Falanqayn: Dagaalkii Al-Shabaab & Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2022–2026
Dagaalkii sannadkii 2022 ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab wuxuu noqday mid ka mid ah marxaladihii ugu muhiimsanaa ee dagaalka muddada dheer ka socda Soomaaliya. Waxa uu ka duwanaa hawlgalladii hore, gaar ahaan doorka ay bulshada deegaannada dhexe ku yeelatay dagaalka, abaabulka Macawiisleyda, iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo isku daygii dowladda ee ahaa in dib loo ballaariyo dhulka ay maamusho. Hawlgalladu waxay ka bilowdeen kacdoon bulsho oo si weyn uga hanaqaaday gobolka Hiiraan, waxayna ku fideen Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkani ma ahayn dhacdo ka dhalatay hal sabab ama hal goob, balse wuxuu ahaa natiijada isku biiritaanka cabashooyin bulsho oo muddo soo ururayay, cadaadiskii Al-Shabaab ku haysay dadka deegaanka, isbeddelladii siyaasadeed ee dalka iyo go’aankii dowladda cusub ee 2022 ay ku xoojisay hawlgallada milatari.
1. Sababihii Dhaliyay Kacdoonkii 2022, Ee Dowladda, Macaawisleyda & Al Shabaab
Si loo fahmo sababta dagaalku u xoogaystay sannadkii 2022, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo sida Al-Shabaab u maamuli jirtay qaybo badan oo ka mid ah miyiga Soomaaliya. Muddo dheer, kooxdu kuma tiirsanayn awoodda hubka oo keliya, balse waxay dhistay nidaam ay ku maamusho dhaqdhaqaaqa dadka, ganacsiga, xoolaha, waddooyinka iyo xiriirka bulshada. Waxay canshuuro ka qaadi jirtay ganacsatada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, waxayna dadka ku khasbi jirtay inay u hoggaansamaan amarradooda. Deegaanno badan, lacagahaasi waxay noqdeen culays dhaqaale oo joogto ah, dadweynaha haddi ay diidaan waxa ay la kulmi jireen hanjabaad, xarig, hanti la wareegid ama dil. Marka laga eego dhinaca bulshada, nidaamkan ma ahayn oo keliya muran ku saabsan canshuur, balse wuxuu ahaa loollan ku saabsan cidda xaqa u leh inay go’aamiso nolosha dadka iyo maamulka deegaankooda. Xaaladdaas waxaa sii adkeeyay abaartii ba’nayd ee Soomaaliya saameysay sannadihii 2021 iyo 2022.
Xoolo-dhaqatada iyo beeraleydu waxay wajahayeen khasaare dhaqaale, biyo yari iyo cunto la’aan, halka qoysas badan ay ku tiirsanaayeen dhaqdhaqaaq xor ah si ay u helaan suuqyo, ceelal iyo dhul daaqsimeed. Marka lagu daro canshuuraha iyo xannibaadaha waddooyinka, culaysyadaasi waxay sii kordhiyeen dareenka ah in bulshada laga qaaday awooddii ay ku maamulan lahayd nolosheeda. Si kastaba ha ahaatee, abaartu keligeed ma ahayn sababta dagaalka, waxay ahayd arrin sii xoojisay dhibaatooyin hore u jiray, gaar ahaan meelaha ay Al-Shabaab ku lahayd awood xooggan oo ku saabsan isu socodka iyo dhaqaalaha. Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa xiriirka sii xumaanayay ee u dhexeeyay Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha bulshada ee diidayay faragelinta kooxda gaar ahaan, Gobalada, Sh/dhexe, Hiiraan, Galgaduud & Mudug.
2. Hiiraan: Meesha Kacdoonkii Bulshada Ka-bilawdey
Hiiraan waxa ay noqotey xudunta kacdoonkii 2022, sababtoo ah cabashooyinkii bulshada ayaa halkaas ka gudbay heerki diidmada, waxayna isu beddeleen abaabul hubaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Deegaannada ku xeeran Maxaas, Matabaan iyo qaybo ka mid ah miyiga Beledweyne waxaa ka jiray caro la xiriirtay canshuuraha, hanjabaadaha iyo faragelinta kooxda ee nolosha bulshada. Markii ay bulshooyinku go’aansadeen inay iska caabiyaan, dagaalku wuxuu helay saldhig bulsho oo ka duwan hawlgalladii hore ee ay ciidamada dowladdu iyagu hormuudka ka ahaayeen. Macawiisleydu waxay garanayeen dhulka, waddooyinka, ceelasha, xiriirrada qoysaskooda iyo dhaqdhaqaaqa kooxda. Aqoontaasi waxay siisay faa’iido muhiim ah, gaar ahaan hawlgallada ka dhacay miyiga iyo deegaannada aan lahayn joogitaan dowladeed oo xooggan.
Bilowgii Agoosto 2022, iska caabbinta bulshada ee Hiiraan waxay isu beddeshay hawlgallo si ballaaran isugu xiran. Ciidamada dowladda iyo Macawiisleydu waxay bilaabeen inay la wareegaan tuulooyin iyo marinno ay Al-Shabaab muddo ka talinaysay. Hawlgalladu waxay ku fideen deegaanno u dhexeeya Maxaas iyo Matabaan, ka dibna waxay gaareen tuulooyin kale oo ku dhow Beledweyne iyo Buuloburde. Warbixinnadii xilligaas waxay diiwaangeliyeen guulo dhuleed oo isdaba joog ah, iyadoo warbixinno qaarkood ay sheegeen in ugu yaraan 40 deegaan laga saaray Al-Shabaab gudaha Hiiraan dhammaadkii Sebtembar 2022. Guulaha Gobalka Hiiraan waxay ku yimaadeen isku darka saddex awoodood. Tan koowaad waxay ahayd kacdoonka shacabka, oo keenay dagaalyahanno, xog iyo taageero dhinaca aqoonta deegaanka. Tan labaad waxay ahayd awoodda CXDS, oo hawlgallada siisay abaabul ciidan, hub iyo awood ay ku ballaariso weerarrada. Tan saddexaad waxay ahayd taageerada saaxiibbada caalamiga ah, oo hawlgallada qaarkood ku taageeray dhinacyada cirka, saadka iyo tababarka. Hase yeeshee, guushaas waxaa weheliyay caqabado dhowr ah, markii la qabsado tuulo, waxaa loo baahnaa in la ilaaliyo dadka taageeray dowladda, la sugo waddooyinka, la helo ciidan joogto ah, lagana hortago in Al-Shabaab dib ugu soo laabato. Qodobkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee lagu arkay dagaalka.
3. Baxdo iyo Galgaduud: Kacdoonkii Bulshada oo Ka Gudbay Xuduudaha Hiiraan
Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Baxdo, ayaa tusaale muhiim ah u ah sida cadaadiska kooxda al shabaab uu u abuuri karay iska caabbin ka dhalata bulshada deegaanka. 17-kii Juun 2022, Al-Shabaab waxay weerartay Baxdo, waxaana dagaal xooggan dhex maray kooxda iyo xoogag deegaanka ah oo iska caabinayay. Dhacdadan waxay muujisay in kooxdu aysan mar walba awoodin inay si fudud u jebiso bulshada deegaanka, gaar ahaan marka dadka deegaanka ay isku raacaan inay difaacaan deegaankooda. Muhiimadda Baxdo kuma koobnayn natiijada dagaalka ka dhacay magaalada. Waxay ahayd dhacdo muujisay in bulshooyinka Galmudug ay lahaayeen awood ay kaga hortagaan cadaadiska Al-Shabaab, ayna jireen cabashooyin la xiriiray canshuuraha, qorista dhallinyarada iyo faragelinta maamulka bulshada. Dagaalku wuxuu sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in iska caabbinta maxalliga ahi hesho taageero iyo xiriir ay la yeelato hay’adaha amniga, si aanay ugu ekaan difaac ku kooban hal deegaan.
Markii hawlgalladii dowladda ay ballaarteen Agoosto 2022, Galgaduud waxa ay noqotay mid ka mid ah gobollada lagu doonayay in lagu wiiqo saldhigyada iyo marinada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgallo ka sameeyay deegaanno kala duwan, iyadoo ujeeddadu ahayd in laga saaro kooxda magaalooyin iyo tuulooyin ay ku lahayd joogitaan muddo dheer ah. Hawlgalladii xigay ee 2023 waxay horseedeen isbeddello dhuleed oo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa dib ula wareegidda Ceel Dheer. Ceel Dheer waxay muhiim u tahay isku xirka qaybo ka mid ah Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Dhexe, sidaas darteed qabsashadeedu waxay lahayd qiime ka baxsan xuduudda degmada lafteeda. Ceel Buur iyo Galhareeri waxay ahaayeen laba deegaan oo kale oo muhiim u ah fahamka dagaalka bartamaha Soomaaliya. Muddo dheer, Al-Shabaab waxay deegaannadaas iyo dhulka ku xeeran u adeegsanaysay xarumo ay ka abaabusho dhaqdhaqaaqyadeeda ay ku maamusho bulshada, kuna ilaaliso marinada ay ku xiriiriso gobollada dhexe iyo koonfurta dalka. Sidaa darteed, hawlgallada ka dhacay deegaannada ku dhow Ceel Buur iyo Galhareeri waxay qayb ka ahaayeen isku day ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda kooxda ee bartamaha Somalia. Al-Shabaab markale ayey gacanta ku haynta Ceel Buur, Galhareeri, Wabxo iyo Cowsweyne dib ula wareegtay, halka Dhuusamareeb, Cadaado, Baxdo, Ceel Dheer, Masagawaay, Balanbale, Cabudwaaq iyo Xeraale ay ku jiraan gacanta dowladda.
4. Shabeellaha Dhexe: Masaajid Caligaguud, Wargaadhi, Al kowthar, Hilowle Gaab, Daaru Nimca, Ceel Cali Axmed, Ruunnirgood, Aadan Yabaal iyo Muhiimadda Isku Xirka Dhulka
Shabeellaha Dhexe waxa ay kamid ahayd gobolladii ugu muhiimsanaa ee dagaalka, sababtoo ah waxa ay isku xiraa Muqdisho, qaybo kamid ah Gobalada Hiirshabeelle iyo gobollada dhexe. Waddooyinka, webiga Shabeelle, beeraha iyo tuulooyinka ku teedsan waxay gobolka siinayaan muhiimad dhaqaale iyo mid amni. Al-Shabaab waxay muddo dheer saameyn ku lahayd qaybo kamid ah miyiga, iyadoo ka faa’iidaysanaysay fogaanta deegaannada qaarkood u jiraan xarumaha dowladda iyo caqabadaha ka jira sugidda waddooyinka. Sidaa darteed, hawlgallada Shabeellaha Dhexe waxay lahaayeen laba ujeeddo oo isku xiran, in laga saaro kooxda deegaannada ay maamusho iyo in la yareeyo awooddeeda ay ku carqaladayn karto isu socodka dadka, ganacsiga iyo ciidamada. Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee hawlgalladii 2022 waxay ahayd qabsashadii Aadan Yabaal bishii Diseembar 2022. Magaaladaasi waxay muddo dheer muhiim u ahayd joogitaanka Al-Shabaab ee gobolka, waxayna ahayd xarun ay kooxdu uga faa’iidaysan jirtay maamulkeeda iyo dhaqdhaqaaqyadeeda milatari. Markii ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ay la wareegeen, waxay dowladda u ahayd fursad ay ku ballaariso joogitaankeeda dhulka miyiga ah, isla markaana ku carqaladeyso isku xirka ay Al-Shabaab la lahayd deegaannada kale. Si kastaba, qabsashada Aadan Yabaal ma aysan la micno ahayn in dhammaan miyiga Shabeellaha Dhexe laga saaray kooxda ama in waddooyinka gobolka oo dhan noqdeen kuwo ammaan ah.
Dagaalku wuxuu sidoo kale saameeyay deegaanno kale oo ay ka mid yihiin Cadale, Jowhar, Balcad iyo Mahadaay, kuwaas oo muhiim u ah maamulka gobolka, wax-soo-saarka beeraha iyo isku socodka. Qabsashada ama difaaca magaalooyinkaas waxaa saameyn ku leh xaaladda miyiga ku hareeraysan, maadaama ciidamada iyo bulshada ay ku tiirsan yihiin waddooyin si joogto ah loo isticmaali karo. Marka waddooyinka qaarkood ay noqdaan kuwo khatar ah, waxaa adkeed in la gaarsiiyo raashin, shidaal, dawooyin iyo sahay ciidan, taas oo si toos ah u saameysay awooddi lagu difaaci lahaa deegaannada la qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, gulufkii Al-Shabaab ee 2025 wuxuu muujiyay in guulihii hore ee Shabeellaha Dhexe aan si buuxda loo adkayn oo ay dib ula wareegeen Aadan Yabaal, Ceel Baraf, Fiidow iyo Xawaadley. Dib-u-qabsashada deegaanno ay dowladda horay ula wareegtay waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah. Maxaa loo baahan yahay si dhul la qabsaday aanu mar kale gacanta ugu gelin Al-Shabaab? Waxaa muhiim ah in la sugo sahayda, la ilaaliyo saldhigyada, la helo xiriir wax-ku-ool ah oo u dhexeeya ciidamada iyo bulshada, lana dhiso maamul dadka deegaanka ay ku kalsoon yihiin.
5. Mudug: Xarardheere, Bacaadweyn, Camaara, Qaycad iyo loollanka dhulka miyiga iyo xeebaha
Gobolka Mudug wuxuu dagaalka u leeyahay muhiimad gaar ah, sababtoo ah wuxuu isku xiraa Galmudug iyo Puntland, wuxuuna leeyahay xeeb dheer oo ku teedsan Badweynta Hindiya. Deegaannada koonfurta Mudug, gaar ahaan Xarardheere, waxay muddo dheer muhiim u ahaayeen joogitaanka Al-Shabaab iyo isku xirka hawlgallada ay ka fuliso bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Waxaa intaas dheer in miyiga gobolka uu muhiim u yahay xoolo-dhaqatada, isu socodka ganacsiga iyo marinnada ay isticmaalaan dadka deegaanka. Xarardheere waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo xoogagga taageersanaa bishii Janaayo 2023, taas oo ahayd isbeddel muhiim ah oo ka dhacay koonfurta Mudug. Magaaladu waxay muddo dheer ahayd deegaan muhiim u ah Al-Shabaab, sidaas darteed qabsashadeedu waxay yaraysay awooddii kooxda ee ay ku lahayd dhanka xeebta gebi aahan. Sida badan dhulki la qabtey sida Xarardheere, Hobyo iyo Wisil waxaa gacanta ku heysa dowladda, marki laga reebo Camaara iyo Qaycad oo ay Al-Shabaab dib ula qabsatey.
6. Shabeellaha Hoose: Afgooye, Basro, Jannaale, Sabiid, Caanoole, Baraawe iyo waddooyinka muhiimka ah.
Shabeellaha Hoose wuxuu ka duwan yahay gobollada dhexe dhinaca muhiimaddiisa dhaqaale iyo juqraafiyeed. Gobolka wuxuu leeyahay dhul-beereed ballaaran, wuxuu ku dhow yahay Muqdisho, wuxuuna isku xiraa caasimadda iyo qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Sidaas darteed, awoodda Al-Shabaab ee gobolka waxay saamayn weyn ku yeelatey amniga caasimadda, isu socodka ganacsiga iyo nolosha beeraleyda. Dagaalka kadhacay Shabeellaha Hoose ma ahayn mid si buuxda uga dhashay kacdoonkii Macawiisleyda ee Hiiraan, balse wuxuu qayb ka ahaa dagaalkii muddada dheer socday ee u dhexeeyay dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo dib u xoogaystay sannadkii 2022. Hawlgalada gobolka waxay ku wajahanaayeen in laga saaro Al-Shabaab deegaanno muhiim u ah isku socodka iyo in la yareeyo awoodda kooxda ee ay ku weerari karto waddooyinka iyo saldhigyada dowladda. Magaalooyinka iyo degmooyinka sida Afgooye, Marka, Qoryooley, Baraawe, Wanlaweyn iyo Jannaale waxay leeyihiin muhiimad kala duwan oo la xiriirta ganacsiga, beeraha iyo maamulka.
Dhibaatada ugu weyn ee Shabeellaha Hoose waxay tahay in amniga magaalooyinka iyo kan miyigu aanay mar walba isku heer ahayn. Magaalo ay dowladda maamusho waxay ku tiirsanaan kartaa waddooyin ay Al-Shabaab weerarro ka fulin karto, halka beeraleyda ku nool tuulooyinka ku hareeraysan ay wajihi karaan cabsi, baad ama xannibaado isu socod. Sida aan dhawaan kuso arkey safar aan Sh/Hoose kutegay. https://shorturl.at/10GKQ. Sidaas darteed, Guusha gobolka laguma cabbiri karo oo keliya inta magaalo ee la qabsaday, balse waa in la qiimeeyo amniga waddooyinka, xorriyadda isu socodka, ilaalinta beeraleyda iyo awoodda maamulka ee gaarsiinta adeegyada.
7. Macaawiisley
Macawiisleydu waxay ahaayeen mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee lagu garto dagaalkii 2022. Waxay ka soo baxeen bulshooyin dareemay in noloshooda, dhaqaalahooda iyo madaxbannaanidooda deegaan ay khatar ku jiraan. Awooddoodu waxay ku salaysnayd aqoonta dhulka, xiriirka ay la lahaayeen dadka deegaanka iyo rabitaanka ah in laga hortago awooddii Al-Shabaab. Xaaladaha qaarkood, waxay noqdeen isku xirka u dhexeeya bulshada iyo ciidamada dowladda, iyagoo bixiyay xog iyo taageero hawlgaleed oo muhiim ah. Kacdoonkoodu wuxuu sidoo kale muujiyay in koox hubaysan aysan awooddeeda ku sii haysan karin deegaan muddo dheer iyada oo aan la tacaalin dareenka bulshada ee ku saabsan caddaaladda, canshuuraha iyo xorriyadda. Si kastaba ha ahaatee, Macawiisleydu ma ahayn ciidan qaran oo mideysan oo leh hal talis, hal nidaam mushaar iyo hal hannaan isla xisaabtan. Waxay ku kala duwanaayeen beelaha ay ka yimaadeen, qaabka loo abaabulay, taageerada ay heleen iyo xiriirka ay la lahaayeen dowladda. Kala duwanaanshahaasi wuxuu u fududayn karay inay si degdeg ah uga jawaabaan khataraha maxalliga ah, laakiin wuxuu sidoo kale adkayn karay isku xirka hawlgallada iyo joogtaynta difaaca. Haddii dagaalyahannada deegaanka aan la siin taageero joogto ah ama aan lagu darin nidaam amni oo sharciyeysan, waxaa jiri karta khatar ah in qaarkood ay ku noqdaan deegaannadooda, halka kuwo kalena ay ku sii jiraan xaalad hubaysan oo aan lahayn nidaam maamul oo cad.
Caqabad kale waxay la xiriirta xiriirka u dhexeeya Macaawisleyda deegaanka iyo maamulka dowladda. Marka dagaalku socdo, iskaashiga ka dhasha cadow la wada leeyahay wuxuu isku soo dhoweyn karaa bulshooyin kala duwan. Hase yeeshee, haddii khilaafaadka dhulka, awood-qaybsiga iyo matalaadda siyaasadeed aan la xallin, colaado cusub ayaa soo bixi kara marka cadaadiska milatari yaraado sida hadaba ka taagan Hiiraan & Sh/dhexe. Sidaa darteed, dowladda waxay u baahan tahay inay Macawiisleyda u aragto qayb ka mid ah qorshe amni oo ballaaran, balse aanay ku tiirsanaan oo keliya abaabul ku-meel-gaar ah. Waxaa muhiim ah in la helo hannaan lagu diiwaangeliyo, lagu tababaro, lagu taageero, lagu tirakoobo, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dadka rayidka ah iyo sharciga. Casharka ugu weyn ee Macawiisleydu bixiyeen waa in amniga Soomaaliya aanu ku dhismi karin awoodda dowladda oo keliya ama iska caabbinta bulshada oo keliya. Wuxuu u baahan yahay iskaashi ay bulshadu ku leedahay kalsooni, ciidamadu leeyihiin awood iyo anshax, maamulladuna awoodaan inay keenaan caddaalad iyo adeegyo. Haddii mid kamid ah qaybahaas la dayaco, guulaha laga gaaray dagaalka waxay halis ugu jiraan inay noqdaan kuwo aan waarin, sida musuqii iyo lunsashadii saadki ciidanka iyo musuq-maasuqi ay dib udhac ugu geysteen dagalka.
8. Maxaa Loo Baahan Yahay Si Dhulalkii La Xoreeyay Loo Sugo?
Si loo adkeeyo guulaha dagaalka, dowladda waxay u baahan tahay qorshe isku xira amniga, maamulka iyo dib u dhiska bulshada. Marka hore, ciidamada joogtada ah waa in la geeyo deegaannada muhiimka ah iyadoo la hubinayo in ay haystaan mushaar, saadka, isgaarsiin iyo awood ay ku difaacaan saldhigyadooda. Marka labaad, Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka deegaanka waa in lagu taageeraa hannaan sharciyeysan oo cad, si awooddooda loogu xiro nidaamka amniga qaranka, loogana hortago khilaafaad iyo hub aan si wanaagsan loo maamulin. Marka saddexaad, waa in la sugaa waddooyinka isku xira magaalooyinka, tuulooyinka iyo xarumaha ganacsiga, sababtoo ah amniga waddooyinku wuxuu muhiim u yahay dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo nolosha shacabka.Waxaa intaas dheer in degmooyinka iyo tuulooyinka laga saarey Al-Shabaab laga hirgeliyo maamul shaqaynaya. Dadka deegaanka waxay u baahan yihiin adeegyo caafimaad, waxbarasho oo meelaha qaar laga hirgaliyey, biyo, caddaalad iyo hannaan ay cabashooyinkooda ku gudbiyaan. Haddii dowladda ay ku ekaato joogitaanka ciidamada oo aanay wax ka qaban dhibaatooyinka nololeed ee dadka, waxaa adkaanaya in la helo kalsooni bulsho oo waarta. Sidoo kale, waa in la taageeraa qoysaska barakacay si ay ugu noqdaan guryahooda, beerahooda iyo xoolahooda marka amnigu saamaxo. Dib u dhiska nolosha bulshada ma aha hawl ka dambaysa amniga oo keliya, waa qayb ka mid ah sugidda amniga laftiisa. Ugu dambayn, waa in la xoojiyo isla xisaabtanka, ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah iyo xallinta khilaafaadka bulshada. Hawlgallada amni waxay u baahan yihiin taageero bulsho oo joogto ah, taageeradaasina waxay ku xirnaan kartaa sida ciidamada iyo maamulka ula dhaqmaan dadka deegaanka. Haddii shacabka la ilaaliyo, cabashooyinkooda la dhageysto, hantidooda la dhowro, isla markaana ay helaan caddaalad, waxaa yaraada fursadaha ay kooxaha hubaysan uga faa’iidaysan karaan cabashooyinka. Taas macnaheedu waa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu u baahan yahay awood ciidan iyo dowladnimo ay bulshadu ku kalsoon tahay.
Gunaanad
Dagaalkii dib u xoogaystay sannadkii 2022 wuxuu ahaa marxalad muhiim ah oo muujisay awoodda ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay inay iska caabiso Al-Shabaab marka cabashooyin muddo ururayay ay isu beddelaan abaabul bulsho, isla markaana ay helaan iskaashi ciidan iyo taageero. Hiiraan waxaa ay noqotey xudunta kacdoonka, halka Baxdo iyo deegaanno kale oo Galgaduud ah ay muujiyeen in iska caabbintu aanay ku koobnayn hal gobol. Hawlgalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Shabeellaha Hoose waxay sidoo kale horseedeen isbeddello dhuleed oo muhiim ah, iyagoo muujiyay kaalinta CXDS, Macawiisleyda iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah. Waxaa loo baahan yahay xog juqraafiyeed oo caddeynaysa dhulka ay dowladda qabsatey baaxaddiisa, midka dib loola wareegay iyo sababta keentay dib in looga qabsado dowladda, diiwaanno dhaqaale iyo warbixinno amni oo isku waqti ah si loo sameeyo xisaabtan dhammaystiran. Casharka ugu weyn ee laga baran karo dagaalkan waa in qabsashada dhulku ay tahay guul milatari, laakiin sugidda dhulka, ilaalinta shacabka iyo dhisidda maamul shaqaynaya ay yihiin guusha istaraatiijiga ah. Haddii dowladda, ciidamada qaranka, Macawiisleyda iyo bulshada deegaanku ay isku xirmaan hannaan amni iyo maamul waara, waxaa kordhaya fursadda lagu ilaalin karo guulihii la gaaray. Haddii aan la xallin caqabadaha saadka, khilaafaadka siyaasadeed, adeegyada bulshada iyo amniga miyiga, waxaa sii jiri kara khatarta ah in deegaanno laga saaray Al-Shabaab ay mar kale noqdaan goob dagaal.
Ugu dambayn, qiimaha dhabta ah ee xoreynta waxa ay ka muuqataa nolosha dadka deegaanadii la xoreeyey badankood waxaa kajira waxbarasho, caafimaad, ganacsi, horumar & xasilooni, waxaa sido kale muhiim ah in lagu dadaalo kor uqaadida kalsoonida shacab ee dowladnimada & wadajirka bulshada. Sido kale laga hortago dhagaraha cadawga oo iyaguna muddooyinki dambe muujinaya nugeyl ay isku dayayaan in ay ku kasbadaan dadka deegaanada, siweyn isbedel ugu sameeyey dhaqamadoodi xoogga & caga jugleynta ku saleysnaa.