau, waxayna meteshay Amiiradda (wejiga dhaddig ee dhimashada). Riwaayaddu waxay ku saabsanayd jacayl seddexgeesood ah oo u dhaxeeya Amiiradda, gabyaaga iyo xaaskiisa xaamilada ah ee Eurydice. Sheekadu waxay ka dhacaysaa Paris oo riyo-lamood noqotay dagaalkii kaddib. 


Qoraalka asalka ah: Illicit Love Letters: Albert Camus and Maria Casares by Stephanie LaCava (2018).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *