Waxaa qoray: Suhayb Caydiid
Birmageydo waa wax kasta oo la dhowro xeer ahaan lana quudhsiin karin bir ama in ladilaba. Sida aynu wada naqaan, ugu horreyn waxaa ka mid ahaa dumarka, carruurta, waayeelka iyo dhaqanka guud.
Abwaan Cabdulqaadir Aroma wuxuu birmageydo ku qeexay sidan:
“Waagii hore birmageydo waxaa loo aqoon jiray dhirta la manaafacsado iyo kuwa dabar go’aya, maadaama ay waxtar u lahaayeen nafleyda. Waxaa kale oo laga xishoon jiray in la gawraco awrka reerka ku guuro, neefka riman ama kan irmaan haddii aan baahi loo qabin. Waayadii dambe waxaa ku soo biiray toddobo koox oo kala ah: hoggaamiye dhaqameed, culimo, maato, ergo, magan, socoto iyo xidid. Wiilka madiga ahna waxaa loo tixgeliyaa inuu qayb ka yahay.”
Ummad walba waxay ku wada nooshahay sharci guud oo qeexaya xuquuqda iyo waajibaadka dadka si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta. Shareecada Islaamka waxay si cad u sheegaysaa in ilaalinta nafta, hantida, sharafta, iyo amniga bulshada ay yihiin mabaadi’ aas-aasi ah. Islaamka wuxuu sidoo kale ku adkaynaa caddaaladda, ilaalinta kuwa tabarta daran, iyo in la dhowro kuwa martida ah, safarka ku jira, ama ku jira xaalad nugul. Mabaadi’dan ayaa bulshada Muslimka ah u ah tiir ay ku mideysan yihiin.
Shuruucda caalamiga ah sida Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Qaramada Midoobay waxay ku dhisan yihiin isla mabda’a ah: ilaalinta nolosha, xorriyadda, sinnaan, iyo ka hortagga xadgudubka dadka aan awoodda lahayn. Waxay si gaar ah u difaacaan dadka nugul, dadka socdaalka ku jira, dadka magangelyo doonka ah, iyo kooxaha aan hubeysneyn ee aan awoodda siyaasadeed lahayn.
Sharciga dalka Soomaaliya, oo ku dhisan dastuur, xeerar qaran iyo dhaqankii hore, wuxuu sidoo kale aqoonsanayaa ilaalinta bulshada oo dhan. Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu xeerkiisa dhaqanka ku weheliyay toddobada koox ee birmageydada loo tixgeliyo. Saddexda ilood ee sharci diin, caalami, iyo qaran waxay ka mideysan yihiin in ummadi aysan jirin haddii aan la ilaalin kuwa jilicsan.
Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa sida dhaqanka birmageydada uu isu beddelay, annagoo fiirin doona sida Abwaan Aroma uu ka yiri toddobada koox ee la dhowri jiray. Waxaynu dib u raacaynaa dhacdooyin iyo taariikho muujinaya sida Soomaalidii hore ula dhaqmi jireen kooxahan iyo sida maanta ay xaaladdu ugu duwan tahay.
Hoggaamiye Beeleed
Bulshada Soomaaliyeed waxay u qaybsan tahay tol-tol. Tol walbana wuxuu leeyahay hoggaamiye dhaqameed ay doortaan. Hoggaamiyeyaasha waxay ka mid ahaayeen toddobada birmageydo, mana la dili jirin xataa haddii ay dagaal soo horkacaan. Duubkoodana far lama saari jirin, dilkooda waxaa looga baqayay cuqubo, maadaama la rumaysnaa in karaamada ay beesha ku duubantahay.
Gabyaa Warsame Beyle ayaa karaamadaas ku muujiyay tixdiisa:
“Kumaandaha ugaas waa inuu kun u dhexeeyaa’ye,
Kobta geela kuruska ugu yaal weeye oo kale’e,
Waa kulmiyihii dadka, kii siday karaamada’e.”
Qofka noqonaya hoggaamiye dhaqameed waxa lagu xulan jiray adkaysi, dulqaad iyo geesinimo. Murti baa waxey leedahay:
“Tol waxaa u taliya:
Nin doofaar ugu cay ugu dulqaad badan,
Nin kurtun qorrax ugu adkaysi badan,
Nin dhagax qabow ugu adkaysi badan,
Iyo nin kudkude gaajo ugu adkaysi badan.”
Si kastaba ha ahaatee, taariikhdu waxay xustaa in hoggaamiyeyaal badan la dilay iyadoo xeerkaas la jabiyay. Tusaalooyinkaa waxaa ka mid ah Garaad Cali Garaad Maxamuud, hoggaamiyihii beelaha degaanada hada la yirahdo Waqooyi Bari, iyo Boqor Maxamuud Yuusuf, boqorkii beelaha Bari, iyo Imaamkii boqortooyadii Gareen, Imaan Ciise Cumar Tukul.
Cullimo
Cullimo waxaa la yirahdaa wadaadka diinta yaqaan, gabyaaga aftahanka ah iyo dhaqtarka daawo Soomaaliga yaqaan. Waxay door weyn ku lahaayeen nabadaynta waxayna ahaayeen indhaha bulshada. Waxyeelladooda waxaa loogu baqi jiray ciqaab adduun iyo cadaab aakhiro sidaa darteed lama dili jirin, sharafkoodana wax lagama gaari jirin.
Sheekadii Cali Barre Faarax: Cali Barre Faarax oo ahaa dagaal ooge awood qabiil ku kibray, ayaa galbeedka Gaalkacyo col ka qaaday kuna duulay xer deganayd nawaaxiga Galdogob. Wuxuu ka dhacay geel badan balse dad ma dilin.
Beeshii geela lahayd waxay u direen 30 wadaad oo ergo cullimo ah. Waxayna ku shoowreen, haddii uu soo celiyo geela ay u duceeyaan, hadduuse diido in 30ka wadaad, nin walba hal xaraf ka tiriyo beyd gabay kuhaan ah oo lagu habaaro Cali Barre iyo colkiisa. Cali waa ku gacanseyray, wuxuuse geelii ugu soo qabtay qaalin riman, si ay ugu rartaan kutubtii kilkilaha ugu jirtey. Qaalintii rimanayd oon waligeed dusheeda kebed la saarin, markii rarka lgu bilaabay ayey cabaaday. Wadaadkii lahaa oo ka calool xumaaday cabaadka iyo talalka saa’idka ah ee ka soo baxay hasha riman ee la rarayo, ayaa ku horeeyey gabaygii wuxuuna qaatay xarafka “T” Wuxuuna yiri:
“Waa taan ku taataaban jiray sida tawaadee’de,
Talo-waayihii Barraa i dhacay tuur anoo degaye,
Ha tallalin, taahana yaree, tii Allaa timide.”
Wadaadkii labaadna wuxuu ka qaaday xarafka “D”:
“Dad wax iriye, waxaan Cali Barrow kugu dambaysiiyey,
Meelaan dab iyo iyo saarin lahayn doogi kaa qabatey,
Hana dawoobin saad waxaad qabta culumo daynkeede.”
Inkaartii cullimada Alle si degdeg ah ayuu u aqbalay, waxaana Cali Barre laga asiibay xubin aan la gubi karin, aan la toobi karin, madaxa aan gaarin, oo aan madid iyo seef midna qaban karin.
Maatada
Maatada
Maato waxaa loo yaqaan dadka inta tabarta yar oo ka kooban (haween, carruur, cirroole, bukaan iwm), saddexdaas kooxood iyo wixii la mid ah, maadaama ficil ahaan aysan dagaallada uga qeyb gelin, marka la tixraaco dhaqankii wanaagsanaa ee Somaalidu hiddaha u lahaan jirtey waxaa reebanayd in la dilo ama sharafkooda lagu xadgudbo. Maato la laayey malax reebtay: Sababta oo ah maqaawiirtii u talin jirtey bulshada waxay garwaaqsanaayeen haddii wax yeelo loo geysto dadka maatada ah inaan marnaba daawo loo heli karin colaadaha. Teeda kale waayo-aragnimadu waxay tustay inay adag tahay maaraynta mushkiladaha ka aloosma maato lagu xadgudbey. Murti awooweyaashii hore laga dhaxlay waxay ahayd: “Saddexda gacanta ku gabbata lama guhaadsho” waa haweenka, carruurta iyo waayeelka. Saddexdaan kooxood marka usha loo baaciyo waxay ku gabbadaan gacanta oo isma difaacaan, taasina waxay muujinaysaa tabar la’aantooda. Sidaas ayeyna mamnuuc u tahay in wax gaboodfal ah loo geysto saddexda gacan waabato.
Cirroole sahay laga furtay: Seben hore abaar ba’an ayaa ku habsatay deegaannada gobollada dhexe, kadibna waxaa geyigaas ku baahay kooxo qawlaysato ah, waxayna dhaceen qof kasta oo daganti laga helay. Baahidii bakayle qaladka ahayd darteed burcaddii ka kacday deegaanka qofna uma aabbeyeelin, timaan la’aantooduna waxay ku biyoshubatay “waxaan ku cuninba waa la cunaa”.
Dabadeed maalintii dambe waxay jidka ka heleen, oday waayeel ah, oo sitey sibraar caano ah oo sahay u ahaa waana ka furteen. Odaygii jiscinka laga furtay waxay dantu ku kalliftay inuu ku jid maro qaraabka dabiiciga ah “miro iyo xabag”, wuxuu sii daalaa-dhacaba isaga oo dhanqalan ku dhow wuxuu gaarey tuulada Ceel-Qooxle oo waagaas ahayd xuddunta deegaanka tolkii. Gaboodfalka loo geystay cirroolaha oo u dhigantay qudhgooyo wuxuu noqday qaadanwaa xadgudub ku noqday xeerka taakuleynta maatida. Warkii dhillada xambaarsanaa oo laysu wada tebiyey wuxuu ka caraysiiyey tolkii cirrooluhu ka dhashay, wuxuuna abuuray jawi colaadeed “Maato la xumeeyey maalo reebtay” haddaba si fidnadii aloosantay loo xakameeyo dagaal dhacana loo hor joogsado, gabyaa Caynab Diirshe oo odayga xigto la ahaa ayaa gabay caqli celin ah u tebiyey beeshii tuugadu ka dhalatay ee deegaankooda sahayda looga furtay. Sida la sheegay cirroolaha cadaabtuba waa ka xishootaa! “Nin cirrro lehba cadaabta waa lagala ceesaaye”, gabyaa Caynab wuxuu tix gabay ku yiri:
“Nimanka sabada Ceel-Hogol fadhiya sawdka laga keenay
Ee aanan sifihiisa garan iyo waxaan ku suureeyo
Summad weeye dhaqankuye waxaan sinnaba loo sheegin,
Siddeetan jir suuniyuhu cadaadeen oo socod ku soo daaley
Ee saan ku booraa nafluhu kala sawaad roone
Saymaha colaadeed ninkaan si xunba loo eegin
Sifo xumidaay kula kaceen saaruqa iyo tuuggu
Ee ay sibraarka uga furteen sahayda jiilaalka
Ee laga sakuudee weliba sababna loo yeelin
Todobadii salaama iyo siyaada doon sigayey xeerkiiye
War yaa sababay geerida haday beladu saan qaado”
Gabayga sare ku goran markuu gaarey deegaankii mashaqadu ka dhacday waxaa degdeg u shiray wax garadkii beeshii burcaddu ka dhalatay, dabadeed waxay ergo u direen eheladii odaygii la furtay. Ikhyaarti labada dhinac markay falanqeeyeen xeerkii ka yiil maato loo gefey, wada xaajood kadib arrintii waxaa lagu heshiiyey: Subeynxir xaalmarin xumaantir ahaan loo silyey beeshii cirroolaha la furtay waxaa laysku waafaqay falkii dhacay inuu la mid yahay dil cirroole, ergadii timidna waxay ogolaadeen mag bixin, balse waa loo cafiyey iyada oo loo cuskaday “garawshiiyo waa gar gef lagu iloobo”.
Ergo
Somalidii hore waxay lahaayeen hab-dhaqan looga hortago ama lagu bakhtiiyo colaadaha ka dhex aloosma beelaha. Hannaanka nabad-raadinta waxaa fure u ahaa ergada isaga dabqaada ama ka dhex shaqaysa reeraha colaaddu dhexmartay; wayna isu dhirindhirin jireen isuna soo dhoweyn jireen.
Ergadu waxay dadaal xoog leh u geli jireen sidii u-tunta dhagarta ka dhalatay dagaalka loogu heli lahaa daawo. Ergadu waxay kala ahayd:
- Ergo qabiil: rag ka socda hal qabiil oo dhambaal loogu dhiibo qabiil kale oo colaadi kala dhexeyso.
- Ergo Muslim: rag aan labada qabiil ee colaadu ka dhexayso midna ahayn, oo ka shaqeeya sidii nabad looga dhex dhalin lahaa beelaha dirirsan.
- Ergo iskudhafan: ergo ka kooban rag ka socda labada qabiil ee colaaddu ka dhexayso.
Dilkii ergada Boodboode: Waxaa waagii hore la arki jiray af xumo laba qof ama laba beelood kala gaarta oo aafo ba’ani ka dhalato. Nawaaxiga degmada Dhuusamareeb ayaa muddo haatan laga joogo afar fac ay aflagaado meel fagaare ah ku kala gaartay laba jufo oo walaalo ah oo deegaankaas u dhashay. Ceebtii iyo foolxumadii goobtaas ka dhacday ayaa xumaanteedii degmadii ku fiday. Waxaa walaalihii kale degdeg u abaabuleen ergo arrintaas ku baxda oo ka koobnayd 10 nin, waxaana hoggaamiye u ahaa Geeddi Warsame Raage (Bood-boode) oo ergada loogu magac daray.
Ergadii markii ay gaareen jufadii afxumada loo geystay waxay u sheegeen inay u socdaan inay walaalahood ka daaweeyaan afxumadii loo geystay, iyaga oo u caddeeyey inay diyaar u yihiin wax kasta oo ay xumaantii uga qanci karaan. Waxaa la xusuusiyey maahmaahdii oranaysay:
“Walaalkaa haddii candhuuftaadu gaarto, gacantaadu ha gaarto.” Waxay ergadii ku dhex arkeen nin ka mid ahaa raggii aflagaadada xun geystay. Taasi ayaana wax walba uga darnaatay. Wadatashi gaaban kadib waxay go’aansadeen in dhammaan raggii ergada ku dhex jira la laayo oo dhegta dhiiga loo daro. Sidaasna waa sameeyeen; hal nin oo la oran jiray Rooble Afrax Siyaad, oo ka fakaday mooyee, sagaalkii kaleba waa dileen.
Maganta
Soomaalidu waxay lahayd xeerar dagaal oo dhinac kastaa tixgeliyo, waxaana qodobada ugu muhiimsan ka mid ahaa in aan la dilin dadka maganta ah. Dagaalka hortiis waxaa jiri jirey baaqyo la iskula dardaarmo oo ka digaya in aan lagu kicin tallaabooyin dhaqan-xumo ah oo xadgudub ku ah xeerarka dagaalka, magac xumona u soo jiidi kara beesha, ama belaayada oogan sii hurin kara.
Qofka isaga oo dagaal ku jira la qabto, ee qof ka mid ah dadkii gacanta ku dhigay jilbo qabsada ama dhabarkiisa isku aadiya, isaga oo sidaas u yeelay da’diisa ama arrimo kale oo naxariis ku biday, ama qofka dagaalka lagu qabto hadduu sheegto inuu magan u yahay nin beesha magac iyo sharafba ku leh, waxaa xeer ahayd in ninkaas aan la dilin. Dhammaantood waa kuu magan, oo haddii aad ku hagoogan weydo waxaa hubaal ah in aad bulshada tuke cambaar leh ka noqon doontid, naaneys foolxunna laguu bixin doono.
Bal aan tusaale soo qaadanno. Sheeko ka dhacday gobolka Galgaduud oo caan ku ah weedha “is bixin iyo abaalkeeda” ayaa dhexmartay laba nin. Dagaalkii Madaxyogoy, oo fidnadiisu ka soo jeeday goobta loo yaqaan Laanta Aadan Seed oo ku taal nawaaxiga degmada Cadaado, ayaa nin dagaalka lagu qabtay uu ka badbaadiyey dil nin uu hore ugu barteen Ceelka Godinabe, halkaas oo ay sanad ka hor ka wada waraabiyeen geel.
Waxaa lagu maahmaahaa: “Bowdo rag maalinba mid baa qaawan.” Muddo ka dib ayaa ninkii wax badbaadiyey u gacan galay ninkii uu hore abaalka ugu galay. Markaasuu yiri: “Anigu sidii aad shalay ii magan gelisay yeeli maayo oo waan ku dileyaa.” Ninkii maganta ahaa ma cabsan ee wuxuu ku jawaabay weedhii caanka noqotay:
“Iska kay dil, illayn haadaa i habartaye.”
Macnihiisuna waa: shalay haddii lagu dili lahaa, haadkii hilibkaaga cuni lahaa ayaa i habaaray. Markii la garwaaqsaday abaalka uu mudan yahay iyo geesinimada uu ku hadlay ayaa la sii daayey.
Waxaa reebanayd in qofkii dagaal lagu qabto la silic-dilyeeyo, lana qadiyo ama la rafaadiyo inta uu maxbuuska yahay. Nin dagaal lagu soo gabtay ayaa geed lagu xiray si loo dilo. Mid ka mid ah raggii soo qabtay ayaa yiri: “Ninka xabbad ku dhufta.” Ninkii maxbuuska ahaa ayaa ku jawaabay: “Taasi waa gar.” Goobtu waa meel Alle wax ka wadee, nin kale ayaa soo booday oo yiri: “War xabbadda ha nooga khasaarin ee xiniinyaha kolba mid jara, dhiig-bax iyo silic ha u dhintee.” Haddana ninkii maxbuuska ahaa ayaa yiri: “Taasi waa gardarro.” Abaanduulihii kooxda soo qabatay oo maqlayey hadallada la is dhaafsaday ayaa ninkii geedka ku xirnaa ku hagoogtay oo yiri: “Ninkan la dili maayo, maxaa yeelay waxaa ku jira lafo gobannimo.” Sidaas ayaana lagu sii daayey.
Sidoo kale waxaa jirtay sheeko kale. Nin la oran jirey Cabdi Jaamac Cabdulle, oo xilliyadii dagaalladii hore socdeen ku sugnaa deegaanka abtiyaashiis (reer Caabudwaaq), ayaa maqlay in la qabtay Ducaale Ragey. Arrinkaas oo uu aad uga carooday awgeed, wuxuu soo aaday goobihii dagaalladu ka dheceen. Nasiib darrase, intii uusan raggiisii gaarin ayaa meel dhexe lagu qabtay, waxaana loo geeyey nin la oran jirey Jaamac Maxamed Cali Biixi.
Ninkii la qabtay waxaa lagu yiri: “Haddii aad noo sheegtid ninka la yiraahdo Cabdi Jaamac Cabdulle waan ku sii dayn doonaa.” Raggii hore runta kama gabban jirin oo waxay oran jireen: “Runi waa lagama raystaan.” Geesinimo waa u dhalashee, waxaa raggii goobta joogay layaab ku noqotay markuu yiri: “Ninka aad i weydiiseen waa aniga.” Wuxuuna raaciyey in saddex maaddo lagu qiimeeyo ninka ragga ka mudan, laguna sii daayo:
“Nin markuu soo muuqdo loo istaago ayaan ahay
Nin maqnaanshihiisa la tabo ayaan ahay
Nin colaad iyo nabad wax ka tara ayaan ahay.”
Markii la hubiyey in Cabdi Jaamac yahay nin door kulansaday saddexdaas sifo, waa la sii daayey.
Socoto
Bilowgii qarnigii 20aad, waxaa hanaqaaday baabuur daafaha dalka u kala goosha, taasina waxay keentay in qofka socotada ah waqtiga gaaban ku gaaro meeshii uu ka muraad lahaa. Hase yeeshee, wixii ka horreeyey gaadiidka casriga ah, safarka waxaa loo adeegsan jirey habab kala duwan sida:
- Safar (qof ama koox): badeeco iib ah ama doonaya inuu si gaar ah badeeco ula soo wareego. Sida badan gaadiidka safarradaan waxay ahaan jireen awr ama gammaan (baqal iyo dameer).
- Sahan: qof laba degmo u kala socdaalaya, wuxuuna ku safri jirey faras ama lug.
- Baadigoob: qof ku raad jooga xoolo ka soo baxsaday ama af-daloola ku haybiyey (yaboohis). Gaadiid la’aan, lug ayuu meel walba ku mari jirey.
Hees hawleed baa tirahda:
“Musaafurkii socotada
Makaankiisu dhoweyn
Iyo Muslimkii la wacoo
Minankaaga yimaad
Martiyaa la yiraa
Midigtaa la qabtaa
Waa la meelmariyaa
Wixii ay mar damcaan, marxabbaa la yiraah”
Gabyaa Kulan Xasan Jurun ayaa u soo hoyday nin bakhayl ah oo la oran jiray Belel Cabdi Xildiid, oo gugaas geel badan u dhalay. Ayaandarro gabyaaga oo Somaalidu aad u xushmayso, bal inuu wan u qalo una loo iska daaye, toobte caano ah uma taagin oo waaba ka seexday. Dabadeed subixii, Kulan gabay kuhaan ah tiriyey, beydadkiisii waxaa ka mid ahaa:
“Cishriin halaad oo dhalay oo caano laga waayey
Oo meel cagaar iyo doog leh caasha loo geliyey
Oo ubadka ciidaas ka badan, celiya yeerayso
Oo gabay ciraab lihi ku gaday caawa ka hor maarag
Ceeboobayeey reer Cabdow, idinna ceyrtooba”
Kuhaankii afmaalka degdeg ayaa loo ajiibay, sidaas ayuuna Belel ku ceyrtoobay. Geelii muddo gaaban ayuu ku dhaafay, wuxuuna noqday wax dhugato la dhuunyeeriyey, wax dugaag laayey iyo wax lumay oo la waayey. Belel inuu gaawe maran kala haro geeliisii labada kadin ahaa waa xikmad Eebbe oo loogu dawgalay in dadka kale ku cibro qaataan.
Xidid
Xidid marka la eego micnaha aasaasiga ah waa laf-dhiska nolosha geedka. Geedku wuxuu ku nool yahay xididada oo dhulka ka soo nuugta biyaha iyo macdanta. Sidaa darteed, saldhigga nolosha guud ahaan waa geedka, maxaa yeelay xoolaha, miraha, cawska, caleenta, looxyada, dhuxusha, hooska iyo bilicsamada dhammaantood geed bay ka yimaadaan.
Sida geedku ugu tiirsan yahay xididada, bulshada Soomaaliduna waxay xiriirka guurka ugu bixisay xidid, maadaama guurku mideeyo laba qoys ama laba beelood oo uu dhex mariyo xiriir sharaf iyo is-xaqdhowr u baahan. Xididnimadu way ka sarreysaa xigaalka iyo xasabka marka laga eego dhaqanka.
Dadka xididka ah waxaa waajib ku ah ixtiraam, kaftan xad leh, iyo ka fogaansho aflagaado. Maahmaahyada muujinaya xushmada xididka waxaa ka mid ah :
• Tol sidii xidid u hadlay waa tol la’aan.
• Xidid sidii sokeeye u kaftamayna kala dhimay.
• Xidid wada degay waa xaar wada yaal.
Qiso ka dhacday gobollada dhexe laba beelood oo colaad xoog leh ku jiray mudo dheer ayaa nabad laga dhex heli waayay. Ugu dambayn xididnimo ayaa dagaalkii joojisay. Xasan oo Cambaro jeclaa, muddo ayuu safka hore dagaalka kaga jiray, dagaal udhexeeya reerka Cambaro iyo reerkiisa. Ugu dambayn jaceylkii ayaa ku xoog batay, wuuna go’aansaday inuu u safro halkii Cambaro ku noolayd. Isagoo dhuumaaleysi socda ayuu gaaray ardaaga gurigeeda, waxaana dhex maray nabdaadin murugo iyo farxad isku jirta. Habeen saq dhexe ah ayay si qarsoodi ah u dhaqaaqeen iyagoo u socday Fiqi si uu u meheriiyo.
Markii reer Cambaro oggaadeen in ay maqan yihiin, isla markaana la fahmay inuu Xasan, oo ka soo jeeda beesha colka ah, gabadha la tagay, waxaa raad raacay labaatan fardooley oo uu hoggaaminayay walaalkeed. Waxaa la mooday col abaabulan, qofna mafilan karin in Xasan kaligiis u yimid gabadha.
Lammanaha oo lugeynaayey, markii colkii raacdaynaayey ay ku soo dhowaadeen, xaaladiina cakirantay, Cambaro waxay ninkii la soo tegey kula talisay “waranka ciidda afka ugu mud, gaashaankana sal saaro, dabadeed intay garaarka iska furtay oo qaarkii sare qaawisay ayey isku aadisey”. Colkii yimid nin ka mid ah oo ciilqabey ayaa yiri, ma dagaalyahan Xasan oo raggeenii laayey ayaa maantana gabadheenii soo dhacay. Walaalkeed oo qalbigiisa xishood galay ayaa ku talamey “walaashaa iskuma hubtide seeddigaa haysi seegina”, walaalkeed wuxuu colkii ku yiri “dib u jeesta, ninkii diidana aniga dagaal ha iigu soo diyaargaroobo, waayo ciilka Xasan loo qabo waxaa ka sokeeya walaashay oo garaarka furatay”. Cambaro ayaa tiri “bal in la dilo iska daaye haddii mar dambe magaciisa laga dhawaajiyo walee googarada ayaan iska furi doonaa”
Colkii markii hore u soo qalab qaatay inay dilaan Xasan markay tixgeliyeen gabadha garaarka furatay iyo xeerka xididtinimo, waxay isku waafaqeen inay siiyaan geenyada gammaankii ay wateen ugu qurxoonayd iyo sahay gaarsiisa xudduuda deegaanka tolkii. Tolkii Xasan ka dhashay oo maalintii uu u safray caashaqii madaxmaray, ka samray agas iyo axanna u sameeyey ayaa Xasan oo wata Cambaro la nabad yimid. Gelbintii arooska Cambaro dumarkii ka soo qeyb galay damaashaadkii waxay ku gelbiyeen hees ciyaareedkaan:
“Cambarooy cawaaley, caaqiibo talisooy
Cidihii dagaallamay, colaad joojisaad tahay
Nabad lagu caweysimay, tii curisay baad tahay
Cisigaaga sharafta leh, carrab kuma idlayn karo
Cayn kastaan ka eegnaba, currad haybad laad tahay
Calool xumadii saartaye, Allow wiilal ciidmiyo,
Hablo ciirta kuu-lula, caamireen gurigaaga”.
Ducadaas Cambaro Alle waa u aqbalay waxayna dhashay 13 wiil iyo 6 gabdhood.
Maxaa isbaddelay?
Reer-magaaloowga iyo burburkii dowladnimada waxay labaduba door weyn ka qaateen sida ay bulshada u lumisay xurmeyntii birmageydada. Markii dowladdii meesha ka baxday, dalka wuxuu galay xaalad dabiici ah “state of nature”, qof walbana wuxuu bilaabay inuu sameeyo waxa uu doono. Argagax badan ayaa dhacay, xadgudubyaduna marba marka ka dambeysa way sii xumaanaayeen, gaar ahaan markii tiknoolojiyada si fiican loo bartay oo falalkii foosha xumaa si fudud loo duubi karo loona faafin karo.
Tusaalooyinka ugu naxdinta badan waxaa ka mid ahayd Caa’isho yar oo inta dhowr nin kufsadeen kadibna la dilay. Waxaa jira dhacdooyin dhow oo muujinaya in qiyamkii bulshada la dayacay. Sebteembar 2018 waxaa goobtiisa shaqo lagu gubay Axmed Dowlo, sabab la xiriirta gabar uu mehersaday wiil uu adeer uyahay. Sidoo kale Luul Cabdicasiis, oo ahayd hooyo caruur leh uurna lahayd, ayaa si ula kac ah waxaa u gubay ninkeeda, sida maxkamaduhu caddeeyeen.
Bishii Sebtembar 2022, gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay xasuuq oo ay ku dhinteen ku dhowaad labaatan qof oo socoto ah. Falkan naxariis-darrada ah oo Al-Shabaab ka dambaysay, wuxuu noqday dhacdo si weyn u xoojisay go’aanka dadka Hiiraan ee ku aaddan in ay si dhab ah ula dagaallamaan kooxdaas.
Dhacdo kale oo dhowaan ka dhacday Galgaduud waxaa hooyo iyo saddexdeeda gabdhood loo dilay aano qabiil. Markii falkaas la cambaareeyn waaye, koox kale oo ka careysan ayaa isla gobolka gudihiisa ku dishay hooyo Aamino, oo 61 jir ahayd. Aamino marka la fiiriyo toddobada koox ee birmageydada waxay soo gashaa ugu yaraan saddex jeer: waa dumar, waa da’, waa maato. Sidoo kale bishii Nufeembar waxaa silcin kadib magaalada Wallaweyn lagu gubay oday. Markaad dhacdooyinkaan isu geyso waxay kuu muujinayaan in bulshadu ka leexatay qiyamkii hore, ayna soo ifbaxeen dabeecado bahalnimo u dhaw oo aan ka tarjumayn dhaqankii Soomaalida. Halka dhaqankii hore sida kor ku aragnay, in ciroole sahay laga furtay sabeynir iyo xaalmarin kadib magtiisa la keenay, sida ay u aheyd wax xun darteed. Haddana waa gubid aan wax ka dhiidhin laheyn.
Gunaanad
Birmageydo, oo ah kooxaha bulshada ee la dhowro, waxay ku jiraan dhaqanka Soomaalida, shareecada Islaamka, iyo shuruucda caalamiga ah. Inta badan, dhammaan nidaamyadani waxay isku raacsan yihiin in ilaalinta dadka nugul iyo ku dhaqanka caddaaladda ay yihiin tiirarka bulshada nabadgelyada leh. Burburkii dowladnimada iyo isbeddelka reer-magaaloowga ayaa wiiqay xurmada birmageydada, taasoo keentay in dhaqankii meesha uu kabaxo. Si kastaba ha ahaatee, fahamka iyo ixtiraamka mabaadi’dan ayaa muhiim u ah dib-u-habaynta bulshada iyo soo celinta nabadda, iyadoo la isku dayayo in la soo celiyo dhaqankii iyo shuruucdii bulshada ee hore u jiray.
Dhammaan nidaamyada sharci waxay ka shaqeynayaan sidii loo ilaali lahaa xuquuqda iyo sharafta dadka, iyadoo la tixgelinayo taariikhda iyo dhaqanka bulshada, si loo dhiso bulsho mideysan oo caddaalad ku dhisan.
Tixraacyada
Cabdulqaadir Aroma. (2005). Buuga Sooyaalka Soomaaliya.
Federal Republic of Somalia. (2012). Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia. Mogadishu, Somalia: Ministry of Justice.
United Nations. (1949). Geneva Convention IV relative to the Protection of Civilian Persons in Time of War. Geneva: United Nations.
United Nations. (1977). Additional Protocol I to the Geneva Conventions of 12 August 1949, and relating to the Protection of Victims of International Armed Conflicts. Geneva: United Nations.
United Nations. (1951). Convention Relating to the Status of Refugees. Geneva: United Nations.
International Committee of the Red Cross. (n.d.). Customary International Humanitarian Law, Rule 31: Protection of civilians. Geneva: ICRC.
BBC News Somali. (2018, September 25). Dilka Axmed Dowlo ee haybsooca ku salaysan oo dibadda soo dhigay waxyaabo qarsoonaa. BBC News Somali. https://www.bbc.com/somali/war-45640919
Caasimada Online. (2019, February 25). Xog cusub oo laga helayo gabadhii 12-jirka ahayd ee la kufsaday kadibna la dilay. Caasimada Online. https://www.caasimada.net/xog-cusub-oo-laga-helayo-gabadhii-12-jirka-ahayd-ee-la-kufsaday-kadibna-la-dilay/
Kalsan TV. (2022, September). Dadka Shacab ah oo lagu laayay Hiiraan iyo gawaarida la gubay. https://www.facebook.com/share/v/1A5Gof4GAC/
Quran. Surah Al-Tawbah, 9:6.
