Kol uu Sohraan aabihii ku dhowaaday inuu Soomaali noqdo

W/Q: Faisal Ali W/T: Abdirahman H. Dahir

New York City, June 2025. David ‘Dee’ Delgado/Reuters

Sohraan waa nin asal ahaan Hindiyaan ah, balse waxa uu ka soo jeedaa dalka Uganda, halkaas uu aabihiisa, caalimka ah ee waliba aadka loo yaqaan, Maxamuud Mamdaani, kusoo barbaaray. Siday sheegaan qaar ka mid ah Soomaalida, waxaan maqlay in aabihii Mamdaani uu aad ujeclahay dadka Soomaaliyeed maadaamaa uu dalka xariir la lahaa. Wuxuu booqan jiray Muqdisho si uu uga qaybgalo shirarka aqooneed. Waxaa xiise gaar ah u lahaa afgambigii millitari ee dhalay xukuumaddii hantiwadaagga ahayd ee Soomaaliya ka hanaqaaday dabayaaqaddii lixdamaadka.

Feysal Rooble oo ah falanqeeye khibrad ballaaran u leh arrimaha Soomaalida isla markaana ah keyd aqooneed oo xog-ogaal u ah arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Xuseen Aadan Tansaaniya uu saaxiib dhow la ahaa Sohraan aabihii. Qoraal uu bartiisa X soo dhigay wuxuu ku yiri:

“Labadooduba waxay ka kala yimaadeen Tansaaniya iyo Uganda, waxayna wada tageen Harvard, waxayna iska kaashadeen cilmibaaris weyn ee ka warramaysa arrimaha bidixdafog ee ka dhalatay dugsiga cilmibaariseed ee Daari Salaam, halkaasoo dadka sida Issa Shifji iyo Walter Rodney ay door weyn ka ciyaarayeen”.

Waxaa jirta inuu, Barefasoor Tansaaniya, uu mar Mamdaani ku martiqaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo bandhigay warqad-aqooneed ku saabsanayd arrimaha islaamka iyo dhisidda nidaam dawladnimo.

Saaxiibkeey Cabdicasiis Awguudcadde oo ah qoraa iyo tarjumaan caan ah, islamarkaana tarjumay Baaqa Shuuciga (The Comminist Manifesto), iyo buugga Frantz Fanon ee The Wretched of the Earth, ayaa soo dhigay qayb ka mid ah buugga ugu dambeeyay ee Mamdaani ee lagu magacaabo Slow Poison. Buuggu waxa uu ka hadlayaa Idi Amin oo ahaa kaligii-taliskii caanka ahaa ee Uganda iyo dhisidda dawladnimada casriga ah ee Uganda. Waa buug ka mid ah liistada buugta aan akhrin doono xilliga jiilaalka ah. Qaybtani, Mamdaani waxa uu dib ka xasuusanayaa sheeko cajiib ah oo ku saabsan waqtigii uu ku dhawaaday inuu noqdo muwaadin Soomaali ah xilligaas oo baasaboorkiisii hore laga xaday iyo sidii uu ku dhacay afgambigii millitarigu talada kala wareegay xukuumaddii ugu dambeesay ee la doortay. Taasoo sababtay in shaqada laga ceyriyo wasiirkii ku hawlanaa inuu arrinta baasaboorka u fududeeyo Mamdaani, isagoo waliba u soo maray saaxiibkiis Tansaaniya oo kula kulmay Mareykanka. Qaybtani waa mid gaaban oo ku qoran buugga Mamdaani ee Slow Poison:

Waxaan dhammeystay tababarkii xagaagii 1966, sanadkii xigana waxaa ka qalinjbiyay kulliyada ka dibna waxaan ku biiray kulliyadda Fletcher ee Sharciga iyo Diblomaasiyadda ee jaamacadda Tufts. Saaiibkeey aan qol-wadaagga ahayn oo Mareykan ahaa, waxuu xagaaga u safryay Afrika wuxuuna igu yiri: “Waad qaadan kartaa gaarigayga, intaan maqanahay. Sidaas darteed waxaan gaarigii Mustang-ha ahaay u kaxeeystay dhanka degaan Xagaayeedka. Anigoo wato dhammaan waxii alaab ah ee aan lahaay oo ku xirxiran yihiin gaariga ayaan istaagay Harlem, si aan u soo arko saaxiibkeey. Markii aan soo laabtay, kaddib saacad iyo wax lamid ah, gaarigii oo la jabsaday ayaan kusoo aaday, lana dhacay waxkastoo alaab ah ee aan lahaa. Tuugadu waxay warqad boliis ah dhex galiyeen masaradaha muraayadda hore, oo waxaa ku qorneyd: “Tuugada Harlem joogta waa kuwo aad u caqli badan ee fadlan gaariga ha uga dhex tagin alaabtaada”. Waxaan ogaaday maalinkaa in tuugada Harlem aysan kaliya caqli badneyn ee sidoo kale yaqaaniin kaftan qaraar.

Alaabtii la iga dhacay waxaa ku jiray baasaboorkeygii. Markii aan la xariiray ninkii i shaqaaleysiiyay ee ku sugnaa Uganda Mission ee magaalada New York, anigoo ka codsanaya baasaboor cusub ayaan helay fariin dhiillo leh, una dhigan: “Waxay Hay’adda Socdaalka ee Kampala nagu wargelisay, in kiiskaaga kaliya lagu xallin karo gudaha Uganda”. Waxaan hubay inuu qalad jiro, markaasaan kol kale qoraal qoray. Jawaabtii xigtay waxay ahayd mid gamaamudan oo aan la fahmayn: “Bayaankani, waxna kuma dari karno, waxna kama dhimi karno”. Inkastoo aan aad iskugu dayay inaan xogo dheeraad ah helo, waan awoodi kari waayay inaan xogo kale helo.

Sidaa waxaan ku noqday qof bilaa baasaboor ah, mana jirin rejo nololeed oo ii muuqatay. Iyadoo xaaladda muuqatay in albaab kasta uu iga soo xirmay, ayay arrin kale soo korortay. Xilliyadaas qofkasta oo ajnabi ah kuna sugan Mareykanka, waxaa looga baahna inuu isku diiwaangaliyo soogalooti ajnabi ah, muddo ku siman bil gudaheed waliba bisha Jannaayo inuu tago xafiiska boostada. Anigoo aan heysan baasaboorka ma awoodo inaan iska diiwaanaliyo. Muddo gaaban ka dibna, waxaan helay ogeysiis ka yimid ciidamada Mareykanka oo igu amray inaan imaado mid ka mid xarrumahooda askarta laga qoro, si baaris caafimaad loo sameeyo, oo markaa loogu yeeri jiray baaritaanka jirka.

Anigoo ka baqaya in la i qoro ciidannimo, xitaa haddii aan ahaan lahaa muwaadin Mareykan ah, ayaan warqaddii ku dhex tuuray suuliga. Markii aan miyirsaday, waxaan ogaaday in tallaabadan aysan xal u noqon doonin dhibta i haysato. Caadifadda badan ayaan iska joojiyay, si aan xalka diiradda u saaro, si miyir leh. Saaxiibkaygii Soomaali-Tansaaniyaanka ahaa, Xuseen Aadan, oo xilligaa ku sugnaa jaamacadda Brandeis ayaa ii yimid si uu ii garab istaago.

Waxa uu warqad u qoray markaas soddogiis, oo ahaa wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo dhisay kiis ay dooddiisu adag tahay oo lagu qanci karo. Maxamuud waa nin Bakistaani ah (Run ma ahan) oo muslin wanaagsan ah (Wacad Alle waa been), waxa uuna ku jiraa dhibaato (Runta ugu weyn), waxuuna u baahan yahay caawinaad (Waa biya-kama-dhibcaan). Soomaaliya ma garab istaagi lahayd ruux muslim ah oo dhibbane ah? Muddo todobaad gudahiisa ayuu igu soo gaaray foomka lagu codsanaayo baasaboorka Soomaaliyeed. Nasiibdarro, isla habeenkaas ayay wax kasta is rogeen. Waxaa Soomaaliya ka dhacay afgambi oo dawladii rayidka ayaa la tuuray. Wasiirkii shaqo la’aan ayuu noqday, aniguna rejadaydii helitaanka baasaboorka ayaan waayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *