Tusaalaha Godka ee Plato ” Allegory of the Cave “
Waxaa qoray: Abdullahi Mohamed Duale
Qoraallada Plato waa kuwo leh aragtiyo falsafadeed oo weli laga faa’iideysto, kuwaas oo gundhig u noqday falsafadda, culuumta siyaasadda, waxbarashada, iyo qiyamka.
Qoraallada Plato waxay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan ee falsafadda Galbeedka, waxaana lagu tilmaamaa kuwo mucjisooyin ah sababtoo ah sida ay u taabanayaan mowduucyo kala duwan oo falsafadeed oo qoto dheer. Qoraalladiisa, oo badanaa lagu qoro qaab dood (dialogue), waxay taabanayaan su’aalo muhiim ah oo la xiriira xaqiiqada, cadaaladda, jacaylka, aqoonta, iyo nolosha wanaagsan.
Faylasuufkii Giriigga ee Plato ardeygii Socrates iyo Macallinkii Aristotle, waxaan diiwaankiisa kasoo xushay aragtida ugu caansan ee loogu yeero ” Allegory of the Cave” oo hadii la afsoomaaliyeeyo noqonaysa “Tusaalaha Godka “
Tusaalaha Godka (Allegory of the Cave ), oo uu Plato ku sharaxay buuggiisa Republic, waa mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee falsafadeed ee ka hadlay aragtida runta, aqoonta, iyo sidii qofku uga bixi lahaa jahli una gaari lahaa xaqiiqada dhabta ah. Plato wuxuu tusaalahan ku sharraxayaa dad ku nool god madow, kuna xirxiran silsilado muddo dheer.
Dadkaasi saddex dhibaato baa haysata;
- Ma arki karaan waxa ka dambeeya oo dhan sababtoo ah silsiladaha ay ku xirxiran yihiin ayaan u saamaxayn inay madaxooda warwareejiyaa oo hadba dhinac eegaan
- Waxay kaliya arkaan hooska ka muuqda darbiga, hooskaas oo ka imanaya waxyaalo hadba hor maraya dab gadaashooda yaala
- Hooskaas ay arkayaan had iyo goor ayaa noqday xaqiiqada kaliya ee ay garanayaan, maadaama aysan jirin waayo-aragnimo kale oo ka baxsan hooskaas oo ay ka barteen nolosha iyo waayaha.
Hadii si dhaba loo tarjumo tusaalahaas wuxuu noqonayaa:
- Hooska darbiga (Harka): Waxa uu u taagan yahay aragtida caadiga ah ee bini’aadamka, taas oo ku salaysan dareenka kaliya ee qofku helo. Dadku waxay u qaataan xaqiiq waxa ay arkaan ama maqlaan oo kaliya inuu yahay xaqiiqada dhabta ah.
- Maxaabiista silsiladaysan: Waxaa lagu tusaaleeyey dadku marka ay u xirxiran yihiin jahliga iyo fikradaha qaldan oo aysan awoodin inay ka gudbaan.
- Dabka gadaashooda ka jira: Waa isha ifka soo saaraysa hooska been abuurka ah, taasoo ka turjumaysa ilaha macluumaadka aan saxda ahayn ee dadku ku tiirsan yihiin
Maxaa dhacaya haddii Maalin maalmaha kamid ah uu maxbuus jabiyo silsiladaha ku xiran oo uu ka baxo Godka? Wuxuu ogaadaa in hooskii uu arkayay muddada uusan ahayn xaqiiqadii dhabta ahayd. Inta uu godka ka baxo, wuxuu arkaa dunida iyo nolosha banaanka ka jirta, oo ay ku jiraan waxyaabihii xaqiiqada ahaa, dhir, iyo iftiinka qoraxda. Qorraxdu waxay astaan u tahay oo u taagan tahay runta iyo aqoonta dhabta ah ee ka sarreysa midda dareenka
Marka uu maxbuusku ka baxsado Godka waxaa ku adkaanaysa inuu la qabsado nolosha cusub, waa uu ku jahwareerayaa waxa uu arkayo maadaama uu weligiis u haystay in hoosku yahay xaqiiqada dhabta ah Kadib si tartiib tartiib ah ayuu ula qabsadaa: Wuxuu baranayaa in aragtiyaha cusub ee uu arkayo ay yihiin xaqiiqada dhabta ah ee jirta , halka hooska uu ahaa been abuur iyo maaweelo , Waxa uu ogaadaa runta oo markuu qorraxda arko wuxuu fahmayaa isha dhabta ah ee iftiinka iyo xaqiiqada.
Maxaa dhacaya haddii maxbuuskii dib ugu laabto Godkii si uu dadkii kale dhabta iyo xaqiiqada jirta ugu soo sheego?
Dadkii kale oo dhan way diidayaan inay aaminaan, mana soo dhoweynayaan waxa uu sheegayo saaxiibkood, maadaama ay iyqgu ku qanacsan yihiin xaqiiqada hooska ay arkayaan xilli walba. Waxay u arkaan inuu waalan yahay oo maskaxda lagaga jiro ama iska indha-tirayo xaqiiqada jirta. Wuxuu la kulmaa diidmo qayaxan iyo mucaaradid adag, taasoo ka tarjumaysa sida ay u adagtahay inay Bulshadu aqbasho run cusub.
Waa maxay Macnaha Falsafadeed ee ku jira Tusaalahan (Allegory of the Cave )?
- Aqoonta iyo Waxbarashadu waa hab si tartiib ah u il bixinaya qofka oo ka saaraya jahliga una horseedaya xaqiiqada dhabta ah.
- Xorriyadda Maskaxda: Waxaa loo baahan yahay in qofku jebiyo silsiladaha adoonsiga, maskaxdiisana uusan xaddidin oo uu ka fikiro wax ka baxsan waxa uu arkayo ama maqlayo had iyo jeer.
- Plato Dadka ku xirxiran godka waxa uu ku tusaalaynayaa bini’aadamka aan garanayn xaqiiqada dhabta ah, halka maxbuuska baxay uu ku tusaaynayo falsafiistaha ku dadaalaya inuu dadka tuso runta.
- Qorraxda: Plato Waxa uu ku tusaalaynayaa qorraxda inay tahay aqoonta iyo xaqiiqada dhabta ah ee aan lagu ogaan karin kaliya dareenka
Tusaalaha Godku waxa uu weli muhiim u yahay aragtida falsafadeed ee casriga ah; waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo siyaasadda, iyo dhaqamada bulshada ee aan ahayn xaqiiq. Plato waxa uu dhiirrigelinayaa in qofku su’aalo ka keeno xogta iyo xaqiiqada uu qaadanayo, si uu u gaadho run qoto dheer oo lagu kalsoonaan karo
Tixraac
1. RussellB, ertrand (1945) A History of Western Philosophy George Allen & Unwin
(Si gaara Chapters-ka ku saabsan Socrates, Plato, iyo aragtiyaha Cilmiga )
2. AnnasJ, ulia (1981) An Introduction to Plato’s Republic Oxford University Press
(Sharaxaad aad u qotodheer oo ku saabsan Ciwaankan )
3. Internet Encyclopedia of Philosophy (IEP)
4. “Plato:The Allegory of the Cave”
https://iep utm edu/plato-cave/
