W/Q: Raym macan Sanqarat
Turjumid: Cabdiraxmaan Caqiil
Waxaa la yiraahdaa “ Hooyadu waa bulsho dhan” intii lagu jiray xaaladdan adag ee nolosha, waxaa meel soke ka soo muuqday kaalinta hooyaday oo aad mooddo sidii faynuus ilmaheeda u iftiiminaysa waddada, gacanna ka geysanaysa in ubadkeeda u diyaariso la kulanka nolosha adag ee ay tahay in ay waajahaan, sidoo kale in ay soo saarto ubad guul ka gaara dhinacyada kala duwan ee nolosha, sida maamulka iyo shaqaalaha; hooyada waxbaratay maclimad kaliya ma aha, e waa dugsi nololeed oo ubadka ku beerta qiyam iyo mabaadi’, sidoo kale waxa ay kobcisaa aqoonta xirfadeed ee ubadka… balse sidee ayay hooyada waxbaratay uga qayb qaadataa diyaarin ubad ogaal u leh maamulka iyo dhaqaalah?
Hooyada waxbaratay waxa ay damaanad qaadaysaa ahmiyadda weyn ee shaqada iyo haladaygu ay leeyihiin, waxa ay ubadkeeda ku dhiirigelisaa in ay qaadaan mas’uuliyadda noloshooda iyo in ay xil iska saaraan hawsha guriga (homework) iyo hawlaha kale ee dugsiga, waxa ayna bartaa qiimaha waqtigu leeyahay iyo sida ugu habboon ee loo maareeyo.
Waxaan shaki ku jirin in hooyadu ay tahay tiir guriga ku taagan, sidoo kale hooyada waxbaratay ayaa iyana lagu tilmaamaa il aqooneed oo aan gurayn; taas oo cuquusha ubadka ku shubta macluumo iyo xog kala duwan, waxayna ku boorisaa raadinta aqoon iyo barashada xirfado cusub, inta lagu guda jiro hawsha wax akhriska iyo doodaha, waxa ay hooyada ubadkeeda ka caawisaa in ay fahmaan qaddiyadaha kala duwan ee dunida ka jira iyo in ay yeeshaan xirfadaha feker naqdinta iyo xallinta mushkiladaha, labadaa shay oo muhiim u ah dhinac kasta oo nolosha kamid ah, gaar ahaan maamulka iyo dhaqaalaha, iyo soo saaridda shakhsiyadda isu dheelitiran dhinac kasta.
Waxay sidoo kale hooyadu ubadkeeda ku gacan siisaa in ay gutaan hawlaha dugsiga sida laylisyada, iyadoo dulqaad iyo samir ku beerta maskaxda ubadka, ka warhaynta waqtigooda ayay sidoo kale ku barbaarisaa hooyada waxbaratay ubadkeeda, waxa ayna taasi ka saacidaysaa in ay ka gungaaraan wixii hawl ahaa ee u yaallay iyo hadafyada u degsan, waxay hordhigaysaa billowga horeba in ay mas’uuliyadooda dhabarka u ritaan, go’aannada iyo qorshayaasha ay dejistaanna ay ka warheyn u lahaadaan.
Dhinaca qorshaynta iyo maaraynta waxa ay hooyadu ubadkeeda ka gacan siisaa horumarinta xirfaddooda qorshe dejin iyo maamul, iyadoo baraysa sida hawl-maalmeedka iyo waxbarashada loo qorsheeyo, waxaa intaa dheer inay wax badan kala taliso sida ugu habboon ee dadka loo la dhaqmo iyo samaysashada jadwal waqtiyeed… Xirfadahani waxa ay muhiim u yihiin dhinacyada nolosha oo idil si gaar ah maamulka iyo dhaqaalaha, iyadoo ay tahay in fiiro gaar ah loo lahaado qorshayaasha iyo go’aannada la gaarayo kolka majaalkan loo socdo.
Hooyada waxbaratay waxa ay tusaale san u tahay ubadkeeda, iyadoo tusaysa ahmiyadda waxbarashada ee nolosha , sidoo kale ku dhiirigelisa in ay yoolashooda gaaraan, habdhaqanka iyo qaab-nololeedka hooyadu waxa ay ubadku ka bartaan dadaalka iyo adkaysiga loo galo in yool la gaaro; waxaaba dugsi ugu filan sabarka hooyada.
Hooyada waxbaratay waxa ay tiir aasaasi ah u tahay dhismaha jiil aqoon ahaan u dhisan, kaas oo diyaar u ah in uu bulshada wax badan ku kabo, kaalinta hooyadu kuma koobna inay ubadka barto akhris iyo qoraal kaliya- waxa ay sidoo kale sare u qaadaa xirfaddooda wax maaraynta, iyo in nafahooda ay ku beerto qiyam iyo mabaadi’.
Hooyada waxbaratay waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa taageeridda iyo garab istaaga ubadkeeda da’da uu doono ha joogo e.
Waxaan la dafiri karin doorka barbaarineed ee hooyada waxbaratay; baaritaanno dhowr ah oo la sameeyay waxay tilmaamayaan in ubadku uu amaan nafsi ah ka helo barbaarinta suuban ee hooyada waxbaratay, sababtuna waxa ay tahay in hooyada aqoonta lihi ee waayo-aragnimda ku darsatay ay si wacan u garan karto macnaha looga jeedo degganaanshiyaha nafeed iyo saamaynta noloshoodu ay ku leedahay.
Si kooban, hooyada aqoonyahannada ahi waxa ay udub dhexaad u tahay dhisidda iyo unkitaanka jiil diyaarsan bulshadana waxgal u ah.
Ubadku waa hantida hooyada, hooyaduna waa hantida ugu qaalisan ee waddan uu leeyahay, waxaynu dhihi karnaa hooyada aqoonyahannada ahi waxa ay mashruuc horumarineed u siddaa qoyska gudihiisa, sidoo kale raadkaasi waxa uu soo gaari karaa mujtamaca ay hooyadu la nooshahay.
Tixraac
الأم المتعلمة … شعلة أمير دروب أبناء
