W/Q: Fahad Amer Al-Ahmadi, buugga نظرية الفستق
W/T: Usuuludiin Mohamed
Isu-dhigan, waaa aragti sheegaysa in fikrad kasta ay wax ka sax yihiin, waxna khalad ka yihiin. Ceeb ma aha in aynu leenahay aragtiyo khaldan, balse tan biya-kama-dhibcaanka waa inuu inagu rakiban yahay maan taban oo ka hor-imanaya is-beddelka.
Isla’egtu (Relativism) maaha mid innaga oo qudha inoo goonni ah, balse waa mid ay inaga la siman yihiin aqoondhaariyada; mufakiriinta; aygaradyada; iyo xitaa indheergaradyada lafaha geela dhuuxi kara (maadaama ay ku oodan yihiin xayndaabka aadane kulansaday samo iyo xumo, guul iyo guul-darro; run iyo been; caddaalad iyo eexasho).
Aadanuhu heer kasta oo ay joogaan waa natiijada sabankooda, waana ubadka bulashadooda, sidaas darteed la yaab ma leh inay ku qancaan aragtiyo iyo caqiidooyin marka loo eego faca iyo filka danbe noqonaya af kala qaad, giirasho, iyo maangaabnimo, taasoo mararka qaarna lagu masayn karo inay yihiin wax aan maangal ahayn kana fog waaqica lagu nool yahay.
ogoow isu-dhigantan waxaa lagu ogaan karaa iyadoo tagtadii dib loo raad-guro, lana soo dhugto siday taagantu ganafka ugu dhufatay curfiyadii iyo xistiyadii lama taabtaan ahaa. Sidoo kale jeer kasta oo la isku dayo in la saxo aragtiyaha taban ee bulshooyinku qabatimeen, waxaa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah in lala kulmayo kumannaan codod diidmo qayaxan ah oo mintid u ah aragtiyaha ay soo dhaxleen tan iyo aamanu. Dhanka kalena waxaa tagtadii laga dheehan karayaa, qof wal oo isku daya inuu saxo aragti ku khaldanayd waayihiisa inay ka-hor-imanayeen saaxiibadii iyo dadyowga ugu dhow intaananba la gaarin bulsho weynta (Waana midda inoo bidhaaminaysa sababta ay qammaamuurtu foolaadka ku noqondeen sabanadoodii, aragtiyaha curdinka ahna in lagu qanco ay u baahnayeen wakhti dheer).
Si aynu si qota dheer ama dhumuc weyn is kula fahanno isu-dhiganta aragtiyaha, bal aynu hogga-tusaallayn kor-ka-xaadis ah ku masayanno:
Cilmiga Caafimaadka
Laba boqol oo sanno ka hor, badi dhakhaatiirtu ma aaminsanayn jeermiska, dan iyo heelona kama aysan geli jirin af-saabka iyo cudurada faafa (gaar ahaan xilliyada qaliinka lagu jiro), waana sababta keentay inay kumannaan bukaanno ahi ku nafwaayaan isbitaaladda, iyadoo loo aanaynayo in bukaanaddaasi ay ku sumoobeen gacmihii dhkahaatiirta ee sadhaysnaa oo siday cudurada faafa. Dhakhaatiirtu dhag jalaq uma siin jirin, si mug lehna ugama fakeri jirin in waxaan dadka dilaya uu yahay jeermiska ay gacmadoodu sida basarinnimadu ku jirto u soo qaadayeen, ilaa uu Dakhtar Luis Pasteur ka xaqiijiyey in dhakhaatiirta laftigoodu ay qayb ka yihiin faafitaanka cudurada faafa. Ammintaa ayaa ugu horreysay in dhakhaatiirtu u hoggaansamaan fayo-dhowrka caafimaaadka, ayna xidhaan af-saab iyo gacmo-gashi, sidoo kalena ay saxar tiraan qalabyada qalliinka iyo kuwa shaybaaradaba.
Dhanka Cirbixiyeenka
Waxaa aad u saldhigatay aragti diimeedkii ahayd in dhulku dhaco ‘bartamaha uunka’ aragtidan oo laga dhaxlay fiilasoofiintii Giriigga, gaar ahaan Thales iyo Aristotle, wadaaddadii kirishtaanka ahaana waxay ku dareen aayadaha kitaabka Biible-ka. Sidaas ayaa qarniyo badan loo rumaysnaa in aragtidani ay sax tahay.
Nicolaus Copernicus Kitaab uu qoray ee lagu magacaabo Kacdoonka Fagaagga Samada (On the Revolution of the Clestial Sphare) ayuu ku xusay in dhulku uu udub-wareego, dayuxuna uu dhulka ku wareego, dhulka iyo dayaxa oo wada-socda ay iyaguna qorraxda ku wareegaan. Aqoon-yahankan wuxuu adeegsaday agab uu isagu samaystay si uu ugu kaashado sahanka cirka. Wadaaddadii krishtaanka ahaa ee kitaabkoodii Bibel-ka ku qortay in dhulku udub-wareego, isla-markaa uu dhaco bartamaha uunka, marna maahayn kuwo aqbalaya aragtidan cusub oo beenineysa waxa ay ku sheegeen aayad muqadas ah!
Dhinaca Juqraafigana
Waxay dhammaan dadku wada rumaysnaayeen in dhulku uu fidsan yahay oo uusan wareegsanayn loona abuuray sidii saxan fidsan. In kastoo aynu maanta hubno in dhulku wareegsan yahay, hadana aaminsanaanta aragtida fidsanaantu waxay qofka tuulo ku nool wali la tahay wax hubaal ah, maadaama usan ogayn inaynu ku xidhannahay Xeerka Isa-soo-jiidashada (Gravity’s Law), sidoo kalena uu cuf-is-jiidadku cagaheena hoostooda yahay had iyo jeer, iyada oo loo eegayn goobta ama jabadka aynu dunida kaga suganahay.
Xubnaha jirka iyo qaabka ay u shaqeeyaan (Physiology),
Waxay ilbaxnimooyinkii hore aaminsanaayeen in Beerku uu yahay xubinta jirka intiisa kale dhiigga u gudbisa, oo xitaa dhakhtarkii ugu weynaa dhakhaatiirta Giriigga Galen wuxuu rumaysnaa in beerku dhiigga u qaybiyo jirka intiisa kale si ay u istcimaalaan shidaal ahaan. Qarniyo badan ayaa la rumaysnaa aragtidan, inta uusan dhakhtarkii carbeed ee Ibnu Al-Nafiis iktishaafin habdhiska wareegga dhiigga iyo inuu wadnhuhu arrinkaa ku shuqul leeyahay. Halka reer Yurub ay ku daaheen soo sannifidda aqoontan, ilaa uu ka daahfuray dakhtarkii Ingiriiska ahaa ee William Harvey sanaddii 1628-dii!!
Dhammaan tusaalayaashani waxay caddayn u yihiin in saynisyahanada, cabaaqirada, iyo xitaa haldooradu ay leeyihiin isu-dhigan argtiyo, kuwaas oo sooyaalkooda ula muuqda inay yihiin argtiyo togan, aragtiyo aad loo tashiilay, aragtiyo la aqbali karo, iyo aragtiyo sal adag. Waana wax maan-gal ah marka lagu dhugto jiraalka iyo sooyaalka.
Horumarka aadanuhu kuma jaan-go’naa wakhti go’an, sidoo kalena kobac aqooneedka bini’aadanku wuxuu ka dhashaa sixidda iyo wax-ka-beddel aragtiyaha, tijaabinta male’awaalada, iyo dhisida aqoon ku salayn natiijooyinkii ugu danbeeyey.
Guntii iyo gunaanadkii
Marba haddii aynan noolaanayn qarni ama labo qarni, soo inala ma habboonaa in aynu aqbalno isu-dhiganta aragtiyaha, is-rogrogida afkaarta, iyo in aynan gaari karin maalin uun wax lagu tilmaami karo xaqiiqda badhaxa la’.
Dhanka kale waxay ina tusaysaa in aynu aqbali karno oo dhagaysan karno aragti walba oo inaga soo horjeedana, oo wixii saxanna ka qaadan karno wixii khaldanna ganafka ku tuuri karno.
Muhiimadduse waa inaynu leenahay garaad loodsan, maan furan, iyo qanaaco ah in aragtiyuhu ay ka soo godladaan maanka aadane kulansaday isla’eg isku sidkan (khalad iyo sax + run iyo been).
