NAFTAADA WAX U QOR: FAADUMO ALIMAAD
Waxaa qoray: Miski Xaashi Baadiyow
Faadumo Alimaad oo figta sare uga jirta gabdhaha dhalinyarada ah ee wax qora ayaan la yeeshay wareysi kooban. Faadumo waxay nooga jawaabaysaa weydiimo ku saabsan khibraddeeda dhanka qoraalka. Ka bogosho wacan.
Soo dhowow Faadumo, nala wadaag sida aad ku bilowday safarka qoraalka?.
Faadumo: Qoraalka waxaa aan bilaabay aniga oo aad u yar. Waxa aan u malaynayaa in aan fasalka afraad ee dugsiga hoose ahaa mar uu macallinkeennii maadada Carabiga noo diray in aan samaysanno buug xasuus qor ah, maalin walbana waxa aan la kulanno aan ku diiwaan galinno. Taas ayaa waxa ay ii fududaysay in aan dareenkayga cabbiri karo. Markii aan wax akhriska bilaabay wacyigayguna kordhay waxa aan bilaabay in aan sheekooyinkii u qoro qaab sheeko faneed ah.
Maxaa kugu dhiirigaliyo inaad wax qorto?.
Faadumo: Waxa u wayn ee igu dhiirri-galiyay in aan wax qoro waa in aan ku nafiso anigu marka aan wax qoro. Waxaa kale oo dhawaanahaan i dhiirrigaliya marka aan arko qof qoraaladayda akhrista oo ii sheega in uu iska dhex arkay, ama ay wax u tartay.
Sidee u fahantaa akhristayaashaada iyo waxyaabaha ay daneeyaan?
Faadumo: Akhristayaashayda waxyaabaha ay daneeyaan waxa aan ku fahmaa waxa aan anigu daneeyo. Badanaa qoraaladayda dhalinyaro ayaa akhrisata, aniga ayaa iska soo qaada akhristayaasha wixii aniga i xiiso galiyana ayagana waa ay xiiso galiyaan.
Ma jiraan qoraallo kuwaaga ah oo aad ka murugootay in bulshada aysan fahmin ama ujeedkaagii laga leexiyay?
Faadumo: Mararka qaar way dhacdaa in wax qaabkii aad u rabtay ma ahane qaab kale loo fahmo. Waxaa ugu badan qoraallada la xiriira arrimaha dumarka. Dadka qaar ayaa ku oranaya feminist ayaa tahay ama diinta ayaad ka soo horjeeddaa.
Maxay ahaayeen caqabadihii ugu waaweynaa ee aad la kulantay markaad bilaawayday qoraalka?
Faadumo: Caqabadaha waa ay jiraan aniga weli qoraalka heerkii aan rabay kama gaarin waa rajaynayaa in aan ka gaaro. Caqabadaha waxaa ugu daran in dadku ay ku dhayalsadaan, dumarnimada iyo dhalinyaranimada labadaba waa lagugu dhayalsan. Hadda oo aan industry-ka ga filim samaynta ku jiro waxaa aad ugu badan rag. Dumar maba arag, taasi waxa ay sababaysaa in waxyaabo badan oo adag aad la kulantid balse waa la ga baxayaaa haddii loo adkaysto.
Ma noo tilmaami kartaa qoraalkaaga ugu saamaynta badnaa ama aad ku tilmaami karto xulka 1aad?
Faadumo: Qoraallo badan oo aan jeclahay saamaynna igu leh ayaan qoray. Way igu adag tahay in aan kala doorto.
Ma la kulantaa mararka qaar inaad dareento waxa ay ugu yeeraan ‘writer’s block’ ama in fikradahaaga yaraadaan, sideese ugu gudubtaa?
Faadumo: Aad baad ugu mahadsan tahay in aad su’aashaan i waydiisay. Aad bay muhiim u tahay. Waan la kulmaa weliba hadda Muqdisho inta aan joogay aad ayay iigu badan tahay. Qofka wax curinaya waxa uu u baahan yahay in uu helo jawi xasilloon oo maankiisa cariya kana soo tuujiya hal-abuurka. Waxaan uga gudbaa in aanan khasbin ee aan noloshayda kale iska wato. Jawigaygana aan baddalo, sameeyana waxyaabo igu cusub oo maskaxdayda firfircooni galiya. Badanaa badda ayaan aadaa, mararka qaarna in aan dukaamaysi (shopping) samaysto, waxyaabo badan oo kala duwanna soo gato ayaa aniga i caawisa. Dadka way kala duwan yihiin, qofba wax ayaa caawin kara.
Qoraayaasha iyo buugaagta aad ugu jeceshahay waa kuwee?
Faadumo: Qorayaal badan ayaan jeclahay. Balse haddii aan hal buug qof kula talinayo in uu akhriyo, waxa aan kula talin lahaa buugga Tuesdays with Morrie ee uu qoray Mitch Albom.
Ugu danbayna maxaa talo ah oo aad siin laheyd qof doonaya inuu hormariyo xirfadda qoraalka?
Faadumo: Talooyinku way badan yihiin balse waxaa ugu muhiimsan qofka raba in uu wax qoro in uu isagu marka hore maankiisa ka buuxiyo aqoon. Wax akhri, wax akhri, wax akhri, markaas kadib ayuu qoraalkaagu hagaagayaa. Sidoo kale waa in uu qofku si joogto ah wax u qoro, mar walba oo aad isku day badan samayso waxaa hagaagaya jaaniska aad qoraa fiican ku noqon karto.
Adigu wax isu qor, dadka kale ha u qorin haddii aad ku qanacday qoraalkaaga oo aad dareemaysid in wax faa’iido leh ku dhex jiraan qoraa waad tahay. Tan u dambaysa oo aan kula talinayo dhalinyarada qoraalka jecel waa in ay iska dhisaan luuqadda Ingiriiska oo ay si wacan u bartaan maaha sida Soomaalidu Ingiriis aqoonta u taqaanno.
